Raysal Wasaare Gaas Iyo Golihiisa Wasiirada Oo Soo Dhoweeyay Shaqo Ka Fariisinta Guddiga Dastuurka Madaxa Bannaan (War Saxaafadeed)
Muqdisho (RBC) War saxaafadeed goordhow ka soo baxay kulan ay yeesheen golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa lag taageeray go’aankii maanta wasiirka dastuurka uu shaqada kaga fariisiyey guddiga madaxa bannaan ee dastuurka kuwwasoo kgilaaf uu soo kala dhexgalay iyaga iyo wasaaradda dastuurka.
Waxaana war saxaafadeedka lagu magacaabay guddi cusub oo farsamo oo ka shaqeynaya soo xulista ergooyinka ansixinta dastuurka qabyada ah ee muranka badani ka taagan yahay.
Haddaba war saxaafadeedka oo soo baxay saacado kadib markii hadalo jawaabo ah oo iska hor imaanaya ay isdhaafsadeen guddiga dastuurka iyo wasaarada ayaa u qornaa sidatan;-
————————————————————————————
Warsaxaafadeed: Muqdisho, Isniin, June 25, 2012 Waxaa galabta shir aan caadi aheyn isugu yimid xaruntooda Golaha Wasiirada, shirkaas oo uu shir gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin Dastuurka iyo Amniga.
Ugu horreyntii golaha waxaa Ra’iisul Wasaare Dr. Cabid weli maxamed Cali Gaas uga war bixiyey shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka kaas oo kadhacay magaalada Nairobi 20-22 bishan, Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa sheegay in shirkaas uu ahaa mid taariikhiya oo u soo hoyotay ummadda Soomaaliyeed waxaana laga gaaray is afgarad nuqulkii ugu danbeeyey Dastuurka qabyo qoraalka ah.
Waxaa sidoo kale warbixin laga dhagaysatay Wasiirka Dastuurka iyo Dib-uheshiisiinta Mudane: C/raxmaan Xoosh Jibriil waxaana uu sheegay wasiirku in ummadda Soomaaliyeed ay maanta haysato Dastuur loona soo bandhigayo wakhti aan fogayn.
Waxaa kale oo warbixin goluhu kadhagaysatay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashandhiga waxaana uu sheegay wasiirku in ciidanka qaranku ay horumaro la taaban karo ka sameeyeen qaar kamid ah gobolada dalka, sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in wasaaradu ay waday maalmihii lasoo dhaafay bixiinta mushaaradka ciidanka qaranka.
Dood iyo falaqan badan kadib goluhu wuxuu isku raacay qodobadaan soo socda.
· Golaha Wasiirada wuxuu soo dhaweynayaa in ay dhamaatay shaqadii gudiga madaxa banaan ee dastuurka sida ku xusan go’andii kasoo baxay shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka ee ka dhacay magaalada Nairobi 20-22 June. 2012
· Inuu furmayo shirkii ansixinta Dastuurka 12, July, 2012
· In shacabka loo soo bandhigayo Dastuurka 24 saac oo soo socoda iyadoo loo sii marsiinayo qaybaha kala duwan ee warbaahinta.
Ugu danbayntii waxaa uu goluhu ansixiyey Gudi Farsamo ee soo xulitaanka ergada.
Magacyada Gudiga Farsamada
1. Bashir Warsame Jama
2. Engineer Abdirahman Mohamed Osman
3. Halima Ismail Ibrahim
4. Mohamed Ali Hayle
5. Fowsia Abikar Nur
6. Dahir Warsame
7. Jama Salad Mohamed
8. Sadiq Abshir Garad
9. Fadumo Jama Jibril
10. Faisa Mohamed Layli
11. Professor Abdullahi Hassan Hussein
12. Dr. Yasin Salah Ali
13. Dayib Mohamed Ali
14. Abdirizak Ahmed Farah
15. Showqi Ahmed Hussein
16. Hamad Hagi Ali Hassan
17. Hassan Ahmed Ibrahim
18. Abdiwahid Sheikh Osman
19. Salim Ma’ow Hagi
20. Abdulle Ahmed Yusuf
21. Abshir Warsame Jama
22. Professor Abdullahi Osman Hiireg
23. Engineer Salah Sheekh Osman
24. Mohamed Aden Ibrahim (Fargeto)
25. Qasim Iidow Ibrahim
26. Sheikh Qasim Ibrahim
27. Halima Omar Ahmed
-DHAMAAD-












[...] Read more here: Raysal wasaare Gaas Iyo Golihiisa Wasiirada Oo Soo Dhoweeyay Inay Dhamaatay Shaqadii Gudiga Dastuurk… [...]
ASCaleykum, dhibaatada waxa ku haya Somaliya waa shirarka lagu qabanayo dibadaha oo aad moodo madaxdu inaysanba waxba ka ogayn waxeey saxiixayaan iyo dhibaatada uu Somaliya u keeni karo saxiixooda laakiin waxaa u muuqda wax yar oo jeebka deeqa subxaanalalaah. Run ahaantii hadii aanan wadanka Somaliya laga qaban labada gobol ee SLand iyo PLand shacabka somaliyeed horey u socon maayaan maxaa yeeley waa labada gobol oo wax kasta oo lagu heshiiyo sii walaaqa oo dood iyo muran ka keena waana labada gobol ee cadawgii soo jireenka ahaa Itoobiya uu xaafis safaarad ku shaeg ah ka furtay, u fiirso dawladaha kale ee aduunka Muqdisho ayeey safaarad ka furteen laakiin Itobiya sadex safaard ayeey ku leedahay Somaliya waana taas carqalada ka jirta Somaliya laakiin waxaa ka xoog badiyey taas in jilbaha la qabsado Itoobiya madaxnimo dartii subxaanalaah sc.
[...] Muqdisho, Isniin, June 25, 2012 Waxaa galabta shir aan caadi aheyn isugu yimid xaruntooda Golaha Wasiirada, shirkaas oo uu shir gudoominayay Ra’iisal [...]
guud job mr raysal wasaare gaas
Soomaalida caqli ay ku heshiiso malaha. waa geel jire.
Farateelo xoogaaga aad hada xamar ku heysato yaan lagaa qaadin wax jiran oo dhintey baa tahay dadkaa la tartameyso soo gaar waxaad u baahan tahay labaatan sano oo ay kaa horeeyaan mooryaan
Qofka FARATELO labaxayoow soomaali horey ayey waxay udhahday “Meyd waxa udanbeeya kan hada lasiisido” maxaa dhacay oo aad SHARIIF uarki la’dahay waa isga sida wiil aabihiis muda aan arag sideed maxabada isugu marmaray MALEZ,e mise cuqdad kalaad uqabtaa labadaan maamul ee aad Ethiopia kuriixayso, mida kale Soomaalia 22 sano yey kadagi la’dahay? halkaas kucesho waad haftaan umalaynayaaye!!!
faratello bax talyaaniga isaga noqo, somaliland iyo puntland waa ilma adeer.Waxaadan
xusuusnayn in amxaaradu ay koonfur u taqaan oromoland oo ay deggan yihiinba. Gabre xalay
Xamar ayuu seexday, guriceelna way u u hoydeen.
FARATELO sxb warkaaga waa war mooryaan ,waxba lagaa qori mayo.
ASCaleykum, aad baan uga xumahay inaan is fahmi weyno, midakale ra’yigaaga ayaa laga hadlaa qofka shaqsiyadiisa laguma mashquulo hawshaasu waa hawshii dumarka waliba kowooda dhalma goyskaa. Somaliya maanta waa aay ka gudubtay Qabiil waxeyna mareysaa Difaac wadan iyo sinji wanaag in la muujiyo arintaasna waxaa fahmi kara qofkii Diin,waxbarasho madani aha soo marey magaalana kusoo koray maskaxdiisuna horey horey u shaqeyso intaas waxaan idinkugu darayaa qabiil uma hadlo waxaan u hadlaa Qaran iyo Sinji wanaag cayduna waa hubka dumarka ragga uma fiicna illaahow dal nabada iyo dad caafimaad qaba sc.