Amaanka Muqdisho Oo Siweyn Loo Adkeeyay Xili Maalinta Barito Ah Lagu Wado Inuu Furmo Shirka Lagu Ansixinayo Dastuurka
Muqdisho (RBC Radio) Amaanka magaalada Muqdisho ayaa haatan siweyn loo adkaynayaa, waxaana magaalada lagu arkayaa askar oo lagu soo yaaciyay wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.
Adkaynta amaanka caasimada Soomaaliya ayaa waxay ka danbaysay, ka dib markii uu soo dhowaaday xiliga uu furmayo shirka ansixinta dastuurka oo lagu wado in uu furmo maalinta barito ah
Taliyaha ciidamada Nabadsugidda Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ammaanka magaalada ay si aad ah u xaqiijiyeen.
Wuxuu sheegay in haatan heegan buuxa la galiyay dhamaanba ciidamada dowlada Soomaaliya, si ay kaga hortagaan wax walba oo ka dhan ah amaanka.
Taliyaha ciidamada Nabadsugidda ayaa wuxuu tilmaamay in 54-isgoos oo ku yaala Muqdisho la dhigay ciidamo isugu jira Booliis Nabadsugida iyo Milateri.
Maalinta barito ah ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya kaasi oo baaqday ama dib u dhac uu ku yimid ilaa iyo labo mar ioo lagu balansanaa in shirkaasi uu furmo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] See original article: Amaanka Muqdisho Oo Siweyn Loo Adkeeyay Xili Maalinta Barito Ah Lagu Wado Inuu Furmo Shirka Lagu Ans… [...]
Waxaa markale baaqday Shirkii la doonayey in lagu ansixiyo dastuurka, kaas oo la doonayey in uu ka furmo Muqdisho (Sabti July 21, 2012) ayaa la sheegay in uu u “baaqday arrimo farsamo”.
Waxaa xaqiiqo ah in Ummadda Soomaaliyeed ay la wada socdaan damaca faraha badan oo lagu raadinayo in ay ku boobto dhulbadeedka Soomaaliya ayadoo u mareysa dariiqad kasta si ay ugu hirgasho mashruucaas wajiyada badan oo aan si cad dhowr jeer uga hor imid.
Wajiga cusub oo hadda uu Mashruuca Kenya lasoo baxay waxuu yahay in ay dhulbadeedkii ku cabirnaa Heshiiskii Is-Afgarad oo Qaramada Midoobay aay hadda ka hor go-aan ka gaareen ayadoo laga soo qaaday WAXBA KAMA JIRAAN- (NULL & VOID), ayeey hadda u kala qeybiyeen heshiisna kula galeen si shiidaal loogu soo saaro Shirkadaha kala ah:-
Anadarko: Block L5.
Total : Block L22.
ENI (Talyaani): Block L21, L23, L24
Statoil (Norway): Block L26.
Waxaa si isdaba joog ah usoo ifbaxaya khilaaf u dhexeeya wasiirka Dastuurka iyo Odayaasha Dhaqanka, islamarahaantaasna waxaannu la wada soconnaa in Dastuurka Qabyo Qoraalka oo hadda qarka u taaganyahay in la ansixiyo ayadoo lagu soo daray Qodob Kenya u hiilinaya in uu u hirgalo Boobkaas iyo khayaanadaas aay damacsanyihiin.
Qodobka 7aad (Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya), farqaddiisa 3aad ayaa lagu soo kordhigey erayada: Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.
Kuwa raba in dastuurkan la ansixiyo aad ayeey isugu taxallujinayaan in loo gudbiyo guddiga 850ka xubnood ah, kaddibna muraadkoodu waxuu yahay in la dhaho waqti hadda lama hayo lagu doodo ama qoraalka isbaddal hor leh lagu sameeyo ee hadda halloo codeeyo. HAA ama MAYA.
Arrintaas waa iska fahmi karnaa sida aay ku dhamaaneyso oo ah 50%+1 oo cod dheeri ah, ayadoo la dareemi karo doorka y ka cayaari doonaan Kenya iyo xulafadeeda.
War Soomaaliyeey Kumeel Gaarka (KMG) Hallaga boxo yaan lagu doorsan bililiqo loo geysto dhul-badeedka Soomaaliyeed.
Haddii la rabo in Dastuurka la ansixiyo, lana doonayo in laga boxo KMG, waxan qabaa in qodobka badda ama dhulka khuseeya gabiigiisaba laga saaro Qabyo Qoraalka oo aan loo gudbin guddiga wax ansixinaya si looga badbaado shirqoolkaas iska cad.
Sida aan la wadasoconno, qodobkaan khatarta ku ah dhul badeedka Soomaaliyeed, ma ahan mid dani ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed ee waa mid nalagu dirqinayo in la ansixiyo si loo gaaro danaha laga leeyahay dhul badeedka Soomaaliyeed oo ah in la bililiqeesto.
Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com
Hal ku dhegga Maanta:
Maxaa xuubka caarada na badey xaqana noo diidey
Ma xooleynu nahay maa dulmiga laga xajiimoodo
Xaqiyo baadil kee baa xurmo leh waa xujiyo yaabe
Annagoo diin xaniifaloo xabiibku noo keeney
Xufaaddiina ay joogto oo xabadku noo buuxo
Maxaa xeerka gaaladu dhigteen nagu xambaaraaya
(Abshir-Bacadle)
AKHRI: Aqalkii Liitey ee uu qoray Dr. Eenow
=
Asc Muqdishow Amaan kama jiro waa been waayo guryo dadkii lahaa markey u soo noqdaan lagu dhax
dilayo maxey tahey amaanka la sheegayo xabsiga ragga loo wadey oo mooryaan ah ayaa la sii daayey
dadka la tiro badanyahey waa la toogtaa kuwa tunka weyna waa sida ay wax u dilaan lama soo qabto maxey ku dhacdey Muqdishow waxey noqotey meel Halaq,Masas,Bahalo galeen oo afka mariid ku leh ay ka buuxaan waa bil soon qaad somaliyey iga jawaaba Guryaha xaaranta ah ee xooga lagu heysto mala lagu soomi karaan,zako malga dhiibi karaa,Xoolo xaaran ah oo dadkii lahaa aysan joogin oo xoog lagu heysto taa macnaheeda waxey tahey somaliya madageyso ogaada waa dhibka ka jira somaliya
Waan ku raacsanahay atoore dhamaan wuxuu sheegaayo waa sax ilaaheybaa og waana ramadaa
dhimasho dhaawac qarax dhac tuugo xoog xamar way kaxorooday hada waa xalaal hadii adeerkaa guri kamaqanyahay udoono maamulka banaadir sidhaqsiiyo ah baad uhelaysaah hadiise aadan maamulka utagin wixii ku soogaara waa jeebkaaga waayo hubku shacabkuu gacanta ugu jiraah ilaaxad iyo sidooliah kugu soo noqonkaro hubku maamulka gacantiisa lashaqeemaamulka waa uu kulashaqaynayaah iska ilow waabaa la isdilay mahadsanid
Roma hal habeen laguma dhisin