XOG: Sh Shariif & Siilaanyo oo heshiis la galay Dubai Ports World


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Narobi (RBC Radio)  War aan ka helnay ilo ku dhowaa kulankii shalay Khamiistii dhex maray Shiikh Shariif Axmed, madaxweynaha DFKMG Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Max’ud (Siilaanyo)  in kulankii shalay arrimaha looga hadlay ay ku jireen arrimo gaar u ahaa labada Madaxweyne iyo shirkadda Dubai Ports World [DPW] oo iyadu ku caam baxday qandaraasyo ay ku kiraysato gigooyinka diyaaradaha iyo dekedaha dalalka dunida, iyagoo markaas la wareegay maamulka gigooyinkaas.

Sida uu warka sheegayo, madaxda Somaliland ayaa in muddo ahba wada hadalo arrintaan la xiriira kula jiray Dubai Ports World [DPW] laakiin markii u dambaysay oo heshiisku soo dhammaaday DPW ay ku xujaysay in heshiiska ay qayb ka noqoto DFKMG isla markaasna ay wax ka saxiixsdo haddii kale aysan shirkaddu aqbalayn, waxaana warku intaas ku darayaa in dadaalka ay DPW ugu jirtay arrintan ay soo socotay ilaa iyo xilligii uu Daahir Riyaale madax-weynaha ka ahaa gobolkaas.

Warkan oo aan ka helnay ilo aan doonayn in la magaacaabo ayaa intaas ku daraya in heshiiskan oo la mid mid ay shirkadda DPW horay ula gashay dalka Djibouti ay qodobbada ku jira ka mid yihiin in shirkaddu ay dhisto, balaariso, oo ay casriyeeyso agabka adeegyada dekedda Berbera iyo gigada diyuuradaha ee magaaladaas, hasa yeeshee ma cadda saamiga boqoleyda ee shirkaddan DWP ee dowladda Dubai ee kula heshiisay maamulka Somaliland, halka sida la sheegay ay Djibouti kula heshiisay inay siiso saami ka yar 35% canshuuraha ka soo baxa dekedda iyo gigada.

Warka ayaa sheegay in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu qoraalka heshiiskaas saxiixay isaga oo aan wax dood ah ka keenin ka dib markii ay madaxda Somaliland ku qanciyeen sidaas isagoo taas dhaafsaday balan qaad ay madaxdaas ku siiyeen inay doorashada soo socota ee bisha agoosto ay isaga ku taageerayaan cododka xubnaha ka soo jeeda beelaha dega Soomaaliland ee ka qayb qaadanaya doorashadaas isla markaasna ay dhaqaale ahaan gacan weyn ka gaysan doonaan ololaha doorashadiisa.

Bishii February 2006dii dowladda Maraykanka ayaa diiday mashruuc ay shirkadda DPW rabtay sidan oo kale inay ku gadato dekedaha iyo gigooyinka diyaaradaha lix gobol (States) oo ka mid ah dalka Maraykanka, taasoo uu markaas u ololeynayay madax-weynihii hore ee dalka Maraykanka George W. Bush.

Shirkaddaan Dubai Ports World, oo markii ugu horeysay la aasaasay 1999kii ayaa waxaa saamigeeda ugu badan iska leh Amiirka Dubai Muxamad Bin Raashid Al-maktuum oo isagu ah ra’iisal wasaaraha isla markaasna ah madax-weyne ku xigeenka dalka Isutaga Imaaraadka-ka carabta, iyo waliba Amiirka sharciga ah ee Dubai.

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goob jog ka ahaa madax-weynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaal Kaahin, oo sida warku sheegayo isagu ka mid ahaa dadka u ololeeyniyay dhaqan gelinta heshiiskaan, Faysal Cali Waraabe, iyo xubno sarsare oo ka tirsan maamulkaas, waxaa sidoo kale joo gay xubno kale oo ka socda DFKMG inkastoo aan la magacaabin oo wehliyay madax-weyne SHiikh SHariif.

Share

15 Responses for “XOG: Sh Shariif & Siilaanyo oo heshiis la galay Dubai Ports World”

  1. [...] See more here: XOG: Sh Shariif & Siilaanyo oo heshiis la galay Dubai Ports World [...]

  2. Sama_Kataliye says:

    Sharif afgaduud markii uu kula shiray ganacsatada soomaaliyeed magaalada nairobi wixii ugu horeeyay oo wuu waydiistay waxay ahayd $3 million oo uu ku galo campaignkiisa in lagu taageero. Maantana khiyaano qaran buu galay in uu u saxiixo DPW iyo Silaanyo howl uu san haysan mandate-keeda!! WOW, awalba call-box buu ahaa dowladna waxba kama aqoon.

    Duf ku bax ilaa doqoni waa tii!

  3. Luula says:

    Eeyaa hee pintlandii maxaa helay yeey .ilbab kíi markii laga so xidhay beey qeylo afka furteen.

  4. daacad says:

    war kan madaxweyne maahan waa tuuug qarankii somalia danbi taariiqda gali dooono ka galay

  5. Ali Xasan says:

    Waxaan ka hambalyeynahayaa heshiiska labada Madaxweyne ee walaalalaha ah ee wadamada deriska ah ee Somalia iyo Somaliland si ay isaga kaashadaan argigixasada iyo burcadbadeednimada aafeysay gobolka. Waxaa heshiiska ka naxahaya Puntland iyo kooxaha la halmaala ee qabyaaladda ka dhigtay quud nololeedka, xeyse kuugu taal labada madaxweyne waxay hoosta ka xariiqeen in labada wadan ay ku wada noolaadaan deris wanaag, ka naxow nafta waa.

  6. Afdhub says:

    Nin isaguba ku Meelgaara muxuu saxoixi karaa .?waa wax Kama jiraan.ragii Somali midnimadeeda burburiyey. Kuwii qarankii dayacay nin dhimandoona uga cararay. Waa siilaanyo.qabiilkaliya dawlad Ma noqdo

  7. Jeeska says:

    Runtii waa wax aad looga xumaado waxa shariifku ku kacay ==== lacag mooyee dadnimo kale ma leh, faroolena waa xoolo wax la kala macaashayo aan ogayn khaatumo ximi mooyee wax kale ma yaqaano ==== futadiina ina geliya marka idinkaa halkaa dhigay —– uskag kala cirid cas.

  8. Tahriib says:

    Shariif Somali Madaxweyne maaha, mana yaqaan macnaha dowladnimo. Shariif magaran karo qiimaha ay leedahay taariikh wanaagsan laga tago, mana kala yaqaan Hargeysa iyo ddis ababa. ilmuhu waalidkood waxa bay weydiisataan iyaga oo aan ogeyn dhaqaalaha waaldku sida ay tahay.
    Shaiif. Arey idoordha buu hadal ka yaqaan.

  9. Hiray says:

    Faroole faruur wuu hor,istaagay shargadaan DWP mashruucii ay Dakada Bosaso Iyo Air Port ka lagu hormarin lahaa wuudiiday Dealkii Boqor Adde Musa soodiyaariyay waad ogtihiin mantay xalada dakada iyo Air Port bosasa dacdarada ay kusugan yihiin marka waxaan leyahay dadka Puntland hakatashadeen intay goori goortahay nin kaanii waaburbuuriyay puntland

  10. Qardhaawi says:

    S/calaykum shariif waa recall waxu aqoon xumaa war waxaan soomaaliya dhinac u dhaafiya aqoon yaraa asagoo cagihiisa ku taagneyn wax walbaa sixiixay war hadii la doortaa wax walibaa wuu gadayaa soomaaliya labo qolo waa caan reer waqooyi iyo reer koonfur wadiniyiin maaha waxay taariikhdu sheegtey koodii jaga sare soo mara wadanka wuu iibiyaa waana caan hada soomaalideena kale sidee baan isaga ilaalinayaa dadkaan dhamaanteen

  11. somali ha israacdo says:

    Waxaan layaabanahay Hal faroole oo aqli xun aan puntland ku ogayne boqol faroole ayaa soo baxday somaliland waa walaalaheen shariifna mashruuc wuu u!saxiixi karaa sababtoo ah wadankoo dhan ayuu madaxweyne u yahay min raacasayr ilaa ilaa raaskanbooni mida kale shalay mashaariicdii turkiga miyaa xaqiina kabadan uu shariifku idin siin gaajayahay xuntaa isku xishooda

  12. Libaax-libaax DHalay says:

    KU:somali ha israacdo

    War ninyahow sidaad u hadlayso rag wax ka dhexeeyaan uma hadlaan, XISHOODA sideeaba waa hadal gabdheed, mnarka xaajooyinkaan oo kale laga hadlayo, Turkigana iyagaa dano ay leeyihiin u yimidee SHariif Axmed ma keenin oo xataa intaysan Soomaaliya wada imaan waxay aad u imaan jireen Puntland haba ahaadeen Mission xagga caafimaadka ah oo keliyee, bal iska dhaaf Turkigee kuwo uu xooga ka fahmayo afkooda oo Carabta ah SHriif Axmed waxba kama keensan karo.

    Cali mahdi buu ahaa Cumar Carte ammaanada kuma fiicna ee ra’iisal wasaare ha ka dhigin baa lagula taliyay isagoo xintamaya oo keliya buu xilkii u dhiibay waana la ogaa tii dhacday, Shaariif Axmed hadda waxba kama yaqaan Siilaanyo mana is fahmi karaan laakiin waa xinkii Cali Mahdi oo kale, waxaana arrin yaab leh ah adinku waxaa xin ahyan caqli ahaan ma garataan miyaa?!

    Faroole run ahaantii waa uu fahmay caqliga meesha yaala iyo sidaad u fekeraysaan, run ahaantiina isagaa kuligiin idinka Soomaalisan, caay waxba sheegi mayso, waxaa hubaal ah haddii uu isa soo rashaxi lahaa in madax-weyne isaga loo dooran lahaa, waxa aan kuu sheegayo waa arrin ku salaysan Survey aan samaynay, reer Muqdisho oo ahaa kuwii ugu badnaa oo diiday waxay lahaayeen markaan waraysanaynay waa nin xun laakiin wax dhaamo ma jiraan, inta kale waxay lahaayeen xilligan isagaa ku haboonaan lahaa inuu hogaanka qabto,beenna ma aha, iska hadal waba ma tarayo, xaqiiqdase waa taas.

    Hadaladaada qaybaha ciyaalnimmada ah waxaan u daynayaa dad aan is leeyahay way kaa xigsan karaan waayo nin weyn baan ahay oo runtii hadalada qaarkood damiir ahaan kuma hadli karo oo xil-kasnimadaa ii diidaysa, balse waxaan kuu sheegayaa adiga iyo anigu isku doon baan sarannahay adeer waxaana doonayna Naakhuuda wanaagsan oo Berriga nabad innagu geeya ee nin la caayo iyo nin la ammaano midna waxba innguma toorna.

  13. isxaan hussein says:

    Asc ha qaaqlayso,weligedba

  14. IDIRIS says:

    War ===== miyaa xishoonin ninkaan ilkaha laheyn ee shirka dhex fadhiyay hadana oranayo looma dhamo ma xoolo baaa? miyuu xishoonin mise ========= garoowe cabsanaaa, dhaqan xumadii geel jire ka muuqato ee ma ahan nin hogaamin karo reer ===== . waa nin dhaqan xun oo iska hadla sidii ciyaal suuq

  15. muuse says:

    puntland waa taqaan ciyaaraha jiirka marka way inoo bilaabatay ee agow dheh shariif afguduud.

Leave a Reply