Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaab wassunnah oo ka tacsiyeynaysa geeridii Ismaaciil Xaaji Cabdi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Jamaacada Al-ictisaam bil-kitaab wassunnah waxay aad uga tiiraanyaysan tahay geeridii Sh. Ismaaciil Xaaji Cabdi oo saaka ku geeriyooday shil gaari isaga oo maraya magaalada Huddisa, kuna sii jeeday Hargeysa, waxayna jamaacadu tacsi u diraysaa qoyskiisii, eheladiisii, asxaabtiisii, rugta ganacsiga S/land oo uu guddoomiye u ahaa iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka wada geeriyoodayba. Jamaacadu waxay Ilaahay ka baryaysaa inuu Ismaaciil u dambi dhaafo, cadaabtana ka xoreeyo, uuna isugu daro jannadiisa iyo raallinimadiisa.

Waxay kale oo Jamaacada Al-ictisaam Ilaahay uga baryaysaa intii uu ka tagay inuu xifdiyo gadaashiisa, uuna siiyo sabar iyo badal khayr qaba.

 

Share

Tags:

Leave a Reply