XOG: Madaxweyne Shariif oo Ganacsatada Soomaalida ee Kenya Weydiistay In $3 Milyan Lagu Taageero Ololihiisa (Warbixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Sheekh Shariif oo xalay la qaatay ganacsatada magaalada Nairobi

Nairobi (RBC) Kulan casho ahaa oo xalay ka dhacay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed wuxuu ganacsatada Nairobi ee Soomaalida ah weydiistay dhaqaale gaaraya $3 milyan oo doolar oo uu sheegay inuu u baahan yahay saddexda bilood ee soo socota.

Mid ka mid ah ganacsatadii kulankii xalay kaqeybgalay ayaa Raxanreebu sheegay in madaxweynuhu uu si toos ah u weydiistay in ganacsatada Soomnaalida ee ku nool Nairobi ay u taageeraan ololihiisa doorashada isagoo u sheegay ballanqaadyo ah inuu wax u qaban doono haddii mar labaad loo soo doorto.

“Annagu kulanka waxaa naloogu sheegay inuu yahay isbarasho oo madaxweynuhu xaalada wadanka noogaxog warami doono, runtii waan ku faraxsaneyn laakiin markii ay khudbadaha bilawday waxaa si cad daaha looga qaaday buunbuuninta madaxweynaha iyo siyaasadiisa kadibna gabagabadii markii hadalka Sheekh Shariif uu soo xirayay ayuu yiri hadaad tihiin ganacsatada Soomaalida ee Nairobi waxaan idinka rabaa lacag dhan saddex milyan oo doolar oo aanu u baahanahay mudada saddexdabilood ee soo socota” ayuu yiri ganacsade ka qeybgalay kulankii xalay oo aan rabin in magaciisa la adeegsado.

Ganacsadahan wuxuu sheegay inay yaabku noqotay in madaxweynahauu si toos ah ganacsato uga dalbado lacag isagoo shuruud uga dhigaya in dawladiisa ay wax u qaban doonto haddii uu xukunka ku soo laabto, isagoo sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay horey ugadaaleen maalgelinta siyaasiyiin danahooda gaarka ah ku fushada xafiisyada marka ay xilka qabtaan.

“Waa la og yahay waxay DKMG ah u hirgalay gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo mudadii uu meesha joogay Sheekh Shariif marka cidna xiiso uma qabto inay meeshii hore ku noqoto” ayuu hadalkiisa ku daray ganacsadahaasi.

Shariif Xasan iyo Shariif Sheekh Axmed waxay daneynayaan inay u tartamaan madaxtinimada

Cali Maxamuud oo ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee wax ku barata magaalada Nairobi oo isaguna xalay kulanka madaxweynuhu la yeeshay ganacsatada ka qeybgalay ayaa sheegay in fariimaha madaxwryne Shariif ee xalay ay ahaayeen kuwo cad oo u janjeeray dhanka olihiisa siyaasadda, waayo ayuu leeyahay “Waxaa la soo diyaariyey xitaa boorar ay ku dhegan yihiin sawirada madaxweynaha oo meel walba la suray”.

“Khudbadiisa intii ay socotay  hal meel oo dhaliisha dawlada ah ma sheegin wax kasta posotive ‘wanaag’ ayey u ahaayeen wuxuu mar qura soo hadalqaaday warbixintii Bangiga adduunka ee dawlada ku eedeysay xatooyada lacageed taasoo iyaduna uu beeniyey, marka ujeedada marka la fasiro shirka xalay ololaha doorashada ayuu qeyb ka ahaa.” ayuu yiri Cali.

Ololaha Sheekh Shariif

Madaxweyne Shariif oo bilo ka hor sheegay inuu yahay musharax madaxweyne ayaa markale ku celiyey inuu u tartami doono doorashada madaxweynaha ee dhacaysa bisha Agoosto 2012, taasoo dadkaugu horeeya ee kula loolami doona uu kamid yahay ninkaay mudada dheer saaxiibada ahaayeen ee Shariif Xasan innkastoo Shariif Xasan aanu weli si cad warbaahinta ugu sheegin qorshihiisa.

Kulanka madaxweyne Shariif xalay la yeeshay ganacsatada wuxuu yimid iyadoo isla maanta wakaalada wararka AFP ay daabacday wareysi madaxweynuhu ku sheegay inuu doorashada Agoosto ka qeybgali doono.  Wuxuuna wareysiga ku sheegay inuu sixi doono wixii khaladaad ah ee ay xukuumadiisa gashay mudadii uu xafiiska joogay.

Dhanka kale olole la mid ah kan bannaanka ayay xulufada madaxweynaha iyo saaxiibadiisa gaarka h oo u badan shaqaalaha Villa Soomaaliya ka wadaan magaalada Muqdisho.  Waxaana ololaha beryahan dambe ku soo biirtay mid ka mid ah labada xaas ee madaxweyne Shariif oo aan horey looga baran inay fagaarayaasha yimaadaan ama ka hadlaan, iyadoo markii ugu horeysay  toddobaadkii hore la kulantay ururada haweenka.

Dhanka kale sagaal ka mid ah musharixiinta tartanka doorashada oo usbuucii hore ku shiray Muqdisho ayaa ka cawday in madaxda DKMG ah ay gaar u xirteen la kulanka odayaasha dhaqanka ee ku shirsan caasimada iyadoo laga mashquuliyey in odayaasha fursad u helaan la kulanka musharixiinta kale, taasoo ay ku tilmaameen caddaalad darro iyo ka faa’ideysi awooda fulinta ee dawlada oo loo adeegsanayo danta qofka ee gaarka ah.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

14 Responses for “XOG: Madaxweyne Shariif oo Ganacsatada Soomaalida ee Kenya Weydiistay In $3 Milyan Lagu Taageero Ololihiisa (Warbixin)”

  1. Jiraan jire says:

    Waad mahadsantihiin Raxanreeb, Waxaa iga baxay shaki igu jiray kaas oo ahaa dacaayad aay faafiyeen siiyaasiyiinta ku waashay in aay madax weeyne noqdaan, kuwii fursad u waayey in aay Tuulooyinkii aay ku dhasheey aay u noqdaan madaxweeyne ayaa raba in aay Somalia Madaxweeyne u noqdaan iyagoo aan wax qibrad ah u laheeyn waxa socda, Mudane shariif hala doorto ama yaala dooran micna ma yeelaneeyso, laakin waxaa farxad ah in Somalia maanta xisbiyo aay u rartamaayaan talada wadanka, amaantaasna yaa laga hagran inuu leeyahay Mudane Sheekh Shariif oo maanta aad arabtaan in Gudaha magaalada Boorar Musharaxiin aay wadooyinka Suran yihiin, Habar kuuleey hadii la doorto aan taageerno dalkeena hanoo dhismee!

  2. ceelhuur says:

    maxaaa diidi kara??????

  3. Ismahaa says:

    ‘kkkkkkkkk war dadki sharafti baka luntay alow ada dowlad badan

  4. moo says:

    jiraan sxb adaan kugu raac sanahay shariifka shaqo wacan ayuu qabtay hadii dibloo doortana wuu u qalmaa hadii la dooran waayana kii imaado ayaa noo madax ah aan taageeerno somaliyeye qabyaalada iyo si xun i fikirka iska dhaafa.

  5. Mohammed says:

    Su’aasha meesha ku jirta waxaa weeyaan ( haddiiba warbixintan la xaqiijiyo), maxaa saddex milyan lagu qaban ? Waxa dadka u codeynaya waa Baarlamaanka cusub. Anigu waxaan raacsanahay musharixiinta soo jeediyay in guddi madax bannaan oo dhinacyadu intooda badani ku qanacsanyihiin in loo diro shaqada doorashada. Anigu waxaan ahay M. Farmaajo , Ra’iisal Wasaarahana Nuur Cadde !!

  6. rooraaye says:

    sxbayaal salaan ka dib waa fiican tahay in musharaxiintu bataan maxaa yeelay mid walboo ayaga ka mid ahaan xiliguu hayo inuu isku dayo shaqo badan daacad iyo inuu kasbado shacabka marka cidna yey cid jeclaysan shariif ma xumo hadana dadku wey kala fikrad duwan yihiin laakiin waxaa hada wax dooranaya oday dhaqameed baarlamaan iwm madaama doorasho la qaban karin ooay dadku wax dooranayaan marka aynu eegno

  7. John says:

    Kuwa iyaga Magaca Qarsaday iyo Kuwa la Wareegaya Dacaayadaha Raqiis ah, iyaga oo haddana Og Qof Shariif Axmed Dhama in uusan jirin, ayaa waxa ay haddana la daba joogaan Dacayadaha ay Baafinayaan … ! Kuwaasi iyaga ah, ma waxa ay Doonaya in ay naga Dhaadhiyaan Dacayadaha ay Baafinayaan si ay markaasi inoo Nacsiiyaan Madaxweynaha aan aragnay Wax qabadkiisa iyo Kartidiisa intaba … Haddaba kuwa sidaasi Dacaayadda la Wareegaya yaa inoo Weydiiya Halka ay nala Doonayaan iyo Haddi ay nala Doonayaan sidi ay Haadaanta nooga Tuuri la haayeen … ! ?

  8. dulmane says:

    Anigu waxaa ay ila tahay continuetion ayaa loo baahan yahay ninkii hore wax u sii wadi kara.Waxaa ay ila tahay in aan raacno sida dalalka kale ee qofku marka fakarka uu ka dhmaado la bedelo.Tan kale shaki badan ayaan ka qabaa in shariif wax qabtay sababtoo ah wixii international community laga helay xagee ka baxeen?muqdisho waa caasimadeena waana wax fiican in wax laga qabto laakiin ma taqaan wadooyinka nalaka lagu xiray inta ay yihiin 20 kun dollar ma dhamo.Ta kale ciidankii 7 billod mushaar lama siinin musuqmaasuq waa mid xargaha goostay 4.5 xaaraan ta ahaa nakee waxba laguma qaybsanin malaha qolyahan dawalada ee shariif kuwaashay waxaa ay jeclaan lahaayeen mid sida faroole oo kale oo mar kastaa wixii la soo helo la qabsada.umadii kale waxaa xishoodeen waana iska aamuseen group shariifna xishoodkii ayay ka tageen oo waxaaba ay dhaheen xamar meel aan ahayn ma jiro sidii M S Bare oo kale marka shariif wuxu soo kordhiyay ma jiraan qof kale aan aragno

  9. Puntlander says:

    Sharifka waa u dhamatay hadiiba uu maanta lee yahay 3 Milion oo aan next 3 months aan is ticmaalo sii la ii doorto. Su’aashu waxay tahay ilaa gormaa 3 million $ noqotay 3 million oo shilin soomli ah,he’s out of tach, Siyaasda orodka lagu soo galo dhibkaas seey keentaa

  10. Wadani says:

    SCW Dhamaan waan ka xumahay waxa aad qoreysaan =========== ayaad tigiin wayoo ruux wax qora sidaan wax uma qoro laakin waxaan idin leyahay fadlan ilaah ka baqa warka benta ah ka daaya shacabka hadaad tihiin kuwa wax qora
    Mida labaad waxaan idin leeyahay 21 sano ka dib nabada lahelay miyaad Shacabka u suuri la.dihiin
    M/Weyne Sharif waa mudan yahay in markale ladoorto wayoo waxaa sheegteen in uu Ganacsatada uu weydiistay Lacag midaana waxey muujineysaa in uu hantida shacabka uu lunsan midaana waxey cadeyn u tahay in uu yahay M/weynihii ugu horeyay oo Dalka iyo Dadka Daacad ku maamula

  11. Cadaad Hurumbe says:

    Let us wait and see who else comes on board. One thing is clear: Somalia is no longer prepared for dem-a-gogue, incompetent or corrupt leadership. It needs some one who is capable to resolve the existing political quagmire that impacted Somalia two decades with lawlessness, massive destruction and carnage, perpetuated by corrupt and insane leadership. 21 years of conflict and mayhem is an odyssey that has to be reckoned with for those who have been mandated for the selection of the leadership. Let us hope for better and prosperous change.

  12. Haad says:

    Waryaayooooooooooooooooooooooooy?

    War Af guduud khiyaano badanaaa. Wuxuu Sadexda Milyan oga dhawaajinayaa inuu hadhow yiraahdo lacagtaan qabanqaabada doorashadayda ku kharajgareynayo ganacsataa isiisay oo uu Lacagtii uu qaranka ka xaday ugu raad gado.

    Waa sidaan:

    1, Dadka ogeysii in aad lacag $3 Ml ah ganacsatada waydiisatay.

    2, Lacagtaad haysatid (Lacagtuu Qaranka ka xaday) isticmaal oo danahaaga ku fusho. Damcan cod ku iibso.

    3, Hadii lagu waydiiyo ama markasta oo lagu weydiiyo wax lacag ku saabsan ugu jawaab ganacsatada soomaaliyeedbaa hantidaan ku deeqday.

    Afguduud wuu sii ogyahay inay su’aalo badan u yaalaan sidaas daraadeed wuu kasii tabaabusheysanayaa. Sida xaqiiqda ah, Afguduud iyo Sakiin midna dadka soomaaliyeed lacag oga baahna oo wax ala wixii abaaraha S.liya loogu talo galay bay horay ola aamuseen. Sidaan ognahay Afguduudna ogyahay ganacsato $3 ml afgaduud siin mayso iyadoo malaayiin caruur iyo hooyooyin ah gaajo iyo harraad u dhimanayaan. Ma u maleynaysaa in ganacsatada barakacayaasha wax u weyday oo uu ogyahay inuu Afguduud isku soo lagoyn lahaa? Bal taas ka fikir?

    Maalmo aan dheereyn waxaad arki doontaa Afguduud oo ganacsatada u mahadcelinaya oo ku amaanaya siday gacan oga geysteen “hawlaha qaranka”. Waliba wuxuu u shaacin doonaa mahadnaqaan siduu Codsiga 3da Milyan u shaaciyay si ay quluubta dadweynaha ugu xasisho hadhowna ay asaga cudurdaar ugu noqoto. Waa arin isdaba socota oo soomaali lagu khiyaanayo.

    Hadaba, ka feejignow khiyaanada Afguduud.

    W.T

  13. keerow says:

    My Rule is good for Somalia because of the following reasons:

    1) I am well protected by AMISOM and travel with their Tanks and Armoured technical safely from Villa Somalia to the Airport which I often like to board airplanes.

    2) For more than three years I have never visited even my Birth Place because I am so afraid of loosing my comfortable God given life with my four Wives.

    3) I like and enjoy very much staying at all 5 Star Hotels at the UNDP , EU, and my Godfathers Arab States, I also like dining and snacking delicious foods of those Hotels free of charge thanks to my good listening and cheating skills.

    4) I have appointed my Clan people to almost all Public positions so that they can benefit from this chance and become easily millioneers , and that is not a secret anymore.

    5) With the best advise of my Partner Sharif Hassan best known as Sakiin I became very rich and multi milliner looting and stealing almost all what was allocated to Somalia , plus our good luck from God given FAMINE from which we benefited a lot , who cares about those that have died and are still starving.

    6) I have established a so called National Army and security Agency mostly from my Abgal Clans 85%, with the remaining 15% from other Hawiuye Clans all paid by the International Community, and promoted more than 100 Generals from Moorayaan or former NCO soldiers not to mention other Officer ranks.

    7) Mogadishu Port, Mogadishu Airport and all Financial Institution I have appointed my fellow Abgal Clans, and who cares about the recent Financial report of The so called World Bank kkkk kkkkk kkkkkk, that money is in good hands of our War Business Parteners in Dubai, Eastleigh Kenya, Zambia, Zimbabwe, South Africa Uganda, and Tanzania.

    8) I have massacred millions of innocent Somalis with the good excuse that they are anyway Al Shabab and deserve to be killed in order for me and my Partners in Business to stay in Power.

    Who can compete with me in the Next Presidential elections since I have all those records, plus my previous acts against my colleagues in the failed because of my actions ” Islamic Courts “, plus my strong ability to have already selected and nominated all those Fake Clan Elders that will nominate the future MPs that will without any hesitations will elect me.

    Who is better than Me ? NO BODY , KKKKK KKKKK KKKKK

  14. gaasira says:

    @john
    ma john cabdi barre oo reer kismaayo ahaa baad tahay?hadaadan ahyna iga raali ahow inaan ku suaalay

Leave a Reply