Qaybtii Labaad La Kulankii Wax iga Bedeley ee Cabdiwali M Cali Gaas
Qaybtii Labaad La Kulankii Wax iga Bedeley ee Cabdiwali M Cali Gaas
Eng Abdirashid Abdi Daad
Guurey@hotmail.com
Juunyo 12 2012
Waxaan Ku Bilaabayaa Magaca Allaha Naxariis oo Dhan iska Leh
Akhristoow anigu aqoon badan iyo midyar toona uma lihi Cabdiwali Gaas, nin siyaasad dhex galkeeda iyo daba orodkeeda gala ama jecelba ma ahi, nin ismuuji halagu arkee islehna ma ahi, nin Cabdiwali jecel ama neceb midna ma ahi. Sababtoo ah qofka waxaad jeclaataa ama necbaataa markii aad aqoon u leedahay ama wax isugu timaadaan oo idin dhex maraan, taasinina lama dhexmarin. Allah ayaa iiga markhaanti ah intaas aan sheegay inay iga dhabtahay oo aanan aqoon u lahayn necbayn jeclayna… Qof Allah yaqaan baa garan kara markhaanti gashadka Rabbi la markhaanti gashado oo rumaysta qofka aan Allah aqooni ma rumaysto illayn xurmad uma hayo Rabbi. Wax garad waa wada indho ayeey somalidu tiraahdaa, waxaa Rabbigeena caadilka ahi garaadkaan inoo siiyey waa inaan wax ku kala garano ee inaan dabka kaga leexano kaliya inooma siin.
Akhristoow bal qiyaasoo garashadaas Rabbi SWTC ku siiyeyna la kaasho, ruux aad ugu timi qol waliba daallan oo habeenkaas oo dhanna soo jeeday wax yar maahee oo safar ah haddana madax Somaliya ah (illayn madaxda Somalida waayadaan danbe qiimayn iyo ixtiraam ugamaynaan barane) oo isagoo boorsooyinkii la diyaariyey baabuurkii qaadi lahaana diyaar yahay oday reer baadiya ah oo aan lebis fiican wadan oo uusan aqoon iyo nin suut qaba oo uusan aqoon u fariistay oo dhagaystay waxay raadinayeen si ixtiraam iyo xushmadi ku dheehan udhagaystay gacalnimo ka nixed qalbiga ahna arintii u abbaaray ma inaan xaasidnaa mise waa inaan runta ka sheegno waxaan ku aragnay soo ma mudno in dadkoo dhan la tuso qiimaha, wadanimada iyo sharafta uu leeyahay.
Akhristoow bal qiyaas qol aan cid kale joogin oo aan kaamara wax duubta joogin oo raadiyo wax tabiyaa joogin oo qofka aad la hadlaysid aadan aqoon u lahayn ma wax buu qoraa, ma damdamle magac doonaa, ma danayste hunguri doonaa, ma daacad dhegawayn baa… aadan haba yaraatee aqoon ulahayn… oo sheekoba sheekay keentaa xaajadu ku iman Allah ayaan kugu dhaarshee adigoo madax ah oo aan waqti hayn qofkaas maku hurgufi lahayd dareenka uurkaaga ku jira… bal sifiican u dhuuxoo hadaad is oran lahayd istus iyo halagaa sheego samee cid lays tusaa ma joogto, waqtigu waa kugu yar yahay Raysal Wasaare dhanna waad tahay…
jawaabta saliimka ah waxay tahay waa maya qof aan daacad ahayn oo aan dareen qalbiga ah hadalku ka ahayn oo cid uu istusaa u muuqan ma hurgufeen wax uurkiisa ku jira…
Akhristoow waagaan yaraa ayaan waxaan Somalida ka maqli jiray qofkasta waxaa soo mara khadarka markuu soo maro ayuu is dhaafshaa markuu ogaado ayuu weey oo weey iyo gocosho bilaabaa. Waxaan kaloo ka maqli jiray odoyaasha wanaaga dadku markuu hor joogo uma muuqdo markuu dhaafo oo aanu haaban karin ayuu catoow bilaabaa… waxaa kaloo jirtay yaraantaydii qiso aan maqlay oo aan jeclaa oo ku saabsanayd dameer hilbo saran yihiin iyo dhurwaa… waxaa la yiri dhurwaagu hilibka dameeraha aad ayuu u jecel yahay sidiisaba, marka dhurwaa aan maalmo irsaaqad arag oo haraadan ayaa waxaa ka soo hor baxay waqti habeen ah dameer hilbo iyo biyo saran yihiin markaas ayuu eegay oo eegay oo u qaadan waayey markuu hubsaday ayuu qosol intuu la dhacay orod is xaabshay inta farxaddii ka badatay. Markaas ayuu hadba ku soo noqdaa oo yiraahdaa war hilib hilib sitoow bal waran oo qoslaa oo durduriyaa, saddex jeer markuu orod is xaabshay oo ku soo noqday ayuu mar afraadkii markuu ku soo noqday meeshuu ku ogaa waayey dameerkii. Hadba dhinac ayuu u ordaa maleh meel ay jaan iyo cirib dhigtay, markuu quustay ayuu isagoo socod luud ah ku socda cod qarracan ah ku yiri Allow yeey mar kale u bururuf tiraahdaa illayn dameeruhu waa kuwa bururuf taa ku hayee…
Akhritayaasha qiimaha iyo qaayaha lahoow waayadaan danbe waad ogtihiin oo daacad ruuxii ah wuxuu noqday tuke canbaar leh lama jecla oo laba arimood ayaa dadkii ku diray mar waa danaystihii oo been iyo boor ku qarinaya oo aan u ogolayn inay dadku arkaan qofka daacadda ah iyo tan labaad oo ah dadkii oo hagar daamadii iyo beentii khayaamada ahayd ka badatay oo xataa in Diintii loogu soo gabaday ay maanta marayso… waxaadse ogaataan waxaan dhib loo marin taariikhaha kuma cadda in wanaageeda la helay… kuf istaag dhac istaag waxaaddan u dhibtoon dheefteeda lama cuno ayaa somalidu tiraahdaa…
Waxaan idin oran lahaa Soomaaliyeey intay qisadii dhurwaaga inagu dhici lahayd aan Cabdiwali waqti siino oo Garab istaagno, haddii intaas aan ka sheegay run tahay waxaana lagu ogaa karaa run iyo been keey tahay inaggoo waqti siina… hadday been noqotana ma awalbaan haysanay gacal ninkii waxuu yiri abeeso I ruugtaa abeeso kale iima dhaanto awalba abeesaa ina ruugaysay… Somaaliyeey amuu Yahay Cabdiwali Gaas cirsan ka yeer Rabbi inoo soo diray oo damdamle iyo danayste inoo diidayaan inaan sifiican u ogaano…
Akhristayaasha qiimaha iyo qaayaha badanoow film ayaan habeen fiirsaday mana ahi dadka film yada daawashadooda u badan, filmku wuxuu ahaa film madaan Science fiction ay yiraahdaan waxuu ku saabsanaa duul aan bini aadam ahayn iyo bini aadam iska hor yimaad dhex maray, ruux xoog badan oo aad u wayn ayaa qof bini aadamka ka mid ahaa la hadlay oo ku yiri xayawaanada adduunka saaran idinkaa u diciifsan oo ugu itaal liita… markaas ayaa qofkii ugu jawaabay waa runtaa laakiin waxaad ogaataa xayaawaanada xayawaanka kaliya oo markuu isu yimaado oo midoobo buur dhan dhaqaajin kara inuu yahay bini aadamka….
Akhristayaasha qiimaha badanoow Liibiya, Masar iyo Yemen… waad aragtaan iyagoo waliba barwaaqo haystay oo aan inagoo kala ahayn markay kaceen sida xaal noqday… Somaliyeey dad innaga geesi san oo innaga dagaal yahansan adduunka kuma noola sideebay ku dhacday in 21 sano aan ku jirno dhibtaas sharaf xumadaas hooyooyinkeen qarracan uurku taalo ku seexdaan qaxooti ay melo kale ku yihiin iyagoo haysta dhulkii adduunka ugu deegaan qurxoonaa ugu nimcada badnaa waliba la baxay oo la oran jiray dhulkii udugga daawladihii aan diinta lahayna wanaagga dhulkaas iyo nimcada taalla awgeed u bixiyeen dhulkii ilaahyada….
Somaliyeey waxaa dhibtaas inoo gaystay waa isku dirkii ilaa xilligii gumaystuhu ina soo galay innagu socotay oo reer ba reerka kale lagu dirayey oo caadifad aan damayn layna dhex gashay qiyaas ilaa 1884 diro diro laynoo adeegsanayey imisa jiil baa dhintay iyagoon wanaag iyo barwaaqo Somaliya leedahay arag oo dhulkii iska dihin yahay oo aanay heil fursaddii ay uga faaiidaysan lahaayeen… Soomaaliyeey eega markab la qafaashay oo waliba khayraad keenii guranayey waxa maraakiib daafacda baddeenii la soo dhoobay oo waliba qashinkii u dheeryahay waxa 21 sano ku dhacayey dhasheenii hooyooyinkeen aan cali iyo caasho is waydiinayn oo aan la kala jeclayn… Soomaaliyeey waxaas oo dhan waxaa ina dhaafshay oo inoo diiday inaan indhaha kor u qaadno waa Danayste aan innagu dhalnay oo hungurigiisa maahee aan kala jeclayn wax kale…….. yaan Danayste innagu dirin ruux Daacad ah oo caadifadi ina dillooon…
Nin ayaa Qoraalkaan shalay soo qoray isagoo eedaynaya ku soo qoray comment ka gabar la kufsaday maxay qiimo leedahay xataa anigo maan ka hadlin gabar la kufsaday…….. war kufsigu dilka iyo dhibta kaliya miyuu mooday xaajada…… war qofka bini aadamka ah wax yeelidda Sharaftiisa waa ka xanuun badan tahay jirka waxa soo gaaro…… ogoow dhaawac gaara qof isuma dilo laakiin sharaf ka dhac soo gaarta qofku waa isudilaa naftiisa…… marka adeer Nafta qofka waxaa ka qaalisan sharaftiisa……. Waydii Gabdhaha kufsigu sharaf ka dhaca iyo urugada damiir ahaaneed uu ku reebo aan waligeed ka harayn…
Gabagabadii Soomaaliyeey Wallaahi thuma Wallaahi thuma Wallaahi inaanan aqoon fiican u lahayn oo aanan Jeclayn Cabdiwali Gaas oo aanan Necbayn ee qofka Siyaasi ah oo ku fekaraya dhibta haysata duulka aan tabarta badan lahaynn ee hooyooyinka caruurta dhibaatada joogtada ah ee ku soconaysay 21 sano ayaanan arag oo maqal Wallaahi xataa inaanan ka war hayn inuu isa soo sharaxayo……. Bal hadalkii uu igu yiri mar kale eega oo akhriya……
Cabdiwali M Cali Gaas waxuu igu yiri
(((( Bal ka waran Islaanta caruurteedii uga tagtay dayrka guriga iyagoo cayaaraya oo suuqa adeeg u doonatay oo intay adeegga ku maqnayd madfac meel laga soo riday aan la aqoon ku habsaday caruurtii oo markii ay soo noqoto dad ooyaya la kulan tay markii ay ku soo oroday caruurtii hilbahoodii goo go’een oo markaa madax meel yaal qabsatay oo baruur qarracan uurkutaalo aflabadii yeertay…
Bal ka waran hooyo iyo aabe wiilkoodii duul ka xoog badani laba dibble u xireen oo waa gaalo raac leeyihiin oo hortooda kurka kaga jaraya cid ay cawaan sadaan haysan oo aan xataa qaylin karin oo ka baqaya in iyagana lagu daro oo ilmadu soo dhaafayso itaal la’aan miciin la’aanta haysata…
Bal ka waran aroortii adigoo soo toosay oo meel lagu buuqsan yahay oo sawaxan ka baxayo usoo dhaqaaqay mise waxaa yaala dhashaadii mid ka mida oo madaxu agyaal dhib aad ku ogaydna uusan jirin qarracanka ay leedahay oo waalidkaas haysta…
Bal ka waran gabdho yar yar oo guryahoodii laga kaxaystay oo aaboow hooyeey leh oo aan waalidkood oran karin noodaaya caruurta lana leeyahay waxaa loo guurinayaa mujaahidiinta gabdhahaas yar yar oo aan cidi waydiinayn dareenkooda oo itaal la’aan la ooyaya waalidkii dhalayna isha ka mirig mirig siinayaan oo aanay waxba u qaban karin qaracanka iyo calool xumada ay leedahay…
Akhristoow Cabdiwali Gaas oo indhihiisa ilmo isku soo taagtay ayaa iyiri isagoo magacayga iigu yeeraya….
Cabdirashiidoow wax aniga isoo gaaraya ama igu dhaca oo afxumaan iyo been abuur badan iyo dhibo kale sida qaraxaas waxaa igala daran arimahaas iyo kuwa kasii daran waxaana Ballan Rabi ku qaaday inaan arimahaas wax ka qabto anigoo Allah SWTC tala saaranaya… waxaa iga go’an
- in aan hooyo danbe barooran oo aanay ka walwalin habeenkii masoo toosaysaa adiga iyo eheladaada oo wada dhan…
- in aan waalid danbe eegan dhashoodii oo hortooda lagu gawracayo
- in dhallinyaradu habeen iyo maalin meeshay doonaan ku cayaaraan iyagoon ka baqayn in la laayo
- in eheladu habeenkii farxad iyo kaftan ku caweeyaan iyagoon ka wel welayn in madfac ku habsado
- in aan la soo toosin subaxdii oo lagu waa bariisan maydad madaxyadii laga gooyey
- in aan cidina cid khasab kaga haysan hantidoodii iyagiina cidla jiifaan oo dayac iyo saxiir ka dhergaan
- in dhammaan bulshada Somaliyeed hesho Nabad ay u wada Siman yihiin Sharci ay u wada Siman yihiin wax barasho ay u wada Siman yihiin xoriyad ay u wada siman yihiin iyo inay baqdin la’aan mari karaan meeshay doonaan iyadoon cid is hortaagayso jirin ama ay ka cabsanayaan… ))))
Soomaaliyeey intaas aan idiin sheegay hadday runtahay aan ninkaas Cabdiwali Gaas isugu tagno oo haddii uusan isa soo sharaxayn ku qasabno inuu isa soo sharaxo oo ku garab istaagno oo waqti siino… Qofkii Allah Yaqaan ayaa garanaya ku dhaarashada magaca Allah SWTC qofka kale muran iyo caadifad ayuu kugu haraadinayaa… Soomaaliyeey buur dhan ayaan dhaqaajin karnaa haddaan garab istaagno ninkaa fikirkaa aan qoraakii hore ku sheegay leh…….. ka damqashada ka xanuunsiga kuwa itaalka daran iyo kuwa sabooolka ah……..
Wali maskaxdayda waa ku guuxayaan hadaladaasi waxaanse ku faraxsanahay inaanan ka maqlin isagoo meel fagaara ah ka leh sababtoo ah waxaan oran lahaa waa halagu amaanuu ka wadaa ee aan ka maqlay annagoo qol aniga iyo isaga bes ahi joogaan……..
Haddaad been iga moodaysaan sawirka ka eega diifta iyo daalka saran ilaah og xataa badhamada xiridoodu dhib ayeey ku ahayd…..
Wa Billahi Tawfiiq
Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad
Email: Guurey@hotmail.com
=================================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











qoraagu waa mahadsan yahay inkastoo aad talisay hadana qoraalka waad nagu badisay oo dadkeenaan dameer baa xaabo nagala taagan ogowna qoraalka kooban baa dadku ka dhargaan lakiin hadaad badisid intii qofku akhriyay baa ka kala yaacaysa ama qaybuuba ilaawayaa kkk,
waa nin dadaal badan laysla shee c/wali waana taageersanahay waxaanan rajaynayaa inay soo noqdaan c/wali iyo shariifkuba maaha shariif sakiin waa shariif shiikh axmed
Mid baan kuu sheegaa haddii Gaas aad isku reer ( qabiil ) tihiin
waxaa kuu arkaa shaqsi ina adeerkiis xayeysiin u sameynaayo. Laakiin haddii aad kala reer tihiin oo ay siyaasaddiisu ku qancisay well done ayaan ku dhihi lahaa.
qaloocoow ayaan u jawaabayaa. nacas baa tahay ee ilaahey ka xishoow iyo ninka maqaalka soo qoray waayo bal fiiri inta jeer uu ilaaheey magiciisa kuugu dhaartay oo uu ku leeyahy warka ninka ma aqaani xataa,, mise hal dhag ayaad wax ku maqashaa oo ah QABIIL war dadkii wax bey barteen oo qabiil waa laga tagay ee toos sxb mcne, oo waxbaro oo isku kalsoonow qaabiil ha dul taagnaane,dalkaga iyo dalkaagana ka fikiri intaas ayaan ku leeyahy CANDIRASHIID walal nin walba oo aad wanaagiisa aragto dadka u soo bandhig ama qabiilkaaga ha ahaado ama qolo kale ha ahaado waa mahadsanthy in badan
hadba tab iyo xeelad cusub ilma adeerteen noo jeclaysiiya .
markaad istiraahdeen 20th AUGOST ayuu waayayaa xilka marka saaxiibadii waayaan
saaxiib filimadaas soomaali horay ayeey ugashay isla markaana ugu hungowdeye
filim kale oo kaa gadmaaya orodoo soo alif,
@Saraaxi,
Horta caqliga gali hadii qof wanaagiis la sheego waa XAQ uu mutaystay ee ma aha mid wax loogu doonayo.. ..kkk. Abdiweli maba filayo inuu hadda masraxa soomaali ka taliyo nin kaga haboon inuu na hogaamiyo ee bal taas qabso. Tan kale walaalkeyga qoraaga kheyr Allaha siiyo karitada uu muujiyey oo uu walaalkiis xaqa ugu hiiliyey. Waxaa hubaal ah in Professor Abdiweli Mohamed Aligaas uu XINIIN KOR U TUURTAY oo macneheedu yahay in uu Taariikhda baal DAHAB ah ka galay!! Kii xaqiri lahaa ogoow aday kugu gaartahay oo inta kula qabtaa yar!
Halyeygaas Dal Badbaadshe,
Oo Isagoo Darajeysan,
Duruufna aysan u geynin,
Shaqo Doorana Haysta,
Caqligiisa ku duugay,
U dadaalka Dadkiisa,
Xikmadiisa duxaysa,
Dunnidaa u riyaaqday,
oo dadkeenaa u raxleeyey,
oo waa haldoorka ragee,
Somalaay u duceeya,
oo Somalaay la dadaala,
oo La duubta wanaaga,
Ah Colaad ha la daayo,
Ah Wanaag ha la doono,
Ah dadkeen ha buskoodo,
Ah Barwaaqada daadsan,
Ee dalkeena ka buuxda,
Ee Eebahay noogu deeqay,
Mar uun aan ku dakeyno,
Xamdina aan ku dambeyno.
Ku: saraaxi. Nin yahow illahay ma rumaysnid miyaa, mise qabiilkaa ku madax maray.
Inta jeer uu illaahay ku dhaartay ma arki waysay. Adigoo kale dawo ma lihid in sun lugugu buufiyo maahane. Adiga iyo inta kula midka ah oo qabiilka madax maray.
Qoraaga aadbuu u mahadsan yahay, tala soo jeedinta iyo runka sheega uu noosoo tabiyay. Intii karaankayga ah waan taageerayaa.dadka qaar baa xanuunsan oo xataa dhaartaadi qaadan waayey ee dhaq jalaq ha u dhigin.
Moha saaxiib raali iga noqo. xaqiiqdii ma aanan aqrin qoraalkaa cinwaanka uun baan arkay. Midda kale aan kaftamee reerka gaas ka dhashay ” qaarkiis ” waa xayeysiin badan marka iyagaa sumcaddiisa ku ciyaaraayo. Farmaajo oo saaxiibkiis ahaa aana anigu is leeyahay ama waa ka howl karsanaa ama waa ka daacadsanaa ma arki qof ay isku reer yihiin oo xayeysiin u sameynaayo. Midda kale qabiil walaalow adinkaa somali barey waxaana aan hubaa haddii aad qabiil iska deysaan iney somali oo dhan gacmaha is qabsan laheed. Waa aniga arigteyda.
Ninka c/gaas amaanayoow aqoon uma lihid sida aad sheegtayba fadlan ha noo amaanin waanu naqaanaa wuxuu yahay kula yaabi maayoo waa lagugu shubtay. Ninkaas aad amaantay uma qalmo . AMaanta aad u dhoodhoobtay.
@qaloocoow, (Allaha ku toosiyo)
Horta walaal llaha ku toosiyo. Marka hore horta waxaad comment ka bixisay waxaad adiguba qidhay in aadan AKHRIN….kkk Soow caqlixumo aahbeheed maaha…kk Sidee baa wax aadan akhrin oo aqoon u lahayn waxa qoraagu ka hadlay ayba maskaxdaada uga soo go’day inaad wax ka sheegto???? so taasi deg deg iyo fudeyd iyo hubsiino la’aan maaha! miyesan ahayn waxa aad sheegtoo dhan in ujeedadaadu uun tahay inaad FARMAAJO xayeesiiso!! Walaal Farmaajo waxba kama qabno waxaana leenahay walaal soo dhawoow laakiin ogoow Abdiweli iyo Farmaajo inkasta ooyba labo nin oo saaxiiba oonba meeli kaaga banaaneyn dhexdooda yihiin haddii Eebe laga baqo oon nin jecleysi wax u qodh aysan sheekadu ahayn in uu Professor Abdiweli waxa uu qabtay rubuceedna uusan famaajo qaban laakiin wuu dadaalay intii yareyd ee uu joogay dad badana way ka eed sheegteen. Marka caqli la imoow oo akhri waxa qoraagu uu qorey markaas comments bixi hadii kale naceybka iyo xaqiraada kaa guuxaya adiga uubaa qariga la galaya Eebbana kugu ciqaabine cid kale waxba umaadan dhibin!!!!
Faadumo walaashey wallahi labada nin waa ii siman yihiin. C/Weli gaas anigu waxba kama sheegin aqoon shaqsi ahaaneedna midkoodna uma lihi laakiin qoraaga ayaan su aal weydiiyey. Waxayna aheyd ma dar alle iyo wanaag aad ka aragtay ayaad qoraalkan u qortay. Haddii ay sidaas tahay oo haddana aadnaan isku reer aheyn qoraalkaagu waxuu yeelanayaa credibility. Qoraalka waaye waxa aan ka hadlaayo walaashey. MOHA ayaana ii jawaabay waana aan qaatay qaladkii ahaa inaan comments ka qoro wax aanan aqrin. Fiiri aniga shaqsi aan isku reer nahay oo soamlidu wada amaaneyso wanaagiisa haddii qoraal dheer ka qoro waxaa laga yaabaa iney dad qaar yiraahdaan naga kala yareey bahasha. Aniga arigteyda Farmaajo iyo Gaas isku quality ma aha waana laga yaabaa inaan qalad fahmay oo bilcaksi uu gaas ka waxqabad iyo daacadnimo badan yahay F. Habkaan C/weli u shaqeeyey waa jidkii Farmaajo dadka tusay. Milateriga, askartii cuuryaanka noqotay oo farmaayo mushaar u qoray waa waayeen mushaarkoodi markii farmaayo la eryay.
@qaloocow,
walaal gartay laakiin xaqiiqadii professorka khalad baad ka fahantay ee anoo aqbalay jawaabtaada waxaan kuugu siyaadinayaa inkastood garwaaqsatay in HUBSIINO HAL DHAN LA SIISTO! iyadoo aan aniga iyo inta igu fekerkaa wax caad ah haba yaraatee naga saarneyn quality Sare ee Professor Abdiweli ILLAHAY UGU DEEQAY taasoo aha mid lala dhacay guddo iyo debedba!! bal adiguna isku day inaad Raisal wasaarahaaga barato kadibna aad judgement samayso sida ninka Odayga ee maqaalkiisa ay ka cadahay Rabbi ka Baq iyo cadaalad!! Ka feker ciwaanka maqaalkaan waad aragtaa isba inuu wixii uu u haystay iyo wixii uu kala kulmay ay yihiin kaaf iyo kala dheeri. Markaas ka dib baan kaa sugaynaa waxaad ku qiimayso! Raisal Wasaarahaa, salaam
[...] Qaybtii Labaad La Kulankii Wax iga Bedeley ee Cabdiwali M Cali Gaas Tuesday, June 12th, 2012 at 06:25 am / 11 Comments [...]