Shirkii wadatshiga ee Jaaliyada Puntland oo ka dhacay magaaladda Frankfurt ee dalka Jarmalka (SAWIRRO)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Dr C/llaahi Shire Cismaan

Frankfurt am Main, Deutschland : Waxaa magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka ka dhacay Shirkii wadatashiga Jaaliyada Puntland ee dalka Jarmalka, Shirkaas waxaa ka soo qayb galay Ergooyin ka kala yimid Gobolada Jarmalka oo ka kooban dhamaan qaybaha Bushada sida Aqoonyahano , Siyaasiyiin, Odayaal, Culimo, Haween iyo dhalinyaraba.ayadoo ay jirto inuu yahay dalka Jarmalku wadanka ugu weyn Qaarada Yurubta Galbeed ayaa hadana dadkii Jaaliyada ee isugu yimid shirka ay u kala qaysanaayeen kuwo waqti dheer aan is arkin, kuwo Telfoon isku yaqaaney oo madasha isu weji bartey, kuwo aan isba aqoon ayagoo kala yimid Waqooyiga(Bremen, Hamburg), bartamahailaa Koonfurta(Karlsruhe,Stuttgart ,Bad Kissingen)

Shirka wadatashiga Jaaliyada Puntland ayaa waxa uu ahaa ajandaha looga hadlayey ama la isugu yimid

Siyaasi Maxamed Cali madhoodhe

1.In la tayeeyo lana xoojiyo isku-xirka iyo wax wada qabsiga Jaaliyada Puntland ee Jarmalka

2. Sidii loo horumarin lahaa ama kaalmooyin looga geysan lahaa dhulkii hooyo ee Puntland ( kaalmooyin dhinaca Caafimaadka ah, Waxbarashda, Ceelasha iyo wax walba oo kaabayaal ah oo la heli karo ).

3. In la sameeyo Guddi ka kooban Aqoonyahan, Odayaal, Haween iyo Dhalinyaro sameeya dalad kulmisaama Urur loo dhan yahay, ha ahaadaan Ururada hadda jira mid ka mid ah ama mid Urur cusub oo la sameeyo iyo inay xaliyaan khillaafad kasta oo yimaada.

Furitaankii shirka ka dib ayaa waxaa ka mid ahaa Aqoonyahandii ka hadlay Dr med Axmed Abushacar oo ah dhakhtar ka soo shaqeeyeyIsbitaalka badan oo ku yaal dalka Jarmalka hadana ka shaqeeya Isbitaalka Marbachtalklinik Bad Kissingen ahna Dhakhtarkii dhisay Isbitaalka ama xarunta lagu xanaaneeyo dadka Dhimirka (dadka waalan) ee ku yaala magaaladda Garoowe , watigan ku howlan kaalmayn Xarumo Caafimaad oo kale oo dalkii iyo dadkiiba wax loogu qabanayo . Dr AxmedAbushacar ayaa ahaa Shir Gudoomiye dhanka kalena ah nin ku caan baxayama ku soo dhex jirey in ka badan 25 sanno dhinacyada isku-xirka Jaaliyadaha sida Kuwo Soomaaliyeed iyo kuwo Puntlandba, una sheegay Ergooyinkii ka soo qayb galay in waxqabad loo bahan yahay ee aan loo baahnayn fadhi iyo isqabqabsi waxa uu dalkii iyo dalkiiba ay sugayaan waa inaga.

Sidoo kale waxaa Shirka ka hadlay Dr. med Cabdulaahi Shire Cismaan oo ah dhakhtar khabiir ku ah qaybaha kala gedisan ee Daaweynta Guud iskana leh Xarunta Daaweyn ee Polyclinic- Praxis ( General Medicine, Surgery & Orthopedic Consultant)ku taala magaaladaasi Recklinghausen ee Gobolka NRW . Dr Osman ah ninka ugu caansan ee ay Soomalida Qurbaha ku nooli daaweyn ugu yimaadaan kunanoolaa dalka Jarmalka muddo kor u dhaaftey 35 Sanno ayaa hadana ah Aqoonyahan Jecel inuu wax u qabto bulsha kula nool Jarmalka iyo mida soomaaliyeed ee dalkii joogtaba, isagoo kaalmooyin Daawo ah hore ugu diray meelo kala gedisan oo Soomaaliya ka mid ah ayaa Jaaliyadii shirka ka soo qayb gashey kula balamey in la yimaado waxqabad dhab ah oo dadkii iyo dalkii wax loogu qabaynayo !

Waxaa sidoo kale ka Hadley dad badan oo kala gedisan sada Odayaal, Aqoonyahano, Waxgarad iwm kuwaas oo ahaa ergooyinkii ka soo qayb galay Shirka.

;/

1. Oday Cabdi Faarax Cali-Qase
2. Oday Maxamuud Cabdisalaan
3. Mudane Maxamed Cali madhoodhe
4. Dr Xuseen Xaaji Muuse
5. Eng Xirsi Faarax Hayir Islaan
6. Maxamed Cabdirahmaan Cali PDF-Germany
7. Ganacsade Cali Faarax Curdan
8. Mahdi Cabdisalaan Khaliif
9. Oday Xaaji Maxamed
10.Eng Maxamuud Kaarshe
11. Sahra Qoordheer
12.Sahra Cabaas
13.Khadra A. Haaruun

Iyo dad badan oo kale oo ka mid ah ka soo qayb galayaashii shirka.

Fikir iswaydaarsigii iyo doodihii ka dib ayaa Gagabadii Shirkii wadatashiga ee Jaaliyada Puntland waxaa lagu dhisay Guddi sare oo ka kooban 9 xubnood oo ka shaqeeya isku xirka iyo isku keenida maskax iyo waxtarkajaaliyada Puntland ee Jarmalka, kuwaas gudoomiye looga dhigay Dr Axmed Abushacar.

Guud ahaan Shirkii wadatashiga ee jaaliyada Puntland ee jarmalku wuxuu ku dhamaadey jawi aad u sareeya.

Dhamaad

Use Facebook to Comment on this Post

Share

16 Responses for “Shirkii wadatshiga ee Jaaliyada Puntland oo ka dhacay magaaladda Frankfurt ee dalka Jarmalka (SAWIRRO)”

  1. XASBAHALLE says:

    Guul ayaan idiin rajaynayaa, waxaa halkaa igga muuqada isku duubni dheeraad ah ee jaaliyadda PUNTLAND GERMANY.

    Stockholm-sweden

  2. Puntlander says:

    Garoowe waa in lagu qabtaa shir weeyne ======== ASAP Ajandaha Snm waa in laga Saaro oo laga xoreeyo ilaa & Caynabo Xaqiiqa waxay wadaan waa Dagaal ahli oo waliba Gardaro cadaana ah, Maahan adigoo reer ah inaad ku gardarooto reer kale. Puntland waa imeey qabanqaabisaa Shir ASAP, Ilaa goorma ayaa loo dulqaadan karaa Gardara daan cad ? Maahan inaan indhaha ka fiirsano dhibaatada lagu hayo Sool & Cayn, Snm waa in loo digaa waqtina loo qabtaa caalamkana la ogeysiiyaa Ugu danbeeyn

  3. [...] Read this article: Shirkii wadatshiga ee Jaaliyada Puntland oo ka dhacay magaaladda Frankfurt ee dalka Jarmalka (SAWIRR… [...]

  4. Qobey says:

    Waa in sida ugu dhaqsaha badan shir weeyne la isigu yeeraa Dhamaan Odayaasha Puntland Ajan Dahana waa inuu ahadaa Dhibaatada aay wadaan Snm ta , Maahan inaan indhaha ka fiirsano in dad & dal walaaleheena lakala qaybiyo si dhibaato loogu geeysto, Dadka iyo dalkaba anaa iska leh maahan inaan ku fiirsano Dhibaatada, Maahan in laascaano Cadow heysto 5 sano Buuhoodlana maalin & Habeen lagu hayo hajuum, Arintaan waa ineey dhamataa oo Snm & cadow geeywataan loo diraa digniin Kama danbeysa Caalamkana la ogeysiiya last one , Snm waxay wadaa waa dagaalkii 1991 oo kale Xaqiiqa wax badan kuma kalagadisna Waxaanse oron lahaa kanaa ka xun, Markii shirka Xamar dhamaado waa in la qabtaa Shirweyne u Gaara Beel weynta Arintaana la xaliyaa ASAP ,

  5. ali jebiye says:

    WAXAAN SALAAMAYAA DHAMAAN KASOOQAYGALAYAASHA SHIRKA KADHACAY FRANKAFURT A MAIN WAXAAN SALAAMAYAA OO KALE DHAMAAN SHACABWAYNAHA ALLPUNTLAND GUDO IYO DEBADBA WAXAAN KALOO SALAAAMAY NINKA LAYIRAAHDO QOOBAY OO KUJIRA COMETKA KORE QORAY QOOBAYOOW WAA GOORMA GOORTA NALOO GARGAARAAYO MARKAHORE WAAD MAHAD SANTAHAY MARKA XIGA MAAMULKA FAROOLE WUXUU NOOLA MIDYAHAY AMABA KADARANYAHAY KAN SNM EE CADOGA SOOMAALIYEED AMA KAN DAAROOD HARTI WAXAAN KUU SHEEGAYAA IN MAANTA NALOO BARYO FAROOLE OO AY SAAXIIB KU YIHIIN SIILYAANYO IYO SNM BAABINTA IYO BARKICINTA KHAATUMOSTD OO HUBAALA IN AAN MAANTA KA MIDNOQONO KII NALAAYEY KII KUTAAGEERAY OO BEEN IYO WAX XILE NOOGA GUDBIYEY MELES SANAAWIGA ITOOBIYA CUSBATAALADII GAROOWANA KAXIDHAY DHAAWICII DHIRTA HOOSTEEDA NAFTU KAGA BAXAYSEY IN MAANTA WAX NALA TARO ISKADAAYE NALOOGARDADUUBO SNM IYO CADOW SOOMAALIYEED WAXAA UMARQAATIYA DHAMAAN SHACAB WAYNAHA SOOMAALIYEED WAANA MARAG MADOONTO DOQON + DOQON WAA FAROOLE CADOW+ CADOW WAAFAROOLE 2 DOQON + CADOW + DOQON WAA WEHELIYE KUXIGEENKIISA LAGU GOBLAMAY OO ILAAH NATUSIN WAJIGIISA LAWAA EE HADII EX PUNLAND NOOGU HIILINAYSO IN AAN DHACSANO DHULKAYAGA WAA IN NINKA LAYIRAAHDO FAROOLE IYO DOQON WEHELIYE INA CALI SHIRE WAA KUXIGEENKIISE WAA IN COD IYO GARABA AY NASIIYAAN SHACAB WAYNAHA PUNTLAND WAAYO WAAD OGAYDEEN DAGAALKII UGU DANBEEYEY WIXII FAROOLE MAAMULKIISA IYO KAN SNM AYKASAMEEYEEN TUKARAQ OO UU FAROOLE KUBIXIYEY LACAGTII AY KABAQTIYEEN SHAB WAYNAHA PUNTLAND IYO KAN KHAATUMOSTD BA EE OGAADA HADII DHULKAYAGA IYO DADKAYAGABA LAQAATO IDINKAA BIXIYEE WAAYO WAX NALA TARO ISKADAAYE WAXAAN WAYNAY GACALNIMO IYO WAX KASTA OO LAGUSAMEEYEY DHAARTII MADAXTINIMO EE LOO DHAARTAY SHACABKAYAGA WABILAAHI TAWFIIQ WAA NIN KHAATUMAYSAN EE USHEEGA FAROOLE IYO DOQON WEHELIYE CALISHIRE IN AAN NOOLAHAY NOOLAANA DOONO BARINA LAYSMUDAN DOONO

  6. ali jebiye says:

    WAXAAN SALAAMAY DHAMAAN REER PUNTLAND GAAR AHAAN NINKA LAGUMAGACAABO QOOBAY QOOBAYOOW MALA SOCOTAA IN AAN OGAANAY SIR IYO CAAD WAXA CALOOSHA BINI AADANKA KUJIRA ILAAH BAA OG WAXA SOO IFBAXANA AADNUHU WAX KU QAATAA EE TUKARAQ IYO LAASCAANOOD MANINKII BIXIYEY BAAD LEEDAHAY HA UHIILIYO WALAAL OGOW SOOMAALIDU WAXAY TIRAAHDAA DOQONTA USHA AGTEEDAA LAGU DHUFTAA EE WAAGII WAABERYEY EE HADAAD TAHAY WALAAL AAN WAX LASOCON UGOOW TUKARAQ LAASCAANO WAXAA BIXIYEY INA FAROOLE IYO CADE MUUSE WAANA XAQIIQ OO NIN KHAATUMOSTD AH AAN OGAYN MAJIRO MAANTA EE WALAAL OGOOW HADAAD TAHAY WARMAQABE ANAGUNA MAANTA WAA KALA OGAANAY WAXIINASOOMARAY BAA WAX KU OGAANAY DAGAALKII UGU DANBEEYEY MAAMULKA FAROOLE IYO DOQONKIISA KUXIGEENKA U AH WAXAY KU BIXIYEEN LACAGTII AY KABAQTIYEEN DHAMAANSHACABKA LOODHAARTAY TAARIIKHDUNA WAA HADHAA EE A OGOOW WAADNA MAHADSANTAHAY WAXAA QORAY NIN KHAATUMAYSAN

  7. ali jebiye says:

    CEEBEEY TACAAL IILKA KIIDHIGAY U ERGOOTOOY TOLOOW FAROOLE IYO DOQON KA WEHELIYA WAA XAARAAN IN AY WAX NAGUDARSADAAN EE OGAADA HIIL WAA KII TUKARAQ QOFKAAN OGAYNOOW LACAGTII LAGUBIXIYEY IN LAYSU KAAYO CELIYO WAA LAGU GUULAUYSTAY LAAKIIN MAXAA KADANBAYN INSHA ALAAH GEERI IYO QOOMAMO DHAQSA AH LAASCAANO WAXAA BIXIYEY CADE MUUSE TUKARAQ IYO BUUHOODLE OOLA EEDAYNA WAXAA BIXIN RABAY FAROOLE EE OGAADA INAAN WAX KASTA OGAANAY OO BEENTII IYO DHAGARTII AYSOO DHAMAATAY ILAAHAYNA MARQAATI KAYAHAY WAXAA QORAY NIN KHAATUMAYSAN

  8. Falaago says:

    PL Majirtoh Majirtoh Kalataga Odayaalyohow Reer Akhiraadka u Eki Somaliland waa dhoolol Dad Cadufadi haysoh baa la Baxay Magacaas Citiraafka ay Radinayaso SL Cirku inta u Dhula u Jiroh in ka Fog buu u Jiraa. Puntalanda Benalayaal baa ku Qaraabtah Beel kastaa Degaankeeda ha u Tashato Qaswadayashii In ay Dhibaato iyo xin isla Barbaryacaan Weligood Shaqadoodu ahaud baa Beel Kasta Horataagan u Fiirsada Qabiilkasta oo Somalida ka mid ah Inta Ugu Wejiga xun oo Ugu Hadalka xun baa Hortagan

  9. Ahmed says:

    ASC waxaan halkaan dhiiragalin agu dirayaa jaaliyada puntland ee jarmalka inay marwalba qayb ka ahaadaan isbadalka ka socda wadanka soomaaliaya iyo hadey noqon lahayd puntland state of soomaaliya iyo hadey noqon lahayd inta kale ee dowlada federaalka soomaaliya. waxaan idin leenahay hambalyo sida aad isugu xilqaanteen inaad isugu timaadeen iyo is abaabulkiina. wabilaahi towfiiq.

    St. Paul, MN. USA.

  10. aliyow says:

    Walaalayaalow nin walaalkaa ah oo gurigiisii lahaysto iyo dad iyo duunyo wuxuu lahaaba oo midkastoo ka mid ihi hadduu afka kala qaado sida Ali jebiye u hadlaya oo ku ‘leh adaa ah cadawga iigu daran” oo haddaad dagaal ugu hiili istiraa adiga dhabarka xabbadda kaaga dhufanaya adiga iska daaye ilaahay iyo ummaddiisa kale gargaar maka helayaa?.
    KHAATUMADA SEEGA.

  11. NINA says:

    aliyow
    adigu if iyo aakhiro seeg maxaad dad dhan u habaari marka dhabarka lagaa tooganayose miyaad cararaysay?????? waar khaatumo hiil kaama rabto kumana waydiisan oo maanta waxay joogtaa oo keliya joojiya inaad noo soo raacdaan cadawga snm ta kale adeer xejista idinku oo iska celiya raga dilka qorshaysan iyo barakaca nadaamsan idinku wada ee gaalkacyo ka degi wayday ninkii tiisaba daryeelaa tu kale ku dara khaatumana idinka tashataye bal amaan uun siiya oo p/land badbaadsada

  12. SIHAAM says:

    @nina walaal dhabarka ninka walaalkiis katoogtey anaa kuu sharaxaya adoo og iskana indho tiraya muu carareeyn eemacnuhu waa kaan kabarbar dirirayey iyo kii aankula jeeday waawada reer anigii walaal;kood ahaa oo hiilka ugu imid ayaana dhabar iyo horey midna ii badbaadine yaan cadaw uarkaa oo ladiriraa waa inaan meel joogo mardambana dhex galin ilaa aan cadaw lala dirirayo arko oon ahayn reerkaan sida shanta farood ah ,maantii reerku mid noqdo hadii hiil leyga waayo dee waan qaldanahay.mida kale hana masabidina hana naceebeysanina waxa snm hadba meel uwadato marbana shaar usoo xiratokalana gado waa idinka, anagu snm wanaag naga dhaxeeyaa majiro dhiigayagaana isu hillaacaya isuna dhadhamaya mana arki karno mana rabno hadeydaan nagu dhexjirin oo udhuqdhuqleeyneynina wado cad oolayaqaan ayaanu marsin lahayn qurun waxay yihiin aan la aqoon iyo weji loo raaco oo duuf iyo doora leh waa idinka sileeyniiku hiilgalo iyo sileeydiin ka haro toonna aan la garaneeyn ,marna khaatumoseeg labax marna ssc labax naawaxba hanoo hiilina anagu reerahaad sheegeyso waligayaanu hoobaaq iyo hoog islamarijirney waagii baryaba isweerereyneey kaheshiin jirney hadaanu rabno hadaan rabno dagaalnaa,is dhalnaa wada daaqnaa,derisnaa.anagase nama gadan karaan caqligayaga .wiilashayadu inta lacag kasoo qaataan shacabkooda kuma laayaan .namana gumeeystaan,hadaanu rabnana oodagaal ugu soo kacnana weynayaqaanaan dharbaaxadayada meeshaan ku geynee, mamarkii caydiid jamhadda wetey iyo tobanka kunoo nin oo uu habeenimo dadka gaadey baad umalaysey ineey dadnimo leeyihiin oocid iska celin karaan dawladna nooga biqi meynoo dawlADI MAJIRIN WAATII MARKI CABDULLAHI ISAGOON HUBWADAN LAGA SOO DAAYEY JEEL AMXAARO DHAWR WIILKUBAACSADEY OO HILMO LAGEEYEY CAYDIIDNA KABIHIISII KACAREREY OO XAMAR SOO DHAAFI WAAYEY NAA ANAGU ADIYO WAX KULA MIDA HIILKIINA UMA BAAHNIN MARKAANU DAGAAL UQASDINO,OOWAAD OGTAHAY WAAINTAANAAN UQASDIYIN WAXA AAD KAHADLEYSAA, NINDHUUMASHO IYO DIL QORSHEYSAN WAX KUDILEY SOMALIYOO DHAN BEEY TAALAA MANA UU DAGAALINE WAA FULEY EE NIN BAREEREY IISHEEG OO ITUS SOO IGAMA BIQIN HADUU HABEENKII WAX GAADAYO ?IDIKA SOO MAAHA TIINA DARYEELA EDEBNA NAGA YEESH ILLAA IYO GARAADADIINA CAYTAMAYA IYO RAGINA ISMA DHAANTO.

  13. SIHAAM says:

    @ALI JABIYE WAARYAA CAYDA IYO BEEN ABUURKAASAAD MEEL WALBA SHUBEYSAAN ANAGAA SNM UGACAN GELINEY MIYAA LAAS CAANO INA ADEEKAA XAABSADE IYO B A IYO JAMACSIYAAD KAGATEY SNM HADANA HADEYRABBEEN INAY UGACAN GELIYAAN SNM WAATAAD UBANEYSEEN TUKA RAQ MAAD DIFAACDAAN JOOJI DACAAYADA RAQIISKA AH AAN KAA GADMEYN MAXAY SNM UFADHIYI WEYDEY OO UGUHAKANWEYDEY TUKORAQ HADAAD RUNSHEEGEYSO OO P/LAND UJOOGTAA LIIDNIMADIINA WAATAAS WAANA LAGU FAHMEY QAATUMO HESHIISKA SNM AYKULA JIRTO EEAH ANAA XUDUUDA USUGAYA SNM. CAR KAAALEY USUG .WAATAASE SNM BUUHOODLE HAQABSATO DAD NOOL OONOOL OON GUNIMO OGOLEYN OOPURE AH BAA JOOGA RAGRAG DHALEY HAGAR AADANIYO HAYAAG IYO INTA LADAGAN BAAN UAQAN IDINKA YAR IDINKANA TAYO WANAAGSAN DHUUNI QAATE DABO DHILIF AH ,WALAALKIISNA EED BILAASHA OON QABAN UHAYSANIN OO BIYIHII SICIID HARTI OO XALAALA WEEYE ,REER LAASCAANO LAYS BAREY DUGAAG AANLAGARANEYN MEEL LAGA KEENAY OO HOROR AH HANNA EEDEY NINA ANAGA INTAAD DHULKIINII IIBGEYSEEN CAQLI SHAQEEYNAYA IYO DAMIIRSHAQEEYNAYA AYAAN ILAAH IDIINKA BARYEYNAA MAANTEY WAXAY SOO MALEEGEEN SNM BAA TUKO RAQ LOOGACAN GELIYEY TUUG INTADAN TUUG ORAN BUU KUGU YIRAAHDAA. CAR SIDA REER BUUHOODLE DADNIMO IYOQUALATY YEESHA ON DHULKIINA HAKAGADINA EEDEYSTA SNM.

  14. NINA says:

    baayo anigu waaqic aadan aqbali karin oo kugu adag baan sheegayaa kow
    haday noqoto siyaasadiina iyo ta snm inay weligeed hoosta xidhiidh ku lahayd baan kuu soo bandhigayaa siyaasadii iyo xeshiiskii laascaanood snm ku qabsatay waxaa saxiixay c/laahi yuusuf oo buugiisa hagardaamo ku qoray taas.waxaana la hayaa heshiisyo badan oo aad snm la gasheen oo aad degaanka khaatumo ku hagardaamayseen oo hada lawada ogaaday tan aad cada qaate nagu sheegtayna baayo hadii shikhsiyado khaatumo u dhashay ay ogaadeen siyaasadahaad ku khiyaamayseen oo ay damceen in ay maxastooda ku ilaashadaan oo welibana ku baadaan snmta waa mid. taariikhda hadaad dib u raacdana reer khaatumo weligood snm kama guulaysan waxay snm guulaysatay maalintaad u garba qabateen khaatumo aan kuu tiriyo inta jeer ee aad snm la safateen idinkoo khaatumo colaadinaya
    1-1992 markii snm waxay hub kala wareegtay XDS ay ku xasuuqday maakhir iyo khaatumo waxaad u ogolaateen snm in ay gaalkacyo ka rartaan raashinka iyo shiidaalka iyagoo intay idin la yaabeen idiin bixiyey (XILO SAKHIRAN)oo aad u ogolaateen in ay dekada boosaaso ka soo dejistaan hubka iyo teknikada ay khaatumo u isticmaalayeen iyagoo hadana dekedaa u bixiyey (DEKADII DOQONTA)iyadoo xiligaa dekada barbara ayan shaqaynayn xiligaa
    2-idinkoo ilaa tii ayaantii dhawayd tukaraq ka dhacday ee p/land ku wareejisay snmta 300.000 oo $$$$ iyo laba booyadood oo shiidaal ah say snm ugu qabato tuka raq marka baayo inaad hadashaanba ma aha oo taariikh mugdi iyo khiyaamo ah baad kula dhaqnteen tolkiin xataa kililkaad ragoodii iib gayseen oo reer gedo ayaad ula dhaqantaan dad aan joogin ba
    ta geesinimadiinana ku taagsan maayo oo waxaa igaga filan dhawr gabay oo aan halkan ku soo gudbiyo oo fula nimadiina gabayaa waawayni ku tiriyey
    midna aan kuu soo gudbiyo 1991 snm waxay burco si xun ugu gumaaday rag mj ka soo jeeda markaasay kuwo reer gedo ah iyo reer khaatumana sii daayeen markii sababta ay qaarna u laayeen qaarna u sii daayeen la waydiiyeyna waxay ku jawaabeen geesiga lama dilo oo maalin baa lagu badbaadaa lkn fulayga waa laga takhalusaa inader adaa igu kalifay inaan boogaha faadhfaadho adigoo halkan ku soo xarxariiqay xoogaa bawsi ah ood siyaasiyiintiina iyo kuwa u dikriya ka maqashay hadaad siyaado rabtana waa kuu soo gudbinayaa anagoo halkan ka dalbanayna in khaatumo amaanka uu ugu dadaalo odayga firdhiye hadii kale intaanu jiidno ayaan jinnina naga reebi karin tolnimo siyaasadysani dhamaataye amaanka aynu isugu dadaalo oo nin walbaa gurigiisa ha ku ekaado hadaad khaatumo cada qaate ku tilmaanto dadkeeda ka waran dadkaaga soo dhawysta oo VIP ahaan ula dhaqma kuwa barakicinta nidaamsan ku wada tusaale maxaa loo arki waayey iyadood ka hadlaysaan ragga bacaadwayn beeraha ka fasha ee reer galmudug indhahiinoo shan ah kuwa kaloo badana waan soo gudbin nin ku yaqaan looma saarto baayo adoo gurigaagu dhalo yahayna dadka dhagaxa ha ku tuurin taariikhda anagaa hayna e

  15. NINA says:

    waan ka cudur daaranayaa inta caqliga u saaxiibka ah ee si quman wax u og ee reer p/land anigoo ay igu kaliftay inaan hadalo ay dhibsan karaan halkan ku soo qoray waxaa igu khasbay anoo intaa halkan ku arka dad beel dhan (khaatumo ) si wadar ah intaa u caayaya iyagoo ku hadaaqaya hadalo meel dhaw ah oo warbaahinta looga meeriyey igana raali ahaada

Leave a Reply