Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Maareeye Cusub U Magacaabay Dekamada Caalamiga ah Ee Magaalada Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) Wareegto ka soo baxday Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa lagu magacaabay maareeyaha dekada Cusub iyo waliba ku xigeenkiisa.
Raysal Wasaaraha ayaa u magacaabay Maareeyaha Dekeda Muqdisho C/llaahi Cali Nuur halka Maareeye kuxigeena u magacaabay C/qani Cusmaan Kabreeto.
Wareegtada ay dhaqan galeyso marka uu saxiixay Raysal WasaarahaSoomaaliya, waxaa sida lagu yiri warkaan ka soo baxay xafiiska Raysal wasaaraha.
Arintaan ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii madaxweynaha Soomaaliya uu horay xilka kaga qaaday maareeyihii hore ee dekada caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
Hadaba Wareegtada ayaa sidan u qorneyn
Ra’iisul Wasaaraha Xykuumada FKMG ee Soomaaliyed
Markuu arkay: Dastuurka dalka ee 1960-kii
Markuu arkay: Axdiga ku meel gaarka ee dowladda
Markuu arkay: Baahida loo qabo dhameystirka habsami u socodka howlaha Dekeda Muqdisho
Markuu Tixgeliyay: soo jeedinta Wasiirka Wasaarada Gaadiidka, Dekedaha, Badda, Cirka iyo Dhulka, sumadeedu tahay X/WGCB/C/DH/245/2012 taariiqduna tahay 19/06/2012 kuna aadan xil u magacaabid Maareye iyo Maareeye kuxigeen cusub ee Dekeda MUqdisho
Markuu arkay: Khibradda iyo aqoonta mudane Cabdullaahi Cali Noor iyo Mudane Cabdiqani Cusmaan Kabreeto
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG Soomaaliya wuxuu soo dhoweeyay soo jeedinta Wasiirka
Qodobka 1aad Magacaabid xil
Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya soo saaray Digreeto uu xilka Maareeyaha Muqdisho ee Soomaaliya u magacaabayo Mudane Cabdulaahi Cali Nuur, wuxuu Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Maareeye kuxigeenka Dekeda Muqdisho Mudane Cabdiqani Cusmaan Kabreeto.
Qodobka 2aad dhaqan gelid
Digreetada waxay dhaqan galeysaa markii uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha waxaana lagu soo saarayaa Faafinta rasmiga ee dowladda
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











