Qarax Miino oo Galabta Ka Dhacay Mandheera oo Dhaawacay Saraakiil Kenyaan ah


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Mandheera (RBC) Qarax miino oo galabta ka dhacay magaalada Mandheera ayaa sababay dhaawaca labo sarkaal oo ka tirsanaa booliska wadanka Kenya, sida ay sheegeen saraakiil boolis oo Kenyaan ah.

Qaraxa ayaa galabta kadhacay meel bartamaha magaalada Mandheera ku taalla xilligaasoo labada sarkaal iyo askar kale oo Kenyaan ah ay ku sugnaayeen geed hoostiisa halkaasoo miinada ay kula qaraxday.

Mid ka mid ah saraakiisha booliska ee Mandheera ayaa sheegay in miino nooca la farsameeyo ah ay kula qaraxday saraakiisha taaso loo maleynayo in waqti hore lagu sii aasay geedka ay saraakiisha iyo askarta hoos fariisteen.

Labada sarkaalee dhaawacantay ayaa loola cararay isbitaalka waxaana wararka ay sheegayaan in loo duulin doono dhaawaca saraakiishaasi magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Taliska booliska Kenya ee gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in qaraxyada miinooyinka ay yihiin kuwo inta badan dhanka Soomaaliya laga keeno, kuwaasoo ay u maleynayaan inay ka dambeeyaan ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira ciidamada Kenya oo qeyb ka ah kuwa AMISOM ee la dagaalamaya Xarakada Al-Shabaab.

Qaraxan ayaa dhacay saacado kadib markii maanta digniin ka soo baxday safaaradda Mareykanka ee Nairobi lagu sheegay in weeraro qaraxyo ah ay ku soo fool leeyihiin magaalada Mombassa ee xeebta ku taalla halkaasoo muwaadiniinta Mareykanka looga digay inay safar ku tagaan.

Weerarada qaraxyada ee lala beegsanayo gaadiidka ciidamada Kenya iyo sarakiishooda ayaa sii kordhayey tan iyo sanadkii hore markii ciidamada Kenya ay si rasmi ah ugu biireen dagaalka AMISOM iyo DKMG ah oo wada jira ay kula jiraan Al- Shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya.

 

RBC Radio

Share

Tags:

1 Response for “Qarax Miino oo Galabta Ka Dhacay Mandheera oo Dhaawacay Saraakiil Kenyaan ah”

  1. farinomaleh says:

    Inta lllay jirto EHLUL SUNNO ama xisbi ku salaysan diin lagama baxaayo dilka iyo is qarxinta Daawada keliyah waa iyadoo shaarkaas beenta laga tuuro kuwa huwan oo la yiraahdo qayb ka ahaada ciidanka dawladda

Leave a Reply