Natiijada Doorashadii Masar Oo Maanta Lagu Dhawaaqayo (Warardheeraad Ah)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

{Dadka Masaarida oo sugaya natiijada doorashada }

{Dadka Masaarida oo sugaya natiijada doorashada }

Cairo (RBC) Waxa maanta oo Axad lagu wadaa in lagu dhawaaqo natiijada doorashada madaxweynaha dalka Masar.kaddib markii dhawaantan la hakiyay xiliga lagu dhawaaqi lahaa.

Dadka reer Masar ayaa dhagaha iyo indhaha ku haya najiitada oo ka war sugaya cida ku guuleesata oo ilaa hadda la hubin kuu noqon doona labada nin ee isugu soo haray wareega labaad ee doorashada dalkaas oo dhawaan dhacday.

Taageerayasha Maxamed Mursi oo ka socda xisbiga cadaaladda iyo xoriyada oo ka tirsan ikhawaanul muslimiinka iyo Axmed Shafiiq oo ahaa ra’iisal wasaarihii ugu dambeeyay dowladda Masar ayaa mid kasta waxa uu sheegaya in ay iyaga guuleesteen.

Waa markii ugu horreysay ee dadka Masar ay doortaan madaxweyne cusub tan iyo markii kacdoonkii Masar awooda looga tuuray Xusni Mubaarak muddo hadda laga joogo 500 oo cisho.

Tobanaan kun oo qof ayaa habeenkii lixaad ku hoyday fagaaraha Taxriir kuwaas oo taageersan musharaxa Ikhawaanul Musliiminka.waxa ka mid ah dadkaas Cumar Ashuura oo macalin siyaasada iyo Seeniska ka dhigay oo ku taala Qaahira waxa uu lee yahay dalka waxa ka bilowday nidaam dimuquraadi ah, maxaa yeelay marka aad aragtid dadka taageersan Ikhawaanul Muslimiinka iyo kuwa wadooyinka ku sugan Qaahira

Guddiga Doorashada ee dalka Masar ayaa sheegay in maanta oo Axad lagu dhawaaqi doono natiijada doorashadii madaxweyne ee dalkaas, iyada oo dalkaas ay ka jirto kala fogaansho aad u muuqata shacabka u dhaxaysa, gaar ahaan kuwa kala taageersan labadii murashax ee tartanka iskugu soo haray.

Sidoo kale dalka waxa ka taagan xiisad weyn oo ah xagga siyaasada, laakin wariyaasha waxa ay lee yihiin xaalada waa mid nabad-galyo leh oo wax dhib ah lama soo warin.

 

       Taarikhda Laba Musharax

Lamada Mushar ee isugu soo hartay doorashada Masar

Lamada Mushar ee isugu soo hartay doorashada Masar

 

Axmed Shafiiq:  waa 70-jir, waxa uu ahaa duuliye diyaarad, sidoo kale waxa uu soo noqday ra’iisal wasaare intii u socday dibad baxyada bishii February 2011, w

Maxamed Mursi : waa 60-jir waa injineer prifisoor ah, waxana uu wax ku soo bartay dalka Mareekanka.

Waxa uu madax ka yahay xisbiga hoostaga ikhwaanul muslimiinka ee Xoriyadda iyo cadaalada (FJP)

Waxa uu soo noqday mudane baarlamaan 2000 ilaa 2005.

Waxa uu ballan qaaday in uu dalka xasilooni, amni iyo baraare uu galin doono haddii uu madaxweynaha cusub noqdo.

Talaadadii la soo dhaafay xisbiga ikhawaanul Muslimiinka waxa ay sheegeen in musharaxooda Mr Mursi uu ku guuleestay doorashada oo ilaa hadda uu helay codad gaaraya ilaa 51.74%, halka taageerayaasha Axmed Shafiiq ay sheegeen in musharaxooda uu ku horreeyo oo ilaa hadda uu heesto 51-Milyan oo cod.

 

RBC Radio

=============

Xafiiska Wararka Bariga dhexe

 

Share

Tags:

Leave a Reply