Al-Shabaab Oo Degmada Marka Ku Toogtay Saddex Nin Oo Ay Ku Eedeeyeen ‘Sirdoonka Reer Galbeedka’
Marka (RBC) Ururka Al-Shabaab ayaa shaley magaalada Marka ee gobalka Shabeelaha Hoose ku toogtay seddax nin oo ay sheegeyn in ay u shaqeenaayeen sirdoonka Mareykanka CIA iyo hey’adda mukhaabaraadka dowladda UK MI6.
Dilka Seddaxda Nin oo ka dhacay meel fagaaro ah,oo ku taala Marka, waxa ka qeybgalay dad aad u badan oo ka mida ah kuwa ku nool magaalada iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Seddaxda nin ee la toogtay ayaa waxa ay kala ahaayen Isaaq Cumar Xassan, oo ah 22-jir iyo Yasasin Cusman Axmed, oo ah 23-jir ah kuwaas la sheegay in ay u shaqeenaayeen hey’adda sirdoonka Mareekanka CIA iyo Mukhtaar Ibraahim Sheikh Axmed, oo 33-jir ah kaas oo la sheegay in uu u shaqeenaayay hey’adda sirdoonka MI6, ee dalka Britan.
Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose Sheekh Max’med Abuu Cabdalla oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in sedaxda nin ee la dilay ay fududeeyeen in muslimiinta ay ka baxaan dad muhiim ah sida uu hadalka u dhigay.
Isagoo intaa ku daray in laba kamid ah wakiilo u ahaayeen Mareykanka halka midka kalena uu ka tirsanaa hey’adda sirdoonka dalka UK ee M16.
Mid mid raga la dilay ayaa lagu eedeeyay in uu ileys ku dhajiyay gaari uu watay Bilaal Al-barjaawi oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Lubnaan balse heesta dhalashada dalka UK kaa oo 21,January 2012 diyaarad mareykan uu lee yahay ku dishay deeganka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu sheegay in nin kale oo uu ku sheegay magaciisa Isaaq Cumar Xassan uu isna masuul ka ahaan weerar xagga cirka oo lagu dilay Abuu Axmed iyo Abuubakar Al-Markaawi deeganka lamar lixdan ee gobalka Shabeelaha Hoose.
Xukunka guul ee seddaxda nin waxa ku dhawaaqay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab Sheekh Cabdul Xaq .
Mareekanka ayaa dhawaan shaaciyay in uu kala shaqeen doono dalalka bariga Afrika ku yaala dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxana uu sheegay in ugu deeqay dalalka Kenya, Uganda, Burundi iyo Djabuti kaalmo milatari oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duulilayaha lahayn.
Wargeyska The Wall Street Journal ee dalka Mareekanka ayaa dhawaan wariyay in wasaarada gaashandhiga the Pentagon ay siineyso dalka ku jira howgalka AMISOM ee Soomaaliya kaalmo milatari oo gaareysa $40 million-taas oo qeyb ah dagaalka lagula jiro al Qaeda iyo al Shabaab.
Sannadkii la soo dhaafay, ayaa al-Shabab waxa ay lumisay maamulkii magaalada Muqdisho, iyo magaalooyin oo kale oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, laakin wali waxa ay ku xooggan magaalooyinka Kismaayo iyo Markac,waana meelaha ay hadda ku xooggan yihiin.
RBC Radio
———————-
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] See the article here: Al-Shabaab Oo Marka Ku Toogtay Seddax Nin Oo Ay Ku Eedeeyeen In Ay Ka Tirsanaayeen Sirdoonka Reer Ga… [...]
WARMALAHUBAA?