Qaybtii 2aad Hayaanka Puntland iyo Habraaca Beelaha. W/Q Xaamud Dala-aan
HAYAANKA PUNTLAND IYO HABRAACA BEELAHA
XAMUD MAXAMED DALA-AAN
Karzay3@hotmail.com
Luulyo 01 2012
QAYBTII LABAAD
MADAXWEYNINAMADII C/LAAHI YUSUF IYO KALA IRDHOWGII BEELAHA PUNTLAND 2001
Xil aan horay looga fakarin oo aan sharci adag la hordhigin dibuu kaaga xumadaaye madax wayne c/lahi yusuf ayaa diiday inuu xilka ka dago waxuuna sheegay inu xoog uga hortagi doono cidii damaacida kursiga uu isagu ku fadhiyo arintaas oo keentay kala tagii ugu waynaa ee abid soo wajaha beelaha puntland gaar ahaan beelaha bari iyo mudug qaarkood oo ay kasoo kala jeedeen labada hogaamiye maamulayaashii gobolka bari ayaa tageeray amaradii gudoomiyaha maxkamada sare mr yusuf xaaji nuur waxaan meesha ka baxay dhaqaalihii dekada iyo garoonka diyaaradaha oo ah isha dhaqaale ee ugu muhiimsan puntland.
Col C/lahi yusuf ayaa weerar lama filaan ah ku Qaaday magalad bosaso waxan ka dhacay dagaal qaraar kaas oo ugu danbaytii looga adkaaday c/laahi yusuf waxaan magaalada bosaso beelaha daga ay goosteen in aanay marna yeelin hamiga kursi jecaylka ah ee c/lahi yusuf arintaas waxay keentay in dib loogu laabto hab beeledyadii horay loo go aansaday in laga guuro waxaan puntland hareeyay amaan la aan iyo maamul la aan waxaan hoos u dhacay hamigii iyo rajadii shacabka reer puntland shir socday in mudaa kadib waxaa garoowe loogu doortay madax wayne inuu ka noqdo puntland jamac cali jaamac oo tartan kaga guulaystay ragii la tartamay muda gaaban markuu xilka hayay waxaa weerar ku soo qaaday garowe col c/lahi yusuf oo waa wata qaybo kamid ah beelaha puntland iyo haraagii jamhadii ssdf oo uu in mudaa hogaamiye u ahaa waxuuna gacanta ku dhigay magaalada isgoo si xun u garaacay gurigii uu daganaa madax waynihii la doortay waa jamac cali jamac.
Dagaalo socday in mudaa iyo colaado dheraaday waxay mar labaad puntland gacantiisa gashay col c/lahi yusuf oo ugu danbayn mideeyay mar labaad puntland muqaalkii qabyaalada ee soo if baxay ayaa maskaxda in badan oo bulshada kamid ah hareeyay arintaas oo dadka qaarkiis ugu muuqatay khatar laga badbaaday loona baahanyahay inaan dib loogu laaban heshiis ay gareen garab mucaarad ahaa oo uu hogaanka u hayay gen cadde muuse xirsi iyo maamulkii c/lahi yusuf ayaa ka dhacay puntland taas oo mar labaad soo celisay midnimadii beelaha iyo is aaminaadii bulshada puntland.
Waxaa sanadkii 2005 doorasho dhacaday madax wayne loogu doortay gen cadde muse doorashadaas oo ahayd mid 66 xubnood ee baarlamaanka beeluhu soo xusheen bilowgii ay doorteen madax wayne iyo ku xigeen oo labaduba waafaqsan habeeleedkii horey aan u xusay kana soo kala jeeda labdii beelood ee ay kasoo kala jeedeen c/lahi yusuf iyo maxamed cabdi xaashi saamaynata qabyaalada iyo is xulafaysiga beelaha ayaa noqoday caqabad u diiday puntland inay gaarto hab dimuquraadi ah oo hogaanka dalka loo simayahay musuq maasuq iyo reer hebel xukun ku doon ayaa hareeyay habkii siyaasad si lamid ah kii ka horeeyay sinaan la aanta saami qaybsi beelaha iyo saluuga qaarkood ayaa sababay in puntland laga qabsado qayb kamid ah dhulkii loo igmaday inay maamusho taas oo maamulkii cadde muuse uu ka dhaxlay mucaarada soo wajahaday iyo isku dhexyaac siyaasadeed oo gudaha iyo dibadaa nidaamka beelaysiga ayaa halkiisii kasii laba lixaadsaday waxaan shirar gaar ah yeeshay qaybo kamid ah beelihii ku midoobay maamulka puntland gaar ahaan beeshii u badnayd magaalada lascanood oo gacanta maamulka ka baxday uun ku guul daraystay inuu soo celiyo.
Maamulkii cadde muuse ayaa fuliyay arimo badan sida hagaajinta ismaamulka degmooyinka dayactirka xarumihii dowlada dib u habaytii siyaada dibada iyo awoodaytii ganacsiga isgoo hirgaliyay mashaariic mira dhal ah kuwaas oo aan ka tilmaami karo dayactirkii iyo dibudhiskii garoonka diyaaradah bosaso oo ah goob muhiim u ah dhaqaalaha dhisme markii ugu horaysay maxjar xoolaha lagu daweeyo laguna hubiyo caafimaadkood iyo dib u bilaabid heshiisyu macdan baaris ah oo ay tiro dad ah shaqo ka heleen wallow iyda lafteeda cabasho badan laga muujiyaya.
Sidoo kale maamulki cadde waxaa hareeyay habacsanaan dhaqaale iyo hanti boob kaas oo dhaxal siiyay in la waayo mushahaarooyinkii shaqaala dowlada ee rayadkaa iyo ciidamada taas oo keentay amaan daro baahsan oo samaysay dhamaan puntland.
Waxaa soo dhawaaday xiligii doorashad waxaan bilowday is xulafaysigii beelaha iyo siyaasiyiinta xil raadiskaa waxaana wali halkeedii sii taagan hab raacii beelah iyo saami qaybsigii qabiilada.
Filo qaybtii sadexaad
XAMUD MAXAMED DALA-AAN
Karzay3@hotmail.com
======================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











JAAMAC CALI JAAMAC BAA DOORASHO GALAY KU LAHAA WAR QORAALKA ISKA SAX MISE WIXII AAD JECESHAHAY AYAAD KU DARTAA U GRTY MAYBE CADE MUUSE HAA LAKIN JAAMAC JARAN JARO BAL DIB U RAAC JAAMAC WASIIRADII DOWLADIISII ADAA QOSLAAYEE BOOSAASO AYUU YIMID KA BACDI XAAJI BAKIIN OO AHAA GUDOOMIYIHII IYO DHADO OO AHAA MAYOR AYUU ISKU DAYAY INUU MEESHA KA SAARO WALOW UU X BAKIIN KA QABSADAY GOBOLKII BALSE DHADO UU MEESHIISII JOOGAY ANY WAY JAAMAC JARAN JARO WUXUU AHAA NINKII UGU TAARIIKH XUMAA EE PUNTLAND SOO MARA AT LEAST CADE MUUSE AYAABA LA QAATAY OO QADIYAD LAHAA (1) JAAMCA JARAN JARO (2) xasan abshir GAAGAAB XAABSADE KHALIIF CIISE MUDAN INTASBA WAA DANBIILAYAAL PUNTLAND XATAA FAROOLE KU DAR INTII DAD DHIMATAY WAA LAGALA XISAABTAMAYAA HADAY DHINTAANA MACSALAAMA
@Ismaaciil
Marka hore magacaaga sax. ISMAIL maahan ee waa “Ismaaciil”. Marka xigta Jaamac Cali Jaamac nin xun iyo nin u dhow midna ma ahan. Jaamac nin qabiil ma ahayn intaas unbaadna ku nacdeen adiga iyo reer tolkiisba (Inta badan). Mida kale, koleyba hadaad odeyga wax ka sheegayso si kale wax oga sheeg laakiin ha ku bah dilin butucii foosha xumaa ee Cade Muuse. Jaamac waa Odey soomaliyeed waana odey qaran…hadii aadan midaas horay ola socon oo ay qabyaaldu ku indha tirtay hada ogow anaa kuu sheegayee.
W.T
@Xaamud
Wali su’aalahaygii waa taaganyihiin. Qaybtii hore dib u eeg kadibna su’aalahaas kasoo jawaab Xaamudow. Waxaa la yiri, “Nin Gurbaan garaacday ilaaq dalbay”. Hada adigaa na yiri waxbaan ka taariikhaynayaa mana xuma. Laakiin maadaama aan nahay akhristayaashaada waxaan u baahanahay in aan wax badan ogaano. Waxyaabaha aan rabno in aan ogaano waxaa kamid ah; 1, Magaca “Puntland” iyo siduu ku baxay. 2, Abwaankii alifay. 3, In markii la bixinayay bulshada lagala tashaday iyo in lagu dirqiyay, iwm.
Dhinaca kale, Xaamudow waa laga haboonyahay in taariikhda meel dhexe laga bilaabo. Maadaama aad noo faa’iideynayso waxaa haboonaan laheyd in aad marka hore na bartid waxyaabaha asalka ah iyo xogaha muhiimka ah. Tusaale ahaan, dhulkeebaa “Puntland” la isku dhahaa? Tuke raq ma ku jirtaa? Ka warran Teleex, Karkaar, iyo Galdogob?
Xaamud sxb sida aad adigu wax ola socoto aniga iyo akhristayaasha kaleba olama socono. Fadlan naga haqab tir taariikhda oo noo sheeg xuduudaha “Puntland” iyo magacu siduu ku baxay.
W.T
ismacil ninka sheganaya waxad moodaa inuu yahay ninka dhacsan marxaladaha ay soo martay puntland , jaamac cali jaamac wa la doortay waana muwadinka ugu wanaagsan, isaga oo shacabka u naxaya ayuu danta guud ka raacaay haykalkiisii, mida kale caadifada aan sal lahayn ayaa ku haysee ader ceeb weeye madaxdaada ha caayin hadiii kale gaal shira kui yaqaan
puntland umada degta hadanay (===========) iska qaban puntland wa aye jiri jirtey aya ladhehaya .oo walahiya
Pintiland doorasho ayaa masuul lagu soo doortay iyo ma aha ha ka doodina maanta xagay taagan tahay ka hadla. Maanta maalin ay ka rajo xun tahay pintiland ma jirto. Ha leys daba qabto oo ninkaas firdhiye meesha ha laga saaro hadii kale ku jira murugo.
@XAMUD MAXAMED DALA-AAN
aad iyo aad baad umahadsantahay sida wacan ee aad noogu soo bandhigaysid qoraalada iyo maqaalada muhiimka ah oo ay bulshadu u baahantahay lkn waxaaan codsan lahay n in aadan maranaba ka tagin taariikhda asalkeeda sababtoo ah taariish aan la sheegin meeeshay ka bilaabaty waa geed aan lahayn xidid marka kale waxaan ku leenahay ..???? ????? ??
@XAMUD MAXAMED DALA-AAN
aad iyo aad baad umahadsantahay sida wacan ee aad noogu soo bandhigaysid qoraalada iyo maqaalada muhiimka ah oo ay bulshadu u baahantahay lkn waxaaan codsan lahay n in aadan maranaba ka tagin taariikhda asalkeeda sababtoo ah taariish aan la sheegin meeeshay ka bilaabaty waa geed aan lahayn xidid marka kale waxaan ku leenahay ..???? ????? ??
War kan Ismaaciil la leeyahay waa raggii Cabdullaahi Yusuf, oo weli halkii Cabdukllaahi Yusuf iyo Jaamac Cali jaamac weli taagan. Imisaa ka dambeysey taariikhdaas. miyuuse hadda kuu soo socdaa Jaamac. Ninkaasi duco iyo khayr ayuu Puntland ka mutaystay. Amar uu bixiyey waa la hubaa Puntland wiil kagama dhiman. Ismaaciil ha noqon walaalkay baa tahaye aan kula taliye nin meeshii lagu diriray ogaa laakiin ka maqnaa halkii lagu heshiiyey. Waxaad kala gureysaana reer Puntland oo iyaguba hadda sii kala yaacay ayaad inta hadda isku harsan rabtaa inaad kala yaaciso. Ka hadal Madaxda hadda joogtaa waxa ay falayso, kuwii tegey tage, kuwa taagan ayaa khatara mudanna in la toosiyo