Muuse Cali Jaamac: Hoggaanka Puntland Ka Jira Sumcad iyo Karaama Kuma Laha Dadka, Reer Puntland-na Waa Isbedel Doon (Dhageyso Wareysi Qeybta 2aad)
Muqdisho (RBC) Siyaasiga Muuse Cali Jaamac oo hogaamiya ururka Isbedel Doonka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dadka reer Puntland ee jooga gudaha iyo dibadda ay maanta yihiin kuwo isbedel doon ah oo raba inay mustaqbal ka wanaagsan kan hadda ay helaan.
Qeybtii labaad ee wareysi dheer oo Muuse Cali Jaamac uu siiyay RBC Radio isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in isbedelada ka socda Muqdisho iyo dadaalada guud ee loogu jiro in xal loo helo arimaha Soomaaliya ay saameyn ku leeyihiin xaalada ka jirta Puntland.
“Puntland waxaa ka jira caqabado siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, masalan ma jiro wasiir maaliyadeed oo aqoon fog leh badanaa waa iskaga saleysan dheelitir qabyaaladeed dad meelo lagu geeysy oo aan xitaa u qalmin in jagooyinkaa ay qabtaan” ayuu yiri Muuse Cali Jaamac oo ka waramay xaaladaha hadda ka jira deegaanada Puntland oo uu ka yimid.
Wuxuu sheegay in nidaamka awood ku qeybsiga qabiilka ee hadda looga dhaqmo guud ahaan Soomaaliya uusan keeni doonin caddaalad illaa laga guuro oo la helo nidaam mabda’ ku saleysan oo cid kasta ay wax ku qaadaneyso aqoon iyo karti.
“Intaa maamuladaas ay qabiil ka taliyaan suurtagal ma aha in wax wanaag ah ay soo hoyaan” ayuu hadalkiisa ku daray.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Doorashada Puntland 2013
Muuse Cali Jaamac oo aan weydiinay in doorashada madaxtinimo ee Puntland ee muranku ka taagan yahay ay dhacayso Janaayo 2013 xilligaasi oo ah waqtiga ay ku eg tahaymudada uu xafiiska joogayo madaxweynaha haatan ee maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, wuxuu Muuse sheegay in dastuurka Puntland uu qeexayo in mudada xilka madaxweyne ay tahay afar sano isla markaana waqtiga madaxweyne Faroole uu ku eg yahay 08/01/2013 loogana baahan yahay inuu doorasho ku tartamo haddii uu rabo inuu mar labaad xukunka ku soo laabto.
“Marka hore waxaa fiican in shuruucda iyo qawaaniinta dalka u degsan in la yaqaano, haddii la yaqaanana waxaa fiican in qolada hogaanka ah inay xurmeeyaan. Annagu waxaan qabaa dastuurka [Puntland] waxaa ku qoran awooda ugu weyn dalka waxaa iska leh ummadda masuuliyiintuna waa adeegayaal dadweyne,. Nasiib darro Afrika badankeed waxa dhaca ninka masuulka ah wuxuu isu heystaa inuu MULKIILE yahay,.. dalka, dadka, badda, cirka inuu isagu leeyahay, inta arintaasi ay taagan tahay waxaa dhacaya arimaha aad ka sheekeyneysid oo Puntland ka jira.” ayuu yiri gudoomiyaha ururka Isbedel Doonka Puntland Muuse Cali Jaamac.
“Maamulkaan [Puntland] waxaa lagu doortay afar sano waxay ugu eg tahay 8-da Janaayo 2013, wixii intaa dheer waa xadgudub, waa qeyru sharci, waa ku takrifal awoodeed, waa wax aanla qaadan karin” ayuu hadalkiisa ku daray.
Muuse wuxuu tilmaamay in ummadda Puntland degani aysan raali ka noqoneyn in xukunka ay kororsadaan maamulka hadda ka taliya Puntland mar haddii aysan ummaddu rabina aysan socon karin isagoo tusaale u soo qaatay kacdoonadii ka dhacay wadamada Masar, Tuunis iyo Yemen.
DHAGEYSO QEYBTA LABAAD EE WAREYSIGA MUUSE CALI JAAMAC
RBC Radio













MUUSE CALI JAAMAC WAA NINI JECEL IN PUNTLND BURBURTO LAAKIIN HADALKIISA CAAQNIMADA AH DADKA REER PUNTLAND ISKAMA HORKEENI KARO.
————————————-
Adeer muuse waa jec laan lahaa inaan kadabo qaato waxaase ii diiday garashaseyda ,Viva Puntland. Viva puntland government
odagaan foosha xun oo tacbaanka ah muxuu badbadinkaraa isaga baa xanano u baahan yaa u sheegay raxanreeb xishooda oo dadka wax ka gadmaya u sheega
Ilma Cali Jaamac ma waxay ku tashadeen in Markii Puntland horumar ku tilaabsaba in ay
Burburiyaa Isku Xishood Muuse oo Puntland qaska ka dhaaf awalbaan walaalkaa eednaye
ninkii dhibta shacabka haysta ka damqada oo hadlaba hadii wiilal rere garowe ah cay lasoo tagan yihiin bal fiiri kuwan iga koreeyay waxay ku hadlayan war miyusan ahayn wadani u dhashay dalkan oo dalkan iyo dadka inuu hogaansho xaq u leh teda kale hadii la dhaliilo faroole maxad kuligiin la wada murara-dilaacaysaan
@Qardhaawi: Ilma Cali Jaamac, Cadde Muuse maxay u mucaaradi waayeen waa ayaga haddeer soo rooraye oo cidwalboo kale ku roorayee?. Ayagoo kale waxba hoggamin kari maayaan ee haku daalin.
Teeda kale meelbaa laidin ku ogyahay oo laidiin daayey meel walba ma laisku darsanayaa . (Shidaalka) Ka waran. Ilma Cali Jaamac inteeyan dad kale wax u doonan marka hore reerkooda haka soo balaabaan bahasha haddii kale dadka qaylada ha daayaan.
Adeer dadka halkan wax ku soo waa reer nugaal oo caadifad ka buuxsantay adeer faroole anagaa keenay anigaana erinayna maxaa yeelay waa qasaaro dowladiisu waa fadhiid garoowe ma dhaafto xagaa mudug ma gaarto tan ilmo cali jaamac waa boqoradaadii adiga i13yo faroole waxaa tihiin diga xaar marka waxaad tihiin umad madax iyo majo isku mid ah balanteenu waa 4sano ha dhamaato hal maalin oo danbe haduu fadhiyo waa la arag kani waa ka shubey j/samatar on his way garoowe j/ samatar2013
Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk isku yaac dheh. War dr tagsiile faroole ma ogola in meesha bilaash uga tago ee iskutashada oo tuulada garoowe dhagta ha laga soo qabto. Adhigiisiina ha maasho ileee waa adhi jire.
waa run oo puntland waa u baahan tahay laakiin yey uga baahan tahay weeye, maaha ina cali jaamac maaha gaagaab , maaha gen, sanatar ee waarag aqoon iyo allah ka cabsi yaqaan, kuwaa allahh noo soo diro laakiin mooryaantaan umadaa waa
NIN JECLEEYSIGA HA LAISKA DAAYO MUSE WAR CAD OO XAQIIQA AYUU KU HADLAY WAANA NIN HORUMAR RABA LAKIIN NIN JUFO WEEYE FAROOLE HADUUSAN UMADA KA HORWAREEGINA WUU BURBURINDOONAA PUTLAND
Dad wax ma garato ah baa puntland ka buuxa sida kuwaan oo kale ,war hadii maamulku wax qaban waayo,waa in la sheego dhaliisha,muse waa nin aqoon yahan ah ,reer puntland ah,kalana garan gara burbur iyo horumar,marka laga soo tago ciyaalkaan qaylinaya ee qabiilka ku taageersan faroole,adeer shalaytaba faroole maamul uu ku jiro buu qaylinayey,baarlamaan inoo dhisan buu ciyaalkii ku laayey,maantana waa kii awood heley,dadka laguma haysan karo xoog iyo qori oo dowladii dhexe baa sidaas ku burburtey,ee ninkaan xukunku waaley meesha hayskaga tagee yaan been loo sheegin,aawey sool iyo dhulbahante,aawey warsangeli iyo sanaag,aawey reer mudug iyo majeerteen weeyne,aawey adeer leelkasihii xurmada lahaa iyo awoowe awrtable,aawey umadii iyo dhulkii loo dhiibey.Siyaasad xumada faroole ninkii qabiil ugu taageera walee puntland dan uma hayo,reer ahaana faroole anagaa ilma adeer ah,ee wiilashiina iska qaylinaya dadka xushmada badan ee dhaliilaha tilmaamaya ha af la gaadeyyninina.
asc odaygan wuuba hurdaa sawyadii loo gudbay axsabta badan oo malintii dhaweyd la ansaxiyey waa duq warersan ninkii raba isbadal oo aqoon iyo karti leh waa inuu ku sugnadaa gudaha puntland maahan inuu ka qay qayliyo dibada sida xisbiyada somaliland waa inaay kuwa puntlnd na haday jiraan ku sugnadan gudaha puntland lakin hadii darbi cidlaa iyo dibada intaad istagto qayliso ma shacabka puntland oo deganan shaha iyo nolosha haysta baad moday inaay kuu sacabo tuman inaad nabadooda yarta ay haystan aadka daadiso adeer dib oga fikir arinkad ku hadlayso
@Xasan Dheere, Khaatumo seeg baan kuu gartay inaad tahay, adeer anaaba raalli kama ihi in wax heshiis ah lala galo Khaatumo, Saxaro qori dheer baa isikaga tiraa, Khaatumo seeg meesheeda iyo meel ka dheer ha iga joogto uma baahni, waxba reer Puntland haisku dhex qarin.
@finiin haddii lakala garqaadan waayo dagaal ciddi wax looga qaado ha arko.
odyabaad tahay run taad ka hadashay
asc wr wb bahda raxanreeb oo wadaniyiinta ah oo aan aad u jeclahey jawaan shukulaato ayaan munaasabada kowda lkuulyo hawada idiin soo marinayaa salaan ka dib .
faroole waxan u bixinayaa magacyo bagab ee ila dhuuxa faroole=careysane ;faroole =taloxume xaasid ah faroole =wax walbo yaqaan boowe anagaa talada soomaaliya garaneyna kkkkkkkkkkkkk faroole=gacanyaraha sanaawi asagoo zenaawi la joogo buu yiri turkigu xalka soomaaliya ma wado subxaanallaah kkkk sanaawi miyaa xalka soomaaliya wado 2bil adis ugu xabisneyd inuu qaranka sidii loo dumuin lahaa kugu aqrinayey faroole=qarandiid waa jabhadii kulmis wuxu doonayaa in sidaa loo kala qoqoibnaado oo soo tarxiile shacabka wadiyiinta ah ee reer baay iyo bakool ileen reer qof reer galgaduud ah sooma taxiili karo kkkk iska fahma yaah raxanreeb qabiil ma yeeleyso reer galgaduud=indhoboodkuheydo kkk dadkii horaa ilaa fahmaayo dhalinta 20 sano u danbeysey shaqoguri u qaata faroole =waxa u umuuqata in sland ey soio daashey oo ay soo laabaneyso marka wuu ka ka hortegeyaa qas camal nooh ileen hada sadbursi uu meesha ku heystaa hadey sland imaado howsha reer koonfureed oo oo raaskanbooni ilaa maaulka faroole iskuqeyb ayey noqonayaan sland oo ay ku jiraan caasho cabdale caliqaliif galeyr reer reer awdal hal xubin bey hoos tagayaan waqooyi iyo koonfur baa loo qeybsanayaa waxa soo soo afjarmaya sedbursigii faroole inuu pland wax ku cuno cabdi welina uu matalo labo ceyn leyn denbe noo moor kkkkkk viva soomaaliweyn waxan soo dhawqeynayaa wadahadalada ka dhacey dubey insha allaah midfnimo iyo guuuuuuuuuuuuuuuuul xaasidku ha jabo inasha allaah soomaaliya oo mid ah ilaahey swc ka baryaa.
Oday Muuse, fikerkiisa waa dhiiban karaa,laakiin anigu waxan oran lahaa, isqabqabsi iyo tafaraaruq yaynaan kala gelin hadeer oo yaan hadalo laysu marin hawada wixii midkiin tabanayo hala wada fariisto oo ha laga wada hadlo,maah maah baatirhada gacmo geel yire hoos baa loo dhaqaa runtii anigoo midna la jifo ahayn,waxan oran lahaa Dowlad la’aan Dowlad xun baa dhaanta, waa in kii hadba meesha jooga ee doorasho ku yimi looga dameeyo intii afka laysu wada taagilahaa amaba wiilal ku dhiman lahaayeen,waa in nabada/ horumarka iyo maslaxada dadka lagu dadaalaa.
Waxan qaba in aan la is caayin , Muse raygisu ka hadalay, marka in la caayo ma mudna , waxase furan in lagala doodo, fikirkiisa , waxan ku dari laha, hadad Faroole diidantahay , yaad heysa oo bedeli kara, waxan kuu sheegya Faroole siyasada dibada iyo tii reer xamarba waa ku guulesatay, hadu hal sano ku darsadana wax dhib ah ma sameenin, waxsnse dhihi lahaba 4 sano hor laeh ha loogu daro , kadib xisbiyadi ha la furo oo ha la soo tartamo, aniga aragtideyda puntland ma joogo qof Faroole dhama, welina sooma marin qof Faroole la karti iyo wadaninimo ah , marka meel cidlo ah yaan la sika mucaaradine, wax cad keena oo ku dooda dadka ispedel doonka ah.
Fardowsa
mahan in la isku afklagaadeey fikarka ka soo baxay adiay muse Ali jama maxaa yeelay waxaaloo bahan yahay in laga guro warka kadibna la eego waxa uu sheegey maxaa ka jira RUNTII PL WAXAY RABTAA CADAALAD IYO SHAQO DHAB AH intana ma aysan helin
tussale waxaa kugu filna
gobalka mudug faroole maxa uu ka aaminsan yahay waligii ma ka hadalay hormarinta g/mudug
[...] Muuse Cali Jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Puntland ayaa Raxanreeb u sheegay innuusan jirin sharci golaha wakiilada Puntland ay hadda ku sii fadhiyaan, ayna tahay in lakala diro si beelaha ay u soo xushaan baarlamaan cuusub. [...]