AMISOM Oo Baaq Ka Soo Saaray Marxaladda KMG Soomaaliya [War-Saxaafadeed]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

ku-xigeenka wakiilka midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya mudane Wafula Wamunyinyi

ku-xigeenka wakiilka midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya mudane Wafula Wamunyinyi

Muqdisho (RBC) Saraakiisha Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa war -saxaafadeed ka soo saaray marxaladda KMG ah ee dalka uu maraayo, iyadoo dowladda hadda jirta ay waqtigeeda uu ku egyahay 20-ka August ee sannadkan.

War saxaafadeedka ay soo saaren midowga Africa oo ay heshay RBC Radio nuqul ka mid ah ayaa AMISOM waxa ayugu baaqday dhinacyada siyaasadeed inay xaqiijiyaan marxaladda kumeel gaarka oo si fiican u dhamaata

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ka dhacay Muqdisho, ku-xigeenka wakiilka midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya mudane Wafula Wamunyinyi ayaa hoosta ka xariiqay ka go’anaanta madaxda dowladda kumeel gaarka si ay u dhaqan galiyaan hawlaha lagu dhameystirayo marxaladda kumeel gaarka ah.

Wuxuu yiri, “Wakhti xasaasi ah ayan ku jirnaa oo kamid ah taariikhda Soomaaliya taasi oo muhiim u ah mustaqbalka wadanka.

Marxaladda kumeel gaarka waa inay ku ekaataa 20ka bisha siddeedaad ee bisha soo socota. Soo xulida gudiga dastuurka qaranka waa gabagabo.”

Hawlgalka midowga afrika ee Soomaaliya waxay ug baaqeysaa dinacyada siyaasadeed inay la shaqeeyaan dowladda si loo hir galiya talaabooyinka lagu sugayo ammaanka ergada marka la gaaro shirka gudiga dastuurka qaranka ayaa lagu yiri war–saxaafadeedka.

Si kasta Soomaaliya waxa ay hadda isku diyaarineysa in ka dhacaan doorasho markii ugu horreysay muddo 21-sano ka badan, iyadoo magaalada Muqdisho ay hadda ku shirayaan odayaasha dhaqanka kuwaasoo soo xulata ergada ansixineysa dastuurka dalka.

AMISOM waxa ay ka cabsi qabtaa in haddii siddiii la rabay aysan wax-kasta u dhicin in laga yaabo in dib u dhac soo wajahdo shaqadooda dalka Soomaaliya.

RBC Radio

——————

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

4 Responses for “AMISOM Oo Baaq Ka Soo Saaray Marxaladda KMG Soomaaliya [War-Saxaafadeed]”

  1. [...] More here: AMISOM Oo Baaq Ka Soo Saaray Maxaladda KMG Soomaaliya [War-Saxaafadeed] [...]

  2. [...] Read More: AMISOM Oo Baaq Ka Soo Saaray Marxaladda KMG Soomaaliya [War-Saxaafadeed] [...]

  3. Ismahan says:

    Kkkkkkkk war anagay nawlaya somaliya cidna nabad umarabto iyo hor umarmidna nagadaya ciyarta

  4. xoghaye says:

    dalku dal dadku dugaag hadaan gafay waan idin raali galiyay waxaase hadaka iga keenay dad ayaxa cuna baa dantayda iisheegaya

Leave a Reply