Bandow Xaley Ka Dhaqan Galay Dhuusamarreeb


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Dhuusamarreeb (RBC) Waxa xaley ka hirgalay magaalada dhuusamarreeb ee xarunta gobalka Galgaduud bandow soconaya 6-da maqribkii ilaa 6-da aroornimo, kaddib dibadbaxyo rabshado wata ay shaley halkaas ka dhaceyn.

Goobjoogayaal ku sugan Dhuusamarreeb ayaa sheegay in maamulka Ahlu Sunna ee gobalada dhexe ay bandow xaley saareen magaalada, taas oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka.

Ma cadda in dad lagu qab-qabtay intii bandowga uu socday, waxana lagu soo waramayaa in xaaladda magaalada ay saaka degantahay oo wax rabshado aysan kajirin.

Magaalada ayaa shaley waxa ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo in shaqada ay joojiyaan guddiga caalamiga ah ee horumarinta dadka (CISP) oo gacanta ku hayay isbitaalka degmada Dhuusamarreeb.

Dad careysan oo isku soo baxay ayaa lagu soo waramayaa in ay xireen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada, waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayeen sida ay ugu xun yihiin xirnaanshaha isbitaalka guud ee degmada Dhuusamarreeb sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan dhuusamareeb.

Ilaa hadda kama hadliin maamulka Ahlu Sunna ee gobalada dhexe oo ku aadan shaqo joojinta ay sameesay hey’addan (CISP) oo gacanta ku haysay isbitaalka degmada Dhuusamarreeb.

Sida la sheegayo guddiga caalamiga ah ee horumarinta dadka (CISP) oo gacanta ku hayay isbitaalka magaalada Dhuusamarreeb ayaa Khamiistii la soo dhaafay isbitaalka ku wareejiyay maamulka Ahlu Sunna ee ka arrimiya halkaas, waxana ay u sababeeyeen dhaqaalo dari la soo daritay taas oo keentay in aysan shaqadooda sii wadi karin.

Toddobaadkii hore ayaa Dr. Abdi Tarri oo ah madaxa CISP ee gobolka Galgaduud oo shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamarreeb uu sheegay in duruufo la soo gudboonaaday ay ku khasabtayn inay joojiyaan howshii isbitaalka.

Madaxa CISP ayaa sheegay in isbitaalka lagu daweeyay 30,000 oo qof tan iyo markii lagu wareejiyay hay’addiisa, iyadoo qalliin lagu sameeyay 270 haween ah, lana daweeyay 18,000 iyo 200 oo carruur ah.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

2 Responses for “Bandow Xaley Ka Dhaqan Galay Dhuusamarreeb”

  1. [...] Originally posted here: Bandow Xaley Ka Dhaqan Galay Dhuusamarreeb [...]

  2. hershi says:

    Ahlul sunnow ma dawladaad ka mid tahay misa etobiyaad hoos tagtaan misa al shabaab ISCADEEYA

Leave a Reply