Barnaamijka Wacyigalinta Dhalinyarada oo Si Xowli ah Uga Socda Minneapolis (Dhageyso)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Cabdiraxmaan Mukhtaar

Minnesota (RBC Radio) Waxaa Xarunta Brian Coyle Community Center ee ku taala magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ka socda barnaamij wacyigalinta Dhalinyarada ku Nool Xaafada Cedar Riverside.

Barnaamijkaan oo sanadle ah ayaa hada waxaa uu marayaa sanadkii Sadexaad waxaana la qabtaa Xiliga Xagaaga ah.

Waxaa loogu talagalay in dhalinyarada laga wacyigaliyo waxyaabo badan sida Maandooriyaaasha, Dhanka Amniga, dhanka waxbarashada, Waxbarashada iyo waxwalba oo waxtar u leh Dhalinta Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale isbuucaas wacyigalinta ah Dhalinta loo qabtaa waxyaabo lagu mashquuliyo oo ay kamid tahay Ciyaaraha sida Kubbada Koleyga.

Hadaba anaga oo u kuurgaleyna ayaan waxaan wax ka weydiinay Cabdiraxmaan Mukhtaar oo kamid dhalinyarada waxtarka u leh shacabka Soomaalida ah ee kunool Magaalada Minneapolis.

Inkasta oo uu Cabdiraxmaan Mukhtaar uusan  kamid aheyn waqtigaan ururka soo abaabulay Wacyigalinta Dhalinta Cedar-Riverside hadana waxa uu ahaa aasaasihii Barnaamijkaan Isbuuca wacyigalinta Dhalinta, waxa uu hada mudane Cabdiraxmaan hawlwadeen ka yahay Maktabada Hennepin County.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA CABDIARXMAAN MUKHTAAR

Share

5 Responses for “Barnaamijka Wacyigalinta Dhalinyarada oo Si Xowli ah Uga Socda Minneapolis (Dhageyso)”

  1. [...] DHAGAYSO CABDIRAXMAAN MUKHTAAR OO KAMIDA DHALINYARADA MNPLS DHAGAYSO « PreviousCabduwali oo warysi dheer bixiyey Roadmapka daawo vedeos [...]

  2. duniyo says:

    Mr Mukhtaar and rbc waad mahadsan tihiin shacabka waa in wax loo qabtaa ee yaan wax laga qabsan guul baan u rajeynayaa raga soo yagleelay C-R Week

  3. bulxan says:

    cedar riverside waa halbowlaha shacabka soomaalida ah ee twin city area dagan waxaad arki kartaa galbihii hadaad usoo baxdid park kigeeda weyn boqolaal qoysas oo halkaas caruurtooda ku cayaarayaan waa barnaamijyadaan oo kale la xoojiyaa oo kuwa kalena lagu daraa raxanreeb magaaladaan wey idiin baahan tahay ka shaqeeya

  4. muniira says:

    This is Great we love you Abdirahman and Raxanreeb RAXANREEB GACMO FURAN UGU SOO DHAWAADA TWIN CITY WE NEED YOU WALAAHI RBC IS THE BEST

  5. cali says:

    maasha alaah waa wadani dhab ah cabdiraxmaan iyo hawlwadeenada kale ee iska taxalujiya in dadkooda wax u qabtaan waa in hadaanu nahay reer Minneapolis aan uwada istaagno sidaan u wada badbaadin laheyn umadeeena

Leave a Reply