Nabadoon Puntland Caan ka ah oo Sheegay Cadaalad Darrida Ka Jirta Puntland Ay Keentay Inay Naftooda La Cararaan Salaadiinta, Aqoonyahanada Iyo Siyaasiyiinta (Dhageyso)
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Muqdisho (RBC Radio) Nabadoon C/Casiis Maxamuud Yuusuf Afguduud Afgaduud oo ka mid ah salaadiinta Puntland ayaa waraysi gaar ah siiayay shabakada wararka ee Raxanreeb.com asagoo ku sugan magaalada Muqdisho, wuxuuna ka hadlay arimo dhowr ah.
Waxyaabaha uu Nabadoon Afguud ka warbixiyay ayaa waxaa ka mid ah Safarkiisa Muqdisho, Salaadiin iyo Dad Aqoonyahano ah oo uu sheegay in ay ka carareen deegeenada Puntland, iyo Arimo kale oo dhowr ah.
Arimaha Puntland
Nabadoon C/Casiis Maxamuud Yuusuf Afguduud Wuxuu sheegay in ay jiraan salaadiin Aqoonyahano iyo waliba Siyaasiyiin iyo dad kale oo ku wanaagsanaa qaybaha Bulshada in ay isaga carareen dhamaanba deegaanada maamulku uu ka arimiyo.
“Waa la ogyahay dad badan ayaa Puntland isaga baxay waxayna ku baxeen wax la ogyahay oo aanan la qarin Karin,” Ayuu Yiri Afhayeenkii hore ee Salaadiinta Puntland.
Maamulka madaxweyne Faroole ayuu ugu baaqay Suldaan ka shaqeeyo cadaalada iyo waliba sinaanta, wuxuuna sheegay in aysan wanaagsanayn in dadkii wax garadka ahaa ay isaga tagaan meesha.
“Waxaad Moodaa in Meesha haatan aysan ka jirin wax cadaalad ah taasi oo kentay in ay isaga baxaan dhamaanba Puntland dadkii nabada doonada ahaa ama layaqaanay”ayuu hadalkiisa ku sii daray suldaan Afguduud.
Safarkiisa
Wuxuu sheegay in markii uu katagay Puntland uu gaaray deegaanada Soomaaliland, Mudo halkaasi uu joogay ka dibna uu soo aaday dhanka magaalada Muqdisho maadaama sida uu u yiri haatan lagu jiro xili isku guur ah.
Nabadoon ayaa sheegay in loo baahanyahay dadka Soomaaliyeed ay midoobaan wuxuuna sidoo kale uu xusay in uu qayb ka yahay dadaalada ay wadaan odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed eek u sugan magaalada Muqdisho.
“Waxaan u imaanay Muqdisho in Umada Soomaaliyeed aan tusaalayno, wixii aan talo Soomaaliyeed aan ku leenahay” Ayuu Yiri suldaankaan ka mid ah salaadiinta Puntland.
Nabadoon C/Casiis Maxamuud Yuusuf Afguduud ayaa wuxuu ka mid yahay dad badan oo isugu jira salaadiin, Aqoonyahano iyo waliba Suxufiyiin bilihii u dambeeyay isaga cararay deegaanada Puntland, iyagoo u baqaya Amaankooda.
AMA HALKAN KADHAGEYSO WAREYSIGA
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














AFGADUUD runbuu sheegay ,meshaan wax qariyo ma jiraan wax kaste waa la ogyahay, buntland waa dhul soomaaliyeed laakiin faroole waxa uu ka dhigay dhul qoys.
Haddiiba cidi kuu jawaabto suldaan dhab ah baa tahay.
maaha nabadoon, ee waa qolooyinka hoos kala jira qaswadayaasha. waayo hadduu yahay NABADOON dadka doortay ayuu lajoogi lahaa NABADANA wuu kashaqayn lahaa. teeda kale NABADOONBA uma eka ee wuxuu u muuqdaa nin nabad-dooninimada hadda dhacsanaya.
Raxanreeb waxaan u maleynayaa Hadiiba aad qiil uraadinaysaan sidii aad nooga gadi laheyd shaqsigaan oo kale maxaa hadalkiisa qaybtiis u gooyseen ? Waxaan u maleynayaa inaad jeceshihiin in la idinku amaano saxaafad runsheega ??????? , nin kaan aad leedihiin waacaan ma aqaan ciduu caan u yahay anigu shaqsi Ahaan waligeey mamaqal mana arag maanta ka horoow waxaanse u maleynayaa reerbuu matalaa siduu sheegay iyagaana noo sheegi doona, Ogaadase Faroole waa la mucaaradi karaa laakiin shaqsigii neceb intuu yahay head of state puntland buu neceb yahah kana dhageysan meeyno waxaad rabtaan aqriya waxaad rabtaan aqriya
mohamud mohamud waa nin cadaalada ka fog puntland dulqaad bay kuwada joogta ee cadaalad kama jirto nabadoonku waaa runtiis kaam jirto puntland caddaalad iyo nabad laysku halayn karo habeen walba nin wax ku ool baa la dilaa faroole wuxuu rabaa inuu la,dilo nin kasta muuqa si uu u helo kursiga amadaxaweynaha mar kale taasna ma helaayo maan shaqaynayso wuu ku fashilmay maamulka puntland haysakga tago
waxa uu sheagy nabadoon afgudud waa wax xaqiiqa ah maxaaa wadana la joga so usagu xiri mayo mucjiso ale ha ku so rideee
Ma ninka sanad ka hor Hargeysa qayilaada iyo tumashada u doontaad nooga dhigteen inuu maanta uga cararay PL nabad daro.
Raxanreeb hadaad wax noo buunbuunineeysaan maxaa idiin diiday inaad dhinaca wanaaga buunbuunisaan. Ileen meeshan waa lawada leeyahay haduu guri gubtana kaagaa ku xigee?
waawareey war kan nabadoon maahan waa jamhad cadaystay isaga iska dhaafe awoowgii meelkama soogalo salaadiinta waana lawada ogyahay taas, tankale waxaan filayaa wadada siyaasada loomaro ayaa kaqaldantay ee tilmaan hala siiyo kkkkkkkkk.
Nabadoon magaciis ayaa ba,ay. Duf alle kubad. waar nabadoonimadiisana lama yaqaane maro ku dheg weeye. Waxar jaban wallee in aanan kgu aamineen, saa weli waad ba,ayaysanaysaaye.
Doc kayeer ayaa tahay oo waligaa nin cadowgiisa iska dhicinaya ayaa wax ka sheegtaa, haddii aad run sheegaysid maxaa u hadli weydey intii aad joogtay Bosaaso, waa adiga xamar oo ku farxada dhibka PUNTLAND afka isku qaban waayeye!!!
warkan waa kii dadka isku diri jiray sxb dagaalada ka socda qardho iyo dhibaatooyinka ka dhaca soonaha qardho waa ina afguduud walaalkiis weeye waana la yaqaan waxan ku dhihi lahah waxa taaaahay reer qardhood ee ma tihi reer muqdisho yaan war xun kaa tagin ee riwaayada la wada run ha moodin
langaabkan maxaa walay soo kii lahaa shalay hargaysa isaga oo joga sool iyo sanag waa somaliland puntland waxeedu waa gardaro isagaa oo rabay xoogaa qurbaan ah in lasiiyo waxaan oo kale waa nin matagay
Afguduud, waa nin Caasi ah oo aan matalin Jifadiisa, mana sheegin war Xaqiiqo ah — Alle ha uga baqo Beenta , Puntland dhibta uu sheegay ma jiraan— Raxanreeb Shirka hala timaado Dadka Runta u saaxibka ah.
Horta ninkaan hadlay wixii ka hadalsiiyey buu qabaa waa jirtaa rag deegaanka ah oo dhibaato sheegtey dowladu waa jirtaa inay meelaha qaar ku fashilantey mudug kama heysato aqlabiyad barina haba sheegin xitaa karkaar sool iyo sanaagna waa la ogyahay markaa faroole 4sano dhameyso isaga tag meesha rag kale oo cusub hayimaadaan dont worry faroole garoowe waa caasimadii hadaad jeceshahay anagu dhamaan weynu jecelnahay waana dhisaynaa walaale lakiin adigu duuduub nagu dhaaf
kkkkkkkk afnoolba wayska hadlaa midkastaa kofi dheer buu soo gashan markasuu nabadoon shegan bal yuu madax u yahay cajiib weeye waxbaa la dhalilaa buu maqlay puntland cadawgeeda allaha jabsho aamiin
Waxa ah wax laga xumado ah , islamrkaana ah wax laaga xishoodo , in puntland lagu sheego meel nabbad xumo , iyo in la dhao waa laga carara waxan ka jira shirqoolo, waa beenale ninkii yiri puntland waa la isku shirqoola waana laga cararay, anaga kamid ah aqoonyahandawaxan ku leenahay asxaab badano oo isugu jirta aqoonyahano caaqilo iyo dad wax ku ool ah , weli ma aanan arag wax wax shirqoolayo , saan ka aheen shidooyinka somalai ka jira mida ugu yar ayaa ka jirta puntland waxan ka masuul ah kuwa qoralada beenta ah soo geliya websidyada , marka ninka sheeganaayo nabadon isku xishood oo ilahay ka baqo umadana ha khaldin , ilalina magaca aad wadato oo ah Nabbadoon , ha noqon fidmo doon.
ASCaleykum, koleytaba hadalka qofka waa la ixtiraama oo la dhageystaa lagama hor yimaado shaqsiyada qofkana wax lagama sheego waxaan lahadlayo waa dadka waxgaradkaa ee diinta yaqaana iskoolna soo marey micnaha waxbarasho. Anigu waxaan qabaa qofku markuu tiisa daryeelo ayuu mid kale ku daraa maamulka Goboladaas ka jira waxbadan weey qabteen laakiin wixii jira oo dhibaato ah in laysu sheego waa ila quman tahay waxaana wanaagsan in qofku illaah swt ka baqo wixii dhibaato ah oo jirana si wanaagsan oo aan burbur keenin looga hadlo. Somaliya maanta taladeeda uma madax banaana laakiin illaah swt dadka dhibaatada ku haya hanaga qabto muslim iyo gaal waxeey yihiinba khaatumadana allaha noo hagaajiyo yaan laysku danbaabin halakala xishoodo sc.
Kkkkkkkkkkkkkkk Oday wareeray weeye, adeer haddii aad wax tari lahayd wadankaaga kamaad tagteen, reer xamarna dhib ha ula tagin.
Puntland adigoo kale waa in laga saara si ay u hormarto, lacagbaad iska rabtaa innaan iska cunto without any thing.
Nabadoon matihid, ee waxa tahay Bala-Doon
runsheeg waa ceebsheeg xaqiiqda kafogow garab waayi mayside runta nac hiilwaayimayside waa cadaaladxumo in ladhaliilo runta iyo ruuxeeda runtu waanolol runtu waa barwaaqo runtu waa abni runtu waa wax bulsho kuwada soconkorto runtu waa waxa qowskutaaganyahay waxaa intaas oo dhankaway runta allaa jecel walaalayaal nabadoonku beenmasheegin shaqsiyan waxaan kasoo jeegaa gobalada waqooyi bari igama suurtowdo hada in aan afka soomariyo puntland baan ahay sababtu waa maxay ninbaa amxaarla hishiiyay maamulkiina lahoosgalay milas baana amra milasna ma ogala aqoonyahan dhagtar macalin mid maadi ah iyo middiini ah iyo war lalisyadii waxii dhacasheegijiray xataa ganacsatadii wax fiyoowmalaha kaan hada arkaynow ogoow biri baad arkaysaah barigii waqooyi lagu cadaalada xumaaday markay kiidilayay ay naflacaariga ugutimidbay waxaa loogu dhaqaaqay aflagaado iyo in layiraahdo xabadikeentay iyo jawaabtay kabaxsheen oo aad ufududayd oo ahayd xabadi sugtay
ana ka marag ah in afguduud uu cadaadis ka cararay iyo missions la rabay in loo dhigo wayo wuxu la fikir ah AUN abdulahi yussuf oo aan marnaba ku qanacsanayn sida uu faroole wax u wado balse ka doorbiday inuu aamuso intay puntland bur-buri-lahayd waxan leeyahay oo aan usoo jeedinaya shacabka puntland war hogaamiye kooxeed miya noo dan ah mise madaxwayne dalka iyo dadka wax kusoo biiriya ?
Sida nabdoonku sheegay waa wax jira in intii faroole joogay amaanka Puntlaand gacanta ka baxay.
waa nin isima in la aflgaadeeyona wax dhici kara maaha ..raga cayda la taagan ee ku qoraya meesha waa rag u badan kkabqaadadii faroole…qarnigaa lajoogo baad arkaysaa nin aan keligii ra’yigiisa cadaysan karin oo ah fadalan ku shubo.
NABADOONKU MALEH MIYAA DEEGAAN IYO DADK UU NABADOON UYAHAY MAXAA WAREEJIYEY OO UU RAADINAYAA NABADOON SOO KII DADKIISA IYO DEEGAANKIISA KU DHEX AMAANNAA OO KA DHEX MUUQAN JIREY MAAHA? NABADOONOOW XAAL QAADO WADANKA P/LAND ADEER NABADOONO LAGU DHIBAATEEYEY MAANU MAQALE WAANA LAGU KARAAMEEYAA NABADOONADA IYO CUQAASHEE HADAAD ADIGU XAMAR DANO IYO JAGO USOO DOONATEY WAA BAAB KALE. AAWEYSE HAYBAD AYAEY NABADOONIMADU LEEDAHAYE HUGAAGII IYO HEYBADAADII UMA EKA NINKANI NABADOONE SEE WAX UJIRAAAAAAAAN ISU KEY QABAN LA, WALEE ?
Magac Suldaan baa iska ba’ay cid waliba oo jiri ah oo wax ma garato suldaan bay sheegataa, war yaa yiraahda ninkaan orodoo Kabardh kaagi qaadka ee aad ku laheeyd boosaaso isaga noqo
ugaas mar idhaha burrruuruuu
KALIMAADKA WAA RUN WAAYO FAROLE KUMA XUKUMA PUNTLAND MARAKAN JACALKA UMADA LAKIIN WAXA UU KU XUKUMAA NABAD JACAYLKA IYO IN DOORASHO LOOGO XAYUUBIN DOONO XILKA MADAXTIIMO EE PUNTLAND
maasha’alaah waa suldaan c/siis afgaduud waa nin qaymo kuleh puntland iyo somaliyaba waa nin aqoon leh waa muwaadin soo,aliyeed waa nin dadka isku aruuriya waa halyey waana ku kalsoonyihiin dadk reer puntland suldaan noolow,faroolana ilaahay umada haka qabto meesha waa uu burburiyey waana faashil soomalida dhexdeeda waana nin iska hadla ,sumcadii puntladn hoos buu udhigay dadkiina wadanka waa ka qaxay muqdisho baa loo qaxay/
mahaha nabadoon in uu caayo dadkiisa iyo dawladiisa waa kii midka khaldan doosin la ahaa una dulqaadanlahaa nabadoon maha saxaafada midka kacaayaya ee waa xumaan doon waana ri isnuugtay waayo waxuu caayaya meesha uu kasoojeedo dadkana uu kicinayaa kaasuna nabadoon caan ah ma aha ama matalasha shacabka
ina af-guduud horay buu adeer Cabdullaahi (allaha u naxaristee) xilligiisii u soo baashaalay ee hadda miyay la xumaatay ? NABADDOOOOW meeshu waa Dimuqraadiyad ee Shiikh Faroole iyo xulafadiisa xilligooda ku xaq dhowr dee. lol
HASHII HORE OO GEELAANBA DHASHAY AYAA XAARAAN AHAYD kkkkkkkk marka DAAHIRIN AAD U WAYN BAY U BAAHANTAHAY.
ader nabadon xaq u dirir umada somaliyeda guul suldan nolow waliga
Sxb anagu suldan noyahay adigana aqonsi kagama bahna mamulka puntland wuxu yahay walagu shegay e nac nacda iska dhaf nabadonku wuxu ka caroday marki dad kasojed kiilka shanad lodhibay malez zanawi idacadu kahadlay in dadkasi wax danbi ah aysan lahayn habenki bana lotagay gurigisana lagala baxay xabsi ayana la galiyay marka away xoriyada iyo cadalada puntland kajirta waxan u shegaya shacabka in dadki inti farole khaladkisa ku racda moye iyo inta ka amusta moye inti kale xabsi lawada gashay sida siyasiga bile qabow nabadon c/qadir muse inti xariga iyo dilka kabad baday muqdisho ayey jogan kuwa kor ku caytamaya wa calaqatayal xaqdarad kula safan faroole
Nabadoonka runta ayuu sheegay. Caruurtayda waan ka raray Puntland, waxaan u guurnay Moqdishu. Faroole nabad la’aan, cadaalad daro, iyo wax is daba marin un buu inoo soo hoyay !!!
Asc shaqaalaha raxanreeb salan kadib aad ayaad ugu mahadsantihiin xaqiiqada jirta sida aad noogu soo bandhigtaan waana ognahay xaqiiqda Puntland ka jirto mana ahan mid la qarin karo waana xaqiiq nabadoonka arimaha uu ka hadlay dadka coments ka qoray inaysan garanayn nabadonka waa dad xaqiiqda ka fog waaana dadka looga soo cararay puntland C/casiis afgaduud waa suldaan caan ka magaalooyinka puntland waana suldanka beesha cabdiraxiin ee gobalka bari wuxuuna lamid yahay islan ciisaha ciise maxamud booskiisa ayuu u joogaa beesha cabdiraxiin
Suldaan hadeer baad ka cararteen puntland anigu markii ladoortay farolle ayaan ka cararay
tolow hala dulqaato ninkii faroole neceb iyo ninkii dagaanka dadka dagan neceb waa soo bixi doonaa dhulbahante waa cabanyaa cumar mxamuud waa cabanyaa cismaanka shidaal been ah ayaa ku mashquuleen warsangeli slshabaab ayaa xanaaq u soo dhaweeyeen leelkase oo runtii ahaa dad dhiig leh oo tol ah oo dadkii wxa lawada samaysty ah waa cabanayaan reerbari xoolo kuma harin sidii garoowe loogu wady dowlad fadhiid ah qabiil ku taageeri mayno cadaaladaa laga hadlaa ninkii cid gaara neceb oo tolkiis ah ama dagaan gaara aragti xumo ama jaahilnimo isagay u daranthy xaasid iyo cuqdadna heer laguma gaaro 4 sano markay dhaamaato ayaa ceebi taagan tahy marka reerkisu ku taageero xaqdaro iyo nin dadkii isukeeni waayaya oo kala yaaciyay in loogu daro sanad kale maalin loogu daro mayo faroole siyaasada dibada waa hagaajiyay fadaraalka waa dadaalay lakin gudaha waa kala eryaya dadkii taasi waa xaqiiq
PUNTLAND BOY SXB HADII AAD GARANWAYSAY NABADOON AFGUDUUD WAXAAN U MALAYNAYAA INAAD TAHAY DADKA SOO GALOOTIGA AH EE AAN AHAYN REER PUNTLAND AMA AAD TAHAY DIASPORA DHAQANCELIS AH OO DALKA LA SOCON XAALADA KA JIRTA.
NABADOON AFGUDUUD WUXUU SHEEGAY OO DHAN WAA XAQIIQ DALKA KA JIRTA OO AAN U BAAHNAYN INDHO ISKA TUUR. WAXAANA RAJAYNAYNAA INAAN IS BEDEL HELI DOONO HADII ILAAH IDMO HADAAN NAHAY SHACABKA REER PUNTLAND.
WAR WXAASI NABADOON MA.AHAN