Qarax Khasaare Geystay oo ka Dhacay Magaalada Mombassa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nin ku Dhaawacmay qaraxa Mombassa

Mombassa (RBC) Ugu yaraan saddex ruux ayaa la xaqiijiyey inuu geeriyooday kadib markii qarax bambaano lala beegsaday goob caweys ah oo ku taalla magaalada Mombassa ee xeebta ku taalla habeenimadii Axadda ee xalay.

Warbaahinta gudaha ee wadanka Kenya ayaa sheegtay in dad gaaraya siddeed ruuxoo kale ay si xun ugu dhaawacmeen qaraxa oo loo maleynayo inuu ahaa bambo la shigay gudaha goobta caweyska ah oo xilligaasi ay ku jireen dad fara badan oo halkaasi ku caweynayey.

Madaxda laanta baaritaanada ee gobolka xeebta Ambrose Munyasia ayaa sheegay in hadda baaritaan lagu wado qaraxaasi nooca uu ahaa, isagoo sheegay in boolisku ay wadaan sidoo kale sidii loo ogaan lahaa cidii ka dambeysay weerarka.

Qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa goobta caweyska ayaa sheegay inay daawanayeen ciyaar kubbada cagta oo ka socotay qaaradda Yurub, iyadoo dadka dhaawacmay ay ku jireen haween iyo rag.

Qaraxan ayaa ku soo beegmay xilli Mareykanka uu Sabtidii ka digay weeraro qarka inay u saaran yihiin mgaalada Mombassa ee xeebta ku taalla halkaasoo dadka dalxiisayaasha ay ku badan yihiin.

Booliska Kenya ayaa digniinta Mareykanka kutilmaamay mid ka badbadis ah oo dhibaato ku abuureysa dhaqaalaha dalxiiska ka soo gala Kenya.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

Leave a Reply