Wasaaradda Gaashaandhiga DKMG oo Bilawday Tirakoobka Ciidamada Dawlada oo Dhan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga xukuumadda KMG Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradiisu ay bilawday tirakoob guud oo lagu sameynayo ciidamada militariga, booliska, nabadsugida iyo kuwa waddooyinka ee dawlada Soomaaliya si loo ogaado tirada guud ee ciidamada dawlada.

Wasiirka oo ka hadlay qorshaha amniga ee dalka ayaa sheegay in masuuliyada wasaaradiisu ay tahay in tirakoob guud laga hayo ciidamada dawlada si dawlada ay ugu fududaato sugida amniga guud ahaan dalka.

“Waxaa gabagabo noo maraya tirinta ciidanka mardhowna waxaan soo gabagabeyn doonaa tirakoobka guud” ayuu yiri Xuseen Carab Ciise oo intaasi ku daray in marka tirinta ciidamada ay dhamaato ay ku xigi doonto ka sifeynta magaalada Muqdisho maleeshiyaadka hubeysan ee isku dhexqarinaya ciidamada dawlada.

“Waa naga go’aan inaan maleeshiyaadka iyo kuwa isbaarooyinka dhigtay magaalada dhexdeeda mid muuqata iyo midaan muuqan aan wax ka qabano” ayuu sii raaciyey wasiirka.

Wuxuu sheegay in la isku babar wado dagaalada lagula jiro ururka Al-Shabaab iyo qorshaha xasilinta dalka isagoo sida wasiirku sheegay ay jirto taageero dawlada ay ka heleyso shacabka.

Wasaaradii gaashaandhiga oo la dayactirayo

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda KMG Soomaaliya wuxuu kaloo sheegay in xaruntii wasaaradii gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho oo mudo dheer burbursaneyd lagu wado dayactir iyo dib u habeyn isla markaana toddobaadyada soo socda xariga laga jari doono xarunta wasaaradda halkaasina ay ku shaqeyn doonaan shaqaalaha wasaaradda.

Waa markii ugu horeysay oo wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ay sheegto inay tirakoob ku sameyneyso ciidamada qaranka, taasoo ahayd arin mudo dheer lagu jahwareersanaa, gaar ahaan marka wadamada iyo hay’adaha bixiya mushaharka ciidamada ay weydiistaan dawlada inay keenaan tirada ciidanka dawladu leedahay.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

Leave a Reply