Tartan Kubbada Cagta oo Lagu Dhiirigelinayo Nabada iyo Isdhexgalka oo ka Furmay Gaalkacyo (Sawiro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gaalkacyo (RBC) Magaalada Galkacyo ee gobalka Mudug ayaa waxaa laga furay wajigii hore ee tartan kubada cagta ah oo loogu talagalay is dhex galka bulsahda iyo dhiiri gelinta nabada deegaanada Mudug iyo Galgaduud.

Tartankan ayaa waxaa soo abaabulay Ururka Nabadda iyo Horumarinta Aadanaha ee Mudug (Mudug Peace & Human Development Organization) MPHDO iyadoo ciyaar bilow ah oo heer sare ah qaybteedii kowaad oo ku saabsanayd is dhexgalka iyo Nabada ee dhalinyarada Galkacyo iyo Cadaado ay shalay bilaabatay, Intii aysan dhicin ciyaartaan qiimaha badnayd waxaa horey u dhacay kulmo loogu gogol xaarayay qabsoomida ciyaarahaan, kulamadaas waxay dhexmareen Mas’uuliyiinta ururka MPHDO oo gaaray Degmada Cadaado iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb.

intaa kadib MPHDO oo galbinaysa cayaartooydii Galkayo, wasiir ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug, Suldaano ka soo jeeda Galkay ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxda Maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu horkacayay masuul u xilsaaran Nabadda Maamulka Ximan iyo Xeeb ee degaanka Cadaado Mr Xasan Xaashi.

Ciyaartii ugu horaysay waxay dhex martay dhalinyaradii ka socotay Galkayo Vs Cadaado oo ku dhexmartay Garoonka Kubadda cagta ee degmada Cadaado taariikhdu marka ay ahayd 06/06/2012, intii aysan bilaaban Ciyaartaas waxaa ka hadlay Nabadoono ay ka mid ahaayeen Suldaan Cabdullahi Fayf, Nabadoon Guuleed, Avv Cumar Sheekh Cali oo u hadlay MPHDO,  Xasan Xaashi, Madaxweyanaha ku xigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullahi Shaati Cadde,  waxay  dhamaan masuuliyiintaan iyo cuqaashaan ku nuux nuuxsadeen muhiimada ay nabadu u leedahay nolosho iyo wada noolaanshaha , waxayna muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin inay arkaan is dhexgalka dhalinyarada walaalaha ah, Ugu danbayn waxay  amaaneen doorka muhiimka ay arrintani ka cayaarso MPHDO.


Daawashada Ciyaarta ayaa waxaa ka soo qayb galay Dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo kala taageerayay labada Xul ee Gaalkacyo iyo Cadaado, Ciyaarta ayaa waxa ay ku bilaabatay jawi dagan, Qaybtii hore ee Ciyaarta ayaa waxaa Gool qurux badan la yimid Xulka matalayay Gaalkacyo, waxaana lagu kala nastay 1-0 oo ciyaarta ay ku horkacayso Gaalkacyo.
Qaybtii danbe ee Ciyaarta ayaa waxa qalad galay Mid ka mid ah Difaacyada Xulka Gaalkacyo taasi oo sababtay in Gool ku laad loo dhigo Cadaado kadibna ay ka faa’idaysteen waxayna ciyaartii ay noqotay 1-1 Weerar badan oo ay qaadeen Ciyaartoyda Gaalkacyo way u suurta gali weyday in Goolkii guusha la yimaadaan hase yeeshee ciyaarta ayaa waxaa ku gacan sareeyay Xulka Gaalkacyo waxayna ku soo gaba gabowday 1-1.


Si kastaba ha ahaatee Kulankaan ayaa midkiisa Xiga lagu balansan yahay in uu ka dhaco Garoonka ciyaaraha ee Cabdulaahi Ciise Ayadoona diyaar garaw uu ka socdo  Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Maamulka Galmudug.

===================================================

By; Shaafici Muxuyadiin

Share

Tags:

5 Responses for “Tartan Kubbada Cagta oo Lagu Dhiirigelinayo Nabada iyo Isdhexgalka oo ka Furmay Gaalkacyo (Sawiro)”

  1. [...] Follow this link: Tartan Kubbada Cagta oo Lagu Dhiirigelinayo Nabada iyo Isdhexgalka oo ka Furmay Gaalkacyo (Sawiro) [...]

  2. ahmedpunt---------- says:

    maashaa’allaah waa wax lagu farxo ,waxaan talo kusoojeedin lahaa in sadaas guushaa aay kusocoto oo dadka soomaaliyeed waa isaga sokeeyaan bani’aadantinimo waa dad wada dhashay oo kayimid hal oday ,marka yaan lajoojin ciyaaraha isdhex galka iyo saaxiibka…..mahadsanidin

  3. galmudug says:

    waa guul usoo hoyatay shucubta dariska ah wana soo dhawaynayan hadanahay reer galmudug

  4. Faraxey says:

    Malaha subax baa l cayaaray xagga amaanka dartiis kikikiki

  5. [...] RIIX HALKAAN XIGASHO RBCR ADDIO Posted by fara on June 20, 2012. Filed under Xiriirka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry [...]

Leave a Reply