Alle Idankii Ku Wada Soonnay Caafimaad San! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Alle Idankii Ku Wada Soonnay Caafimaad San!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
Alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Luulyo 24 20112

Rammadaan Mubaarak: Dad-weynaha nabad bay rabaan inay ku soomaan.

Waa bishii barakaysnayd ee Eebbeheen ka dhigay sayidka bilha sanadka, waxa kasta oo wanaaga ah oo uu qofka islaamka ah bishaas la yimaadana shaki la’aan uu ku helayo fadli dheeri ah, hasa yeeshee waxaa muhiimm ah in qofku la yimaado gudashada waajibaadka soonka inta lagu jiro 30kaas ama 29kaas maalmood ee bisha, shaki la’aan waa baa jirtay ay shacabka Soomaaliyeed 98% ama in ka badan ay ku soomi jireen dalka gudihiisa laakiin maanta taas ma mid jirta oo dad badan oo Soomaaliyeed ayaa meelo ka baxsan dalkii oo qurbe ah ku Soomaya.

Waxaa runtii aad u nasiib badan qofka maanta isagoo caafimaad qaba ku soomaya Soomaaliya, dalkeena udugga badan, dadkeena dhammaantood Muslimka ah, isku samayska ah, isku midibka ah, isku afka ah, isku huga ah, isku deegaanka iyo dhaqanka ah, dadkeena Alle hibooyinka gaarka ah ku manaystay… Soomaali Ninkuu Alle Ka DHigay Baa Nasiib Leh!

Waan murgacanay, cadow badan baa innagu diirsaday! cid inoo soo hiilisay Gaalo iyo Islaam ma jiraan, si loo laayo ilmaheena magacyo badan baa loo samaystay iyadoo waliba gurigooda loogu yimid, Al-shabaab, Burcad Badeed, waxaa lagu riixay inay qirtaan danbiyo aysan gelin, markii uu dagaalku bilowday ee aan reer-reerka isku laynaynay waxa Beesha Caalamaka maanta isugu yeera indhahay inaka daawanayeen, markii aan xoog iyo xoole yaraynay, markii uu caqligii, aqoontii, wax-garadkii ay qaxeen, baa waxaan diidi jirnay iyo wixii aan ka xaragoon jirnayba laynagu qasbay.

Markii ay dhammaatay colaaddii Beelaha dhexdooda ahayd waxaa lay noo sameeyay magacyo dhiigeenna lagu banaysanayo, Burcad Badeed iyo Al-shabaab, Argagixiso, magacyaal lagu asteeyay Danbiilenimo! Magacyaal kooxa lagu magacaabayo sidii xoolihihii loogu yeero laakiin aysan barnaamijkooda lahayn! Yaan danbi ka galay?! Waxaa furmay toobiye weyn oo dunida oo dhan aad moodo inay raali ka noqdeen magacyada laynoogu soo marmarsooday, waxaadna moodaa in hadda uu soo gabgaboobay u gogol xaaridii dalka lagu qabsan lahaa, laakiin damacaas in layna qabsado ah amay tahay qiyaas aan dhab looga fiirsan!…

Bishani waa bishii nasriga (guusha) waa bishii garashada iyo aqoonta waayo waa bishii markii ugu horeysay uu waxyiga ku soo degay Nabi Muxammad.

Waa bishii ay Muslimiinta guusha heleen dagaalkii ugu horeeyayna uu dhex maray gaaladii Quraysh iyo asxaabtii Nabiga), waa bsihii Rammadaan, bishii Raxmadda, Danbi dhaafka, bishii Naarta laga Xoroobiyay, bishii KHayrka, is- cafinta, iyo Sama-falka.

Waxaan is leeyahay sanadkan bisha Soon way ka roonaanaysaa sidii ay ahayd sanadihii la soo dhaafay, dagaalladii, madaafiicda habowga ahayd, waxaan rajayniyaa AMISOM, Ciidammada DFKMG, ama Al-shabaab ama cid kasta oo hubaysan ay ixtiraamaan dadka Sooman ee Islaamka ah, naftooda, iyo guud ahaan ammaakooda si ay u gutaan cibaadada Alle iyagoo aan walaacsanayn.

Ramadaanka, wuxuu sanadkan ku soo aaday xilli aad u kulul oo meelaha qaarkood uu waqtiga la soomayo dheeraday gaarayana 15saac ilaa 18saac, laakiin nasiib wanaag, waxaa Ilaahay dalkeena ku manaystay isu dheeli tirnaan xagga samayska, waqtiga, iyo xilliga , sidaa aawgeed saacadaha la Soomayo waxba iskama bedeli doonaan, waxaana jirta in Culummada ku xeel-dheer aqoonta Cilmi-felgga ay saadaaliyeen in 11sano ee soo socoda ninkii nool uu xilligan oo kale ee kulaylaha ah ku soo beegmayso bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dadka Soomaaliyeed waxay soo mareen labaatameeyo sano oo ay ku soomayeen qax, abaar, dareen colaadeed, iyo hoggaamiyeyaal xun oo naftooda u shaqaysanaya oo aan cidna xil ka saarnayn, waxaa iska muuqda in shacabku uusan arag mas’uul iyaga u adeegaya, waa Rammadaan! Waa fursad muhiim ah! Waxaan ku guubaabinayaa nimanka mansabyada siyaasadeed sheeganaya inay dhab u fiiriyaan xaaladda guud ahaan dalku ku suganyahay, bishaan la Soomanyahayna ay Ilaahay uga cabsadaan ummaddan Islaamka ah ee hoostooda ku nool,oo ay Colaadda ka joojiyaan.

Waxaad marar badan aan xasuustaa maalmo la soo maray, Jannaalayaashii KHaliijka ayaa ina soo maray sanadihii todoobaatameeyadii,waxaa hadda soo baxay niman lagu magacaabi karo Jannaalayaasha Siyaasadda, waa niman qurbaha ka dhoofaya oo Soomaaliya u shaqo tegaya, Xil-dhibaan, Waziir, Ra’’isal Wazaare, Madax-weyne, waxa uu raadinayana aad moodo inay tahay inuu xilkii ummadda loogu adeegi lahaa ay siyaabo kale uga faa’idaystaan, marka uu arko in xilkaas uu ka tagayna sabab kastaba ha uga tagee diyaarad ka soo raaco jeebabkoo u buuxa.

Ganacsatada waxaa looga baahanyahay inay qaataan kaalinta u banaan oo ah inay la yimaadaan dareen ah gartaan, fahmaan, heerka nolosha shacabka ay ka dhasheen, xaggee bay wax ka soo galaan, maxay heli karaan, dakhligoodu intee la eg bay heli karaan, ganacsatada waxaa hor yaala waajib aysan indhaha ka qarsan karin oo looga baahanyahay inay si wax ku ool ah oo muuqata gacan uga geystaan, sida; inay dadka qiimaha waxyaabaha lama huraanka intii u suuroobi karta u jabiyaan, inay gartaan xuquuqda Islaanimmada, dadnimmada, iyo Soomaalinimmada ee dadku taabaalaysan xoolahooda ku leeyihiin.

Sida muuqata Soonka sanadkan wuxuu ku soo beegmay xilli aad u kulul oo xataa gobolladii ay xagaayada ka da’i jirtay ayaa abaar iyo kulayl daran ka jiraan, dadka Bara-kacayaasha ah, yaan la yaraysan, yaana la sugin ilaa caalamaka qayladu soo gaarto, warar horu dhac ah oo hadda soo baxaya ayaa sheegaya inay abaaro jiraan dad badanna xaaladooda khatar ku sugantahay,Culummada ayaa waxaa hor yaala hawl adag oo la rabo inay hormuud ka noqdaan,waana qaybta mujtamaca ugu muhiimsan oo marka ay dhacaan masiibooyinka ay dadka dhibban rajada ugu weyn ka qabaan.

Waa waajib in xilligan oo kale la dareensiiyo dadka sidaasoo kale dhibaataysan inay yihiin xubno muhiim ah oo ka tirsan mujtamaca, waxaa kaloo is xasuusin mudan in dad-weynuhu fahmaan inaysan jirin cid gaar ah oo maanta mas’uuliyadda dadkaas saarantahay,qof kasta oo dadka ka mid ahna uu xil ka saaranyahay kaalinna ku leeyahay sidii dadkaas wax loo tari lahaa af ama addin.

Eraygii ugu horeeyaya eek u soo degay Nabi Muxammad macnaheedu wuxuu ahaa (Aqri) bisha aan ku jirno waa bisha uu soo degay eraygaas, macnaheedu waxaa weeye waa bishii aqoonta, waa bishii xil-kasnimada, macnaheedu waxaa weeye waa bishii nolosha, sidaas daraadeed dhibaatada wadanka ka jirtaa ee nooc kastaba ah waxaa la baahanyahay in la fududeeyo.

Aqri macnaheedu waxaa weeye naxariiso, macnaheeda waxaa weeye dadnimmada faham, macnaheeda waxaa weeye xaqaaga iyo kala garo dadka kale xaqooda, macnaheeda waxaa weeye carrada iyo cadaabka Alle ka fogow, macnaheeda waxaa weeye nolol aayatiin Adduun iyo Aakhiraba!..

Somaaliya ma la qabsaday?…Sida ay tahay dal Qaran ah ma lagu sheegi karaa? Soomaaliya: shaki la’aan mar kale dhiig baa loogu wan-qali!

“Alle Weyne Ilaahow, Aduunka Kii Lahayow, Ifka Kii Uumayee, Aakhiro la magansanayow, Ammaan Yeel Arligeena, Arxan laawe Iimeeya gudaha Iyo dibaddaba, Ka Ilaali Cadow Aafo U geysta.”

=Aammiin=

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

1 Response for “Alle Idankii Ku Wada Soonnay Caafimaad San! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan”

  1. [...] Excerpt from: Alle Idankii Ku Wada Soonnay Caafimaad San! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan [...]

Leave a Reply