Al-Shabaab Oo Digniin U Jeedisay Odayaasha Dhaqanka
Muqdisho (RBC) Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono oday-dhaqameedyada ka qeybgalaya shirka lagu doonayo in lagu soo xulo ergada dastuurka iyo baarlamaanka cusub.
Guddoomiyaha gobalka Banaadir ee Al-Shabaab Sheekh Maxamed Xasan Cumar “Abuu Cabdiraxmaan” oo la hadlay Idaacadda Andulus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegay inay isha ku hayaan shirka Odayaasha dhaqanka uga socda Muqdisho, isagoo ku tilmaamay Odayaal aana dad iyo dal toona matalin, balse waa calooshood u shaqeystayaal.
“Waxa lagu sheegay dastuurka ee gaalada ay wataan, aad ayaan ula soconaa, waan ognahay in wax lagu sheegay oday dhaqameed ay gaalada iyo gaalo raaca ay soo diyaarsadeen, cadawga Alle wuxuu doonayaa in Sunada Nabigeena Muxamad iyo kutaabka Qur’aan inuu meesha ka saaro, lakin ha ogaadaan in marna aysan meesha ka baxeynin “ayuu yiri Abuu Cabdiraxmaan.
” Waxa aan u sheegeynaa in lagula xisaabtami doono odayaashaasaas haddii ay ansixiyaan iyo hadii kaleba, waana kuwa calooshood u shaqeystayaal ah, oo amrna aan wadaniyad iyo cid ay ka naxayaan aysan jirin”
Si kastaba, Al-Shabaab oo laga saaray Muqdisho iyo dhul badan oo xeeran caasimada ayaa hadalkan ay soo saareen waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maanta loo ballansan yahay in uu bilowdo shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, oo qeylo dhaan laga muujiyay dalka iyo dibedda.
Al-Shabaab ma ahan wax ku cusub in ay digniino ama hanjabaad ay u soo jeediyaan odayaasha ama dadka la shaqeeya dowladda, dhowr jeer ayey arrimahan oo kale digniin ka soo saareen.
RBC Radio
—————–
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] dhul badan oo xeeran caasimada ayaa hadalkan ay soo saareen waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maanta loo ballansan yahay in uu bilowdo shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, oo qeylo dhaan [...]
Alow alleh iyo sida xaqa ah