SHiikh Mukhtaar Max’ed Xuseen:Geesi ku dadaalay gudashada waajibaadkiisa W/Q Axmed-yaasiin M Sooyaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

SHiikh Mukhtaar Max’ed Xuseen:Geesi ku dadaalay gudashada waajibaadkiisa
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
Alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Juunyo 15 2012

Alle SHiikh Mukhtaar Max’ed Xuseengudoomiyihii hore ee barlamankii Soomaaliya ee sanadihii 1966-1969kii Alle ha u naxariistee ee talaadadii la soo dhaafay ku grriyooday magaalada Nairobi ayaa sifo ahaan ilaa iyo hadda waxay siyaasiyiintii hore isku raacsanyihiin inuu ahaa nin si daacad ah ugu soo shaqeeyay qarankii Soomaaliyeed muddadii uu ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya.

AUN SHiikh Mukhtaar Max'ed Xuseen

SHiikh Mukhtaar oo aan dhowr jeer oo kala duwan la kulmay ayaa runtii wuxuu aad uga xumaa sida iyo heerka uu gaaray xaalka Soomaaliya intii uu burburka dhacay, intii dalka la burburiyay wuxuu aad ugu dadaalay inuu gacan ka geysto sidii dalka nabad loogu soo celin lahaa, isagoo waliba sida uu ii sheegay marar badan siyaasiyiintii dagaalamayay ee dalka burburiyay qaarkood la xiriiray si ay u joojiyaan colaadaha iyo dagaalada ay hoggaanka ka ahaayeen.

Alle ha u naxariistee, SHiikh Mukhtaar, waxyaabihii uu caanka ku ahaa ee lagu ammaaniyay inta aan xasuusnahay waxaa ugu muhiimsanaa hab maamulkii iyo siduu dhexdhexaad uga ahaa arrimaha iyo khilaafaadka Barlamanka soo dhex gela xilligii uu ahaa Af-hayeenka golahaas.

Marxuumka ayaa marka laga hadlayo taariikhdiisa wuxuu ka soo jeeday oo uu ku dhashay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, ma cadda taariikh ahaan sanadka uu dhashay, waxaase la qiyaasiyaa inuu da’ ahaan uu jiray boqol sano iyo dheeri, sHiikh Mukhtaar ayaa quraanka dhameeyay isagoo 11sano jir ah, wuxuuna cilmi u raadsaday deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolkii horay loo oran jiray Alto Guibba (hadda Bay iyo Bakool iyo Gedo) wuxuuna noqday Qaadigii gobolka oo dhan isagoo nin dhalin yaro ah isla markaasna magac iyo sumcad weyn ku dhex yeeshay dadkii deegaanka.

Sida uu ii sheegay SHiikh Mukhtaar ayaa si niyad ah u taageersanaa ururkii SYL ka hor intii uusan ku biirin oo uusan xubin ka noqon sanadkii 1959kii, hal sano ka dibna markii ay Soomaaliya xorowday wuxuu ka mid noqday barlamankii cusbaa ee dowladdii curaty, waxaana guddoomiye barlamaan loo doortay Cabdullaahi Jaamac KHaalib oo isagu ka soo jeeday maagaalada Hargeysa, SHiikh Mukhtaar ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenkii 1aad ee barlamaanka oo tiradiisu ay ahayd 123 xubnood.

Hasa yeeshee, Marxuumka SHiikh Mukhtaar ayaa xilka jagadaas loo doortay 1966kii, 8ddii bishii Maarso markii uu 69cod kaga adkaaday Alle ha u naxariistee Max’ed Ibraahim Cigaal oo isaguna helay codad gaaraya 42cod, doorashadan ayaa timid markii la eryay guddoomiyihii 2aad ee barlamanka Soomaaliyeed uu yeesho Axmed SHiikh Max’ed Cabsiye oo isagana ka soo jeeday isla gobolka Woqooyi Galbeed ka dib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday lacag 300kun ahayd oo ahayd miisaaniyaddii Barlamanka.

SHiikh Mukhtaar Alle ha u naxariistee ayaa siyaasaddiisii uu ku hoggaamiye golaha shacabka lagu tilmaamay inay ahayd mid qun-yar socodnimo ah oo horseeday in wada shaqayn fiican ay dhex marto xukuumadda iyo golaha shacabka, taasoo horseeday inay taabbo gal noqoto dowladdii da’da yarayd ee maamlmahaas un ka xorowday gumeysiga.

Maalin ayaan marxuumka weydiiyay bal waxa ka jiray warar marar badan dhegahayga ku soo dhacay oo sheegayay in golihii barlamanka ee uu isaga guddoomiyaha ka ahaa ay diideen dhowr jeer oo loo soo jeediyay in laysku xukumo shareecada Islaamka, Marxuumka oo inta badan marka aan soo booqdaba aan la kulmi jiray isagoo Quraanka Cadiimka ah aqrisanaya ayaa arrintaas ku tilmaamay been aan sal iyo raad midna lahayn “ Warkaas wax ka jira ma leh, waa been, sagaalkii sano oo aan annaga soo jirnay waxaa jiray hal qodob oo barlamanka hor yaalay oo aan go’aan laga gaarin wuxuuna ahaa qodob la xiriiray in Farta Soomaaliga lagu qoro tii Cusmaaniyiinta iyo in lagu qoro Latin, arrintaas baa waligeed barlamanka taalay..”

Waxaa kaloo uu SHiikh Mukhtaar Alle ha u naxariistee sheegay in arrinta ah in laysku xukumo shareecada uu soo jeediyay General Max’ed Abshir Muuse oo aan isaga xubin ka ahayn golihii shacabka,”Wallaahay hadda ma xasuusni hal mar may ahayd mise labo goor, arrintaan in shareecada Islaamka laysku xukumo sideedaba waxaa barlamanka keenay General Max’ed Abshir Muuse, dagaalkii annaga iyo Itoobiya na dhex maray dowladaha aduunka oo dhan baa waxay inoo diideen inay hub inaga gadaan, marka Max’ed Abshir baa u dhoofay dibadda si uu ciidanka booliska u qalabeeyo, wuxuu tegay dalal badan oo dunida ka mid ah waxayna u diideen wax hub ah, laakiin markii dambe dalka Jarmalka ayuu la soo galay heshiis qalab iyo hub loogu oggolaaday, laakiin wuxuu soo maray dalka Sacuudiga halkaasuuna fikirka kala yimid, wuxuuna yiri annagu sow dad Islaam ah ma nihin, maan diinteenna isku xukunno, laakiin ma ahayn mooshin ay keeneen dad barlamanka ka tirsan…”

AUN Cabdi-Rashiid Cali SHar-ma-arke

SHiikh Mukhtaar Alle ha u naxariistee wuxuu la socday oo safarka ku wehliyay madax-weynihii horee Somaaliya markii la dilayay naxariistii Janno Alle ha siiyee Cabdi-Rashiid Cali SHar-ma-arke, mar aan weydiiyay in dilka madax-weynihii hore ay jireen siyaasiyiin lagu tuhmayay sida dad badan ay sheegaan ayuu taas gaashaan ku dhuftay, isagoo waliba sheegay inuu ka mid ahaa guddi heer qaran ahaa oo la xil saaray baaritaanka danbigaas.

Sida uu SHiikhu sheegay askariga dilay madax-weynaha ayaa ka mid ahaa ciidammada daraawiishta ahaa ee magaalada Burco, kaasoo xubin ka ahaa ciidamo xoojinta ammaanka loo keenay magaalda Laas-Caanood, “ Askarigu wuxuu waardiye ka ahaa guriga guddoomiyaha magaalada Laas-Caanood oo ahaa guriga layna dejiyay, subaxdii hore waxaan aadnay dhismo ay dowladda hoose lahayd oo aan dadka kula shirnay, markii aan soo noqonay waxaan saarnayn baabuur Land rover aniga iyo Jaamac Cali Qorsheel taliyihii boliiska waxaan fadhinay kursiga dambe, madax-weynaha iyo darawalka waxay fadhiyeen kursiga hore, markii aan soo degnay ayaa waxaa horay inoogu soo dhaqaaqay askarigii dilay madax-weynaha wuxuuna innagula hadlay lahjadda Maayga isla markiina wuxuu ….’’

Waxaan aad u xasuusnahay in burburka dhacay uu aad ula yaabanaa ilaa heer qaadan waa ah! Waxaa ka daadegi waayay in caqli xumo heerkaas gaarsiisan ay dadka Soomaaliyeed soo wajihi karto, marka aan ka waraystay sida xalka Soomaaliya uu arko waxaa ka muuqday sida uu uga walaacsanyahay aayaha wadanka, wuxuu iiga sheekeeyay inuu dhowr jeer la hadlay xubno dagaal oogayaashii Muqdisho joogay ka mid ahaa si ay colaadaha iyo dagaalada u joojiyaan laakiin taas ay colaad ugu qaadeen, ma uusan arkayn wax ifafaalo wanaagsan ah oo ka soo muuqda siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Mar aan weydiiyay dowladiinii dhaliil ma lahayd, haddaad fiicnaydeense ciidammada maxay idin inqilaabeen, wuxuu ii sheegay inaysan dhici qof bin aadam ah inuu dhaliil la’aan noqdo, laakiin annaga xilligeenii qofna sharciga kama sarayn, waa dhici kartaa in qof khaldamo laakiin ceeb bay ahayd in si ula kaca ah gef loo galo.

Af-gambigii ciidammada ayuu ku tilmaamay mid sharci darro ahaa , “ Af-gambiga ciidammada wuxuu ahaa mid aan qaynuun ahayn, laakiin Madax-weyne Cabdi-Rashiid wuxuu ku khaldamay Gen. Max’ed Abshir Muuse, oo haddii uu xafiiska taliyaha ciidanka sii joogi lahaa nimankii wax inqilaabay uma suuro geli lahayn, waayo, Max’ed Abshir intii uu joogay xafiiska ammaanka wadanka gacantaa lagu hayay min Raas-Kambooni ilaa Raas-Casayr, subax kastana waxaa la heli jiray war-bixin (report) degma kasta oo dalka ka mid ah, xataa ciidammadeena waxay ka soo warami jireen ilaa Addis Ababa , Itoobiya gudaheeda, laakiin maalinkii uu ninkaas ka tegay shaqada waxaa faraha ka baxay ammaankii dalka oo dhan…” ayuu yiri Marxuumka.

Markii ay ciidammadu af-gembiyeen dowladdii rayadka ahayd 1969 Marxuumka waxaa lagu xiray aqalkiisa isagoo maalmo yar xilkii madax-weynenimada dalka si ku-meeml-gaa ah hayay, waxaa muddo aad u dheer laga ilaalinayay inuu kulano qabto ama siyaasiyiintii kale ee saaxaabadii ahaa uu xariir la yeesho, markii uu ka soo baxay xabsi-gurigii wuxuu bilaabay inuu si caadi ah ugu noolaado dalkiisa sida muwaadhin kasta oo Soomaali ah ilaa uu markii dambe ka mid noqday saxiixayaashii Manifesto oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin badan oo ay isla soo shaqeeyeen .

Aaska AUN SHiikh Mukhtaar Max'ed Xuseen

Sida uu Marxuumku ii sheegay wuxuu ku dadaalay in beesha uu ka soo jeedo aysan ka qayb qaadan dagaalladii dalka burburiyay markii ay bilowdeen, hasa ahaatee arrintu ay noqotay fidno meel walba ku baahday oo qayb kasta oo ka mid ah nolosha mujtamaca taabatay, SHiikh Mukhtaar ayaa ka diiday dhowr jeer Gen. Maxa’e Faarax Xasan (Gen. Caydiid) ugu baaqay inuu ka mid noqdo maamulkii Sal-Balaar ee uu Caydiid iskii ugu dhawaaqay, waxaana jawaab arrintaas noqotay in ciidammadii ilaalada u ahaa Gen. Caydiid ay xoog ku galaan gurigii marxuumka isla markaasna ay boobaan.

Waxaa cajiib ahaa sida uu Marxuumka ii sheegay in maalintaas (maalin sugan ma uusan sheegin, laakiin waa sanadkii 1995kii) alaabti ay ciidamadaas gurigiisa ka qaateen ay ku jireen dharkii uu marxuumku qabay maalintii la dilay madax-weynihii hore ee soomaaliya Cabdi-Rashiid Cali SHar- Ma- Arke, (Jaakad, shaar, surwaal, iyo necktie) oo uu wali ku yaalay dhiiggii soo gaaray markii uu SHiikh Mukhtaar dhulka ka qaaday maydkii madax-weynihii la dilay.

SHiikh Mukhtaar Max’ed Xuseen ayaa ku dadaalay inuu ka fogaado arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya tan iyo intii ay bilowdeen colaadaha lagu waayay qaranimadii Soomaaliya, wuxuuna iska ururiyay inuu wax lug ah ku yeesho ceebihii dhacayay ama af ha ahaato ama addinee, Alle ha u naxariistee Marxuumka ayaa lagu yiqiinay inuu yahay nin af-gaaban, xishooda, iskuna daya inta karaankiisa ah inuu ku dhaqmo akhlaaqada Islaamka…..Alle ha u naxariisto SHiikh Muktaar, qoyskii iyo ehelladii uu ka baxay iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed gadaashiisa Alle ma fidneeyo…(Aamiin)

Axmedyaasiin sooyaan
Alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

==========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

14 Responses for “SHiikh Mukhtaar Max’ed Xuseen:Geesi ku dadaalay gudashada waajibaadkiisa W/Q Axmed-yaasiin M Sooyaan”

  1. [...] See the article here: SHiikh Mukhtaar Max’ed Xuseen:Geesi ku dadaalay gudashada waajibaadkiisa W/Q Axmed-yaasiin M Sooya… [...]

  2. basra cadeey says:

    waa qoraal u tayo sareeya waana ka helay raxanreeb guuleysta

  3. yaasiin says:

    qoraaga waa uu kumahadsan yahay raxan reeb as always thanks hadaan intaas kiu dhaafo runtii waa qoraal aad u wanaagsan oo taariikhi ah waxaa aniga kala bixi karaa in ay mudan tahay in dhalinta aan soo booqano dadka dalka usoo shaqeeyey oo wax la weydiiyo odayaasha wadanka usoo shaqeeyey oo taariikhda wax laga weydiiyo marka aniga intaas baan kusoo koobayaa hadalkii i hayey

  4. basra cadeey says:

    waxaan doonayaa in aan sooyaal suaalo – ma intii aad adiga ka heshay uu marxuumka kuu sheegay baad noosoo gudbisay mise waa kaa daacad oo waxa uu kuu sheegay waaba un intaas?

  5. quuqle says:

    sawirka waa dhaxalgal sooyaan ma wariyayaashii hore ee mahnada ka saaqiday buu yahay qoraaladiisa iyo sawirada ay wataan magaciisaa ku qoran nin aan garanayo ma ahan

  6. Amina says:

    Waa sheeko qiimo leh oo aan u baahnayn,qoraaga Ilaah ajar iyo xasanaad ha kaa siiyo shiikhana Ilaah SWT janna fardowsa ha jeeyo.

  7. Aw Malaaq says:

    Raxanreeb you are always the greatest, the truth, the justice.!!!!!

    Thank you Mr Sooyaan for the historic truth about one of the greatest Somali Leaders, Skeekh Mukhtar Mohamed Hussein Beriyow.

    My Allah bless his soul.

  8. muuse says:

    Kii dhintaba amaana.kawaran dad islam sheganaya sharciga kudhaqankisan mooshkin kasugayo. Oo xeer gaalada laga qalin daartay ku dhaqmayo.

  9. Amina says:

    Waxan ka codsan lahaa Qoraaga haduu awoodo inuu taariikhda noocaan oo kala ah inuu buug ku qoro si ay uga faa’iidaystaan jiilka soo socda iyo anaguba’iyo weliba taariikhdii hore ee wadankavsoo maray.

  10. Daacad says:

    kU: quuqle,
    Walaal magacaagaaba cadayniya nooca aad tahay, oo Quuqle ciyaar laguuguma bixin kow dheh, laakiin waxaan kuu sheegayaa Sooyaan is really doing good JOB! laakiin maxaa saaqidnimo meesha keenay?…We are very much appreciate what he is doing, and I like to underline that we have very few people like he, who can give us such good articles, anyway you are real QUUQLE and you must be Punished

  11. Shukri sh. Mukhtaar says:

    Alle ha u naxariisto qabrigana alle ha u waasacsho aabe Sh. Mukhtaar maanta waa marxuum oo duco ayu nooga baahan yahay, thanks Sooyaan dhalashadiisa waa waqti la yaqaan waana 1912, wuxuna ku dhashay tuulada Caasha Gaabo ee gobolka Bay taariikh ahaan waxay ku aadaney xili la yaqaan oo ahay xiligii talyaaniga baydhabo qabsaday, dhalasho ahaan buu wuxu ka soo jeeda gobolka bakool.

  12. Allah ha u naxariisto Sheikh Mukhtaar , Allah ha ka waaraabiyo Jannah Fardoowsa , Amiin yaa Allah , waxaan ogaaday maantay in Maxamed Ibrahiim Cigal ( Allah asagana ha u naxariiste ) oo u tartamay jagadda raisal barlamaan (speaker) 1966 oo uu ku waayay loolan uu la galay Sh. Mukhtaar uu ku guleeystay jagadaas .

  13. sooyaan yaa maayga ku hadley ninkii diley maa leedahay waa maay maay mise wuu yaqaaney ina aderki baaba diley c/rashiid cali sharmaake

  14. Gentleman says:

    Ku: faswziya sheekh mukhtar,

    Walaaleey, aabbe marka hore Alle ha u naxariisto, maqaalkaan maqaal loo bahnaa buu ahaa runtii, Sooyaana ma dhihin nin Maaymaay ah baa dilay cabdirashiid, ee waxaa dilay nin askari ah oo lahjadda maayga ku hadlaya, qoraalka dhab u fiiri.

Leave a Reply