Soomaaliya Uma hogaansameyso Siyaasada Ethiopia ee Ku Dhisan Xooga Milatari. W/Q Dr Saciid I Maxamuud
Soomaaliya Uma hogaansameyso Siyaasada Ethiopia ee Ku Dhisan Xooga Milatari
Dr. Said Issa Mohamud
saciidciise258@aol.com
Juunyo 21 2012
Soomaliya waa dal aan lahyn dowlad Rasmiya taasna waxey keentay in wadamada deriska ay xoog ciidan ku soo farageliyaan arrimaha gudaha Soomaaliya. Ujeedada faragelintoodu waa mid ku dhisan iney hogaanka siyaasada Soomaaliya taladeedu ka timaado Addis Sababa ama Nairobi. Waxaa muuqata in isku daygaas ay u rukuuceen madax goboleedyo iyo kuwa ka tirsan dowlada dhexe. Shacab weynaha Soomaaliyeed marna uma hogansamayo inuu qaato talooyinka ka imaaneysa madaxda deriska oo ay la hulaaban yihiin kuwa KMG.
Dowlada Ethiopia oo ku dhalatay qaab jabhadnimo, waxey dhinac mareen qawaaniinta caalamka iyo nidamka dowladnimo. Waxey marar badan ku soo xadgudbeen xuduuda ay la leedahay Soomaaliya iyadoo aan wax ogaalsho ah ka heysan dowlad ku timid rabitaanka shacabka. Ciidanka Ethiopia waxey Soomaaliya marar badan la soo galeen ciidan fara badan oo lagu qiyaasi karo sideetan kun, kuwaas oo u dhisan qaab jabhadnimo. Marka ay wadanka Soomaaliya soo galaan waxey gooyaan dhul dheer, waxey fariisimo ka sameystaan degaan fog oo ku yaala caloosha Soomaaliya. Xeeladooda dagaal waa mid ay ku muujinayaan geesinimo, laakiin ay ku hoobtaan ciidankooda, ciidanka la socda iyo kuwa ay la dagaalamayaan.
Ciidamada Ethiopia waxey markasta xulufo ka dhigtaan maleeshiyaad qabiil oo ay siiyaan magaca ciidanka DKMG. Ciidamada Soomaaliyeed lama siiyo hubka culus iyo wax mushaara. Waxaa xaqiiqa in Ciidamada Ethiopia uu yahay qasadkoodu inuu si toosan is kaga hor keeno ciidanka xulafadiisa la ah iyo kuwa ka soo horjeeda, si ay u galaan dagaal qaraar oo dhimasho iyo dhaawac badan sababa. Runti waxey tahay in mucaaradka iyo muxaafadka ay Ethiopia daneyneyso iney wada jabaan.
Siyaasada Ethiopia ee ku dhisan in Soomaaliya xoog ciidan u adeegsato si danaheeda dowladnimo ay ku gaarto waxey u martay shaqsiyaad iyo maamulo ay la noqotay saaxiib dhow. Diidmada shacabka Soomaaliyeed uu uga soo horjeestey faragelinta Ethiopia waxey dhalisay Ethiopia iney ku weyso dhaqaale iyo saaxiibtinimo dhow oo ay la lahayd wadamo ka tirsan dunida horay u martay. Waxaa Ethiopia si dadban iyo si toosanba loo wargeliyey iney faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya oo aysan jirin cid u igmatay.
Dadaalada Ethiopia waa mid aan lahayn tayo siyaasadeed oo ka durugsan muujin qab ciidan iyo qar iska tuurnimo. Ethiopia waxey laysay ama isku laysay dad badan oo Soomaaliyeed ee ka tirsan xubnaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale iyadana waxaa laga laayey kumanaan ka tirsan ciidankeeda, waxaana sidaas ku burburay niyadsamida ciidankooda oo sababta loogu soo dirayo Soomaaliya u arkay iney tahay danta hogaamiyahoodu ka leeyahay oo ah in loo arko inuu yahay nin libaaxa oo awood badan iyo in iyaga lagu laayo dagaaladaas aan xambaarsaneyn nuxur dowladnimo.
Ethiopia haddii ay xoogga saari lahayd derisnimo wanaaga iyo iskaashiga dhinaca ganacsiga ama dhaqaalaha, waxaa xiriirkaas ka dhalan lahaa shirkado badan oo isku dhexdhafa, kuwaas oo xaruumo dhaqaale oo xooggan ka abuuri lahaa Geeska Afrika, iyado baxada Ganacsiga uu gaari lahaa wadamada ku jira gudaha Afrika. Waxaa cad in Ethiopia ay daneyneyso Xeebaha Soomaaliya, Soomaaliduna ay dooneyso suuqyada Ethiopia iyo wadamada deriska la ah.
danahaas la kala leeyahay waxaa loo mari kara nidaam aan ku dhisneyn xoog ciidan iyo Ethiopia oo aan soo faragashan siyaasada Soomaaliya inta xal laga helayo dhulka Soomaalida Galbeed oo ay xoogga ku haysato dowlada Ethiopia.
Hogaamiyaha Ethiopia oo ku dhaqana Soomaalida iyo Ethiopia waxa uu ka marin habaabay fursad qaaliya oo uu u heystay nabadeynta labada dal. Wuxuu doorbiday inuu u dhego nuglaado wadamada shisheeyaha danahooda iyo inuu dalaal uga noqdo arrimaha Soomaliya danaha ay ka leeyihiin isaga oo iib geysanaya badeecadiisa ciidan. Wuxuu wax weyn ku noqon lahaa haddii u xaliyo khilaafka dhuleed wakhtiga dheerna soo jiitamay ee u dhexeeya labada dal. Nasiibdarro wuxuu ku dhumay xulafeysi aan abaal looga ahayn iyo qiimo jab la soo deristey xeeladahiisa dagaal oo ka gadmi waayey Afrika iyo Yurub.
Dowladnimada Soomaaliya helitaankeeda waxaa fogeeyey iskaashiga Ethiopia iyo ururka IGAD oo Ethiopia ku jira gacanteeda midig. Ethiopia waxaan u muuqan in nabada iyo dowladnimada Soomaaliya ay amni u tahay nabadgelyada Ethiopia. Caalamku maanta wuxuu isku raacsan yahay in dowlada Ethiopia ay gacan qaldan kula dhex jirto arrimaha guddaha Soomaaliya, tabarna aysan u lahayn in Soomaaliya ay talo u yeeriso. Waxaa laga codsaday Ethiopia iney ixtiraamto dadaalada Ururka Midowga Afrika oo aysan ka dhinac furin xagaldaacis waxyeeleyn kara ciidamada Afrikaanka.
Ethiopia waxey maantay ku baraarugtey iney ku guuldareysatay siyaasadeedii ku dhisneyd jabhadnimada iyo cagajugleynta ay ku heysey madaxda maamul gobeleedyada iyo kuwa KMG. waxaa intaas wehlisa in siyaasadeedi ay gashay go’doon oo saaxiibo badan ay ka sii fogaanayaan. waxaa kaloo meesha ka baxay in macaawinooyin ay is fahamsiisay iney ku heleyso dalaalnimadeeda xaga Soomaaliya in loo leexiyey mashaariicda siyaasadeed oo ay wadaan UNka iyo nabad ilaaliyayaasha Afrikaanka. Intaas oo dhan markii ay la soo gudboonaatey dowlada Ethiopia waxaa u soo baxday iney gacmo fara maran ay kala noqotay Soomaaliya.
Ethiopia jabkeeda siyaasadeed waxaa ka masuula hogaankeeda oo dan dhalanteeda ku bedeshey dan lama huraan ah. Wixii Ethiopia dhaqaalo ahaan ka soo galay macaawino wuxuu ku maalgeliyey ciidamadiisa uu ku jiheeyey dhinaca Soomaaliya. Hanti badan oo lagu hormarin lahaa wadanka Ethiopia ayaa lagu qasaariyey howlgalo ciidan oo lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed.
Maantay waxey xaaladu mareysa in la dhiso dowlad Soomaaliyeed oo rasmiya iyada oo Ethiopia aysan ku lahayn wax talo ah, lagana codsaday iney ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya inta aysan dhisan dowlad dhameystiran. Waxey wadamada qaar walaac ka qabaan in Ethiopia uu hadda gelayo burbur siyaasadeed iyo mid militari, meesha Soomaaliya ay rajeyneyso iney ka baxdo dowlad la’aanta. Guuldarida ka dhalatay howlgalada ciidamada Ethiopia oo ay kula soo noqdeen wadankooda, waxey keeni doonta dhibaato dib ugu noqota Ethiopia.
Dr. Said Issa Mohamud
==========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












[...] More here: Soomaaliya Uma hogaansameyso Siyaasada Ethiopia ee Ku Dhisan Xooga Milatari. W/Q Dr Saciid I Maxamuu… [...]
itoobiya hogaankeedu wuxuu xooga saaray si uu soomaaliya jilbaha dhulka ugu dhufto iyadoo aysan itoobiya diyaarsan plan ku xiga marka soomaaliya burburto waxa laga yeelayo siyaasada arimaha dibaduna ee itoobiyana in door ah way ku dhaka faareen arinta soomaaliya iyadoo go’aanku markastaba ku koobnaa r/wasaaraha dalkaa oo hada mudo 20 sano ah gacan bir ah ku haga itoobiya waana noqon kartaa in maanta soomaaliya ka sama ta baxdo halaagii lala maaganaa ee loo adeegsaday rageeda oo aynu beri maqlo qawmiyadihii itoobiyaa wax kala qabta la waayey oo arinku noqdo what goes around comes around !! why not?
xaqiiqatan waa maqaal aadloosoo lafaguray oo waayo aragnimo iyo siyaasad waaqaca kudhisan ilaahayna waxaankarajaynaynaa inuu kadhigo kanasiib kana saar,itoobiyana waxaa maranhabaabiyay kuwa majaraha uhaya ,waxaakaloo xusid mudan waxaa iskusoo aaday arimo dhawra oo soomaalida u ah fursad ay kusoo noqoto jiritaankeedii halista galay arimahaasna waxaykala yihiin sidan:1.dawlada turkiga oo si,aan la,arag ugusoojeesatay arimaha soomaaliya iyadoo turkigu yahay sidaan ognahay dawlad xajmi weyn dhanka milatari,dhaqaale,siyaasad. 2.isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay dawladaha carabta guud ahaan gaar ahaan masar oo ah dal aan turkiga kadhicin turkiga ,iyaga iyo itoobiyana kadhexeeyo xafiiltan dhanka biyaha niilka arimahaas iyo kuwo kaloo isbiirsadayba waxay iijaabi ama bosetive uyihiin inay soomaliya markale cagaheeda iskutaagto waana mida ay itoobiya u tooghayso waxaadna ogaataan waxaa taas kawayn waxaan rajaynaa in ay ilaahay swt uu idmay in soomaaliya dhibkan kabaxdo ilaahow dawladnimo ay islaamnimo saldhig utahay noosoo dadaji aamin
Dhibaatadu ma ahan Ethiopia ee waa kuwa inaga midka ah ee u dhega nugul, una malaynaya in Soomaali ay u khasbi karayso, hadaynaan inagu isku kalsoonaan oo tix gelin isa siin weligeen sidaas bay inookala xadi, jaahwareerkuna inaga dhamaan maayo, waa qormadii wadani yare
Ethiopia waxay tahayba soo Somali kama wanaagsana. Horta bal maxaynu haysanaa aan cid wax ka sheegnee?
kkkkkk waar nimanyahow waxa aan shabakadn u imaadaa in aan qoslo.waxaan idin odhan lahaa
malaha dambiga somali somali ka gashay na waxa la odhanayaa itoobiya ayaa ka dambaysa.waxa la yidhi bin aadamku marka aakhiro maxkamada la soo joojiyo waxa ay ilaahay u sheegaan in uu shaydaanku ku kalifay falka dambiyeed ee ilaah ku soo oogay,Jawaabtooda na waxa uu shaydaanku ku odhanayaa waar ordoo naftiina canaanta aniga ha i canaaannin eh
ascw dhamaan umada islaamka ah ee soomaaliyeed kuwooda damiirka le aad ayaan ugu farxay qoraalkaan qiimaha badan, waxayna cadaynaysaa in ay somaliya wali isku dhiibin ethopia xoog ama xeelba maadaama rag soomaliyeed ay wali xabad ku hayaan ethopia rag kalna aysoo qorayaan aragtidooda wanaagsan. laakin hal su aal ah ayaan qabaa oo aan jawaab u wayay 1 umadii soomaliyeed mashriif iyo shabaabaa miyayna jirin dadkale oo damiir leh
war beenta iska daaya ilma bantu ethiopia waa wadan dadaal badan ka geeystay nabad sidii eey somalia oogu soo dabaali lahaayeen balse umad waalan maxaa loo qaban karaa…….mida kale Somaliland nabada iyo horumarka ka jira meey burburiso been baad isku sheegteen ee ilma walaweeyn ilaah ha idin soo hadeeyo
Geeska Afrika oo Somalia Deriska la ah in Uu Isku Dhexdaadan Doonoh ma Shakibaa ku Jirah? Carabta Dhinaca Badda Ay Somalia Deriska ka Yihiin Iyagana Marakooda [Yaa Lahwi Baleeey]. Ethiopia Somaliya Meel Weyn bay Uga soo Baxday Qofka Somaliga oo sida Fiican u Fekerayaa Abaal buu u hayaa Ethiopia. Waa ka Dhoofan waa ka Ganacsadaan Somalidu ADS Shacabka Ethiopia iyaguna Dhinaca Dhaqalaha Faa,iido wayn bay ku Qabaan Somalida. Guuldarada Hawlgalka Meleteri wa Mid Dhinaca Somalia ka soo Bilaabatay waxaa Fiican in wax Badan Dib loo Saxoh
waxaad tihiin dad wada hurda oo aan xaqiiiqda la socon waxaan idin leeyahay waar waad hurudaan. Waxaad huradaan hurdadii asxaabul KAHAF oo kale waar maanta waa maalin ay Ethiopia ay noqotay Dowlad Federal ah oo dhinac kasta ka hormartay oo waxa la dhahoEthiopia 1977 shuuciyadii iyo cadaawadii waa dhamaatay. Maanta Ethiopia weel kaliya ayeey wax ku qeebsataa waxaana ka dhexeeyo tartan FEDERALKA ay ka koobantahay Ethiopia waxeey mareesaa in dhulbeeredkeeda ay ka ijaarto INDIA, KUWAIT, SAUDIAABIA, QATAR iwm. Waad aragtaan in maanta CHINES kii dhisayo Ethiopia oo ay gaartay meel aysan weligeed ku riyoon waana qowmiyado kala duwan oo maslaxadoodii gartay. Aaan u soo noqodo Somalia imisa luqadood ayeey ku hadashaa iyo imisa diimooda ayaa ka jira waxaan umaleen dad baddan ineey dhahi doonaan waa maxay ninkan cawaamka ah ? war ma ogtihiin in Qabiilka baas ii ka xun yahay wax kasta. Saxaafadeenii waxeey horseed unoqotay Propogando aan dhamaad laheen oo shacabka been laga dharjiyo qofkasto ruuxuu doono ayuu caayaa oo shaqo ka dhigtay. Waxa somalia ka jira Al- Shabaab oo luqadeeda cid yar ku hadasho iyo caqiidadooda dilka umadda oo dad baddan aaminay in dhiig la daadiyo sababtoo ah waxaan anaga aheen waa gaalo kooxdeena waa muslimiin yar oo la mid ah kuwii biloowgii Islaamka, inta kale waa qatar , Ahla suna oo aaminsan in dadka laga qabto qoladaan hadii kale ay Somalia dadka kawada qixi doonaan ama waxyar oo ayaga la mid ah kusoo hari doonaan qatarna ku socoto jiritaankooda. Nimanka baacmushtarka oo caqiidadooda ah dhiig sidii uu usiison lahaa si ay u taajiraan, dadka kale maxaa naga galay, kooxda talada u ooman oo kaba siidaran imisaa ka sii darran rabaa og, BBC iyo VOA oo propogando iyo isku dirka qabiilka sii wado yaa umaqan umadaan. ETHIOPIA naga dad baddan nagana dhaqaalo baddan sidaan ugu dabaalan laheen anageey noo taal oo runta isku sheegno ??????
dadka itoobiya nooga dhigaya dream land adeerayaal cidi kama hadlin horuarka itoobiya waxa laga hadlayaa waa siyaasada itoobiya ee soomaaliya ku saabsan waxaa waadix ah in markay itoobiya horumarka gaadhayso ay soomaaliya u isticmaashay istraatiijiyad ah burburi uun hadaan tusaale ka soo qaadano zenawi jabhadiisii markay itoobiya xukunkeeda la wareegtay oo ay dalkii si nabad ah ugu soo dabaashay nidaan federaal ah jabhadihii soomaalida ahaa waxay ku dhiiri gelisay inay maamulo aan u danaynayn midnimada soomaaliya ay xoojiso oo is garab taagto iyadoo koonfurta soomaaliyana gacanta kula jirtay khalkhalkiisa xukuumada zenawi waxay keentay nidaamka federaalka nidaamkan oo sirta ka dambaysaa tahay in 9 gobol ee soomaalida ay kacanta ugu jiraan itoobiya waayo hadii soomaalidu go’do waxaa dariiqooda maraya qawmiyado kale sida oromada nidaamka federaalka ee itoobiya waa nidaam ay u cuskadeen in ay qawmiyadaha isku hayaan oo weliba aan la ogayn ilaa intuu soconayo nidaamka federaalka itoobiya oo dad badani u jibaysan yahay maaha nidaam soomaalida u shaqayn kara waayo soomaalidu waa bulshad homogenous ah macnaha waa hal qoomiyad marka suaashu waa maxay hal qoomiyad oo isku asal ihi federaal uga baahan tahay bil caks federalku waa kala fogaynayaa oo khilaafaad cusub bilaabayaa
hadaan pointiga hore ku soo noqdo itoobiya siyaasadeeda soomaaliya ma ahayn siyaasad waadix ah haa qaybinta soomaaliya waa ku najaxday lkn plan uga dambeeya qaybinta lama ay iman qaskii ka yimi qaybinta soomaliyana amaankii aduunka ayuu saameeyey haday noqoto al shabaab budhcad badeed tahriib sidaa darteed siyaasada itoobiya ee ah soomaaliya oo daciif ah waa ku fashilantay waxaana muuqata in zenawi uu aad ugu milmay tafaasiisha qaska ka jira soomaaliya oo uu dilema galay
note; tusaale hadaan ka soo qaadno sida itoobiya nidaamka federaalka ah ugu sasabayso nidaamka kililka shanaada waxaa dawlada federaalku ka dalbatay in maamulada s/land iyo p/land ay wax ala iyo wixii dan ah ee ay ka yeeshaan itoobiya ay kala xidhiidhaan maamulka degaanka soomaalida yacnii soomaalidii xorowday ayaa laga dhigay la haystayaal hoostaga soomaalidii la gumaysanayey (kililka) taasina waa fascinating tuwist oo manja foorarisay waaqicii jiray markaa walaalayaal hadaad u jibaysan tihiin indhasarcaadka itoobiya kuwado qawmiyadaha soomaaliduna ku jirto oo ay rabto in ay isku dhex misho waa ikhtiyaarkiin lkn halasoo shirtagina itoobiyaa soomaaliya dan kale ama rabta in soomaliya noqoto dawlad la siman oo jiiraan la ah taasi waa aragtidayda
Ethiopia Qabiil bay u kala Maxatay Dabadeed bay Horumar ka Fekertay Somalia Weli Qabiil Uma kala Maxaan Horta ha Kala Maxato oo Qabiil Walbaa Degaankiisa ha u Tashado Dabadeed Horomar halaga Fekero Hadii Kale ha Qalaqnaato Somalia oo Jeesba Jeeskakale Lugta ha Jiido Goorti Mashaqo ay Luqunta kala Baxdoh Mid tii Hore ka Daran Madaxa hala Gasho.NINA AFKA IN BASBAAS LAGA MARIYOH BAY RABTAA