Odeyaasha dhaqanka malagu tilmaami karaa….. W/Q Axmed Takar
Odeyaasha dhaqanka malagu tilmaami karaa Rag ooman oo biyo qeybiya lagu yiri.
Ahmed A.Takar
Takar77@hotmail.com
Juunyo 22 2012
Oraah Soomaaliyeed ayaa oraneysa: Ninkii waraabe ari raacsadoo arar kusii daaya ma afkaad ka xiri soow markuu eego cuni maayo.
Wararka ugu dambeeya ee kasoo baxaya odeyaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Muqdisho lagana sugayo iney soo xulaan ergada ansixineysa dastuurka iyo weliba soo xulida xubnaha golaha baarlamaanka ,odeyaasha aya soo saaray go,aan ay ku dalbanayaan in iyaga ruuxooda marka hore loo aqoonsado iney noqdaan Gole guurti oo qaran ..
Dhaqanka suuban ee soo jireenkaa ayaa lagu yaqaanay in odeyga beeshu uu ka hormariyo danta guud tiisa gaarkaa markii beesha biyo cabtana uu noqdo kan ugu dambeeya ,sida carabtu ku maahmaahdo(saaqil qoomi aakhirahum shurban) ninka dadka ceelka ka waraabinaya waa ka ugu dambeeya ee biyaha cabba..
Marka soo layaab maaha odey dhaqameed dheriga karkiisa sugi la,a oo halkii laga sugayey inuu la yimaado farsamo ka duwan farsamooyinkii lagu guuldareystay ee kooxaha mansab iyo manfac doonkaa ee ka jira Soomaaliya , iney iyaguna (odeyaashu) noqdaan koox cusub oo kasii liidata ooba imminka uun hurdada kasoo kacay jaanisna u helay iney tareenka lugta la helaan ..taasi waa ayaan daro Ninkii waraabe ari raacsadoo arar kusii daaya ma afkaad ka xiri soow markuu eego cuni maayo
Nin caaqil ah oo bahdiisa iyo beeshiisu aad ula dhacsan tahay ayaa la weydiiyey siduu taas ku gaaray ? waxuuna ku jawaabay: labo shey ayaan ku dadaalay (kii gardaran waan qabtaa, kii gaajoona waan gartaa).
Marka bal kawarama haddii xaalku isu bedelo: hor iyo horraan aniga ha leygu tufo, ka gadaalna (ninkii i af-gartana waan qorayaa kii kalana waan tirayaaaaa)
Ninkii waraabe ari raacsadoo arar kusii daaya ma afkaad ka xiri soow markuu eego cuni maayo
==========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











Odayaasha dhaqanka hala yeelo taladooda hadaad Somali xor ah doonaysaan innay soo noqoto. Odayaasha ayaa xaq u leh in ay hogaamiyaan somaliya. Shacabkana waxaa laga doonaya inay ku xariirsanaadaan odayaashooda oo maqlaan. Wabillahi towfiiq
Waa xaaraan iyo baa’ba in odday dhaqameed noqdo aqalka sare. Odday waa dulin sida injirta ku nool dhiiga dadka. waa dib u dhac in hoggaaamiye dhaqameed laga dhigto madaxda qaranka. Dalka uma baahna Boqortooyo hor leh laga sameeyo dalka. Odday dhaqameed cidna wax u qaban maayo aan ka hayn kuwo cid u xigga.
Odayaashu waa aqoon yahano garanaya dhaqanka, caadada iyo xeerarka somaaliyeed marka iyaga ayaa mudan in golaha guurtida aqalka sare loo doorto. Hadii kale Shariif Afgaduud iyo Faroole Faruur ayaa wadanka gadan doona
way fiicnaan lahayd ineey oday dhaqameedku yeeshaan aqal sare oo dawlada kasii sareeya waa hadii lahelayo odey dhaqameedkii orijinaalka ahaa ee aan ahayn kuwa koobiga ah ee iska sheeganaya.waxaan hubaa iney somalia hagaagi lahayd wadankana sharaf iyo kaladambeyn kusoo noqonayo,wey uga daacadsanyihiin kana garanayaan danaha umada somaliyeed kuwa hada umada horboodaya oon aanan garan karin waxaa kusifeeyo somalinimo iyo wadanna kala jecleyn ee jeebku hogaaminayo.