Xukuumadda KMG Soomaaliya oo Shaaca Ka Qaaday In Lakala Diray Guddiga Dastuurka ee Madaxa Bannaan (Dhageyso)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Wasiirka wasaaradda dastuurka DKMG C/raxmaan Xoosh Jibriil

Muqdisho (RBC) Wasiirka dastuurka xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil  iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Xasan Maxamed Jimcaale ayaa caawa si wadajir ah ugu dhawaaqay in hawshii guddiga dastuurka ee madaxa bannaan ay dhamaatay isla markaana guddigaasi lakala diray.

C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in guddiga ay shaqadooda ahayd sameynta dastuurka cusub waqti badan ay heysteen laakiin ay lumiyeen fursadii ay heleen ee dhaqaale iyo waqti intuba, haatana xukuumadda KMG ah ay go’aansatay inay shaqada ka wareejiso guddiga.

Wasiirka dastuurka oo shirka jaraa’id wariyaasha ku weydiiyeen waxa ka jira eedeyn maanta uga timid guudiga dastuurka oo ahayd in guddo farsamo oo ay wataan lixda saxiixayaasha loo dhiibay dastuurka cusub ayuu beeniyey, wuxuuna sheegay in dastuurka waqti dhow loo bandhigi doono dadweynaha Soomaaliyeed.

Wasiirku waxaa intii uu hadlayay uu tilmaamay in mudo afar maalmood ah ay waqtiga ugu kordhiyeen guddiga dastuurka hase yeeshee aysan waxba u hiegalin, taasoo uu sheegay inay dib u dhac ku keentay qorshaha hirgalinta dastuurka.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

“Guddiga waxay caqabad ku noqdeen geedi socodka dastuurka oo ay heysteen mudo toddobo sano ah” ayuu yiri wasiirka oo maanta qabtay labo shir saxaafadeed mudo ka yar hal saac.

Wuxuu intaa ku daray in dhaqaale gaaraya 50 milyan oo doolar oo loo qoondeeyey meelmarinta dastuurka ay guddigu ku bixiyeen hotelo ku yaalla magaalooyinka Nairobi, Kampala iyo Jabuuti.

Wasiiru dawlaha wasaaradda dastuurka iyo arimaha federaalka Xasan M. Jimcaale

Dhanka kale wasiiru dawlaha wasaaradda dastuurka DKMG Xasan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in guddigu meel cidla ka eedeeyeen wasaaradda iyagoo ayba mar hore dhamaatay shaqadooda.

Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka ayaa wariyaasha u sheegay in wixii haddaka dambeeya aanu jirin guddi dastuur qaabilsan shaqada guddigaasna ay sii wadi doonto wasaaradda dastuurka.

Dhawaaqa ka soo baxay wasaaradda dastuurka xukuumadda KMG ah ayaa soo baxay xilli maanta guddoomiyaha guddiga dastuurka Prof C/laahi Sheekh Xasan uu shaaca ka qaaday in guddi ka wakiil ah lixda saxiixayaasha qariirada roadmap ay xayuubsadeen awoodii guddiga dastuurka.

Waxay u muuqataa in khilaaf adag oo marba marka ka dambeysa sii kululaanaya uu ka dhex oogmay guddiga dastuurkaee madaxa bannaan iyo wasaaradda dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya kaasoo aanla ogeyn halka uu ku dhamaan doono.

DHAGEYSO SHIRKA JARAAID EE WASIIRKA DASTUURKA

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

4 Responses for “Xukuumadda KMG Soomaaliya oo Shaaca Ka Qaaday In Lakala Diray Guddiga Dastuurka ee Madaxa Bannaan (Dhageyso)”

  1. ceelbooc says:

    AWALAAN SHEEGAAYEY

  2. garsoor says:

    sxvb gudigana awalba waxaa sameeyey wasaarada dastuurka iyo xukuumada ana daafeen waayo walkhti lumis ma doonayno waana maadsanyiiin wasiirka dastuurka iyo wasiiru dowlaa iyo wasiirku xigeenkiisa wada shaqad

  3. Finiin says:

    Sheeko waa dhamaatey ragaan waxaa ka go,an waxay balan qaadeen inay dhameeyaan kuwa kalena howl kaley dhinac wadaan markaa anigu ma garanayo waxa keenay is daba wareega waxaase is weydiin mudan yaa loo xayiran yahay odayadii xamarbey fadhiyaan dowladu waxay leedahay waan soo socdaa marka madaxda gudigaan maxaa ka geyli siinaaya

  4. ceelbooc says:

    ninkastoo raba inuu awrkiisa kacsado waxuu soo hormariyaa ama uu ku dardaarmaa war midooba war yaan laydinka faa’iidaysan, markuu howsha gacanta kula jirana wax hadala kamasoo baxaan halkaasii kaligiis celceshadaa oo sida aarlibaax afka dhigaa markii waagu ku baryana cabaad buu ku dhuftaa ala aqoonyahay danaystaa iyo umadaan fahansanayn yow garniqidoona,
    waxyaabaha lafashiliyay oo umadu liqiwayday soo maaha kuwaani kuwii soo giirgiiray,
    yaanaan idin oran deg deg idiin aasnaye naga hor wareega oo hadaad wax qaban waydeen kolay wax un waad abateene hala dhamaystiree iska yara nasta dowladuna howsheeda ha soo dhamaystirto si deg dega

Leave a Reply