Qaybtii 3aad La Kulankii Wax iga Bedeley ee Cabdiwali M Cali Gaas


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Waxaan Ku Bilaabayaa Magaca Allaha Naxariis oo Dhan iska Leh
Abdirashid Abdi Daad
Guurey@hotmail.com
Juunyo 18 2012

Fadlan wada akhri

Qaybtii 1aad

Qaybtii 2aad

Waxaan Ku Bilaabayaa Magaca Allaha Naxariis oo Dhan iska Leh

Soomaaliyeey Waddan kastaa waxuu leeyahay sumcad iyo sharaf taariikheed oo uu ku faano, sumacadaas oo awooowa yaashood uga tageen iyaguna dugsadaan waxayna isku dayaan inay sumacaddii ay ka dhaxleen awoowa yaashood mid ka sii qiimo badan u reebaan jiilasha iyaga ka danbeeya.

Somaaliyeey awoowa yaasheen waxay lahaan jireen sumcad sharaf iyo dhaqan aan adduunkoo dhan mid usoo dhow ama la mid ahi ka jirin. Addoonka waxaa qariniyadii hore ku noolaayeen dabaqado ku salaysnaa kala sarayn iyo is dulaysi. Qofka xooga iyo kan maalka lahi wax Alle waxay doonaan ayeey ku kici jireen iyagoon cidna u naxayn oo u turayn, kuwa tabarta iyo maalka yari nolol aad u adag ayeey ku noolaan jireen.

Somalidu waxay ukala daganayd qabiilooyin, qabiilkastanaa waxuu lahaa xeer u gaar ah iyo mid uu la wadaagay qabiilada kale. Qofka tagta daran oo ka mid ah qabiilka waxaa la samayn jiray in xoolo laysugu daro oo uu jees meel deggan noqdo ama inuu la noolaado qof ka ugu dhow ehel ahaan ama asxaab ahaan oo uu ku illma korsado isagoon dullinimo dareemayn. Markii qof aan tabar badan xagga dhaqaalaha lahayni guursanayo waxaa isna loo uruurin jiray xoolo waxaana loo yaqaanay Kaalo, waxaad na ka dheehan kartaa dhaqankaas heeska calankeena oo aay ku jirto Somaliyeey toosoo toosoo isku tiirsada eey hadba kiina taagdaran taageera waligiineey…

Soomaaliyeey sidaad wada ogtihiinba qofka ka soo socdaala Jabuuti oo usocda xamar wagaas ilaa uu ka gaarayo meeshii uu usocday reerkuu ku soo hoydaa waxuu samayn jiray ninkka masuulka ka ahi waa uloogi jiray isagoo si kalgacal nimo ku jirtay siin jiray gogoshii uu ku saxeenayey bustihiisii iyo barkintiisii uu khaaska u lahaa waxaana uu habeenkaas u qali jiray neefka ugu buuran xoolihiisa, caano, cunto iyo waliba shah. Isagoo uga dan lahaa laba arimood inuusan ku ceeboobin iyo in markuu ku noqdo dhulkiisii uu qabiilkaas oo dhan amaan ka tabiyo.

Somaaliyeey wanaagaas awoowa yaasheen lahaayen maxaa inoo bedelay

Waxaa inoo bedeley inaan ku noolaano noloshii ugu xumayd ee soo marta adduunka oo dhan, noloshaas oo ah sharaf la’aan iyo qiimo la’aan, waxaadna ogaataan in sharaftu tahay tiirka ugu wayn ee nolosha eeg gabdhaheenii la rabay inaan dhowro oo ay ku noolaadaan qurux iyo farxad, doon intay ka raacaan dhulkii ay karaamada ku lahaan jireen in kuwa ka yimi waddan kale oo ka xoog badani ka tureen doontii oo qarracan uurku taalo iyo foolxumo sharaf la’aaneed meel cidla ah is duuduubeen iyagoon meel ay u cawaan sadaan aqoon.

Bal sifiican u fiiri Ilaah ayaan kugu dhaarshee ma qabataa hooyooyinkeenii soo koray inay meeshaas qaracan iyo tag la’aan iyo gargaar la’aan la jiifsadaan gaajada rafaadka usii dheertahayoo geeri ku sugaan…

Dhallinyaradii intay barxadaha isugu soo baxaan markii qorraxdo qaboowdo farxad iyo damaashaad cayaaraha kala duwan qabsan jiray hadday noqon lahayd kubbad hadday noqon lahayd orodo hadday noqon lahayd legdin ii cub caliyoow cirka canabeey is wadaar sanjiray waa nimca adduune. Maanta xaggee xaajadoodu maraysaa bal eeg Ilaah ayaan kugu dhaarshee sharaf dhaca qaracanka uurkutaalada iyo hoogga iyo balanbalka haysta.

 

 

Ilaah ayaan idin ku dhaariyee miyeeydaan qalbi naxa lahayn miyeeydaan walaalo lahayn miyaaydaan caruur lahayn… hooyooy ku mee… aaaboow ku mee… walaaleey ku meeh… walaaloow ku meeh… miyaadan arkayn dhashaadii walaalahaa meesha ay daadsan yihiin sidii xoolo daad qaaday oo aan xataa maro oogada laga saaro loo quurin…naxariis iyo naxdini inyarna miyaanay qalbigaaga gelin indhahaagu miyaan qarracan la qoyin……. Idin mee.

Somaliyeey Bal qiyaas wiil yar oo soo toosay oo magaalada soo aaday oo kor yimi aabihii uu adduunka ugu jeclaa oo qoortiisii agtaalo bal eeg Ilaah ayaan kugu dhaarshee.

Qarracanka wiilkaa yar wadnihiisa iyo qalbigiisa buuxshay meel uu cawaansado haysan oo aan qaylin karin qaadi karin qof uu u aado uurkutaalada haysa oo ka bi’inayaa jirin bal eeg… hooyooy ku mee aaboow ku mee walaaleey ku mee walaaloow ku mee ….

Wiilkaas yari maanu caruurtiinoo kala ahayn miyaadan inyar oo naxariisi kugu jirin meeday hooyadii Somaliyeed ee dhabta saari jirtay markuu xoogaa meel yar ku kufo… hooyooy wiilkaas yari eeg waa kaagoo kale walaaleey wiilkaas yari waa walaalkaa oo kale walaaloow wiilkaas yari waa walaalkaa aaboow kaad dhashay oo kale maanu ahayn……. Idin mee

Ilaah ayaan kugu dhaarshee Hooyada iyaduna soo toostay oo kuwii ay sagaalka bilood uurka ku siday labada sano nuujinaysay oo 12 sano daba joogtay markay kaceen oo ay islahayd waad ku nasan… intay subax soo toostay dul timi iyagii oo madaxu ag yaalo hoogay iyo ba’ayda ku hareersan, qarracanka uurkutaalada ehel la’aanta ku dul gawriirsatay oo aanay xataa ka qaadi karin meeshaas miyaanay inyarna qalbigaaga garan karin qarracanka hooyadaas haysata…

Miyeeysan hooyadaa oo kale ahayn bal qiyaas hooyadaa oo halkaas taagan oo hadba meel eegaysa waxay qaban kartaa jirin meel ay u cawaan sataa jirin gabdhaheediiyoow idin mee wiilashoodiyoow idin mee..

Bal eeg Ilaah ayaan kugu dhaarshee ninkaa dhallinyarada ah oo hooyaduu dadka ugu jeclaa iyadoo suuqa ka adeeganaysa madfac ku habsaday meel uu aado ma yaqaan cidii cawaansado ma leh inuu madaxa gacmaha saaro oo qarracan iyo uurkutaalo la istaago maahee aan wax kala haysan bal eeg kii yaraa oo ay dhashay oo isna madaxa haysta xagga gadaal itaal la’aan hoog iyo ba’ adduun.

Ilaah ayaan kugu dhaarshee maanay walaalkaa oo kale ahayn bal qiyaas adigoo hooyadaa dul taagan adiga iyo kii kaa yaraa oo ay cad cad ugoogo’day xanuunka iyo qarracanka ay leedahay … hooyadaasi cid wax u dhintayna aysan jirin inay adeeg doonato maahee… Miyaaydaan qalbi naxa lahayn miyaan ilmo indhahaaga qoyn… ku mee idin mee…

Bal eeg ilmahaan yar yar indhahooda… adeer maxaan dhimay waan iska cayaarayey akhri indhahooda waa runtoode maxay dhimeen… hooyeey maxaan dhimay oo maddfac laygu soo tuuray aaboow maxaan dhimay abaayooy maxaan dhimay aboowoow maxaan dhimay… haddii aan cayaar la ogolayn maxaad iigu sheegi waydeen.

Alla hooyooy ku mee I caawi Alla aaboow ku mee I caawi Alla Walaaleey ku mee I caawi Alla walaaloow ku mee I caawi adeeroow ku mee firiradu waa xanuun… war idin mee miyaydaan qalbi naxa lahayn miyaan ilmadu indhihiina qoyn…

Bal maxay galabsadeen dadkaasi meel kasta daadsan qof xabad sitay kuma jiro waa wada caruur dhallinyaro iyo waayeel… hadba sidii xoolihii la qalay ayaa loo waldaaminayaa qaar dhulkaay yaacsan yihiin oo ciidda hilbahoodu ku firirsan yihiin……. Qaar kuwii dhalay oo inay ilmeeyaan maahee aan waxba u tari karin ayaa kor taagan qaar dhashoodii ayaa kor taagan……. cid ka naxaysaa ma jirto cid kala jecel ma jirto … hooyooy gacaloooy ku mee aaboow ku mee walaaleey ku mee walaaloow ku mee miyaaydaan inyarna qalbi duxa lahayn…

Somaaliyeey dadkeenii sharaf iyo wanaagga lahaa wataas meesha maanta ay marayaan… kuwii iyagu joogay meelaha aan dhibta lahayn sida qurbaha oo kale markii qof u tilmaamo waxay ka sii qaadaan inay ku jeesteeyaan oo qofkii ka naxa meeshii ay ka taageeri lahaayeen aflagaado iyo afxumo u gaystaan…..

Hooyooyinka aabayaasha dhallinyarada Afka Somaliga ku hadloow Maxay iyo May meel kastaad joogtaan kaca oo hal mar noloshiina dhaha Diidnay… qof aan dhimanayn idin kuma jiro qof mawdku waqtigiisa kaga soo hor marayaa idin kuma jiro qof kastaa waqtigiisa dhaafi maayo……

Ee waxaanu nolol iyo sharaf maahee kaca oo hal mar Billaahi Calaykum hal mar dhaha DIIIIIDNAAAAY wallaahi Rabi waa idin garab gelayaa……….. Baqdin ayaa idin wada buuxisee DIIIIDNEEY dhibaato dhaha dad debadaha idin kama jiree DIIIIDNEEY dhaha dhibaato………

Koonfur Puntland Somaliland billaahi calaykum hal maalin oo aad isu soo wada baxsadaan qabsada oo wada jir dhibaato DIIIIIDNEY dhaha…

Kuwiina qurbaha joogoow maalin wada qabsada oo ku eegan maynoo ehelkayagii qaraabadayadii foolxumadaas iyo sharaf xumadaas dhaha……..

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore: Abdirashid Abdi Daad
Email: Guurey@hotmail.com

==========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

9 Responses for “Qaybtii 3aad La Kulankii Wax iga Bedeley ee Cabdiwali M Cali Gaas”

  1. faadila ali says:

    maasha alah waa ikrad wanaagsan ,lkn dhalinyarado waxay rabaan meel ay isku arkaan oo bar intenet ah si ay uga wada sheekaytaan wadciga daka ku jiro dhibaatooyinkaa aad soo sheegtay so aad baan u mahadsantahay dear abdirashid abdi daad

  2. Cirka says:

    Ina adeer Daad Xaal Qaado markii hore waxay ila ahayd inaad tahay nin Qoraa ah laakiin hadda waxaa ii soo baxay macnayaal taas ka duwan waana kugu khaldamay maxaa yeelay waxaa hadda ii soo baxay qofka aad tahay iyo nooca aad u fekerto marka aan aqriyay 3daadii qormo ee mowduucaan.

    Waxaan kugu ammaani karaa inaad tahay nin ay daacad ka tahay waxa uu qorayo oo keliya, laakiin marka aan ka hadlayno mas’uuliyadda Qoraaga qofka ah laga rabo, waxaa dhinaca aad jirto ma ahee isna dhinaca kale jira midkaan Bashiir Xirsi oo aad moodo dawaco sumaysan, isagana wuxuu wax u qoraa sidii uu isagu keliya waxa saxda ah yaqaan oo haddee macnaheedu noqonayo Doqonimo.

    Waxaad adigu kaga duwantahay waxaa iiga kaa muuqda qalbi fiican, wanaagga jecel oo fahamkiisa hadlaya, halka uu Bashiir u muuqdo xaasid aan qofka u quurin waxa uu yahay oo xaqiir ah (waa haddii uu wax xaqiri karo e’) marka walaal wanaagaan jeclahay macnaheeda ma aha inaad ku riyoota waxa aad jeceshahay adigoo maalinimo soo jeeda, qoraalka ha ku sirman wuxuu dadka barayaa qofka aad adigu tahay, ma aha qabiil ahaan waxa aan ka hadlayo, anigu hadda waxaan kuu arkaa inaad tahay nin wanaagsan laakiin iimaha qaar ay wanaaggiisa qarinayaan.

    Daadow sida ay ila tahay adiga iyo Cabdi-Wali adiga ayaa fiican marka waqiga ha isaga dhumin, cinwaan fiican baad heli kari lahayd oo waxyaabaha qoraalkaga ku jira o dhan soo koobaya, laakiin waxaad moodaa inaad muhimadda siisay in Cabdi-Wali cinwaankaaga ka muuqdo, haddiise aan kula kaftamo walaal ninka Campaigner miyaad u tahay? Enginner Daad ogow qoraalkaaga waxa badan buu ka sheegayaa shaksiyaddada ee ha ku sirman!

  3. Cirka waan ku salaamayaa

    Ina adeer Somalidu waxay tiraahdaa nin meel u caddahay meeli ka madow…….. ayaamahaan waxaa inagu habsaday wax yaabo badan oo damiirkii inaga qaaday… waxaana ugu daran dadkeenii farta looguma fiiqii karo qof wanaagsan ama qof xun midna….. kii wanaagsanaa markaad farta ku fiiqdo waxaa markiiba ka dhaadhacaysa inuu ujeedo wato qofkaas farta wax ku tilmaamaya oo waxaaba ugu daran kaad ammaanta usoo jeedisay oo ay la noqonayso inaad dan ka wadatid…

    dadka inta aan jifo la ahayn ruuxaas aad wanaaga yar ku sifaysay iyagoon dullucda iyo wanaagga la sheegay eegin ayeey waxay maskaxda ku qafulayaan sidii ay dadka kale ugu muujin lahaayeen inaan ruuxaasi wanaag geyin qofkii farta wax ku fiiqayna ka dhigayaan inuu xayeey siinayo oo hiil iyo qaraabo ahaan u taageerayo oo qofkaas ammaanta soo jeediyey waxaa laga dhigayaa tuke canbaar leh si aan dadku u dhagaysan ama qoraaladiisa u dheehan.

    ina adeer cinwaanku waa la kulankii wax iga bedeley ee Cabdiwali Gaas hadaad dhug uyeelatid oo adoon meelna isku qufulin cinwaankaas siisid xaqiisa waxaa kaaga soo baxaya in qofka wax ka bedelmeen yahay Aniga Abdirashiid ah ee aanu ahayn Abdiwali Gaas is bedelka igu dhacayna wuxuu igu dhaliyey inaan isku dayo in dadkeenii oo damiirkoodu dhaawacnaa intii mudda ah bal waxaan karaan ahaan awoodo soo nooleeyo ama toosiyo…

    qofka damiirkaaga kacsha oo dareen kaa dhintay nooleeya ammaan ayuu kaa mudan yahay iyo inaad u quurto inaad dadka usheegto waxa hurdada ka kacshay qalbi jabay waa hore waana arinta keentay inaanan xasdin Abdiwali Gaas ee aan farta ku fiiqo inuu yahay ruuxa qalbigayga hurdada ka kacshay inaanan aqoon badan oo hore iyo mid danbana u lahayn magaca Rabbi ayaan ku maray qoraaladii hore…

    ina adeer gacaliye qof hoos udhigidu wax ma kor dhiso inay xumayso mooyee….

    ina adeer qoraalkaan hadda aan commentka wax ku qorayno daabacayaashu waa kharibeen sawiro ayuu watay sawiradii waa ka reebeen oo hadaad fiirso shacabkamedia.com waad ku arkaysaa macna buuxana waa samaynayaa…

    ina adeer intaas waqtigaaga ku dhuminaysid hebel laga fiican adigoo keena qofkaad isleedahay wanaag ayuu leeyahay ka fiican haddii qof kastaa sheego qofkuu wanaag ku malaynayo waxaa banaanka imanaya dadkii aan u baahnayn…

    talo……..somaaliyeey hebel laga fiican ina rogtay iyo hebel hebel ayuu wataa ruuxaad wanaag ku ogtahiin inoo keena aan u dad badsanno wanaaga…….

    wabillahi tawfiiq

  4. Haad says:

    —>Cirka,

    Odeygaan la hadashay si xirfad lehna wax ugu sheegtay laakiin, sida muuqata heerka qoraalkiisu tayo ka le’egyahay buu akhriskiisuna tayo ka le’egyahay, marka ha isku daalin. “Habartii indho la’aantii dadcunimay ku darsatay” (Waa maahmaah soomaaliyeed). Hada, Ina Daad qoraal xumadii faham la’aanbuu ku darsaday.

    (‘~’)?

  5. Cirka says:

    Ku: Haad,
    Walaal Engineer-ka caay innagama mudan, wallaahay umana jeedin inaan caayo ama aan sababo in loo gefo, waana ka xumahay, marka walaal waa laga yaabaa nin kasta oo innaga mid ahba inuu dhinac wax ka arkay laakiin xoogaa aan is ixtiraamno, oo yeeynaan isku gefin waxaan rabnaa inaan fikrado kala qaadano, inaan gaarno heer aan wax isu sheegi karno, wax kala qaadan karno, oo aan dadkeena sidaas ku taba barno.

    Marka Daad walaal anigaa hadalka Haad kaa xaal siiyay ee adigu waxba ha u soo jawaabin, runtii aad baan uga xumahay, waxaa laga yaabaa Haad laftiisa inuusan xumaan u jeedin ee yahay nooca dhiigga diiran waana u baahannahay ragga noocaas ah inshaa Allaah, laakiin waxaa wax kasta ka horeeya inaan is ixtiraamno, tusaale ahaan hadda ninkii ku gefa Bashiir oo kale waa ila jid leeyahay waayo isagaa gef u joog ah oo mararka qaarkood beelo dhan afka saaraya,laakiin ragga qaarkii sida Engineer Daad, ina adeer xaashaa Lilaah, waxaana rajayniyaa inaan is cafino.
    Mahadsanidiin.

  6. Saynab says:

    Abdirashid wallhi calooshaa ihurtay ilmada celin waayey aboowe qofkii akhriya oo waxka sheega waa qof xanuunsan

    aboowe macaane maqaalka danbe twitter kaaga soo raace ama facebook wallhi waa ku raacaynaa

  7. dhabaraaa says:

    WALE WAA QARACAN TANE LOOMA ADKEY SAN KARO WALALY WAA INAN KACANAA

  8. caasho says:

    inaa lillaahi waa inaa ilayhi raajucuun

    hoognay qaracan na kadaran arxan iyo naxariis waanaga guurtay hadaan hadalkaan wax kuqaadan wayno walaan xoolaha kaliidanaa cabdirashid sida saynab sheegtay samee twitter anigu iyo asxaabtadyuba diyaar ayaan nahay waana kugarab istaagayna

  9. Basra says:

    @haad
    Waxaad u egtahay waxaas oo dhibaato ah kuwii wax ka dhigay waayo qalbi naxa baa kaa muuqan lahaa, Ilaahay cadaabtiisa ha ku fogeeyo kuwa waxaasoo dhiba ka dambeeyey, Waxaa iska cad in kuwa bahaladaa oo dadka cunna uu ka guuray naxariistii oo ilaahay cadaab ugu talogay! hadda sheekadu waa dhaaftay naxariistii uu qoraagu ku soo arkay professorka nasriga ah ee gaas ee walaalkeen wuxuu na tusayaa dhibka dhacay baaxadiisa, walaalo Abdirashiid Somali in bahalo cuneen waa loojeedaa ee Illaahay ha kaa abaal mario dadaalkaas soomaalinimadu ku dheehan tahay Illahay professorka ha noo daayo,Amiin

Leave a Reply