Aadan Madoowe Oo Sheegay Inuu Markale Doonayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
Muqdisho (RBC) Guddoomiyihii Hore ee baarlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in uu doonayo in uu markale noqdo afhayeenka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Aadan Madowe ayaa sheegay, in uu markale isku soo taagi doono doorashada baarlamaanka, waxana uu sheegay in rajo fiican ka lee yahay, in uu markale noqdo, afhayeenka baarlamaanka.
Dhinaca , kale Aadan Madoowe waxa uu sheegay in uu rajeenayo in laga baxo xiliga KMG ah oo lagu jiray muddo badan.
Aadan Madoowe ayaa sheegay, in uu maanta ka soo laabtay magaalada Muqdishio, kaddib markii uu dhowr bil ku maqnaa gobaladda Bay iyo Bakool oo qeybo badan laga saaray Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in badeecadaha gobalka Bakool ay aad u kaceen,kaddib markii ay xanibaad saartay Al-Shabaab deeganno ka tirsan gobalkaas oo ay hadda ku sugan yihiin.
Waxa uu sheegay in kiiladii sonkor ay hadda deeganno ku yaala Bakool ay ka marayso ilaa 2-dollar.
Dhinaca kale, dagaal khasaare geystay ayaa xalay ku dhexmaray deegaanka Yurkud ee xadka gobollada Baay iyo Gedo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa Ethiopia iyo ururka al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegtay guulo, iyoogan sheegay in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, laakin aysan sheegin tiradooda.
Illaa iyo hadda Al-Shabaab kama aysan hadlin dagaalkii xaley ka dhacay Yurkud iyo Busaar.
RBC Radio
——————————–
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] Visit link: Aadan Madoowe Oo Sheegay Inuu Markale Doonayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya [...]
KKKK KKKKK KKKKKK AAD IYO AAD AYAA HADDA MUGDIGA LOOGA BIXI RABAAA.