AMISOM: Waxaan Diyaarinay Ciidamo Gaar ah Oo Suga Amaanka Muqdisho inta Uu Socdo Shirka Dastuurka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Maalinta barito ah ayaa waxaa lagu wadaa in uu magaalada Muqdisho ka furmo shirka lagu ansixinayo Dastuurka cusub ee Soomaaliya, kaasi oo ay ka qaybgalayaan furitaankiisa Masuuliyiin badan oo ka socota wadamada  Caalamka Qaramada Midoobay iyo Madaxda dowlada Soomaaliya.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa si looga hortago in ay dhacaan waxyaabo ka dhan ah amaanka iyo shirka qal qal galin kara ayaa ciidamada dowlad iyo kuwa AMISOM waxay dadaal badan ugu jiraan sidii u adkayn lahaa yeen amaanka magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in ciidamo gaar ah oo ka tirsan AMISOM ay u diyaariyeen inbta uu socdo shirkaasi si ay u sugaan amaanka.

“marka laga soot ago ciidamada la arkayo ee sugaya amaanka waxaa ka siibadan ciidamada aanan la arkaynin ee dhar cada ah eek u dhex jira dadweynaha kuwaasi oo ka tirsan AMOSOM.”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.

Wadooyinka magaalda Muqdisho iyo xarunta uu shirka ka dhacaya ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo badan oo sugaya amaanka isla markaana foojigan.

Shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee baaqday markii sadaxaad ayaa waxaa lagu wadaa in uu si rasmi ah u furmo 25-bishaan oo ku aadan maalinta Arbacada ah.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

Leave a Reply