Xildhibaan Cali Afgooye: Waa Nasiib Darro In Markastoo Guusha Ay Soo Dhowaato Faroole uu Lugta Ku Dhufto


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Xildhibaan Cali C/laahi “Cali Afgooye” oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya marna ahaan jiray wasiir ku xigeenka wasaaradda ciyaaraha DKMG ah ayaa nasiib darro ku tilmaamay hadalkii madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole uu ka yiri wada hadalkii madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland kaasoouu ku sheegay inaysan wax dan ah ummadda Soomaaliyeed ka soo bixin kulanka labada nin ee ka dhacay magaalada Dubai.

Xildhibaanka oo galabta wariyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu la yaabay hadalka maanta ka soo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland kaasoo uu sheegay inuu ku soo beegmay xilli ifafaalo dib u heshiisiineed iyo isudhowaansho ay ka dhex muuqato labada dhinac.

“Wax lala yaabo ayay nagu noqotay annagoo og in dhibaato ay ka jirtay Soomaaliya labaatankii sano ee la soo dhaafay haddana lasoo gaaray waqtigii la isu imaan lahaa in masuulka Puntland xukuma uu yiraahdo wax natiijo ah kuma jiraan wada hadalka madaxweynaha DKMG Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Somaliland” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Cali Afgooye wuxuu sheegay in madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu had iyo goor dantiisa ku saleeyo wax kasta oo ku saabsan masiirka Soomaaliya, isla markaana aysanm ahayn wixii ugu horeeyay oo uu diido ama ka hor yimaado.

“Masrka oo guusha ay soo dhowaato oo TFG ay guul ka gaarto arimaha dalka waxaa muuqata in Faroole uu lugta ku dhifanayo, waana nasiib darroo” ayuu yiri Xildhibaanka.

“Waa siyaasad kor ka khaldantay oo mar hore ayaa loo yeelay in madaxweyne maamul goboleed oo aan shaqo ku lahayn siyaasadda guud ee dalka inuu faraha geliyo arimaha dawlada dhexe laakiin waxaanugu baaqayaa madaxda DKMG ah inay dib usaxaan khaladkaasi” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu xildhibaanku sheegay in aragtida madaxweyne Farookle aysan ka tarjumeynin rabitaanka shacabka reer Puntland oo uu sheegay inay bud dhig u yihiin nabadda iyo dawladnimada isla markaana xildhibaanada reer Puntland ee ku jira baarlamaanka KMG ah ay muujiyeen inaysan raali ka ahayn sida uu u adhaqmayo C/raxmaan Faroole.

“Hadalka Faroole marna looma aaneyn karo aragtida shacabka ku nool deegaanada waqooyiga bari ee Puntland loo yaqaano oo ah dadkii salka u ahaa dawladaan hadda jirta ee KMG ah” ayuu yiri xildhibaan Cali Afgooye.

Xildhibaan Cali Afgooye wuxuu sheegay in dawlada KMG ah looga baahan yahay inay adkeyso wada xaajoodka ay kula jirto maamulka Somaliland si ugu dambeynta loogu qanciyo in dib loo celiyo midnimadii qaranka Soomaaliyeed.

Wareysi madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole u siiyey idaacadda BBC ayuu ku tilmaamay kulankii Shariif iyo Axmed Siilaanyo inaysan ka soo bixin wax dan ay ugu jirto dadka Soomaaliyeed isagoo dhaliilay qaabka wada hadalada ay u socdaan.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

16 Responses for “Xildhibaan Cali Afgooye: Waa Nasiib Darro In Markastoo Guusha Ay Soo Dhowaato Faroole uu Lugta Ku Dhufto”

  1. axmed says:

    Midnimada somalia marka loo yimaado dadka somaaliyeed waxay kalsooni ku qabaan Faroole iyo kuwa kasoojeeda gobolada puntland oo aan marna shaki galin midnimada dadka iyo dalka soomaaliyeed.

  2. madar says:

    faroole wuxuu ka gubtay waa lala wada socdaa
    puntland afka waxay ka tidhaa iyo uurka wa kala 2
    puntland kfg ka tirsanahay tidhaa oo aanu pminister ku leenahay
    ok hadana siyaasadii kfg ayay ka soo horjeedaa
    arintu ka sii gubteyna waa puntland..galmudug..dhamaantood waxay
    wada hoostagaaan sheekh shariif kuna metelayay period

  3. Mr muwadin says:

    waa runtiis xildhibaanku faroole wixiisu waa ka darey macnaha waxa uu kawada hadan ani shirka ku jirin dan somali ugama jirto waxan leenahay waxa kuu harsan 5 bilood marka 5 bilood waan iska dulqaadan hadalka aad tirina reer puntland raali kama aha

  4. faroole sheekadiisu waa halagaa sheego wax macno ah maleh waana wax laga yaq yaqsoodo had iyo jeer wuxuu idaacadaha lataaganyahay
    waxaa wax lala yaabo ah nin gavernar ama gobaratoore ah in awoodaas looyeelo khaladkaasna waxaa galay shariif koofi dheere iyo waxa lataliya ee siyaasada ka,aradan
    aan aragno meeshaad wax gaarsiisaan
    faroole adinka is baray waana dhurwaa halaaqay oo u bartay wax uu liqo mana kajari kartaan

  5. Ahmed Dalmar says:

    Runtu waxa weeye midnimada Somalida waxaa khatar ku ah mar walbana
    u tagan inay dhibateyan waa reer Somaliland. Faroole wuxuu u hadlayaa danta dadka degan
    gobalada Puntland. Midnimada Somaliya rer Puntland weligood shaki ma gelin, lakin
    waxkasta oo dhibaato ku keeni kara Puntland waanu ku raacsanahay Faroole inuu ka hortago.

    Mudo hada laga joogo bil waxaa Dubai ku kulmay Madaxweyne Shariif iyo Faysal Ali Warabe, oo lawada ogsoonyahy inuu yahay ninkii yiri hadaanu nahay Somaliland , wiilka ku dhashay xamar
    iyo kan ku dhashay Adis Ababa waxaa na xiga kan Adis Ababa ku dhashay.

    Faysal Waraabe iyo shariifka arimaha ay ka wada hadleen waxaa ugu badnaa ========= iyo
    qabyaalad la mid ah. Faraalo weligiis ma ahaanayo madaxweyne mar dhow wuu iska tegi
    doonaa. Qof kasta oo bedelana danta rer Puntland siduu u difaaco ayaa lagula xisaabtami doonaa.

    Bal fiirsha arinta Somaliya siday tahay.

    ]]]]]]]]]]]]] wuxuu intaa raadinayaa Somaliweyn, ———– rabaa inuu wax la qabsado,
    [[[[[[[[[[[[[[ intaa waa ka cararayaa ———.

    [[[[[[[[[[[[[[[ wuxuu intaa raadinayaa ……………..iyo anay \\\\\\\\\\\\\ isku dan iyo fikir noqdaan. —–
    intaa waa ka cararayaa ——-.

    Isaaqu intaa wuxuu raadinaya =====/———— inay la midoobaan Somaliland la
    noqdaan. ============ intaa waa ka cararayaa —————.

    Somalida inteeda kale waxay ku mashquulsanyihiin siday u dhexdhexaadin lahayen sedexdaa..

    Aduun aan is ogeyn.

  6. Kkkk froole waa halyay wana mudane geesi ah watna somali wuxuuna ogyahay waxa dadtu’ugyjirto somaliya dal & dadba lakiin siilaanyo & shariif midna ma oga ee dadyohow run ta ka hadna ama iska daaya beenta aad qoraysaan waa ladhimanayaaye.

  7. farinomaleh says:

    anoo saluugsanaa labada wafti oo aan isku miisaan ahayn bal ka soo qaad Shariif oo siyaasadda siduu u soo galay la ogyahay lana garankaro inuusan waxba ku soo kordhinkarin wafdiga uu hogaaminaayo aan ahayn dad aan bisaal siyaasadeed lahayn oo qurbaha fadhi ku dirir ku ahaa dhanka kale Siilaanyo oo hogaaminaayo Daahir Riyaale, Faysal Cali Waraabe iyo rag culculus kuwaasoo aan u muuqan ragii casharada siyaasadeed siinaayay . Waxaa shirka sii qurmiyay Faroole oo maskaxdiisu ay ka guuxayso Pudlan oo laga kala tagay baad haysataa

  8. ALI says:

    Cali Afgooye: Faroole adiga kuma metelo ee afkaaga edeb u yeel, @Mr Balanbale, Farmaajaad meel u raadinaysaa ee meesha haku harraadin baan ku leeyahay.
    Sh. Shariif inuu guri iskula soo xiro Siilaanyo wuu ku qaldan yahay oo waxaanoo kale uu yiraahdo waan soo saaray. wixii la qarsho qurunbaa ku jira, Xalaal barqaa la qashaa waa xaaraan waxay guriga isugu soo xireen.

  9. Libaax-libaax DHalay says:

    Ku: Af-gooye.

    Waa wiilkaagan Faroole haddii uu wax sax ah arko baryo ma aha ee waa uu raacayaa, dadka reer Puntland ee madax-weynaha u yahayna kuma raacayaan wax khaldan, adiguse kuwa hooggaamiyeyaashaada ah maxaad ka qaban kartaa, hal maalinna wax sax ah ma sameeyaan, kama hadli kartid doolaalo dheeridaada Oday Soomaaliyeed oo ummad dhan hoggamiye u ah oo cidna wax u dhimin baad afka ku soo taagaysaa, adeer faroole waa muwaadhin Soomaaliyeed kaana Soomaali jecel, beena kuuma sheegayee waxaan hubaa cabsi baa kuu geynaysa iyo inaad dano ku gaartee Faroole ma necbid oo waad ogtahay xaqiiqda laakiin fulaynimmada iska dhaaf.

    Midna Caawa ku seexo waligaan been ha isu sheegin Puntland talo aysan wax ka goyn waligeed Soomaaliya kama dhaqan gelin kamana dhaqan geli doonto, ma aha faan, mana aha gar-darro waa sidu xaqu yahay, waa sidu xisaabtu tahay, waa sida dalku yahay, ma aha in been lagu noolaado iyo nacayb, mana aha xaqa laga leexdo, waana halka aad ku khaldantahay 2+2=0, xisaabta iska sax Xildhibaan dhan baad sheeganaysaa, haddii uu Siilaanyo kula weynyahay GOOD laakiin taas macnaheeda ma aha inuu sax yahay.

    Somaliland adeer kama xaq badna Soomaalida kale been baad isu sheegaysaan, maamulkii askarta ahaana dhib uusdan Soomaaliya oo dhan gaarsiin si gaar ah uma gaarsiin reer Hargeysa, been baad rabtaan inaad dadka u sheegtaan annagii oo wali jiil ahaan nool, waryaahee Af-gooye, walaal jagdaada xagso laakiin taariikhda ummadda been ha ka sheegin, run ahaantiina Faroole waa ninka keliya ee gartay danta Soomaalida inay ku jirto inaan ninna runta loogaga leexan, ama caay ama iska hadal taasna waa sababta mas’uulka u yahay.

    Maxy tahay guusha soo dhowee Faroole lugta ku dhuftay?! yaa?! malaha Guushaad macne kale u taqaanaa, Guul ku lahaa, war ninyahow waxaad innagula hadlayso, mise waad cabsanaysaa, kolayba guusha aad sheegayso malaha waa mid aad ku qarowday, ninka maanta xil-dhibaanka ah ee leh SHariif Axmed guul buu soo waday anigu waxaan qabaa inuusan waxba garan ee uu meesha iska fadhiyo….war ninyahow caqli kuma aadan hadlinee, Af-gooye!…yaa!

  10. Jawaabe says:

    Adeer afgooye uraaye msxay ahaayeen dadka dhaqanku ,a xumaadey adeer dhamaantiin shut hell upqof walibaa oo hadla faroole waryaa faroole la,aantii waxbayahay aamus dont ever talk our prsdent we love him long life p/faroole viva putland

  11. Ismail says:

    Marka hore waan idin salaamay bahda Raxanreeb marka xigta isbahaysiga ===== iyo ====== halkuu ku danbeyo hala arko mida kale Faroole reer Puntland isagaa halkaa dhigay ====== hoosta ka galay oo ==== kala diray hala farisato

  12. sundus says:

    waxaa nasiib daro ah madaxweyne somaliweyn madaxweyne u ah inuu qabiil nin maamula hor faristo taasna waxay muujin daciifnimada shariif faroolena waa ku saxan yahay waxa khaldan inuusan qaadan ama wixii aysan puntland dan ugu jirin ader farole wa halyey cali afgooye farole adi kuma matalo ee dadka u madaxda u yahy buu matalo shaqo yeelo habsankana joji adoo xildhibaan ah hadad rali ka tahay in madaxda somalidu laa fariisto nin kaabe qabiil ah hadan sheeganaya inuu somalia ka go,ay ader awal baa xildhibaanimada khalad lagugu dhibay taasna wa caqli xumada xamar ka jirta.

  13. muna says:

    asc xadiis waxaa jira ah qofba qofka uu ka jecelyahay inuu masuuliyad qaado waa ka iiman yar yahay ah shariif oo qudbadihiisa ku bilaablo aayado quraan ah diinta uu bartay dhuunta waa u dhaafi weyday …Nabiga CSW marka qof la soo eedeyo qofka inta uu u yeero ayuu oran jiray waxaa maxaa ka jira hada shariifka siilaanyo uu indhihiisa ku arkay dhagahiisana ku maqalay waxa uu u geystay shacabka reer buuhoodle inta uu oran lahaa dhibaatada aad geysatay iyo dambiyada cad cad ee lagugu hayo maxaad isku difaaceysaa aniga iyo adiga isma hayno shacabka muqdisho iyo adigana isma haysaan dadka dagaalka idinka dhexeyo ayaan Islaax baynunaas idinka sameynayaaye waa sida diinta qabto ayuu ku hamiyey shariif in uu gorgortan kula galo dhul uusan lahayn siilaanyo uguna madax weeyneeyo Adeer shariif ninka waxaa habooneyd in aad runta u sheegto dhul dad leeyahay ha u saxiixin umad kale hadaad dhul la jeclaatay siilaanyo caliyaalo jowhar iyo mahadaay u saxiix ee in aad idaacadaha iyo websiteyada lasoo istaagtan Faroole ayaa qaldan maha …Inta siilaanyo dhul ==== taako in le’eg uu fadhiyo Faroole iska daaye arinta waxay noqon ====weyne waa sida aad hada idinkuba ku wadaane waxaana faroole ka qeylisiiyey waa shirqoolka aad wadaan. 21sano ka horna ku guuleysan weysen.adeeryaal its 21 century qabyaalada, is uruursiga xumaanta etc joojiya waa la idinla socdaaye reerka ====waa reer xaqdarada neceb laakin ayaga isu muuqda. laakiin idinka cudud badan hadey israacan walee lakin waan u duceyneynaa umada soomaliyeed in xaqa Allah subxana watacaala tuso asc

  14. farhan says:

    dowladii xamar bay dadku caadaysteen.talada soomaaliya waa in lawadaago,hadaan barlamaan ujoogin xamar puntlan xaqbuu u leeyahay in faroole lagatalagaliyo arimaha waawayn ee dfs.somaliyana hal nin dibdambe u xukumimaayo waa siday ilatahay/

  15. asc wr wb bahda raxanreeb oo wadaniyiinta ah oo aan aad u jeclahey jawaan shukulaato ayaan munaasabada kowda lkuulyo hawada idiin soo marinayaa salaan ka dib .
    faroole waxan u bixinayaa magacyo bagab ee ila dhuuxa faroole=careysane ;faroole =taloxume xaasid ah faroole =wax walbo yaqaan boowe anagaa talada soomaaliya garaneyna kkkkkkkkkkkkk faroole=gacanyaraha sanaawi asagoo zenaawi la joogo buu yiri turkigu xalka soomaaliya ma wado subxaanallaah kkkk sanaawi miyaa xalka soomaaliya wado 2bil adis ugu xabisneyd inuu qaranka sidii loo dumuin lahaa kugu aqrinayey faroole=qarandiid waa jabhadii kulmis wuxu doonayaa in sidaa loo kala qoqoibnaado oo soo tarxiile shacabka wadiyiinta ah ee reer baay iyo bakool ileen reer qof reer galgaduud ah sooma taxiili karo kkkk iska fahma yaah raxanreeb qabiil ma yeeleyso reer galgaduud=indhoboodkuheydo kkk dadkii horaa ilaa fahmaayo dhalinta 20 sano u danbeysey shaqoguri u qaata faroole =waxa u umuuqata in sland ey soio daashey oo ay soo laabaneyso marka wuu ka ka hortegeyaa qas camal nooh ileen hada sadbursi uu meesha ku heystaa hadey sland imaado howsha reer koonfureed oo oo raaskanbooni ilaa maaulka faroole iskuqeyb ayey noqonayaan sland oo ay ku jiraan caasho cabdale caliqaliif galeyr reer reer awdal hal xubin bey hoos tagayaan waqooyi iyo koonfur baa loo qeybsanayaa waxa soo soo afjarmaya sedbursigii faroole inuu pland wax ku cuno cabdi welina uu matalo labo ceyn leyn denbe noo moor kkkkkk viva soomaaliweyn waxan soo dhawqeynayaa wadahadalada ka dhacey dubey insha allaah midfnimo iyo guuuuuuuuuuuuuuuuul xaasidku ha jabo inasha allaah soomaaliya oo mid ah ilaahey swc ka baryaa.

  16. @ muna waxba ka ku wareegin buuhoodle ee dantaada ka hadal buuhoodle dadkii lahaa ayaa difaacaya oo jooga waana khaatumo state oo hoostimaada dowlada somaliya sharifna waa madaxweynaha dalka ha nagu mashquulin ari baayo. Labada beelood waligood ayey colaad iyo nabadi ka dhexaysay waana dad wiil iyo abtigii ah laakiin adigu dagaalna waxba kama taqaanid halkaas ayaad la soo fadhidaan afxumo iyo habartii hadashaba in aad u jawaabtaan. Pintiland isku xishooda dr tagsiile bohol ayuu ini ka tuurayaa viva khaatumo state viva somaliya.

Leave a Reply