Aqoon Darida Islawaynida ku Dhisan. W/Q Maxamed Jaamac


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Aqoon Darida Islawaynida ku Dhisan!!!!
Maxamed Jaamac
Dhagacade123@hotmail.com
Luulyo 06 2012

Umad waliba waxay leedahay taariikh wanaagsan iyo waliba midxun. Waxay kaloo leedahay dhaqano wanaagsan oo ayhaboontahy in la’ilaaliyo walibana lafaafiyo loona bandhigo bulshooyinka kalee caalamka ,si’ay usuurtowdo indhaqankaa wanaagsani uu badalo dhaqanada xunxun ee caalamaka maanta ku baahsan,haday taasi dhacdane waxaa suurtoobaysa yareenta xumaanta ,waxaan kor ukacay isdhaxgalka bulshada caalmak iyagoo nabad kuwada nool. Waxaykoloo bulshooyinku leeyihiin dhaqamo xunxun oo aytahay in laciribtiro lagana dheeraado gabi ahaanba.Hadaba,soomaalidu waxay kamid tahay bulshooyinkaas aanu soosheegnay oo xumaanta iyo samaant labadab leh.

Wadanka jarmalga wuxuu kamid yahay wadamada mar’ay taariikh aad ufolxun ugashay diiwanka taariikhda. Dagaalkii labaad ee aduunyada,waxaa dagaalkaa horboodayay sababtiisan lahaa wuxuu ahaa wadanka jarmalka oo uu hogaaminayay kiligii taliyihii waynaa ee HITLER,dagaalkaas waxaa ruuxdooda kuwaayay inkabadan 50 milyan oo bini’aadam ah kuwaasoo isugu jiray YAHYUUD,ARMEENIYAAN,qoomiyada loo yaqaano JIBSIGA,iyo waliba qoomiyado badan oo ah kuwa laga tirada badanyahay ee YURUB kunoolaa, ha ilaawin kumanaankii kun ee askarta ahaa ee dagaalkaa ku geeriyootay oo wadama badan ka koobnaa,SOOMAALIDU kamaysan maqnayn. Inkastooy dadka JARMALKU taageereen qorshayaashii HITLER ee naxariis darada ku dhisnaa,hadane kamayasan hor’istaagin bulshawaynta JARMALKA in’ay kabixiyaan RAALIGALIN buuxda kadib markay arkeen

waxay HITLER kutaageerayeen foolxumadii uulahaa iyo siduu uburburiyaya guud ahaan dunida gaar ahaane dalka JARMAlKA naftigiisa oogaaray heer lakala qaybsado .RAALIGALINTAA ay dadka JARMALKA bixiyeen wax ceeb ah umayasan soojiidin sharftooda iyo waliba bini’aadantini madoda,balse waxay koruqaaday dadnimadooda bulsho,waxaana looga markhaati kacay ilbax nimadooda heerka aygaarsiisantahay.

Hadaba bulshada soomaaliyeed maxaa looga baahanyahay in’ay kabarataan saaxiibadoo JARMALKA? Waxaa nalooga baahanyahay inaan kaga dayano inqofwaliba iyo ummad waliba ay leedahay khaladaad iyo wanaag ayna tahay sida wanaagooda ay masuuliyadiisa uqaataan, aysidaasoo kale iyo waliba si kadaran dusha uguritaan masuuliyada khaladkooda, RAALIGALINA ugabaxshaan islamarkaane taariikhdooda qoraan si’aysan baritoole ugudhicin isla khaladkii shalay oo kale. Hadaba bulshadeena maleedahay geesinimada shacbaka JARMALKOO kaleeto islamarkaane si geesinimo le intay usoo istaagaan qofwaliba khaladkuu kagalay walaalkii soomaaliyeed, qofkaleba hajooge, RAALIGALIN buuxda maka bixin karaa? sidaasoo kalane uu iska cafiyo isaga khaladkii lagga galay ,wixii lasoo dhaafayne uu xalay dhalay kadhigo,ileen dhibaatadii la’isgaarsiiyay dagaalkii 2aad ee aduunyadaba waa la’iska ilaaway,ma waxaan ilaawi waynay waxa angoo walaalo ah aan isgaarsiinay ,meeshii dunidoo aan ogsoonahay inata ay’isujirto ,Dad ahaan, Dhaqan iyo waliba Diin ahaanba iska ilowday wixii dhax maray haatane ay gacmaha isqabsadeen.

Waxaa nagu waajib ah inaan qaadano dhaqankeena kiisa fiican dunidaan aanu ku noolnahayne lawadaagno wixii fiican, waa hadii aanrabno inaan asaagaya latartano dhanwalba. Ma’ahan inaan ku ahaano dunida dusheeda culays ,inaan gacmaha hoorsano aduuunyadane aanan waxba ku soogordhin sida maanta aanunahay oo kaleeto.Iskadhaaf inaan aduunka wax tarnee anagiibaa teenii wax tarila, hadane aduunkiibaaba dhibaato kunoqonay ,Burcad Badee,argagixisa nimo iyo Isqarxis, Macaluu iyo Baahi aandhamaad lahayn, Aduunyadii oo ka daashay filinkaan aanwadno oo uultimado la’aanta ah!!.

Foolxumadaa kama bexeeno ilaa xal waarah loohelo AQOONDARADAAN ISLAWAYNIDA KUDHISAN,Markii horayba ISLAWAYNIDU doqonnimo ahayd hadane hady kudarsoonto AQOONDARIDA oo ahayd cadowga bulshooyinka waxa kuu soobaxaba waa FOOLXUMO.Iftiin la’aanta AQOONDARIDA iyo indha la’aanta ISLAWAYNIDA oo isbiirsadaa, habaar kaxun majiro.waxaana noogu filan tusaale waxa haysta wadankayaga hooyo, mudo kabadan 20sano oo dagaal ah maxaa keenikara oo aad isleedahay oo aan ka ahayn AQONDARI ISALAWAYNI KUDHISAN.

 
Hadal iyo dhamaantiis LAKALA DHEEREE ORADNA MA’AHAN,fadhiga aynu kakacnoo sidii bini’aadamkii aanu ufakarnoo meesha naloogatagay ceebteeda aynu ka istaagno.
W/Q: DHAGACADE
CODSI:
Idinkoo mahadsan hanagala bakhaylina wixii dhaliil ah iyo waliba talooyin ah, waanu soo dhawaynaynaa ee fadlan adigoo mahadsan noogu soodir …..email kaan hoos ku qoran iyo waliba waxaad nagula soobiiri karaan FACEBOOK BEEJKA ciwaankiisu yahay
(WAAYAHA UMMADDA)
Email: dhagacade123@hotmail.com
FACBOOK BEEJ: waayaha ummadda
==============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Share

Tags: ,

1 Response for “Aqoon Darida Islawaynida ku Dhisan. W/Q Maxamed Jaamac”

  1. [...] Continue Reading: Aqoon Darida Islawaynida ku Dhisan. W/Q Maxamed Jaamac [...]

Leave a Reply