Shirka Saxiixayaasha Road-Map-ka Oo Ka Furmay Nairobi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Saxiixayaasha Roud-Mapka shir ku leh  Naiorbi

{Saxiixayaasha Roud-Mapka oo shir ku leh Naiorbi}

Nairobi (RBC) Waxa maanta barqadii  magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ka furmay shir labo maalin socon doono oo ay yeelanayaan dhinacyadii saxiixay qorsha howleedka looga baxaayo xilliga KMG ah ee Road-map-ka.

Dhamaan lixda saxiixayaasha Road-map-ka ayaa hadda ku sugan magaalada Nairobi, shirkan waxa la sheegayaa in uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee ay yeelanayaan dhinacyada kulugta leh xilliga KMG ah ah oo kala ah Madaxweyen Shariif,Ra’iisal wasaare Gaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Shirka oo ay ka qeybgalayaan saxiixayaasha Road-map-ka oo ka kooban madaxda ugu sarreysa dowladda KMG ah ee Soomaaliya, maamullada Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca ayaa wararka ku dhow dhow waxay sheegayaan in la iskula soo qaadayo sidii loo ambaqaadi lahaa qorshe kale oo ku aaddan soo afjaridda marxaladda kala guurka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Kenya Maxamed Cali Nuur “Ameerika” oo saxaafadda kula hadlaayay Naiorbi ayaa sheegay in uu muhiim u yahay xaaladda uu dalka ku jiro, lana filayo in ay ka soo baxayaan qodobbo wax ku ool ah.

Furitaanka shirka ayaa ku soo beegmaya xilli waqtiga la heysto uu yar yahay marka la eego fulinta howlaha dowladda horyaalla oo ay tahay in la qabto ka hor bisha August oo xilliga dowladda ku meel gaarka ah uu ku egyahay.

Sidoo kale waxa lagu soo qaadi doonaa arrimaha qorsha howleedka looga gudbaayo xilliga KMG ah ee Road-map-ka iyo sidii loo dedejin lahaa dhameystirka iyo weliba adkeynta qodobbadii ka soo baxay shirarkii Garoowe, Gaalkacyo iyo Addis Ababa.

Shirkan ayaa waxa soo qaban qaabiyay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahiga.

Sidoo kale kulankaas waxa iska kaashaday saxiixayaasha Road-map-ka iyo xafiiska UNPOS.

Magaalada Muqdisho waxa maalmahan ka socda kulamo looga hadlaayo qorsha howleedka Roud-Map-ka ee la doonayo in looga gudbaayo xilliga KMG ah oo ku eg bisha August ee soo socota.

Danjire Mahiga oo dhawaan kulan la qaatay ururada haweenka ee ka dhisan Muqdisho oo looga hadlaayay siddii dumarka ay door weyn uga qaadan lahaayeen siyaasada dalka in dumarka ay ka helaan doorashada soo socota 30%.

Wali waxa muuqata in saxiixayaasha Roud-Mapka uu ka dhexjiro khilaaf ballaaran, iyadoona waqtiga u harsan dowladda uu dhamaad ku egyahay, shaqada u taalana ay aad u badan tahay.

Gaar ahaan maamulka Galmudug ayaa aad u saluugsan qaabka ay hadda wax u socdaan waayo waxa ay lee yihiin dhinacyada kale ee Saxiixayaasha Roud-Mapka.

Shirka ayaa la filayaa in marka uu dhamaado uu ka soo baxo war-murtiyeed looga hadlaayo waxyaaha ay ka arrinsadeyn Saxiixayaasha Roud-Mapka.

RBC Radio
===============
Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

5 Responses for “Shirka Saxiixayaasha Road-Map-ka Oo Ka Furmay Nairobi”

  1. [...] See more here: Shirkii Ugu Dambeeyay Saxiixayaasha Roud-Mapka Oo Maanta Ku Furmaya Naiorbi [...]

  2. ayuub khaan says:

    qolada shariif af gaduud xaalku waa ku xun yahay waayo dalku waxa uu u bahanyahay wajiyo cusub dhinac walba ha noqoteee mide dowlada puntland oo lagu yaqaano u doodida xaquuqda umadda somaliyeed ayaa caalamka ku riixaysa in loo baahanyahay wajiyo cusub ee mustaqbal wanaagsan sida dr gaas dr jaahweyn dr c/wahaab ugaaas khaliif dadkaas oo dhan waa dad wax qaban kara laakiiin nin raba in uu jaabka buuxsado llooma baahna bye

  3. jamaal says:

    Asc sln ka dib hadan ka hadlo fikirfeyga waa arin qatar leh in wali lagu sii shiro dibada dalka uma arko wax micno weyn sameynaayo muqdisho aya nabad ah maxa loo diidaa? Mida kale dhibka ugu badan waxa wado waa FAROOLE oo cadaawad u qabo gobalada kofurta somalia iyo nabada ka so iftimeyso asaga aya ah dhibka ugu weyn waa in la iska qabtaa byy

  4. ArmChairWarrior says:

    “Gaar ahaan maamulka Galmudug ayaa aad u saluugsan qaabka ay hadda wax u socdaan waayo waxa ay lee yihiin dhinacyada kale ee Saxiixayaasha Roud-Mapka.”

    Qofki fahmay waxa Galmudug saluugsantahay, waxaa laga codsanayaa ineey sheegaan iyagoo mahadsan!!!!

  5. [...] See more here: Shirka Saxiixayaasha Road-Map-ka Oo Ka Furmay Nairobi [...]

Leave a Reply