Natiijadii Ay Ku Dhamaatay Kooxaha LLPP Jeenyo & Saxafi (Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Iyadoo horyaalka kubada cagta Soomaaliya ee heerka 1-aad 2012 uu shalay galay maalintii 2-aad ayaa ciyaartii shalay waxaa isaga hor yimid kooxaha kala ah LLPP Jeenyo iyo Saxafi Hotel, cayaartaas oo ahayd mid aad u adag dadweyne aad u farabadana ay kasoo qeyb galeen daawashadeeda.

Islamarkii ay cayaartu bilaabatayba labada kooxood waxaa ay bilaabeen weeraro ay mid waliba ku qaadeysay goolka kasoo hor jeeda, iyadoo kooxda Saxafi ay lumisay fursad ay gool ku heli kartay, laakin Nuur Cabdi Muxuyadiin oo u safta kooxda Jeenyo ayaa gool ka dhaliyay kooxda Saxafi oo uu horay ugu safan jiray markii ay ahayd SITT,w axaana goolkaas uu dhaliyay daqiiqadii 15-aad.

Cayaaryahanada kooxda Saxafi waxaa ay isku dayeen in ay goolkas iskasoo gudaan laakinj uma suuragelin waxaana cayaarta qeybteedii hore ay ku dhamaatay 1-0 oo ay kooxda Jeenyo hogaanka ku heysay.

Markii qeybta labaad ee cayaarta la isugu soo laabtay ayaa cayaaryahanka la yiraahdo Bile muxuyadiin waxaa uu kooxdiisa u dhaliyay gool daqiiqadii 53-aad ee cayaarta qeybteedii dambe goolkaas oo madaxa uu ku dhaliyay.

Sida ku cad jadwalka tartanka maanta oo Arboco ah waa la nasanayaa waxaana barri oo khamiis ah iska hor imaan doona kooxaha kala ah Heegan iyo Dekedaha.

Intii cayaartu socotay waxaa la bixiyay laba jaale oo keliya sidan ayayna u kala qaateen cayaartoyda labada kooxood.

 

Garoonka Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho oo ay ku ciyaarayaan LLPP Jeenyo iyo Saxafi Hotel

Garoonka Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho oo ay ku ciyaarayaan LLPP Jeenyo iyo Saxafi Hotel

 

Ciyaartii shaley kooxaha Saxafi iyo LLPP Jeenyo ka Jeenyo
Ciyaartii shaley kooxaha Saxafi iyo LLPP Jeenyo ka Jeenyo

 
 
Share

Tags:

1 Response for “Natiijadii Ay Ku Dhamaatay Kooxaha LLPP Jeenyo & Saxafi (Sawirro)”

  1. hogol says:

    mansha lah muqdisho nuur aya ka muuqda allow usiyaadi caasimadeena allow nabad ka dhig

Leave a Reply