Odayo Dhaqan mise Odayo Dhibaad?! W/Q Bashir M. Hersi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Odayo Dhaqan mise Odayo Dhibaad?!
Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com
Juunyo 16 2012

Alla Dhaqanguurka ka dhacay baaxad weynaa, haddii dhallinta dhalanrog lagu dhaliilay, haddii da’yarta dammanaan lagu daabacay, Odoyo dhaqameed dhaqan oday iyo dhaqan Dhaqan laga hayn, maxaa lagu dhigaa?.

Aanse xigtee, Dhaqan iyo Oday dhaqamadeed, maxay kala yihiin? Maxaase ka dhexeeya, oo isu keena? Warcelinta weydiinta aan Xeeldheerayaasha u daaye, aqriste, qormadan waxaa igu dhaliyey laba arrimood, oo kala ah:

-Qaab xulidda Odayada soo xuli doono Xildhibaannada.

-Dhacdo ka dhacday shirkii Istanbul.

Gadgaddoonka waayuhu waxbay dhigaan,  waa Macallin aan maal iyo marasho doonayn, socod iyo soofna kaa rabin, ka talinta xaajo dhiig ama dhaqameed waxaa Soomaalida uga arrimin jiray Odayaal magacyo kala jaad ah leh, balse, xil iyo xushmaba isku mid ah, sida: Ugaas, Garaad, Duub, Beeldaajiye, Boqor, Imaam, Malaaq, Suldaan, Wabar, Nabaddoon IWM, Magacyo muunad gaar ah lahaa, maqaam aan qof walbaa maanka ku hayn iyo maamuus gaara lahaa. Maantase laga yaabo inay u sii xuubsiibanayaan badanaa oo Barako yaraa!

Waxay ahaan jireen Madaxda Bulshada aan hadal lagu soo celin, balse, curashadii Dawladdii casriga eheyd ka dib,  kaalintoodii hoos u dhac ayaa ku yimid, maadaama doodaha dadka dhexmara la wareegeen Karraaniyaal, Qareenno iyo rag si gaar ah ugu tababaran.

Burburkii dawladda ayey soo laba kacleeyeen, la islahaa malaha kaalintii shalay ka luntay ayey dib u soo ceshan doonaan, maadaama cunsurkii ka saaray uu meesha ka baxay, waxayse si toos ah uga qaybqaateen dagaalladii sokeeye oo ay leeyihiin qaybta ugu weyn!

Waxay jabiyeen xeerarkii Soomaalida u yaallay, waxay noqdeen danlay u taagan magaca Beesha, waxay horseed ka noqdeen tacaddiyadii ballaaranaa ee Dalka ka dhacay ama sharci yeeyeen in lagu koco xadgudbyadaa, haddaba, ma loogu yeeri karaa: “Oday Colaadyo!?” inta aanan ku dheeraan Odayada sheekadooda, aan bal laba arrin oo mid walba naxdinteeda lahayd oo qormadu xuddun u ah xuso.

Dawladda Shareecada ee Shariif hoggaansho ayaa xabsiga u taxaabtay Maxamed Cumar Xabeeb M. Dheere, tii dhacday waaba la ogaa, gudaha wadanka iyo dibaddiisa waxaa is qabsaday shirar isugu jira cambaarayn xiritaanka M. Dheere loo gaystay, taageero iyo codsi lagu dalbanayey in xabsiga si degdeg iyo shuruud la’aan ah looga sii daayo.

Marka laga soo tago, ujeedka loo xiray, sida loo xiray, qaabka loo xiray iyo in loola dhaqmay sidii maxbuus iyo in kale, oo ah arrimo Garsoorka iyo siyaasadda la xiriira, waxaa is weydiin mudan, M. Dheere waa kuma? Maxaa lagu xasuustaa? Muxuu dadka biday? Dhib caynkee ayuu umadda u gaystay? Ma mudan yahay in loo moojiyo taageero caynkaa ah? Hadday haa tahay, muxuu ku mutay? Hadday maya tahay, muxuusan ku madan?.

Weyduumuhu badan, balse, warcelintu ayaa isugu soo aruuraysa in, M. Dheere uusan magac iyo muunad midna ku dhex lahayn bulshada Soomaaliyeed, magac wuxuu ka leeyahay inuu ka mid ahaa, qabqablayaashii dalka iyo dadka isbaarada u dhigtay, dabcan, ayna u sii dheer tahay inuu qayb ka qaatay dadka laga gadayey Xabashida.

Haddaba, waxaa weydiin ah, M. Dheere intaa oo isu soo bax ah ma muxuu ku mutaystay? Haa waa garannaaye, waa qabyaalad iy qabiile, weydiinta kale, ayaa ah, oo kan xiray iyo kan la xiray, saw isku hayb ma ahan? Mise sheekadu waa sidii Basasha oo kalee, waa la sii kala falliirmay ama qab dhacday, waa ayaan darro weyn qabqable qabiil ugu qiili!

Midda qarracanka dhalisay ayaa ahayd, in inta isu soo baxyadaa ka hadlay ay isugu jireen qaybaha bulshada, dabcan, ay hurmuud u yihiin Odayo aan marna laga reebin magacooda dhaqan, taa oo kuu muujinaysa inta dhibka jira uu daaran yahay ama la egyahay, oo aan la kala soocayn kuwa dhibka gaystay iyo kuwa aan gaysan? Inta middan umadda ku dhexjirtana wax wanaaga ha filanina.

Shirbaa muqdisha ka socda, ergada joogta waxay ku magacaaban yihiin “Oday dhaqameed” qaabka loo soo xulay, sida loo soo xulay iyo hannaanka lagu soo xulay dood adag yaa ka taagan, waa Soomaali caadaddeedee buuqu maalmaha hore ayuu ku ekaaday, waxaaba sii damiyey ka dib markii martida shirka gabran loo qaybshay “Hoos GuntiyoGunno lacageedna loogu daray.

Odayadii shirka ka qaybgalayey iyo kuwan lagu sheego bulshada rayidka ah ayaa shir looga furay wadanka Turkiga, dabcan, ujeedka shirku wuxuu ahaa, maadaaama dawladdu Turkigu ogaatay Majaha [Shacabka] baahidiisa; Abaaro, Gaajo iyo Macalluul, gurmadkuna wali socda, sidoo kale ay ogaatay madaxda [Saxallada] baahidooda Roadmap [Dhabbaha dhigan] iyo Kampala accord, ayey ujeesatay inay ogaato baahida caloosha [Bulshada rayidka] qiimaynteeda waxa ka soo baxa waan u joognaa, in kasta oo loollan adag lagula jiro.

Maalintii labaad ee shirka gabar magaceedu yahay Caasha Kiin, kana mid ah Guddiga Dastuurka, ee Qandhada Qabyo qoraalka noo soo qoray, oo anigu aanan bar garanayn, Bah garanayn, Berrinna garanayn, ayaa hadal ka jeedisay kulankii, intii ay hadalka wadday ayaa waxaa si kadis iyo lama filaan ah ugu soo fakaday Naynaasta caanka uu ku yahay Sharif Sh. Xasan Sheikh Adan, ee ah “Shariif Sakiin” ka dib wixii dhacay waaba la ogaa.

Eray aad kas u tiri iyo eray kama‘ kaaga dhacay isku mid ma ehee, gabadhii waa kala badbadatay, manasadii ay ka hadlaysana la noqotay Maxshar Qiyaame oo kale, ma yaxyaxbaa ka keenay? Ma baqdinbaa ka keentay? Ma xilkasnimaa ka keentay? Weydiimuhu badan, midse ay noqoto, hubaal inay ka gaarto Allow yaa Jiir iga dhiga! Is dhuudhuub iyo is yaryaree, waaba haddii loo gartaye.

Naynaasta Sharif Sh. Xasan Sheikh Adan ee ah “Shariif Sakiin” marka gabadha afkeeda ka sii dhammaanayey, ayaa waxaa is qabsaday qosol, sacab iyo sawaxan, ma gabadhaa dalbatay, oo soo abaabushay? Hubaal warcelintu inay tahay maya, balse, waa ku qabatay iyo qod xumaan lala doonay ka soo jeedee, gabadhii waxay isla markii dareentay in ereygeedii farriin xun gudbiyey, oo isku dayday inay dabagaarto, balse, ma noqon, oo waa ka dheereeyey, “Dhagax meeldhaw ayuu ku dhacaa dhawaqna meel dheer”, waxaaba ka sii darraa dhillada uu dhaliyey.

Gabadhu inta kol ee ay tiri, waan ka cudurdaranayaaa, raalli ka ahaada,  lama tirin karo, haddana, dhag iyo dhug midna looma yeelan, haddii xaal sidaa yahay, ayaa waxaa shirka isaga baxay Odoyo ay isku abtirsiimo  yihiin Sharif Sh. Xasan Sheikh Adan, kuna dooday in wax loo dhibay Siyaasi beesha u dhashay, shirkiina sidaa hakad ku galay, dood dheer ka dib, waxaa Odoyadii  carooday lagu xaalmarshay Kun Dollar, Koofi iyo Kitaab Quraana! Alla Kitaabow maxaa lagugu takri falay!

Aanse in yar gabadha u doodo anoon garanayn, isku goof ama gobolna ahayn ogaalkaygee, waxaa lagu celceliyey in qaladku ka dhacay gabar, iyadoo waliba la adeegsaday eraga Carabiga ah ee “Nisa” run ahaan qaabkaa wax loo sawiray, wuxuu muujinayaa in gabadha iyo dumarkoo dhanba goobtaa lagu liiday, iyadoo laga dhigay hadduu goobtaa nin ka hadli lahaa inaan qaladkaa dhici lahayn, waaba iga su’aale, dumarku ma ragga ayey ka caqli liitaan? Saw hore looma oran: “Hafyo hadal kuma jirto” iyo “Nin Habari dhashay hal ma seegi waayo”.

Dhanka kale, aan weydiiyo Odoyadii carooday, ninkan aad u dooddeen magaca ma gabadhaa goobta ugu bixisay? Ma markii ugu horraysa ee la maqlaa? Mise waa magac horay u baxay, oo muddaba loo yaqaanay? Sida kale, Shariifkan aad u doodaysaan waxaa xilka ka qaaday tiradii xilka u dooratay tiro ka badan, mudda lix bil ku dhawna waxaa u afduuban guddoonka baarlamaanka, maalinna ma dhahdeen wiilkeenoow Soomaalidii xilka kuu dhiibatay waa kaala noqotee, si kale wax ku doon, oo jooji mara ku dhagga?.

Midda muhimka ayaa ah, maxaad qatifka gabadha ka dhacay uga carooteen, oo aadnaan ka gilgilan qaladka qarada weyn ee uu qaranka Soomaaliyeed ka galay Shariif? Ma diiddani in isbahaysiyo jiraan, balse, sida haddaba looga gilgishay eraga “Sakiin” oo aan waligii ka hari doonin, ayey ahayd inay uga gilgishaan markuu ka dhaaga adaygay inuu xilka wareejiyo, waa sheekadii ahayd: “La jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan”.

Dhacdadaa ka dib siyaasaddu waa inay is weydiisaa, qofkii eray dhahaba ma xaal baa laga qaadayaa? Magaca yaa baxsha? Sidee ku baxaa? Maxaa baxha? Murti ayaa dhahaysa: “Magac iyo Musiibaba maalin ayey baxaan” ka sokow, qofku waa noolee dhaqmaya, wixii ka soo baxa habdhaqankiisa iyo sida dadku u arko ayaana loogu Waqlalayaa ammaan iyo dhaliil midday noqotaba, kollay labadan wax dhaafsiisan lama dhihnei, maxaa laga diday, oo meesha yaal?.

Siyaasiyiinta intooda badan mid walba wuxuu leeyahay Naynaas u gaara, qaarkood way u meelmartaa, qaarna maya, tusaale ahaan, Madaxweynihii Dawladdii Kacaanka Maxamed Siyaad Barre, Naynaasta ay dadku u baxsheen ee uu caanka ku ahaa waxay ahayd “Af weyne” Naynaaastan waxaa loo baxshay ka dib markii uu talada dalka qabtay, haddaba, anagoo ka tusaale qaadanayna dhacdada Istanbul, ma waxaan leenahay qof walba oo “Af weyne” dhaha xaal ha laga qaado?.

Inta burburka lagu jirayna aan eego, madaxweynihii Dalwaddii Carta, C/qaasim Salaad Xasan Naynaastiisu waxay ahayd “Cabdi GaajoCabdi Cawaale Qaybdiid, isna waa “”Khayr diidMaxamed Qanyare Afrax, isna waa “Han yareMaxamed Faarax Caydiid madaxa dawladdii Salbarraar, isna waa “ Car i diidCali Mahdi MAxamed Madaxweynihii Dawladdii Manifesto, asna waa “Cali NaaftoC/laahi Yuusuf Axmed madaxweynihii dawladdii Empagath, isna waa “Ma quusteIlma Faroole iyaga waxaa la yiraa: “Ilma Saddam

Dhanka Axsaabta marka aad eegto magacyadu way jiraan, “Daljir From” waa “Dibjir Fara maran” “Hiil Qaran” isna waa “Hiilo Qurun”  “Qurbajoog” iyana waa “Qurunjoof” “diaspora” isna waxaa loo rogay “Dayuus baro!dhanka degmooyinkaHeliyaa” oo loo rogay “Huriwaa” bal “Booli Qaran” wax ka dhaha? qofkii magacydaa ku dhawaaqaa dawladdu miyey xiri? Mise Odayaasha ayaa xaal ka qaadaya?.

Magacyadan anigu ma bixin mana curin, ee sidaa ayaan ku maqlay, oo haddaa, qofkii dhahaa, miyaa xaal laga qaadayaa? Wallee waa xaajo ugub ah dhaqan iyo siyaasad ahaanba, laguse xalliyey hab siyaasadda dhaawac aysan sahal uga soo kabsan doonin u gaysatay, illeen qofku marka uu noqdo qof bulsheed hab dhaqankiisa waxaa ilaalinaya dadka uu ka dhex muuqdo, ee ilaalinta habdhaqankiisa ma lahan qoyskiisa iyo reerka uu ka dhashay, haddaan sidaa loo kala saarinna, Wallee waa jid furmay, oo aan joojin yeelan doonin.

Odayaasha waxaa looga baahnaa inay dhexdhexaad ka ahaadaan dhacdooyinka dhacaya, illeen dhacdadu aniga way na dhaafaysa, waxaase harayaa  eelkeeda iyo ehelkii xallin lahaa.

Ugu dambayn, is magacow ma xuma, in lagu magacaabana ma xuma, balse, waxaa lagaa rabaa wax qabad iyo natiijooyin wax ku ool ah, ma ahan inaad dhibka qayb ka noqoto ama aad mid cusub soo kordhiso, ee waa inaad keenta xalkii dhibka looga bixi lahaa, ama aragtidii looga gudbi lahaa.

Waxaase ayaan darro ah inaan wali ku soconno waddooyonkii halaagga, Qabiilka qalfooftiisiina wali loo qabbiran yahay! Qarnigii 21-aad ayaa dunidu maraysaa, ninna wuxuu taagan yahay Qabiil hebel, miyeysan wuxu damiir iyo dux lahayn?! Miyeysan garan dhibka Qabiilku leeyahay?! Miyeysan wax ku qaadan dhacdooyinka iyo Sooyaalka?!

Weydiimahan kuma socdaan oo kaliya odoyada shirka isaga baxay, ee waxay ku socdaan dhammaan inta Oday Dhaqameed sheegata, gaar ahaan kuwooda ku shirsan Muqdisho, oo looga fadhiya inay aayaha umaddan toosiyaan, sidaa awgeed, waxaan ku soo afjaraya erayadan uu tiriyey Cabdiraxiim Hilowle Galayr, ee ah sidan:

 

Geed la wada fadhiistiyo

Guddi laysu soo guro

Gar caddaaladeed naqa

Geeskayagu ku caanyahay

Intaan Gobollo deriskaa

Shir guddoomin laayeen

Guddigii Midnimadoow

Geedka nabadda noo muda.

 

Guurtida dalkeeniyo

Gollaheena dhaqankoow

Guud caddaaga joogow

Idinkoon gorfaynoo

Gunta gaadhin maantoo

Go’aankeeda aan helin

La garwaaqsan xaalkana

Yaan geedka laga kicin

Yaan goobta laga bixin.

 

Xaajadan go’doonka ah

Umaddeena kala go’an

Guux uu ku wada jiro

Kala guurka nagu dhacay

Guurtidaay daweeyoo

Gobonnimo ha curatoo

Aynu guusha gaadhnoo

Geedka nabadda noo muda.

 

Garaadiyo Ugaaskoow

Gadhwadeen Suldaaniyo

Garyaqaan Imaamiyo

Wabarrada gobta ahoow

Malaaq garasho dheeroow

Goobi kama danbaysoo

Gar inooma hadhinoo

Geddi waanu daalnee

Yaan goobta laga kicin.

 

Rag garaad leh keeno

Gole fiican soo xula

Gobonnimo dar jeceloo

Guul wade ah soo gura.

 

Gini qaate naga jira

Giiryaale naga jira

Gocor tuuga naga jira

Garma qaate naga jira.

Dhammaad.

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com

==========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

10 Responses for “Odayo Dhaqan mise Odayo Dhibaad?! W/Q Bashir M. Hersi”

  1. yam yam iyo qadaad weyn says:

    hadee noo sheegtee makaa yeeleynaa bashiiroow aan ku weydiiye bashiir tixdaan hoose ma tirin karo qof magacaas 3da wada leh Cabdiraxiim Hilowle Galayr waa dhibaatooyinka wadanka ka dhacay

  2. ciiltire says:

    odayaasha dhexdhexaad sidee bey ku noqdaan ileyn waxa ay matalayaan waa beelahoodee dhexdhexaad wax la yiraahdo ma sameyn karaan

  3. quuqle says:

    bashiir mar waa jabhad, mar waa qabqable, mar waa wadani, mar waa sheekoole mar waa gabyaa aniga ma aan garan laakiiin hal wan kuu qirsan nahay waxaa tahay nin wax qori kara oo waliba waxa uu rabo yaqaano waxaa kugu boorinayaa bal dhanka bositif ka ama wanaaga hadii aad meel uga ogtahay noosoo qor xumaan na igama ahan waxaa aamin sanahay hadii dadka adoo kale ah hadey dhanka boorinta oo wadanimiada ah wax naloogu soo qoro waan baraarugi laheyn

  4. Saalixi says:

    Jaalle

    Waxa aan ka cudurdaaranayaa in aan aanan akhrin qoraalkan waayo
    waxa aan weli ku mashquulsanahay macnaha cinwaanka. Kalimadda ‘dhibaad’ soo
    macnaheedu ma ahayn tii ay soddohdu u soo qaadi jirtay reerka gabadheeda. Halakan
    waxay ila tahay macne kale ayaa loola jeeday laakiin waxaad mooddaa in cinwaanku
    is burin hayo.

    Saalixi

  5. Basra says:

    Ninkaan warkiisu wuxuu u muuqdaa nin qola gooniya garabsiinaya oo hadana rabba Somali inuu QIIQ isugu Qariyo war heedhe dee lagu fahan ee iska cadeeyso cidii aad QABQABLE u tahay! Waayo adigaa waxaad qodhaa madhkasta way is buriyaan madhkaa qof kasta waa ku fahmi kadhaa ee taa la soco! kkk Waxay aniga ila tahay sida tuhunku u muuqdo in kuwa MUSHARXIINTAA UU MIDKOOD QABQABLE U YAHAY!!!

  6. Libaax-Libaax DHalay says:

    Ku:Saalixi,

    Waad ku mahadsantahay sidaad u qeexday, laakiin wiilkaan afka uu ku hadlo waa af GURI isaga iyo midka uu leeyahay tixdaan buu tiriyay (Cabdi-Raxiim Hilowle Galeyr) labadaba Alle waa ka madoobeeyay Af-Soomaaliga, marka annagaba waan iska fahamnayee u faham sida ay ula jeedaan, oo Bashiir wuxuu rabaa inuu yiraahdo (Odayo DHaqan Mise DHibaato/DHibeed) oo tusaale ahaan meesha uuay luuqadda rasmiga ah tahay nin dhibaato ama dhibeed af guriga uu qoraagu isticmaalyo waxay noqonaysaa nin DHibaad.

    Waxaa kaloo aan rabaa inaa idin sheego labo toddobaa doo aan soo joogay Switzerland ayaa soo bartay labad nin ee sheekada isu jiibanaya, waa niman caqli ahaan aaminsan fikradihii jabhaddii dalka burburisay ee USC, haddaad maqasho shir Soomaaliyeed baa Swiss ka dhacay macnaheeda waxaa weeye shir USC oo dhar suit ah soo xiratay, oo gar yar la baxay, oo tie soo xirtay, oo kofiyad Baraawe soo gashtay, nice iska soo dhigay, macnaha mar raba inay u ekaadaan Culumo, mar raba inay ekaadaan westerns, mar rabaa inay isu ekeysiiyaan iyaasiyiintii lixdimaadkii, oo raba inay inkiraan muuqaalka ay Muqdisho ku soo galeen…marka ha la yaabin

  7. Wadani says:

    Yam yam iyo qadaadweyn, waxaan ku weydiiyey magacyo gaar ah miyaa jira oo Suugaanta loo xilsaaray mise waxaad leedahay ninka laftiisa ayaan aqaanaayo, waa been abuurtay hadalka noo kala saara, Anigu weli maan maqlin magacyo iyo deegaano iyo dad gaara oo suugaanta iska leh , Balse waxaan ogahay in Hal-abuurku yahay hibo ilaahay ninkuu doono siiyo, xigmada alle wuxuu siiyaa qofkuu doono , Mid Garaad ahaan ayuu eebe ugu abuura midna wuu bartaa oo garaadadii laysu kenay ayuu uruursada , Moogase midna maahee bal yamyam iyo qadaadweyn noo sharax qaabka saddexda magac ninka wata aad ugu diiday aan kaa faa’iidaysane

  8. jamaal says:

    Asc dhaman umada af somaliga ku hadasha sln la dib horta waxan jcelahay waxyar in aan kadhaho maqalkan iyo qoraaga’ba tan kowad xoga wa ka jiran waxa u shegayo qoraga inkasto uusan runta ka lexday waxan u maleyn in uu kala garanwayay odayadi ficna iyo kuwi xuma mida labad oo ah in aan qoraaga wax ka dhaho aniga in mudo ah waan aqrinaayay maqalada uu qoro waxana ka fahmay in uu yahay nin u fikira jihada xun waxana u leyahay asagoo kale waa kuwa inoo diidan in aan horay u socono yacni waa in aan xumaha lee la arag oo wanaaga la firiyo saxafada qaarked na waxey la midyihin kuwii Rwanda dadka la laayay qeyb ka qaatay sida qoraga oo kale marka umadan wey dashaye ee wanag lee u sheeg thkns dhaman

  9. Saxane says:

    Mid waan ka afeefanayaa, oo ah in qof walba qoraalka qoraaga sida uu doono u fahmo, balse aan wax yar wax ka dhaho erayda laysku qabsaday, ee suugaanta la xiriira.
    @Quuqle:
    hadal kooban qiraal iyo talo wata yaadd qortay.
    @ Yam yam iyo qadaadweyn
    Nin barti yaqaan ah yaad tahay, suugaanta ma qolaa gaar u lehe, mise magacyda qaar ayaa lagu aqoodaa? Garaad la’aanta waxaa kuu wehlsa inaad dadka kala aqoon, kaba sii darane, waxaad ba aqoon suugaani waxa ay tahay.
    @Libaax-Libaax DHalay:
    magaca ad la baxday dhaqankeeda ma lihide, Libaaxu wax ma xagxagto, ee kartidiisa ayuu ku meel maraa. Midda ah inaad taqaan, kaba dhig, ee maxaad ku taqaan? Miyaad wali is waraysateen? Eray iyo hadal is dhaafsateen? Mise sheedda yaad ka qoon satay, sida hadalkaagu u socdo? Waxaad isku dayday inaad wax saxdo, balse adaa sixid u baahan, eeg sida qoraagu eraga u adeegsaday, adna aad dhaafi waysay, qof kaa afyaqaan ah laguma hor biirraq biiraqeeyo.

    @ Saalixi:
    Waa sida aad weydiinta u soo gudbisay, waana wax meesha ku jira, doqon baa isku dayey balse meel gayn waayey, illeen aqoonteed iyo ogaalkeed ma alehee, garaadkeed na iskaba daa, labada eray waa meesha laga yiraa: “ISKU DHIGID, KALA DHIHID, KALA MACNE” eraga “DHIBAAD” waa isku dhigaal, marka soddohdu u soo qaadayso reerka gabadheeda wax uun ama marka dhibka loo adeegsanayo sida qoraagu u adeegsaday, waxay se ku kala duwan yihiin dhawaqa, kan Soddahdo la xiriira Shibbanaha “B” aad ayey khafiif u tahay marka lagu dhawaaqayo, halka kan dhibka ay leedahay carrab ku dhag yar oo gaarsiinayn inay labalaabanto.
    Mahadsanidiin.

  10. Libaax-libaax DHalay says:

    Ku: Saxan, aniggu kuuguma yeeri karo magaca aad la baxday, kuna caayi maayo laakiin aqristayaashaan u daayay, midda kale waxaad u egtahay Hilowle Galayr ama Bashiir oo is qarinaya afkaad ku hadalysaan garanayaa, soo baro Af-Soomaaliga, waxa aad ka hadalyasana (Isku dhigid kala dhihid meesha ma taal) Af-guri oo Bashiir ku hadalayo sax kuma aha erayga DHibaad, waa sida uu u sheegay Salafi macna ahaan iyo Soomaalidau u wada taqaan, inaan is caaynana dhaqanka ragga kama mid aha aqoon la imow afka waan u wada dhalanay.

    SHeekada xaggee isku dhigis kala dhihid ka soo gashaa, tusaale ahaan GACAN: waa gacanta, waa biyo la duway, laakiin adeer Bashiir ama Hilowle hadaadan ku hadlayn hadal DHIB marna ma noqoto umana qoranto DHIBAAD ee afka soo baro erayo Gabyo hore inta laga soo ururiyay la yiraahdo gabay baan tiriyeeyna waan naqaan waana idinka horaynay.

    Runtiina ma haboona inaan kula doodo oo mar hadaadan khaldamayn dee ma doodi karno annagu waan khaldaanaa in badanna waan saxnaa, magacana iska hagaaji waa kugu Gef e’, waxaana kaa rabaa DHibaad inaad sharaxdo siday isku dhigis iyo kala dhihid u yihiin adigoo aan ku dabaqayn af-guriga aad Bashiirow/ama Hilowle aad meesha la timid, waayo taas annagu maba diidin laakiin oggolow inuu af-guri yahay ama hadaadan sidaas u fahmayn lahjad yahay.

Leave a Reply