XOG: Saraakiil Iyo Ciidamo Gaar ah oo Mareykan Ah Oo Hawlgal Qarsoodi ah Ka Wada Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Saraakiil Mareekan Ah Oo Ku Sugan Muqdisho

Saraakiil Mareekan Ah Oo Ku Sugan Muqdisho

Muqdisho (RBC)  Boqolaal ciidamada Mareekanka ayaa la sheegay in  loo soo daabulay Soomaaliya, kuwaas oo hadda howlo sir ah ka wada caasimada Muqdisho, sida uu baahiyay TV-ga Iran ee Press TV

Ugu yaraan 390-askari oo mareekan ah ayaa tababaro qarsoodi ah ku siinaya Muqdisho ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, labadii bilood ee la soo dhaafay sida laga soo xigtay ilo ka tirsan ciidamada military-ga Soomaaliya.

Cabdi wahaab Maxamed Cali oo ka tirsan saraakiisha ciidamada military-ga Soomaaliya ayaa u sheegay Press in ugu yaraan 390 askari oo Mareykan ah oo ay ku jiraan 38 sarkaal sare ay qaab sir ah ku joogaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta Mareykanka ay ku lug leeyihiin hawlo isugu jira tababar ciidamada DKMG ah iyo arimo basaasnimo ah oo ka dhan ah kooxaha Islaamiga ee Al-Shababaab iyo Al-Qaacida.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale maamula xabsiyo sir ah oo la sheegay in dadka la soo qabto lagu xiro iyadoo uu jiro xiriuir aad u weyn oo ka dhexeeya sirdoonka DKMG ah ee loo yaqaano nabadsugida, waxaana Mareykanka uu hub, qalab iyo lacagba ku bixiyaa nabadsugida DKMG Soomaaliya ee la shaqeysa.

Xerada Jasiira oo lagu tababaro ciidamada DKMG (Lahaanshaha Sawirka Raxanreeb.com)

Ilo wareedyo uu soo xigtay Press TV ayaa sheegay in saraakiisha Mareykanka ay askarta Soomaalida ku duraan cirbado sun ah oo khatar ah kuwaasoo miyirkooda bedela.

Xerada Jasiira

Ma cadda in goobaha hawlahan ay ka dhacaan ee ay ku sugan yihiin ciidamada iyo saraakiisha Mareykanka ay ku jirto xerada Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho halkaasoo lagu tababaro ciidamada ugu badan ee dawlada.

Wariye ka tirsan Shabakada Raxanreeb oo dhowaan booqday xerada Jasiira ayaa sheegay inuu arkay wiilal iyo gabdho yar yar oo qarkood diif ay ka muuqatay oo tababar ku qaadanayey xeradaasi.  Waxaa ciidamadaasi cusub xilligaasi orodsiinayey askari Uganda u dhashay iyadoo waqtiguna uu ahaa xilli 11:00 barqanimo oo qarrax ay jirtay.

Askari Uganda u dhashay oo waardiye ka haya xerada Jasiira oo qeyb cusub lagu kordhiyey (Lahaanshaha sawirka Raxanreeb.com)

Wakaalada wararka AP ayaa sheegtay in dhowr bilood ka hor saraakiil Mareykan ah oo si hoose ula hadlay ay u xaqiijiyeen in Mareykanka uu xabsiyo qarsoodi ah ka sameystay wadamo Afrika ku yaalla oo ay Soomaaliya ku jirto.  Waxaana sidoo kale xukuumadda Washington ay kordhisay diyaaradaheeda loo yaqaano ‘drones’ ee xogta sirdoonka ka soo ururiya gudaha Soomaaliya kuwaasoo saldhigyo looga sameeyay Kenya iyo Ethiopia.

Saraakiisha difaaca Mareykanka waxay qirteen in diyaaradahooda ay fuliyeen weeraro dhimasho badan geystay oo ka dhacay gudaha Soomaaliya tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan.

DKMG Soomaaliya kama hadlin wararkan illaa hadda.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

4 Responses for “XOG: Saraakiil Iyo Ciidamo Gaar ah oo Mareykan Ah Oo Hawlgal Qarsoodi ah Ka Wada Muqdisho”

  1. [...] Follow this link: Xog: Saraakiil Mareekan Ah Oo Ku Sugan Muqdisho [...]

  2. haadi says:

    DAL BA,OOW YAAKULEH?

  3. Aw Malaaq says:

    waa international, ciddii rabtaa timaadda.
    Dadkii u dhashey waa wada cawaan.

  4. [...] XOG: Saraakiil Iyo Ciidamo Gaar ah oo Mareykan Ah Oo Hawlgal Qarsoodi ah … – Raxanreeb O… [...]

Leave a Reply