Ra’iisal Wasaare Gaas: Somaliland Adduunka Iyo Soomaaliya Ma Aqoonsana Suuragalna Ma Ahan Sidii Labo Dawladood Inaan u Fariisano
Nairobi (RBC) Ra’iisal Wasaaraha XKMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas ayaa sheegay DKMG ah iyo maamulka Somaliland ayu wadahadli doonaan sidii dad walaalo ah oo Soomaali ah oo ka arrinsanaya horumarka Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in maadama aysan hadda maamulka Somaliland uusan ictiraaf ka heesan caalamka iyo dadka Soomaalida in aysan hadda dhaceynin in Somaliland iyo Soomaaliya ay u wahadlaan siddii labo dowladood.
Ra’iisal wasaaraha ayaa yiri ” Waxa aan rabaa in aan caddeeyo in Somaliland uusan caalamku aqoonsan, Soomaaliyana aysan aqoonsan, sidaasi darteedna aysan suurto gal ahayn in sidii labo dawladood ay u wada fariistaan”
Wuu sii hadlay ” Walaalahayn Somaliland waxa aan dooneynaa in aan ka wadahalno masiirka Soomaaliya, waxa aann hubaa intii aan burburka ku jirnay in ay iyaga nabad iyo horrumar gaareyn, laakin fiiri suura gal ma ahan in hadda aan labo dowladood ahaan u fariisano” ayuu u sheegay.
Hadalka Ra’iisal wasaaraha ayaa immanayaa iyadoo shaley shir jaraa’id oo uu qabtay magaalada Hargeysa guddoomiye ku-xigenka golaha wakiilada Somaliland uu sheegay Somaliland in aysan marbana gor-gortan ka galeynin gooni isku taageerada.
” Wadahalka Somaliland iyo Soomaaliya waxa weeye siddii labo dal oo jaal ah oo walaalo loo noqon lahaa oo kala madax-banaan oo qolo kasta dowladeeda leh, waxa ay ila tahay Soomaaliya in aysan waxba u dhibeynin ha la iska daayo in la is-xaasido in wax la isku hadeeyo ayaa fiican, kolka diidmadan wax soconeysa ma ahan dadkan waa ay tashadeen, dastuurka 80% ayey u codeeyeen in ay gooni noqdaan oo madaxbanaanidooda ay la soo noqdaan ay wanaajistaan” ayuu yiri Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Somaliland Cali Yuusuf Axmed.
Wuu sii hadlay ” Shirkii Londan ee dhacay Febraayo oo ay ka qeybgaleyn in ka badan 50-dowladood ayaa la soo jeediyay in ay Somaliland iyo Soomaaliya ay ka hadlaan mustaqbalkooda, Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha DKMG ah waxa ay dhowrjeer ku cel-celiyeen in Somaliland ay hoos keeni doonaan Soomaaliya, marka wax uga digeynaa hadalada noocaas ah ee la isu marinayo warbaahintu ay sii fogaynayaan wadahadalo dhex mari kara Somaliland iyo DKMG ah.” ayuu markale yiri Cali Yuusuf Axmed.
Dhinaca kale, Ra’iisal wasaare Cabdi Wali Cali Gaas ayaa kullan arbacadii kula qaatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya madaxda Kenya.
Ra’iisal wasaaraha ayuu uga mahadceliyay dadaalada dowladda Kenya ay ka wado Soomaaliya iyo martigalinta qoxootiga Soomaalida ee ku nool dalkaas sida ay baahisan warbaahinta Kenya.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Kenya ay door weyn ka qaadaneyso nabad ku soo dabaalida Soomaaliya.
Sidoo kale Ra’iisal wasaare Gaas waxa uu sigaar ah uga mahad-celiyay heshiiskii Kenya ay kala saxiixdeyn midowga Africa , taas oo si rasmi ah loogu shaaciyay in Kenya ay ka mid noqotay AMISOM.
Ra’iisal wasaaraha ayaa kula hadlay saxaafadda State House Nairobi , halkaas oo kullamo kula qaatay madaxda dalka Kenya oo u ku jiro madaxweyne Mwai Kibaki.
Intii kulanka uu socda madaxweyne Kibaki wuxuu ku cel-celiyay in Kenya ay dooneyso in Soomaaliya ay nabad hesho si dhabo sax ay u tagto oo looga baxaayo dhibaatada dalka uu ku jiro.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan dowlad awood leh, oo heesata ciidam Boolis ah iyo hey’addaha Garsoorka, kuwaas oo tiir u ah hanaanka dib udhiska ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Kenya
RBC Radio
===============
Xafiiska Wararka Nairobi











Aniga waxan qaba in Somaliland layska dayo,oo aan lagu mashqulin hadii aay Somaliya raban iyaga halaga warsugo hadii aasysan rabina faraha halaga qado,21 labatan sason ayaa kaso waregtay waqtigii aay ku dhawaqen somaliya waa kago,anay maxaa logu daba wada somali bad kamid tihiin maxaa logu shukaminaya,waxaan oran laha dadkas amaan hala siiyo waagii aayso noqdan hala’arko lakiin shukansiga tirada badan halaga dayo.
Waad iska hadashay,hadaaanay dowlad ahayn maxaad ula hadlaysaaan maad iska joogtid gurigan ay kuku ilaaliyaan ciidamada shisheeyaha ah. Way dhamaatay sheekadii ahad midnimo xamar iyo hargeisa ah.Calankaa xidigta leh shantiisa geesood hadii la waayay maxaa laba geesood oo qudha isku dhejinaya.Xidigtii iyadoo madow ayaanu ku dhejinay calanka somaliland, siday u madowdahay ayay rajadii midnimada u madoobaatay.sidaa ku seexda. labadii wasiir ee aad faroolena ugu dartay waa laga saaray sidaa ku abshir .
Haddii aanaann sidii laba dawladood oo walaalo ah u wada hadlayn maxaynu ka wada hadli karaa, hadaanu doonayno inaanu somaliweyn ka shaqayno ma cid naga hortaagan oo shuruud nagu xidhaysa ayaa jirta oo leh horta dawlada somaliya soo mara? waxaan filayaa jawaabtu waa maya, ee sidaa puntland baanu dhinacayaga qabsan lahayn.
Waxaan jeclaan lahaa inuu qiimeeyo Raysal wasaare Gaas in Somaliland ay lixdankii u timi somaliya iyada oo aan shuruud wadan, oo ay yidhaahdeen walaalaynu nahayn oo waxba ma kala lihin, waxba ku noqon maayo sidii foosha xumayd ee ay u maamuleen somaliweyn dadkii koonfurta somaliya ama mustacamarii somalida ee talyaanigu.
Waxa ay Somaliland maanta shicib iyo Dawladba ay rabaan waa sidii Somaliya iyo Somaliland ay aduunka ugu wada noolaan lahaayeen iyaga oo walaalo ah sidaa jabouti oo kale oo aan fiise laysu qaadan waxbadanina ka dhaxeeyo, haddii taa la waayo waa jug jug meeshaada joog. hawshiina wata anaguna taayada Alle haydin nabad geliyo oo weliba horumar iyo badhaadhe gaadha anagana noo soo duceeya. Waxaana laga yaabaa in waxa ay dawladn somaliyeed garan ladahay, ay garan doonaan kuwa ka dambeeya ee soo socda Ogosto.
waa hadal wanaagsan raisal waseera maanta ayaad runta ka hadashay waa goaan aad u fiican somaliland waa qeyb ka mid ah somalia
War sadixda tuulo isolated ha ku ahaadin hala daayo…maamul goboleedka waqooyi galbeed of Somalia container-ka ha iska qayileen ee marqaanka yaan laga jiirin.lol
sheekadu waxay ku soo dhamaanaysa dadka shacabka ee ku nool somaliland hafti halaga qaado
taasina waan huba in aanu ka badannahay ========= waqooyi ee somalilandiidka
guuuuuuuuuuuuuuuuuuul somaliland ictiraafki ba yimi diba loo noqonaya hargeysa lagu noqonaya
somaliland waa duushay xidhigahay maraysa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Sax weeyee. waxaa loo baahan yahay madax geesiyiin ah sida Mr gaas iyo Sh. Shariif oo ka shaqeeya midnimada.
Madaxdii hore ee hadalka ka xishoon jiray ayaa ragaadka somalilannd iyo shabaab nangu fogeeyay. Hadda labadan nin ee dhalinyarada ah ilaahay ha dhawree (Sh. shariif iyo Gaas) waxaad mooddaa inay Soomalidiidkii jilbaha dhulka ugu dhufteen (Somaliland iyo Shabaab).
Shaqo fiican ayay hayaan ee si dhab ah ha u wada shaqeeyeen.
Nabad iyo caano
Ku: Mamamed.
Waa somaalilandtee tan la iska daynayaa? Somaliland dhulkii loo yaqaanay badankiisiu midnimuu rabaa sida Khaatumo, Awdal state, Maakhir, Lughaye state… Marka ma waxaad leedahay yaan laga aqbalin Midnimada ay raadinayaan?
Allaah yahdiika. in yar oo Minority ah ayaa rabta gooni isu taag waana inta Hargaysa iyo Berbera degan saxaiin Do your homework before you talk in public.
Cabdi Cawar Raisal wasaare ku-sheega Xamar nin qabyalaad madaxa kaa buuxo weeyan oo aqalka Faroole ee maamuulka Garowe laga taliyo.
Madaxda Somaliland waxeey la kulmaan Raisal Wasaraayaasha Kenya, Djibouti, Itoobiya, UK ee maa laa kulmaan inan yar oo cuqdadeysan ee kolba Tiyataar lagu qarxiyo. Maana suurtobeyso weligeed wada-hadal been abuur ah haa ku riyoon taas.
Cid wax ku darsanaya Budhcad-badeed (Pirates) iyo Argagaxiso (Terrorists) ayaa iska yar.
Puntland waxaa ka wanaagsan somaliland waayo waa cadeysteen in aysan soomaali rabin laakiin kuwa munaafaqeynaya oo markii runta loo sheego Meles hoosta ka galaayo oo lugaha qabsanaayo waa maamulkiina uu faroole u weyn yahay, marka adeer soomali dumis ayaa kow ka tihiin ilaa waqtugii sheekh muxmad cabdalla hasan ayaa gumeysi dhabarka ku wadeen oo talyaani wadanka waxaa keenay awoowayaasha sheekahana waa la dagaalamay gumeysi.
marka cidna ha ee deeyn oo kii unga danbeeyey ee ina eey waa kii amxaaro oo ah cadow soomaali keenay caasumada wixii uu sameeyeyna RABBI ayaa ka xisaabinaayo daalimkaas, isaga wixiim ku raacsanaa inshaallah
War heedhe isku xishood wax Somaliland la yiraahdo ma jirto oo meesha qabiil ayaa raba inuu magacagaas ku shaqaysto, meesha waa la is yaqaan dhulka magacaa wata isaaq ma Ahee intooda kale waxay rabaan somaliweyn. Somali waa mid qof kii wax kale keena asagaa ka warbogaya. Yuu yahay ninka Somaliga ah ee dhihi Kara Somaliland baan aqoonsanaynaa oo xiniyahaas leh
Anigana waxaan qabaa shukaansiga yaan laga joojin inteey soo caro noqonayaan.
Haddii aanaann sidii laba dawladood oo walaalo ah u wada hadlayn maxaynu ka wada hadli karaa, hadaanu doonayno inaanu somaliweyn ka shaqayno ma cid naga hortaagan oo shuruud nagu xidhaysa ayaa jirta oo leh horta dawlada somaliya soo mara? waxaan filayaa jawaabtu waa maya, ee sidaa puntland baanu dhinacayaga qabsan lahayn.
Waxaan jeclaan lahaa inuu qiimeeyo Raysal wasaare Gaas in Somaliland ay lixdankii u timi somaliya iyada oo aan shuruud wadan, oo ay yidhaahdeen walaalaynu nahayn oo waxba ma kala lihin, waxba ku noqon maayo sidii foosha xumayd ee ay u maamuleen somaliweyn dadkii koonfurta somaliya ama mustacamarii somalida ee talyaanigu.
Waxa ay Somaliland maanta shicib iyo Dawladba ay rabaan waa sidii Somaliya iyo Somaliland ay aduunka ugu wada noolaan lahaayeen iyaga oo walaalo ah sidaa jabouti oo kale oo aan fiise laysu qaadan waxbadanina ka dhaxeeyo, haddii taa la waayo waa jug jug meeshaada joog. hawshiina wata anaguna taayada Alle haydin nabad geliyo oo weliba horumar iyo badhaadhe gaadha anagana noo soo duceeya. Waxaana laga yaabaa in waxa ay dawladn somaliyeed garan ladahay, ay garan doonaan kuwa ka dambeeya ee soo socda Ogosto.
Asc RBC iyo shaqaalaheeda iyo somali oo dhan anigu waxey ila tahay somaliland ha qaadato federalka marka cidna kuma xad gudbeyso oo sida dal madax banaan ha u dhaqanto ilaa xad si loo ilaaliyo midnimada somalinimada oo ay dani noogu wada jirto waayo kala tagga somali waxey farxad gelineysaa cadawgeenna gaar ahaan dalalka jaarka ah qaarkood , marka somaliland ethiopia iskama celin kartide walaalahaa soo raac si aanu isaga difaacno hadii wadanka lagu soo xad gudbo
Ta gaas ka soo yeedhay waa iska hadloow in igere?Ma isagaa la aqoonsanyahay waxa uu ku jiraa wax la yidhaa tfg ama cilmi daro siyaasadeed baa haysata ama Gaas waalidii lagu sheegayay baa wax ka jiraan.misna dakan masaakiinta ah ee dagaaladu ku habsadeen ee somaliya ayaa cid walba beenta kula soo dhacaysaa .waa uu og yahay Gaaas in wax faraha ugu jira ama taladeeda uu leeyahay aanay jirin ee dadka ha ka dhaaaafo beenta qayaxan.Hana u sheego dadka in uu Magac u yaal uu yahay ee wax awood ah aanu lahayn.
@ Mohamed,
Walaal halka garashadaada ka maqan baa ah in ay iyagu Soomaaliland yihiin kuwa Somalida kale ee aan marna gorgortan gelineyn midnimada Somalia (SSC) ku khasbaysa waanu wada go’aynaa! Marka waa cajiibe nin isagu wax khasbaya sidee loo khabayaa!!!!! Somaliland ha ogaato hadii ay midnimadda Somalia khalkhal galiso iyadana midnimadeedaa khalkhal galayaa taas darteed si shar looga fogaado waxaa dani ugu jidhaa Somaliland ileyn 3 gobol dawlad laguma noqdee inay walaalohooda soo raacaan oo sharka joojiyaan. Dhibka ay tabanayaan waa masiibo Somali oo dhan tabaneyso qolaba in haw le’ekaatee waxaana wanaagsan in lays cafiyo oo xumaanta la ilaawo israac in niyad saafi ahna la muujiyo taasaa kheyrku ku jidhaa Eebana raali ka yahay. Enogh is Enough waayo ma aha in lays indha tiro oo waxaan suurtoobeyn iyo gooni isu taag umaddaas soomaaliyeed lagu daaliyo waxaan taas u idhi Somalia weligeed ogolaan meyso in Somaliland gooni isu taagto haday taasi dhacdan wadan kale oo ogolaan kadha haddii somali diido ma jidho waana sharciga aduunka u yaal. Marka Somaliland ogaada dhibka idin gaadhay garwaasi la’aan majidho laakiin waxa ilaawa,waxna cafiyo soona dhawaada.
Waa hadal fiican oo umada soomaaliyeed soo dhaweynayaan
Gaas waxaa waaye shiqsi qabyaalad madaxa ka martey, Ninkaan masiir Soomaliyeed iyo midnimo soomaliyeed doona ma daneeyo waxa uu faroole soo faro lee uun buu ka hadlaa, hadeertona waxaa ku xunyahay xubnihii faroole ku soo darey wada hadalka ee meesha laga saarey. Nimankii beelaha waqooyi dego kolkii dayuuradaha lagu garaacaayey madaxtooyada fadhiyey ey adeeradood amarka dhiibayeen in ey Somaliland la hadlaan maba banaano, Somaliland cida la hadleyso waa cidii eysan waxba is yeelin. Somaliland go’aankey doonaan ha qaateen waa taagersanahay cida somalia munaafaqnimado ka wado waa naqaanaa anaga. Asc.
Somali baa ka jiifda oo qurbaha halga banaabaxo UK banaabax halga sameyo si loo tuso somali iney yihiin haddba Somali baa laga rabaa iney Aduunka tusaan iney somali yihiin 3 xafadood dowalad manaqonkaraan ee muqayil ah oo qaad ka dhargey haddba dhamaan Somalida UK joogata waa iney isgu soo baxaan meesha shirka ka dhacyo ayna la soo baxaan calanka somaliweyn lagu yaqaano
SOMALI BAA KA JIIFDA RAGAAN INEY SIDAN U HADLAAN SYL WAA IN LAGU QAADAA
Dhamaan somali meel ay jooganba waa iney magaca somali ku dagaalaman oo yiraahdan somali waa hal dowlad kuwa calanka Ciraaq sitan waa in laga saara meesh ay joogan
somali iney kala go’do ayaa waxaa ka biyo diidey Jaamacda Carabta,Igad,EU marka Somalidiidka waa u dhamtey oo darbiga ayey mada xa ku dhufanyaan oo muqayil marqaansan oo aqoonsi loo diidey
Soomali land wax la dhahaa oo dowladi ma jirtee nimanku waa ==== hadaad rabtaan inaa godaan maanta taga laakiin faraha kalabaxa Awdal & SSC, tasaan kula talin lahaa waa hadii aayrabaan nabad oo aaysan Rabin dagaalka ka socda konfur inaan dhinacooda loo soo wareejin. Waa ogahay inaad caalamka ku beer laxowsataan eega konfurta , dowlada federalka maxaa Nimanka loo buun buuninayaa, siyaad alaha unaxariistee yuu caano ushubay imisaa magaa looyin camirnaa uu dabka saaray meeqa baraagood buu sumee yay ragbaa uxirnaa 20 sano laanta buuro nala kuguray sidii xoolahii dumarkibaa la fara xumeeyay xoolayahay waligiin ma aragteen Qof reer puntland ah oo cataabaya ? siyaad Alaha unaxariistee kaligiis taliyuu ahaa waxii xukunkiisa kohor yimaada dabka saara sida caa dada u ah dictator , Xamar maxaa ka dhacay 20 sano la soo dhaafay dhibaatada ku dhacday Xamar & nawaa xigeed kuma dhacin hadii laisku daro dhibkii soo gaaray Puntland/ ===== qof calaa calayana arki meysid , Teeda kale idin koo reera oo ku andacooda xoogbaa nala ku haysatay dowladii so call (Faqashta) idinku maxaa kaqaba neeysaan SSC ? ===== caga dhiga , hadaad rabtaan 913 eastern time goosta Laakiin faraha kala baxa reerkii raba Soomali nimo sida With respect Awdal & SSC, waana idin takooreynaa qof isaaqa hadii xataa uu kudhasho Soomali nimo siinmeeyno , Viva Puntland & Soomalia
Sidaan horay u sheegay ilaa hadda ma jiro wax qeexay micnaha “Somaliland” Siyaasiyan & sharciyan midna.
Xitaa C/weli iyo Sherif waa ku qaldan yihiin inay isticmaalaan magaca “Soomaaliland”. Magaca mudan in loogu yeero maamulka Hargeisa waa “SNM Land” ama magaca qabiilka uu matalo.
Soomaalida degta dhulkii Engriisku xariijinta kala dhex mariyay ee Soomaaliyeed aad bay u badan yihiin. Hal qabiil oo ka mid ah ayaa fikirkan wata. Afarta qabiil ee waaweyn iyo kuwa yaryar ee kalaba riyo ayay u arkaan. Haddii TFG ay qabiil la hadlayso waa inay cadaysaa qabiilka ay la hadlayso. Maamulka Hargeisa ma matalo qabiilka SNM qabiil aan ahayn. Taas in runta lagu soo dhowaado weeye.
Afar isxambaar oo la jooga Hargeisa oo iyagoon SNM tangi saaran mooyee aan magaaladoodii dhex mari karin go’aan uma gaari karaan dad ayna metelin.
Xitaa sida ii muuqata Ina Xaabsade waa la aamini waayay oo inta laga tuuray meeshii baa mid kale oo aan u malaynayo in sun la cabsiiyay lagu soo bedelay.
Riyo mudo dheer socotay bay SNM ku noolayd riyadiina hadda in laga baraarugay bay u dhowdahay.
kan faanka ku nool la yaabi maayo sababtoo ah meeshuu ka yimid baa dhaqankaasi caado ka yahay.
@Faadumo
Walaal sidee wax aan horay u jirin khalkhal u geli karaan? Wax sharciyan ama siyaasiyan “Somaliland” la yirahdo ma jiraan.
Dagaalkii sokeeye uma dhaxayn anagaa Talyaani nagu tuntay iyo anagaa Engriis aabo noo yahay. Dagaalku qabiilo ayuu dhex maray. Soomaali badan oo waqooyiga Soomaaliya degtana SNM sida ay leeyihiin dowlad Soomaaliyeed baa na xasuuqday bay iyana u xasuuqeen.
Markaa wax “Soomaaliland” la yiraahdo sharciyan ma jirto. Tan la leeyahay “Federalism” waan ka soo hor jeedaa. Haddii Soomaali isku raacdo Federalism waa in ay noqtaa gobol by gobol laakiin wax “Waqooyi & Koonfur” la yiraah ma jirto.
ra iisul wasaaruhu .nin caadiyah oo madax banaan ayuu noqday somalinimaduna ka go an tahay ,faroolaa balaa iyo afkaar qabiil ku aqrin jiray . hada wakaa nin kaste oo hal yeey ah .qab qable yaal qabiil baa wax ku aqriyey. c/waliyoo nin qabiil qarin karo matihide biyahaaga cadayso
Somaliya hannoolaato.
Madaxwayne Shariif iyo RW Gaas ha noolaadaan
kkkkkkkkkkkkkkkkkk Gaas waa riwaayad , bal kaalay Somaliya igu tol adaa nin ahe………kkkkk
Waa run Somalia waa dal xor ah oo jira.lkn somaliland waa qabiil ka mid ah qabiilada somalida.hadii arintu tahay waxaa nahay 2 wadan taasi waa riyo.=== waa wadan.====== waa dawan.==== waa wadan and many more sidaas miyaa laga wadaa mise aanaa qaldan .lool
to/qabqabsay/ marduuf qaad ah baa ka qaylo siinaya ee shaxadka aad ugu jirto xero jaadka iska dhaaf ee beenta aad wax ku cunto oo ah SNM waa dhamatey beentii wax lagu cuni jirey USAID xamar bay fadhidaa oo Hargeysa wax la geynayo maba jiraan oo aan aheen jawan qaad ah iyo qamro dhacdey si ay ugu dhintaan muqayilka ilkaha beeley marka dadkaada dhinac ka raac ina gumeedyahow sheegatada ah oo lagu xamasho shaaxd qaad laguma cuno sxb
ASCaleykum ugu horayn aflagaadada iyo cayda halayska daayo maxaa yeeley iimaanka qofka ayeey wax u dhimeysaa. Arintaan waxaa dabada ka riixaya Itoobiya waa meesha sartu ka qurunsan tahay maxaa yeeley qorsheheeda ku dhisan qaybi oo xukun waa inuu hirgalaa ama sidaas la ahaadaa weligeed marka talo waa tii illaah SWT waxaa wanaagsan qofkii kasoo horjeeda midnimada Somaliya in meel looga soo wada jeesto. Itoobiya rag qubaro ah ayaa intaas isha ku haya sidii Somaaliya loo burburin lahaa waxaa kaliya oo looga guulaysan karaa waa midnimo ku timaada maskax dagaal uusan ku jirin insha’allaah is raamsan maysee waa is raaceysaa Somaliya sc.
Faroole iyo dabadhilifyadiisa ha mudaharaadeen. Nidaam diid idinkaa koow ka ah. Somaliland maamulka dalka ayey hogaamin doonaan. Dalkii waa la qabsadey idinkaanaka masuul ahpuntland dal laguma amini karo qabyaalad awgeed. Tayo ayaa loo bahan yahay.
UMMADDA WAXAAN U SHEEGAYAA
GALOOL oo intaas ku doodaya Annagaa lixdankii idiin nimi. Waa been Wallaahi ********* ayaa kala go’a weligii diidanaa Ingiriiskuna waa og yahay taariikhdana waa ku qoran tahay welina halkii ayaan ka taaganahay inaan Somalia kala tegeyn.
Reerkan hala daayo labada gobol ay degaan hala dhoho maamulka sameysta habar habar ayey koley isu fiiqanaayane ileyn dhulkooda dhulka diinta lagu caayo had iyo jeerna naclada isku tuurnane
Waxaan layaabanahay sida soomaalidu naftoda been ugu sheegayaan wa la ictirafayaa iyo maya ayad isku haysatan war somali wala haysta e hurdada kakaca konfurta dalka shisheye la waregay hadana waqoyi aya lo soo socda ciidamo bolis african ah aya so socda somalina ayada isku mashqul san allaha naso hanuniyo argagixiso aya nolugu so marmarsiyoday war wa qaab maxmiyad taas la socda
Caqligena qabyalad aya rogtay caqligii soomaaliyeed ma fiyoba sax iyo khalad makala garanayno siyasiin ku sheega somalida dan inoma hayaan amay haboon tahay tugtaan laga haro ama konfur haka socdo ama waqooyi kuligod dan inoma hayaan nin jeclaysi hala iska daayo
haaa dr.c.weli rayzalwazaaruhu runtuu ka hadlay beesha SNM ama ********* na ma metelaan british somaliland oo dhan aduunkuna waa ogyahay taas waana waxa ay 21years uguul daraysteen mana helidoonaan ictiraaf ilaa la helo beelaha dega british somaliland oo ku wada qanacsan arinkaas taasina ma dhicidoonto waayo waa la ogyahay meesha lakala joogo markaas qabiil qaran ma noqdo
Beesha snm khiyaaligoodu meel inuusan gaadheyn waanu ogeyn. Shan beelood oo waaweyn ayaa waqooyiga soomaaliya dega kaliya beesha Hargeysa iyo burco ayaa wata mashruucan loogu wan qalay Somaliland. Anagu reer Khaatumo hadaan nahay waxaan leenahay midnimada Soomaaliya waa muqadas qabiil dudayna qaran ka noqdo. Hadii qabiil qaran noqonayo beesha aan ka dashay ee min Jigjiga ilaa Kismaayo ilaa Boosaaso ilaa Buuhoodle iyo laascaanood ilaa gedo iyo laasqoray ayaa dal noqon lahaa waxay ila tahay in dalka Africa ugu weyn aan waliba noqon laheyn kkkkkkk viva Somali republic allow dhowr
MAA LA ISKA DAAYO REER WAQOOYIGA IYAGAA HADDA QABIIL BILAABAY,OO XAALADOODA LOO YABAA, WAXAAD SUGTAAN INSHAA,ALAAH WAX YAR , XAMAR BAA SHIDMEYSA , IYAGOO AFRIKAAN VILLAGE IYOKAASABALBALAARE(CASA POPALARE) TAAGAN AYAAD ARKEYSAAN.RAG DAGAAL YAQAAN MA LEH ,REER KHAATUMO IDINKOO MEEL SAARIN HA SUGINA IN LA IDIN DAAYO NEVER NEVER NEVER.
@GALMUDUGSAARTE IyoWIILMUDUG cuqdada idinka haysa faroole iyo c/weli ma isir nacaybaa ma agoomihii1989 baa ahaydeen? idikaa waliginreerkiinu duudxamaal talyaani uahaa hadana weli doonaya waayowaxba ka garanmeysaan dawlad qiimaheed, xogagi ay idinbareen nimanka aad masayrka kala duldhacdeen ayaad ismoodeen inaad wax dawladnimo layiraah wax kataqaanan ilaa hada waxa faroole daba taagan oo indho uyahay waa idinka wax idinraba xataa aad kudayataana helmeysaan haday ragaani ka hortagaan.aduunyo waxaa kuula qiimo badan waa inaadan cidaad ushaqayso waayin taasina waxay cadaatey markii lawereystey awooweyashaadi hore iyo imanka ad sheegayso awooweyaashoodi talyaanigu idinyiri maxaad rabtaan shaqaanu rabnaa dawlad maxaan kufalaynaa hadaan shaqo heleyno. kiikale ee nimankaan aad kamaseyrtey awoowgood aha war maxaa rabtaa uu yiri dawladnimo iyo xornimo.hadaadan wer hayn soo weydii waayeelkiina koley waan kuu jeedaa waxaan xin iyonacayb ahayn mataqaaniin.adigiyo anagana aduunkuna weyna kala yaqaan somalina weynakalataqaan orod madax noqda aad badda iyo dhulkaba gadateene.walaaha nagaa idinka horjoognee ineydaan waxba reebteen sidaad xamar udhoofgeeyseen caato iwm udhoofineysaan waxaad aragtaan iyo kii bada iibiyey bari dhaweyd.tuug intaadan tuug oran ayuu tuug kuyiraahdaa mooryaan asagoo fir uah ayuu dad wax kasheegin.edebdarada iyo mataga halasoo aadin dadka daacada iyo madaxda uah dalka weliba waxaad tageereysaa waa somali kala tageeda dilaaliinyahaw ,maadaa saxan mise kan leh somali lakala gooyn maayo?maangaabyahaw.
somali land maayadoo kakooban burco, hargeysa iyoberberaa bey doonaysa ineey go,do mise ayadoo wixii gumeysigu ugu yeei jirey ex somaliland ah, hadey 3daa magaalo iyo agagaarkooda kudoonayaan somali iney kago aan hadey aqoonsi ku helayaan faataxo halugu raaciyo.hadeyse doonayaan dad somali weyn raba iyagana aan rabin ineey qasab kuraacaan, maanta beeli beel kama adkee umada haysnabadgeliso weliba waxaan balanainaan somalyi ukala harine meel looga soo wada jeesto gardarada hadey kusii socdaan ama wax qasab layiraahdo isku dayaan.
snm waxay ku soo noqotay dalka iyadoo ku soo dhuumanaysa jabhadihii kale cumar carte qaalib buu ahaa ninkii cali mahdi mar labaad u soo sharaxay r/wasaaranimada isagoo siyaad u ahaa r/wasaare waana ninkii ku amray ciidamada xooga dalka soomaaliya inay hubka ku wareejiyaan jabhadaha waa hubka ilaa hada soomaaliya ka dhammaan la’a
2=koonfurna in ina godane holciyo in loo soo diray xataa sheekh aways baa sheegay dhawaan taas oo ku tusaysa in snm rabtay dal burbursan inay cariish ka dul dhisato
3=snm waxay u tiigsatay gooni u goosashada si ay jagooyin macquul ah uga hesho dawlada soomaaliyeed
4=siyaasiyiinta snm iyagu soomaaliya ku soo noqde e yaa xal u helaya dhalinyarada lagu yidhi dal s/land la yidhaahdaa jira
5=snm marnaba ku tala geli mayso in khaatumo,awdal,maakhir iyo lughaya ay snm wax ula qaybsadaan si gobolo waqooyi ah waayo degaanadaasi wax waqooyi iyo koonfur u qaybsan ma aaminsana soomaaliya waxay midawday 1960 taas uun bay yaqaanaan
prof Gass runtuu ka hadalay waa reer waashay oo hargaysa joogaa dawlad maha.reer koofureed oo dhan waxay yidhahaadaan welaweyn.raysal wasaarahu waa nin wadaniya oo madx banaan,shariif iyo faroolaba waxba kama dhegaysto…guulayso PM of somaliya
Reerkan reer,,,,,, waxaan ka joojineynaa. Qaadka ethoipia ugu yimaada ka dib markuu murqaanku ka baxo ayaa lala hadlayaa tiyaatarkii xamar waa loo dhisay ee ay ka heesi jireen. Waa shaqadoodii war kuwan waxba somali kuma soo kordhinayaan ayaan filayaa. Viva khaatumo state. Viva somalia.
@ wiil Mudug,
@ Jaale ( JAALE nacasnimo weynaa oo maxa qudhuniyo somali naceyb kaa soo soo burqanaya. Waryaa, Raisal wasaarahuna meesha uu madho hal madh, 20sanno bay kugu qaadan inaad madho, waa nin ay siyaasadiisu iyo soomaalinimadiisa kaa sareyso, waa ninka mashaarcida in laydin siiyo aan xataa su’aal idinka galin ee hadaad rag tihiin la imaada soomalinimadaiisa oo kale ama halaa waligiin SNM lataagnaada waanu go’aynaa idinkoo og inaydaan soomalia ka awood aad ku go’daan aysan jidhin)
Labadiinuba labo qabyaalad iyo qudhun hardheeyey baa tihiin. WIILMUDUG waryaa magaca dadka reer mudugaa ee wadaniyiintii soomaliya Xornimadeeda u sabab ahaa badidoodu ka soo uskumeen ha ku GAFIN ee magacooda dhig wax kaa galay iyo waxaad mudug u hadli kadho baan jidhine. Waar Professor ABDI weli Mohamed Aligaas Waa Madax soomaaliyeed oo maawaadin dhab ah waana idiin nasteexeeyey ma waxaad kula dirireynsaan waxaan jidh oo cid idile qabta ee soomaalieyn ah lahayn aan ka ahayn 3 gobol uun oo khiyaali iyo darbi madax la dhac ku jidha baad rabtaan inuu MUDANE RASAIL WASAARE PROFESSOR GAAS yidhaa dawlad baa tihiin?? Taasi maanka ma gashaa? OO aaway Somalidii kale oo dhan yaa idinku raacsan waar hays daalinina oo ilaahay ka baqa oo CUQDADA aad 20 iyo dhawrka sano jiidanaysaa daaya oo soo maalidiinana dhinac ka raaca, RAISAL WARAASAHANA WAAD U GEFTEENE oo waad aragtaan si xaqiiqa iyo soomaalinimo ku dheehan thaay buu idiin la hadlee Raali Galiya!
waxan aad ugu xumahay dadka mus,uuliinta ah oo markasta yiraah dah gobolada woqooyi ee
somaaliya nabad baa kajirtah maamulka lamacag baxay somaaliland waa maamul qabiil oo
maalin walba dagaal iyo weerar ku hayah qabaa,ilka kale ee woqooyi degah hadii burca iyo hargeysii
nabad yihin dadka degani maalin walba duulaan bay wadaan majirtoh meelkale oo somaaliya
dagaal qabiil subax walba kataagan woqooyi maahee sidaa s dardteed yaan ladhihi woqooyi nabad
baa kajitah waa been