Xuubsireed: Gobolka Mudug Beela badan ayaa wada dega kuligoodna agtayda sharaf iyo xurmay ku leeyihiin


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gobolka Mudug Beela badan ayaa wada dega kuligoodna agtayda sharaf iyo xurmay ku leeyihiin?
Xuseen Xuubsireed
spokesman.hussein@gmail.com
Juunyo 11 2012

Xuseen Xuubsireed

Marka ugu horaysa anoo ka damqanaya dhibaatada ku habsatay gobolka Mudug guud ahaan, ma moogi hadana in Gobolka ay wada degaan beelo farabadan, dabacan beel walbaana Isim ayay leedahay u gaar ah oo arimahooda hoose Oday ugu ah, Dhamaana Isimada iyo Beelaha Gobolka Mudug wada dega agtayda sharaf iyo Xurmo aan la soo koobi karin ayay ku leeyihiin, ayaaha iyo masiirka Gobolka Mudugna waa mid ay masuuliyad wayni ka wada saaran tahay dhamaan dadka ehelka ah ama walaala ha ah ee Gobolkaa Mudug wada dega.

Dabcan Gobolka Mudug marka aan ka hadlayo waliba Gaalkacyo, micnuhu waxaa weeye Gaalkacyo qaybta Maamulka Puntland raacsan iyo beelaha wada dega, oo aan iyagu sinaba u kala maarmin, loona baahanyahay inay danahooda guud wada ilaashadaan ee aysan kala socon, calooshana aysan cuqdad iyo tuhun isugu hayn.

Iyada oo si guud dib u dhac dhinac walba ah uu uga muuqdo Gobolka Mudug ayaan hadana waxaan si gooniya ula hadlayay Beesha Islaan Bashiir uu Isimka u yahay oo kamid ah beelaha Gobolka Mudug wax ka dega, dabcan beeshu jifooyin hoosaadyo ayay leedahay, Waxa kulmiya ama si guud Isim ugu ahna waa Islaan Bashiir Islaan Cabdile.

Hadalkayguna wuxuu u dhacayaa in Jifooyin hoosaadyada beeshaasu ay leedahay ay iyagu si hoose arimahooda gaarka ah gacan ugu yeeshaan, oo ay iyagu isaga soo xulaan shakhsiga ay markaas danaynayaa oo ku matali kara masiirkooda, markaa kadibna islaanu waxa jifooyin hoosaadyadu ay gudoonsadaan oo ay iyagu soo dhamaystaan, oo ay ku qanacsanyihiin Islaamku u gudoomiyo, halkaasna ay ka soo baxdo jaran Jaro wada shaqayn iyo isfaham ah oo ka dhexeeya beeshaas gudaheeda, ee aysan noqon wax uun kor laga magacaabo oo beeluhu aysan waxba ka ogayn, una muuqanaysa wax abuuri kara cuqdad iyo kala fogaansho beelaha dhexdooda iyo isimkooda guud ah.

Dabcan beelaha kale ee Gobolka Mudug wax ka dega iyaga laftigooda waxaan kula talin lahaa arimahooda siyaasadeed iyo taladooda inay hoos ka soo dhisaan, waxna ka ogyihiin soo xulida shakhsiga markaas ku matalaya masiirkooda siyaasadeed, kadibna isimkooda guud uu u gudoomiyo waxa ay markaas ku qanacsanyihiin, Maadaama Dalku yeelanayo Dowlad fadhida oo aan kumeel gaar ahayn aduunkuna aqoonsanyahay.

Isfahamka, Nabadgalyada iyo aaya ka talinta Gobolka Mudug wax wanaagsan oo qof walba ay dan u tahay weeye. Wanaag iyo isfaham ayaan anigu katalinayaa, iyo sidii looga gudbi lahaa dib u dhaca ku yimid Gobolka Mudug iyo caqabadaha keenay. In dib la’isugu noqdo oo la xisaabtamo ama la iska saxo khaldaadka hareeyay Gobolka waa lama huraan.

SOO DIREY
Xuubsireed

SOO DAABACAY
Malyuun Cali
RBC Nairobi

==========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags:

13 Responses for “Xuubsireed: Gobolka Mudug Beela badan ayaa wada dega kuligoodna agtayda sharaf iyo xurmay ku leeyihiin”

  1. abdisheikh ali says:

    waan ku salaamay salaan kabacdi waaxaan ahay dadka ka soo jeeda putdlaan ama kaalkacyo marka waan taabacsanahey fikirka xuub sireehadaan

  2. ArmChairWarrior says:

    kkkkkkkkkkkkk, Xuubsireed maalmahaan sankaad iga marmareeysaa bro. Gaakacyaa saan ah, Walaalaha Gaalkacyaan aduunka ugu jeclahay, Mudug dadka dega waa dad wanaagsan, odayaasha mudug qiimadooda lama goyn karo iyo erayo kale oo beer laxoowsi ah aad ka dhamaan weysay. Waxaan u maleeynayaa inaad kuraasta soo socota midkood xodxodasho ugu jirto, laakiin waad u qalantaa codkeygana waan ku siiyay hadaan reer PL ahay!!!

  3. halgan says:

    alaylehe hada ayad fikir saafi ah oo la fahmi karo keentay waadna ku mahadsan tahay sida wanagsan ee maqaalkii hore oo la isku fahmi wayay aad u cadaysay bartaa ka wad bararujinta beeshada sxb salama anaguna wixi nala gudboon ayan qadan dona

  4. ceelbooc says:

    ninkii libaax kuyiraahda dhurwaa baa loo ogolaadaa xuubsireed waa loohayaa waxuu bulshada dhexdeeda dhigtay dee hadalkii hore bay dad badani xasaasiyad ka qaadeen marka qofkasta oo wax qoraya waa inuu iska ilaaliyaa ereyada aan cadayn micnahooda ama kuwa xaasaasiyada leh.
    adiguna inaadan fulay ahayn waan qirayaa rer mudugna in lasyu soo dumo bay rajo ku leeyihiin lakin in lakala saaro ilama aha oo hadalkaagu inuu ahaado dadka wada degow walaalooba waxna meel wada dhigta cidaad wax u dhiibanaysaan idinkaa yaqaane,
    mideeda kale siyaasi daarood baad ahayde maad kor isuyara qaadid oo dadkoo dhan lahadashid maxay tahay meelaha hoose ood qufaysid
    mudug walaalnimooy ku caana maashaa hadii kale WAXUU YIRI MARKAY NIN IYO FIINTII TAGTANA WAAN FAQLAYN JIRAY

  5. Real puntlander says:

    Puntland shacabkeedu waa dad qiimo badan Ogadaana qofku markuu dhasho dhaqankiisu iyo dabeecaduba waa latoosinkaraa oo hadba waxay ku xiran tahay hooyada iyo aabaha dhalay sideey usoo tarbideyeen, Shacabka puntland waxaan lee yahay Gobalkaad rabto kunooloow ilaahey wanageena, ixtitaamka , dulqaadka, naxariista, hanoogu badalo wanaag & barwaaqo, Waa oagahay in Soomaliya la horumari ladahay Xaasid & Daniiste , hadaba qofwalboow Meehsaa joogtid ayaa katahay dowlad, Viva puntland & Soomalia

  6. Finiin says:

    Walaahi waxaan u arkaa wax wanaagsan inuu ka hadlay oo uu digniina uga dhigay oayaal dhaqameedka inay isku dayin sad bursi oo dadka qaar la duudsiyo qof walibaa meesha bugta hay ama haabhaabay

  7. ha xaalayn says:

    asc this artical is good odagu markaan qoraalkiisa maxuma laakin qoraalkii hore inuu khaldanaa buu dareemay marka hada qoraal macquul ah buu soo qoray intii qoraal;kii hore ka carootay baan ku jiray laakiin hada qoraalkaan waa ok xuub sireed raxanreeb hadaad qoraal danbe soo galinaysid indho dheer uyeelo qoraalkaaga danbe wixii xasaasiyad kicin kara waayo raxanreeb rag top ah ayaa ku xiran oo daqiiqad kasta daalacda all of the world asc

  8. Yusuf Ibrahim Dhegataag says:

    Ku qancay warkaas iyo in nin waliba dhiniciisa ka qabto.

  9. Qawdhan says:

    QUUD AAN JIRIN QORYO U GURO!

    Ideer reerkaaga hadaad, hadalkii horey u waday, maxaad reerkaaga ugu sheegi weysay, mise shiraraka, reerkaaga laguuma ogola inaad ka dhex hadishid, sidaa daraadeed baad raxanreeb.com lasoo doonatay, talac-talacda, tankale, yaa kuyiri, beelo kale iyo Odaayaal Islaameed talo sii? Miyaadan ogayn inaysa weeso kuu dhowrneyn oo Masraxa siyaasadana aadan waligaa lagagu arki doonin! Makaa dhab baa?!

  10. wiil xarfo says:

    kkkkkkkk reer mudugu waa dad dagaal iyo adadayg lagu xanto kaftankana waxaa nala xijiyaa geel qaadnimada marka geela la soo qaado raga geela wataa isku mid maaha xaga kartida iyo ragi nimada
    ninka jileeca lagu xanto oo ka baqaya in geela qaybtiisa la duudsiyo(laga qadiyo) wuxuu yiraahaa ama kusoo celceliyaa geela maa laqaybsado, marka arinka xuub sireed waa uun nin ka baqaya inuu cidla kusoo dhaco iyo saansaantii lagu yaqiin yaan dhib loo qaadan.

  11. Dhalac says:

    Calaalacal.com, ma jeclaan lahayd inaad iska dhex arigtid, Baarlamaanka Soomaaliyeed Qabiil waa laga gudbey, iyo Xirfadaadii aad khabiirka ku ahayd, ee Mudug iyo Adeerkaa maantay ma taalo ee waxaa la rabaa in Qaran bur-buray iyo qoysas kala daasan aduunka daafihiisa la daaweeyo!Ka waran taa, ma kuu cuntamaysaa, Jawaabtu waa maya, ha daba Madiixaagii Qabyaalada ku iidaamnaa kula laabo, Idimalaale.com!

  12. Wadani says:

    Kkkkkkkkkkkkkk, Xoobsireedoow maad Ilaahay ka baqdid, goormay qaabaa’ilaadka Mudug degaa kuu sinaadeen, sow adigii ahaa Dagaal oogaha iyo kala qaybiyaha ummadda, anigu waxaan ahay nin ka soo jeeda deegaanka aad sheeganeyso, waxaana jeclaan lahaa wanaaga hadda aad sheegayso in nin kale oo aan adiga ahayn ka soo yeeraan hadaladaas macaan iyo guubaabadaas aad hadda wado.
    Wa bil-laahi Towfiiq

  13. Suqdho says:

    Qof ahaan waxaan Aaminsanahay Mudane Xuub Sireed in uu Siyaasi yahay Qabka Degaankiisa Uu Ula Hadalayana wuxu Iila Muuqdaa in u Xog Ogaal u Yahay Hayaanka Geeska Afrika.
    Qabayaladu Ceeb maha Wakhtiga ayanu ku Jiroh ee Hadeer ah Mar hadii Somalidu ayan weli Helin jidki ay Uga Bixilahayd Qabayalada Balse in la Hufoh waa Fiicnaanlahayd

Leave a Reply