XOG :Xiriir Ka Dhexeeya Burcad-badeeda Soomaalida & Maafiyada Talyaaniga


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Paris (RBC) Warbixin ay soo saareyn midowga Yurub ayaa lagu sheegay in uu jiro xiriir weyn oo ka dhexeeya burcad-badeeda Soomaalida iyo Maafiyada Talyaaniga.

Warbixintan ayaa lagu soo bandhigay daraasad uu sameeyay qoraa reer Fransa ah oo ku xaruntiisu yahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Daraasadan oo lagu diiwan galiyay buug uu qoray Michel Koutouzis ayaa lagu sheegay in ay jiraan Sun badan oo lagu daadiyay xeebaha Soomaaliya.

“Sun badan ayaa lagu daadiyay xeebaha Soomaaliya , Sudan iyo Eritrea, kuwaas oo lagu keenay maraakiib kuwaas oo lagu wareejiyay kooxo hubeesan oo ku sugan badda cas iyo gacanka cadmeyd” ayaa lagu sheegay daraasada la soo saaray.

Daraasadan ayaa loo gudbiyay midowga Yurub iyo QM kuwaas oo hadda ka baaran dagaya qaabka warkan sheegaya in uu jiro xiriir ka dhexeeya maafiyada Talyaaniga iyo burcad-badeeda Soomaalida.

QM ayaa warbixin ay soo saartay 2005-tii waxa ay ku sheegtay in sanadkii 2004- Sunaamigii ku dhuftay xeebaha badweynta Hindiya iyo Aasiya in ay sababayn in magaalooyinka Muqdisho iyo Hobyo lagu cuduro baahsan oo ay u dhinteyn ku dhawaads 300 oo qof.

Isagoo ka hadlaayay magaalada Brussels Talaadadii ergayga gaarka ah midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa Alexander Rondos, horeyna u ahaa diplomaasi dalkaGreek diplomat uu sheegay in arrintan ay dhici karto laakin ay wadaan baaritaano.

Burcad-badeeda ayaa qafaashay ilaa 28-markab oo ay la socdaan in ka badan 200-oo shaqaale ah qeybtii koobaad ee sanadkii 2011-ka.

Share

Tags:

4 Responses for “XOG :Xiriir Ka Dhexeeya Burcad-badeeda Soomaalida & Maafiyada Talyaaniga”

  1. [...] Read More: XOG :Xiriir Ka Dhexeeya Burcad-badeeda Soomaalida & Maafiyada Talyaaniga [...]

  2. Mafia Italia, waa badanyihiin waa kuwee, aniga Italia ayaan jooga marka Mafio cid la heshiin kartaa majiro oo ilmahan ismabqabtaan oo mafio waa dad dowlad ah ciidan cir,dhul,baddba leh marka somali
    baadaiyaha ka yimid Mafio waxba kam hadli karo marka warkaas waa been aan sal iyo baarba aan laheen Mafio waa dad aan naxin oo lacag ku dhinta oo ay ku noolyihiin baad,laalush,wax isdaba marin
    mafio daroogo ayey ka shqeystaa oo kuma saqjanto lacg yar oo waxey dhacaan dowladaha horey u marey oo ay ku hoos nool yihiin oo waa dhiig miirad sida gafanha ayey naaxan kadibna ay baqaan

  3. Daacad says:

    Ayaan xoogaa laga joogo ayaan raxanreeb ka aqriyay maqaal dheer oo saxaafadda ka hadalayay, waxaa ku jiray in war-baahinta Soomaalida ay iska rumaystaan waxyaabaha ay ka maqlaan dalalka shisheeyaha ah oo ay ka sheegayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, marka waxaan oran lahaa Raxanreeb dib ha isugu laabto oo yeeysan inoo soo qorin doqonimo heerkaan oo klae ah

  4. khadija says:

    marka aan runta ka hadalno sunta bada lagu soo daadinayey mafiyo soomaliya iyo maafiya talyaaniga ah baa ku heshiiiyey maafiyada soomalida ah waxaa madax u ahaa Cali Mahdi Maxamed maafiyada talyaanigana waxaa madax ua haa Barskoni maanta inta suntaa u dhimatey inta naago uur leh oo ilma madaxweyn dhaley inta u naafoowdey waxaa loo heystaa waa cali mahadi iyo intey shuraakada ku ahaayeen maafiyada la sheegayaa waa talyaaniga oo heshiis wada galeen cali mahdi markuu soo baaro ninkaa sheegey iyo inta daba taagan soomaliya ragii rabey iney madaxweyne sheegtaan ayaa lagu soo qaban doonaa baaritaanka.

Leave a Reply