Baydhabo: Faah-Faahin Carruur Ku Geeriyooday Miino Ku Qaraxday
Baydhabo (RBC) Wararka naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in ugu yaraan toddobo carruur ah ay ku geeriyoodeen markii ay ku qaraxday miino ay ka soo qaadeen geed hoostiis tuulada Komokoogo oo 20km u jira magaalada Baydhabo.
Sida ay sheegayaan dhaqaatiirka isbitaalka guud ee Baydhabo, carruurta miinada ku qaraxday oo gaareysa ilaa sagaal kuwaas oo da’dooda ay ka yertahay 14-jir ayaa shan ka mid waxa ay ku dhinteen goobta, halka labo kalena goordambe ay ku dhinteyn isbitaalka.
Carruurta wax ku noqday miinadaas ayaa waxa ay ka yimaadeen xiligii ay ku qaraxeysa dugsi qu’aan, waxana afar ka mid ah carruurta geeriyootay ay ka soo jeedeen hal qoos.
Labada carruur ee dhaawaca ah ayaa la soo sheegayaa in xaaladooda caafimaad ay aad u liidato, waxana aad u yer waxyaabaha ay u qaban karaan dhaqaatiirta joogta isbitaalka, waayo Isbitaalka guud ee Baydhabo waxa heesata hadda dawo-yari iyo shaqaalo la’aan taasna waxa ay saameysa in buukanada lageeyo aysan heli karin adeeg caafimaad oo dhameestiran.
Magaalada Baydhabo oo ay hadda ka arrimiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia, waxa seddax kasno ka hor ku sugnaa Al-Shabaab, waano magaalo ay ka dhaceen dagaallo xooggan, waxana magaalada wali buuxa hubka haraadigiisa, kuwaas oo qatar ku haya qoosaska iyo dadka reer miiyiga ah ee ku nool halkaas Baydhabo.
Magaalada waxa ka dhisan hey’adda qaabilsan in dadka ay kawacyi galiyaan qataraha waxyaabaha qaraxa, laakin waa ay iska yartahay waxa ay arrintaas ka qabteyn, waana ay soo laalabatay waxyeelada ay geestaan haraadiga hubka ee wali daadsan Baydhabo.
RBC Radio
————————-
Xafiiska Wararka Muqqdisho












[...] Read the original: Baydhabo: Faah-Faahin Carruur Ku Geeriyooday Miino Ku Qaraxday [...]
Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. waa dhacado laga naxo run ahaantii oo xanuun badan.
waana qayab ka mid ah dhibaatooyinka dalka jirah oo walaalo badan naftoda galaftay ama ku curyaamen. Miinada iyo gumuc yada bombo yinka iyo waxa yaalah qara. waan waxaan gacantena ku kas banay. illahay waxaan ka baryana in walaalah qulubtoda illahay isku xaro. walaalahaygow aduunkan waa malmo kooban waana laga tagaya qof waal bana waa ogayahay. qof walban illahay waa xisaabinaya shar iyo khar waxuu geestay. Hadii aya dhicilahad in qof waliba u walaalahis muslinka ah oo xaqa dhowro waxaan oo qaxa iyo qaraxa ah madhacaden. Nebiga S.C.W qofki qodax jidka ka qaada waxuu leeyahay ajar weyn anaguna maxaan sameena mino ayaan ku asnaa wadoo yinka.