Shirkadda Xawaalada Dahabshiil oo Iibsatay Shirkadda Isgaarsiinta Telcom Somalia Iyo Tartanka Isgaarsiinta oo Cirka Isku Shareeray Muqdisho (Warbixin)
Muqdisho (RBC) Wadahadalo qaatay dhowr bilood oo u socday masuuliyiinta shirkadaha Dahabshiil iyo Telcom Somalia ayaa la soo afmeeray iyadoo ugu dambeyntii shirkadda Dahabshiil oo horey u lahayd Bangi iyo Xawaalad ay iibsatay dhamaan saamiyadii shirkadda isgaarsiinta Telcom Somalia.
Saraakiil ka tirsan labada dhinac oo wada hadalo kulahaa Nairobi iyo Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in wixii hadda ka dambeeya mulkiilaha Dahabshiil uu leeyahay shirkadda Telcom Somalia oo xarunteeda weyn ay ku taallo magaalada Muqdisho.
Wadahadalku wuxuu ka dambeeyay hoos u dhac dhaqaale oo aad u weyn oo ku dhacay shirkadda isgaarsiinta Telcom Somalia oo beri ahaan jirtay shirkadda labaad ee ugu baaxada weyn dalka, hase yeeshee illaa lixdii sano ee la soo dhaafay lumineysay macaamiil fara badan.
Tartanka cusub ee isgaarsiinta
Durba markii ay si rasmi ah shirkadda Dahabshiil ula wareegtay shirkadda isgaarsiinta Telcom Somalia waxaa la furay khadka gudaha (local) ee isgaarsiinta Telcom Somalia kaasoo dadweynaha u suurtagaliyey in gudaha Soomaaliya oo dhan ay si lacag la’aan ah ama bilaash ay isku wacaan, taasoo keentay in macaamiil hore u heysatay adeega telefoonka gacanta (mobile) ee shirkadaasi ay dib hawada ugu soo laabtaan.
Sidoo kale waxay Dahabshiil bilawday dib u habeyn balaaran oo lagu sameynayo adeegyada ay bixiso Telcom Somalia oo hadda xarumo ku leh Puntland iyo Somaliland, waxaana adeegyadaasi ku jiri doona kuwo toos isugu xiri doona adeegyada bangiga Dahabshiil bixiyo iyo kuwa isgaarsiineed ee macaamiisha ay ka helaan Telcom Somalia.
Warar ku dhow maamulka cusub ee shirkadda Telcom Somalia ayaa sheegaya in sidoo kale la fasaxay shaqaalihii hore ee shirkaasi isla markaana Dahabshiil ay warbaahinta ka siideysay xayeysiin sheegeysa inay qaadaneyso shaqaale cusub oo lagu xulanayo aqoonta iyo waaya araganimada ay leeyihiin. Dhanka saamiyada shirkadda ayaa la xadidi doonaa oo ku koobnaan doona kaliya milkiyada Dahabshiil si la mid ah shirkadda kale ee ay Dahabshiil leedahay ee lagu magacaabo SomTel oo fadhigeedu yahay Hargeysa.
Waxay arintan saameyn la dareemi karo markiiba ku yeelatay saddexda shitkadood ee kale ee ka hawlgala koonfurta Soomaaliya ee kala ah Hormuud, Nationlink iyo Samafone oo dhamaantood bilaabay sidii ay gaashaan isaga dhigi lahaayeen tartanka xajmiga weyn ee ka soo fool leh Telcom Somalia.
Dad badan oo ka hadla arimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa sheegaya in Soomaaliya sanadkan ay galeyso tartankii ugu adkaa ee dhanka isgaarsiinta kaasoo intiisa badan ku saleysnaan doona qiimaha ama waxa loo yaqaamo “price war” oo ah dagaal ku saleysan qiimaha adeegyada lagu iibiyo iyo tayada adeegyada isgaarsiineed ee shirkad kasta dadweynaha u soo bandhigeyso.
Soomaaliya oo mudo ka badan 21 sano aan lahayn xukuumad dhexe oo sharciga ilaalisa ayaa haddana dhanka kale ku guuleysatay inay noqoto mid ka mid ah wadamada Afrika ugu isgarsiinta wanaagsan dhanka tayada iyo qiimaha oo ah midka ugu jaban caalamka oo dhan taasoo ku timid qiimaha lagu tartamo iyo tirada shirkadaha isgaarsiineed ee gaarka loo leeyahay oo sii kordhayey. Waxaa kaloo maalgaliyaasha shirkadaha isgaarsiinta lagu amaanaa inay shaqaaleysiiyeen kumamaan ruux oo Soomaali ah xilli dalku uusan lahayn wakaalado shaqo bixiya.
Laakiin dadka wax dhaliila waxay dhanka kale sheegaan in ganacsatada iska leh shirkadaha isgaarsiinta ay ka faa’ideysteen dawlad la’aanta dalka iyagoo ay u baaqatay malaayiin doolar oo canshuur ahaan uga bixi lahaa haddii xukuumad dhexe oo shaqeyneysa ay jiri lahayd.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












kkkkkkkkkkkkkkk waliba waxa aan odhan lahaa inagodane ha loga dhiigo manger wax south ahna yuun ka shaqayn =================================== kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
reer koonfureed dhiigshiil deris buu u dhigay,,,,al barakaad buu ka xidhay!!! imminkana is gaadhsiintoodii ayuu u soo dhigtay marmhoremayuu martin bryden war bixin soo saaray uu ugu sii gogol xaadhayo in dhiig shiil suuqa is gaadhsiinta la wareego siduu xawaaladahaba ula wareegay!!!!!!! awr aan caqli lahayn reer koonfureed!!!!!!!!!!!!!!!!
AWW walaalayaal salaan kadib waxaan latalinayaa walaalahayga shaqada wanaagsan no haya ee RAXANREEB, inay anshaxa iyo asluubka wanaagsan ee islaamnimada, waxgaradnimada iyo soomaalinimada.
taas oon ulajeedo inaydaan ummada usoo dayn waxa uu soo qoray SOMALILANDER waana hubaa inuusan ku hadli karin magaca walaalaha somaliland,
laakiin ninkaasi anshax malehe mar dame umadda ha usoo deynina hadana delete -gareeye anshax xumadiisa
mahadsanid umdda soomaaliyeed
Ninka sita magaca somalilander maha somalilander ee waa wuxuush meel kale ka timi…aad baan uga raali galinayaa shacbiwaynaha somalia aflagaadada uu ninkaasi ku kacay. ganacsiga iyo siyaasadu waa kala laba meel kasta qofka somaliyeed wuu ka shaqaysan karaa . reer somalia waxaan u rajaynaya Guul iyo Horumar.
hargaysaawi walaalkay ama walaashay mahadsanid
[...] http://www.raxanreeb.com/2012/06/shirkadda-xawaalada-dahabshiil-oo-iibsatay-shirkadda-isgaarsiinta-t… [...]
ASC dhamaan soomaali weeyn, waxaan idinka codsanayaa in aadnaan ka fakarin qabiil iyo wax hoose, ee maadaama dunidu hormartay hadana ganacsigu nin soomaali ah la wareegay waa maxay maseerkaan iyo is naceeynkaan waxaan hubaa maanta hadii nin cadaan ah la wareegi lahaa waa laga daba nacab leeyn lahaa marka walaalayaal ama soomaaliland ha ahaado ama jabuutiyaan qofku haduuba soomaali yahay meel ka hooseeysa haku fakarin ilaahna ka cabso qofkii quursi iyo naceeyb qalbigiisu ku jiro jano ma galo, I AM From Hobyo City
maashaa allaah waan ku faraxsanahay inay soo laabato shirkadii telcom waxaana helaynaa saamiyadii ay nagala fadhiisatay waxaana rajaynayaa inaaan shaqo ka helo