Warbixin Bangiga Adduunka Soo Saaray oo Shaaca Ka Qaaday Musuqmaasuq Baahay oo ka Jira Hay’adaha Dawlada Soomaaliya
Washington (RBC) Warbixintii ugu horeysay oo qeyb ka ah baaritaan uu sameeyay Bangiga Adduunka laguna baaray miisaaniyada dawlada KMG Soomaaliya iyo dakhligii soo galay sanadhihii 2009 iyo 2010 ayaa shaaca looga qaaday in xatooyo iyo wax isdabamarin weyn ay hareysay hay’adaha DKMGah iyadoo sida warbixintu sheegtay aysan jirin wax la xisaabtan ah.
Warbixinta oo ku kooban sanadihii 2009 iyo 2010 ayaa sheegtay in sanadkii 2009 dawladu ay heshay lacag dhan $94 million (sagashaan iyo afar milyan doolar) halka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadii xilligaasi jirtay ay sheegtay inay heshay $11 milyan oo kaliya intii kalana la qariyey. Sidoo kale sanadkii 2010 ayaa waxaa dawlada soo galay $70 million (toddobaatan milyan doolar) laakiin waxay dawladu sheegtay oo kaliya $22 milyan.
Joakim Gundel oo ah ninka soo saaray warbixinta kana tirsan Bangiga Adduunka ayaa sheegay inuuan jirin wax dukuminti ah oo muujinaya lacag qabasho iyo lacag bixin dhamaan wasaaradaha qaabilsan maaliyadda, taasoo muujineysa in hay’adaha dawlada ee laga rabay inay nidaamka raacaan ay u dhaqmayeen sidii kooxo maafiyo ah oo wax kala xadaya.
“Intii aan wadnay baaritaanka waxaan la xiriirnay wasaaradda maaliyadda Xukuumadda KMG Soomaaliya, xafiisyada qaabilsan maaliyadda oo ku jiro kan raysul wasaaraha oo leh qeybta dhaqaalaha dhamaantoiod kama helin wax dukuminti lacag qabasho ah (receipt vouchers) taasoo wareer na gelisay.” ayuu yiri Joakim Gundel.
Deeqaha dawlada la siiyey
Warbixinta Bangiga Adduunka waxay tilmaantay in lacag aad u fara badan oo deeq ah ay soo gashay DKMG ah sanadihii 2009 iyo 2010 taasoo inteeda badan ka timid wadamada Carabta (waayo wadamada galbeedka iyo kuwa Afrikaanka deeqdooda waxay soo marsiiyaan hay’ado ee toos uma siiyaan dawlada), kuwaasoo aan iyaguna la heyn waxyaabo cadeynaya sida loo maareeyey.
Lacagaha deeqaha ah ee dawladu ka heshay Carabta waxaa ka mid ah Jaamacada Carabta, Sacuudiga iyo Kuwaitwaxaana illa hadda warbixintu sheegtay inaan cadeyn loo heyn halkii ay martay deeqahaasi caddaanka ah.
C/risaaq Fartaag oo horey u ahaa madaxa qeybta maaliyadda ee xafiiska raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in deeqaha dawlada la siiyey dhamaantood ay ku soo dhici jireen jeebabka saddexda masuul ee dawlada ugu sareeya kadibna iyaga ay kala qeybsan jireen.
“Ma jirin wax lacag ah ooo toos loo soo marsiiyo bangiga dhexe” ayuu yiri Fartaag oo cadeeyay in masuuliyiinta dawlada ay leeyihiin xisaabo uga furan bangiyo dibadda ah halkaasoo ay ku shubtaan qeybta ay ka helaan deeqaha caalamka dawladu siiyo.
Bangiga dhexe ee Soomaaliya
Warbixinta Bangiga Adduunka waxay si cad u sheegtay in Bagiga Dhexe ee dalku uu yahay mid magac u yaal ah, oo aanhaddana ka madax banaaneyn hay’adaha fulinta (xukuumadda) oo had iyo jeer siday rabto ka yeelata. Waxay warbixintu cadeysay in dawlada lafteeda lacagta aysan dhigan bangiga dhexe isla markaana ma jiro dukumintiyo muujinaya lacagaha soo gala dalka iyo kuwa dawladu kharash gareyso.
Warbixintu waxay sheegtay in dakhliga dawlada soo galay sanadihii 2009 iyo 2010 haddii si wanaagsan loo maareyn lahaa uu ku filnaan lahaa dhamaan mushaharaadka shaqalaha dawlada, ciidamada, iyo adeegyada kale ee dawladu fuliso.
Dakhliga dawladu heshay labada sano ayaa xitaa ka badnaa miisaaniyadii ay labadaasi sano ku shaqeynaysan dawlada. Waxaana Bangiga Adduunka warbixintiisa lagu cadeeyay in miisaaniyadda kaliya ee baarlamaanka la horgeeyay lana ansixiyey ay tahay tii xukuumaddii 2011 ee xilligii raysul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo.
Bangiga Adduunka ayaa walaac ka muujiyey inhay’adaha DKMG Soomaaliya aysan lahayn hab xisaabeed degsan oo lagu ogaado dhaqdhaqaayada maaliyadeed ee dalka iyadoo Qaramada Midoobay lagu dhaliilay inaysan dawlada ka caawin sidii dakhkiga loo xisaabin lahaa.
Warbixintii Fartaag
Warbixin uu sanadkii 2011 daabacay C/risaaq Fartaag oo ahaan jiray madixii hore ee maaliyadda u qaabilsanaa xafiiska raysul wasaare Cumar C/rashiid ayaa lagu sheegay in sanadkii 2011 dawladu ay heshay $58 milyan oo doolar oo isugu jirta deeq iyo dakhliga dekeda iyo garoonka Muqdisho lacagtaasoo la sheegay in haddii meel wanaagsan la marsiin lahaa aysandad badan gaajo iyo haraad u dhinteen sanadkaasi oo abaar daran dalka ku dhufatay.
AKHRI WARBIXINTII C/RISAAQ FARTAAG
___________________________________________________________________________
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi













War bixintu pintland way ka hadashaye iyo lacagaha burcad badeedka ee firdhiye faroole ee sheega mise wixii xunba xamiidaa leh.
War waxan dagaaga ah ee Khaatumo Seegyada baan nacay wada qurunka iyo huurada miiran ayaga iyo garaadkooda goortuu ******* arko dooxa isku siidaaya iyo Cali biijoole asago Prime minister Somaliyeed gaaray buu tuulooyin iyo qabaail is wada haysta damac kasoo galay. uf iyo akh la idin yiri.
Waa maxay ninka nafla caariga ah ee magacaga iga daba copyey. Adeer mid cuqdadeysan ayaad tahay. Kolay waxaad ka mid tahay caruurta ku nool lacagaha burcad badeedka ee dr taksiile faroole kow ka yahay. Isagoo 80 jir ah taksigii uu ku waday melbourne australia waa sugaysa hada nin hindi ah ayuu ku wareejiyey oo u wada sadex bilood ayaa uga hadhay. Ex puntland hada waa pintland profka ali khalif galeydh wuxuu sheegay in danaha reer khaatumo loo daba fadhisaneyn dr tagsiile faroole maanta waad aragtaa ilaa garaadadii ilaa maamulkii ilaa jaaliyadii ilaa aqoonyahankii G10 in ay ka qaybgalayaan shirka turkiga ee lagu casuubay sida maamulada ka jira somalia oday ***** waakaa maanta tuuulada garowe iska wareegaya kkkkkkkkkkkkkkk. Adeer reer khaatumo waa tashaday aqoonyahan ayeyna leeyihiin sadex bilood ayaan siyaasadii faroole iyo siilaanyo ku soo afjarnay faroole haduu hayadaha caalamiga ah wax kaga cuni jiray sool sanaag iyo cayn ayaan matalaaa taas profka cali khalif ayaa adhbaabka soo xidhay. Mida labaad ka xishood profka galeydh caruur aad abti u tahay ayuu dhalaye mise gun ayaad tahay.