Beesha Cali Jibraahiil oo baaq ay soo saartay ku cambaaraysay degmooyinka Puntland qaarkood in laga saaro degmooyinka ay u taratamayaasha golayasha deegaanka Puntland
KU: Golaha Xeerdejinta Puntland Garoowe.
OG: Golaha Sare ee Garsoorka Puntland Garoowe.
OG: Madaxweynaha Puntland Garoowe.
Ujeeddo: Baaq ay soo saareen Beesha cali jibraahiil.
Hordhac.
Curashadii Gobanimada soomaliya oo ku aadnayd 1dii luulyo 1960kii,waxaa lagu dhaliyey dhiigga ummada sooliyeed qaybaheeda kala duwan oo aan u kala harin sidii ay isaga ridi lahaayeen heeryada gumeysiga,taas oo lagu gaarey xorriyad iyo qaranimo magac iyo maamuus weyn ku yeelatay Dunida inteeda kale. Waxaan muran kajirin in guushaas weyn ay saldhig u ahayd isku duubni,tala wadaag iyo daacadnimo laga simanyahay si loo gaaro yoolka la higsanayey.
Waxa kaleeto oo iyana laga fiyoobaa qabyaalad,quud jacayl iyo qaybsan ka jira dhexdooda,taas oo sabab u noqotay jiritaanka qaran soomaaliyeed muddo ka badan soddon sano,iyadoo ay marba hoggaanka qabanayeen maamullo kala duwan oo mid waliba ka tegey raad iyo taariikh qoran oo lagu xusuusto .
Nasiib darro gobanimadii dhibkaas weyn loo soo maray waxaa si fudud god dheer loogu ridey bilawgii sanadakii 1991dii,waxaana ka dhashay dagaal sokeeye oo daba dheeraaday islamarkaasna kala geeyey dadkii wada degganaa ee walaalaha ahaa.inbadan ayaa kala firirkii u baxsaday Dalalka debedda,in badan oo kale ayaa marti u noqotay wadamada aan deriska nahay kuwaas oo loogu madacdaray Qaxooti,ilaa maantayna ku nool nololosha adduunka tan ugu liidata.
Muddo kaddib Burburkaas iyo barakaca dhacay waxaa ka dhashay degaanno iyo dadyow isu tegey oo labaxay magacyo cusub ee Maamul,waxaana kamid ah Puntlan iyo Somaliland.
Dhismihii Puntland.
Muddo kaddib Burburkii qarankii soomaaliyeed dadka ku nool gobolada Puntaland waxay hindiseen isku day farabadan oo ku saabsan sidii lagu soo celinlahaa Qarankii soomaaliyeed iyadoo meelo kala duwan lagu qabtay shirar lagu raadinaayo sidii dib loogu unki lahaa Dawladnimadii soomaliyeed,hase ahaatee waxaa dhacday in lagu wada fashilmay dhammaantood,taas oo ay usabab ahayd in ay weli jireen fikradihii iyo shaqsiyaadkii burburiyey qarankii soomaaliyeed,islamarkaasna aanay maskaxdooda ka bixin Damicii iyo kursi jacaylkii dhaliyey in lawaayo wixii lahaystey oo dhan(Dawlad,hanti,iyo naf ).
Markii taas laga soo haray ayaa wax garadka Bulshada reer puntland isugu yimaadeen isku tashi gaar ah si ay u dhistaan maamul u gaar ah oo isir wadaag ah, kaas oo ugu dambayntii 1dii Augost 1998 kii lagu dhawaaqay maamul loogu magacdaray Puntland.
Ujeedada maamulkaas waxay ahayd inuu saldhig u noqdo baadi goobka soo celin rajadii qaranka soomaliyeed iyo midnimadoodii luntay ,iyadoo Somaliland horay u dhisatay mid kaas ka horjeeda oo ay ku sheegeen inay gooni isu taageen ayna dib ugu soo noqon doonin soomaalida inteeda kale,marka laga reebo deristnimo keli ah.
Dhismaha maamulkaas isir wadaagga ah wuxuu horseeday hanaan Maamul,Dhaqaale ,Siyaasad iyo mid Amni oo ay ku kuunyaan soomaalida inteeda kale iyo caalamkuba,iyadoo marba marka kadambeeya uu jirey koboc saameeynaya dhammaan nolosha ijtimaaciga ah oo ay ugu weyneyd in ay soomaalida iyo derisyada kaleba marti u noqoto,qof walibana uu ka helo baahidiisa halka uu ka joogo(kaga noolyahay).
Waxaa iyana xusid mudan in maamulkaasi si buuxda u wada gaaray dhammaan gobolada iyo degmooyinka loo dhisay isagoo ay si dhammaystiran uga wadashaqeeyeen hayadaha Dawladda,inkastoo ay jireen marwalba caqabado kala duwan oo dhinac socdey horumarka iyo nabadda aan ka jirin soomaalida inteeda kale.
Waxaa iyaduna xusid mudan in ay muuqatay himiladii loo dhisay puntland maxaa yeelay waxay horsed ka ahayd dhismihii Dawladdii soomaaliyeed ee lagu soo dhisay Dalka Kenya (imbegati) sanadkii 2004,iyadoo uu madaxweyne ka noqday madaxweynihii Aabaha u ahaa dhismahii Puntland,ilaa iyo haddana puntland waxay kaga jirtaa kaalin libaax sidii looga gudbilahaa kumeelgaarka oo loo dhisi lahaa dawlad Qaran soomaaliyeed oo buuxisa kaalintii lagu yiqiin ummadda soomliyeed.
Maamulka puntland iyo halka maantay uu marayo waa mid Alle lagu mahadsho in kastoo ay jiraan gol daloolooyin u baahan in wax looga qabto sida ugu habboon islamarkaasna ay gacanta ku qabtaan dad ay hormuud u yihiin odayaashii unugeeda lahaa.
Waxaan ku faani karnaa in maantay larabo in loo gudbo habka Axsaabta badan iyo doorashooyin xor ah oo dalka ka dhaca iyadoo horayna loo ansixiyey Dastuurkii dalka oo si weyn looga baaraandegey ,ayna diyaarintiisa iyo Dib u eegistiisaba kawada qayb qaateen bulshada oo dhan siiba culimada Waaweyn ee puntland si looga fogaado inuu khilaafno diinteena Xanafiga ah.
Dastuurkaas oo loogu talagalay in lagu dhaqo maamulka dalka waxaa fulintiisa iska leh hayadda fulinta ,iyadoo ilaalintiisana ay leeyihiin Golaha wakiilada puntland oo u badan niman shaqaynayey intii puntland jirtey.
Marxaladda Xisbiyada Badan iyo doorashooyinka.
Maadaama aan ka gudbeyno habkii xulidda,oo aan u gudbeyno habaka doorashada waxaa lagama maarmaan ah inaan dhawrro shaciga iyo xeerarka aan ugu tala galnay inaan ku gaarno meesha aan u soconno,waxaana si gaar ah xil uga saaranyahay hayadaha kala duwan ee dawladda ,maxaayeelay haddii aan la dhawrin shuruucdaas waxaa dhici doonta in aan lagaarin halka loo socdo ,amase ay dhacaan qalalaaso dhaliya carqalado Siyaasadeed iyo kuwo Amni, maadaama ay jirto kala duwanaansho Siyaasadeed iyo mid fikir oo ka dkex jirta intii wada dhisatay puntland amase ay qaar ka mid ah ay madasha hadda ka maqanyihiin,taasna waxaa lagaga hortegi karaa in aan wada dhawrro sharciga siwada jir ahna ugu hawlagallo hawlaha socda.
Waxaa muuqata in durba lamarin habaabiyey arrimaha la xidhiidha habka Doorashooyinka iyo Xisbiyada soo socda lagana leexshey tubtii toosnayd,taas oo horseedeysa dhibaatooyin ka abuurma puntland dhexdeeda,waxaana hormuud ka ah Marin habawgaas madaxda Qaranka iyo hawlawadeenada ay u magcaabeen arrimaha Doorashooyinka iyo xisbiyada badan.
Guddiga Doorashooyinka Puntland .
Si loo gaaro Dimuqraadiyad iyo doorashooyin xor ah waxaa lagama maar maan ah in la helo ciddii hawshaas si gaar ah ugu qumi lahayd oo aqoon iyo daacadnimo kaga mira dhalin lahayd.
Maamulka hadda jiraa wuxuuna magcaabay guddigii hawshaas hogaamin lahaa,balse nasiib darro weyn waxaa ah in madaxda sare ee guddiga doorashadu yihiin kuwo aan horay loogu aqoon hoggaan Caddaaladeed,balse ku caanbaxay Cunsuriyad iyo Qabiil jacayl,waxaana taas u daliil ah sidii ay u maamuleen xubnihii Ergada Beelaha Gobolka Bari uga qayb galay ansixinta dastuurkii Puntlad ee dhowaan ka dhacay magaalada garoowe, waa tallaabadii ugu horreysey uguna fududayd hawsha laga sugayo ,waxayna awoodi waayeen iney lasugaan xeeshooda marka hawsha weyni bilaabato.
Waxaa kale oo markhaati ah wixii horay looga soo maray waqtigii UNISOM,iyo halka ay kaga jireen muranka Degmooyinkaas (Baargal, Ufayn, Rako iyo waaciye), iyadoo maantayna aad mooddo in ay doonayaan in loo noqdo waqtigii UNISOM oo ay ka soo wareegtey 20 sano, iyagoo ka bilaabay shaqadii loo igmaday halkii horay loogu ogaa,waa rajo xumo muujineysa in raadkii hore dib loogu noqdo,tan haatan lawadaana aan lagu guulayasan oo ay mar dhow fashilanto.
Sharciga doorashooyinka dalka
Waxaa jirta in lasameeyey sharciyo kala duwan ee la xidhiidha Doorashooyinka,kuwaas oo ay saldhig u yihiin Dastuurka Dalka,haddaba waxaa muuqata in ay hadda jiraan shuruuc ka hor imaaneysa dastuurka dalakeena kuwaas ay kamid yihiin sharciga Doorashooyinka Golayaasha Degaanka,kaas oo dhowaan ay ansixiyeen Golaha wasiirada puntland, haddana uu horyaallo golaha wakiilada puntlad,sharcigaas waxaa ku qoran sidan hoos ku qoran:
- In Doorashooyinka Golayaasha degaanku ka dhici doonaan 20 Degmo kamid ah Degmooyinka Puntland,kuwaas oo lagu sheegay in ay ahaayeen Degmooyinkii jirey markii ay burburtay Dawladdii dhexe ee soomaaliya,iyadoo laga tegey degmooyin kale oo ay horay u magcawday Dawladdii dhexe ee soomaaliya ,mana jirto sabab sharci oo loo kala saari karo Degmooyin puntland wada ah isla markaasna isku waqti,Dawlad iyo Dekreeto ah,degmooyinka laga tegeyna wexey kala yihiin:-
- Degmada Baargaal
- Degmada Ufayn
- Degmada Rako
- Demada Waaciye
- Waxaa kale oo iyadana xusid mudan in dastuurka Dawladda Puntland uu qorayo in doorashooyinka puntland ay kawada dhicidoonto dhammaan Degmooyinka puntland,Degmo wlibana ay xaq u leedahay in ay hesho kuraasta ay kaga qayb geleyso dhismaha Dawlad Demuqraadi ah ee ka dhalata Puntland.
Haddaba Beesha Baaqan soo saartay markay aragtay arrimahan kor ku xusan waxaa lagama maar noqotay iney soo saarto Baaqan ku socda Xildhibaanada Puntland waan kan hoos ku qoran:-
Nuxurka Baaqa.
- Golaha wakiilada Puntalnd waxaan halkan ugu soo gud bineynaa baaqan aan kaga cabanayno in sharciga dalka loo adeegsado sida uu jecelyahay ninka gacanta ku haya ,taas oo macneheedu yahay in lagu tunto xuquuqda Dadka muwaadiniinta ah iyadoo la fulinanaayo dano qof iyo mid Qabiil.
- Waxaa Beesha baaqan soo saaartay cabasho ka soo jeedinayaan dhammaan Degmooyinka Puntland ee laga tegey ee aan kor ku soo sheegnay kuwaas oo loo diidanyahay iney helaan xuquuqdooda dastuuriga ah,ha ahaadeen kuwii dawladdii dhexe ee soomaaliya magcawday,ama ha ahaadeen kuwa kale oo mutaystay in Doorasho laga sameeyo.
- Waxaan u soo jeedineyneynaa golaha wakiilada puntland in ay iyagu dadka wakiil u yihiin ayna difaacaan cidda xuquuqdeeda la duud siyayo.
- Waxaan xaq dhawreynaa xilka aad u haysaan ummada iyo xeerarka dalaka,waxaana idinka rajeyneynaa tallaabo raali gelisa Bulshada Puntland dhammaanteed,gaar ahaan Demooyinka Baaqa cabashada ah soo gudbiyey.
- Waxaan rajeyneynaa inaad cabbirikartaan cawaaqibka ka imaankara bulsho la caburiyo,iyadoo laga dheehankaro Baraarugga maantay ka socda caalamka hereerteena deggan.
- Waxaan uga digeynaa Golaha Baarlamaanka Puntland in eysan sabab u noqon kala goa Dunta tabarta daran ee isu haysa Puntland,gaar ahaan xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sool,kuwaas oo waayadan dambe lagu xamanayo inay noqdeen kuwo u adeega cid gaar ah amase fushada Dano gaar ah.
- Waxaa muuqda in aysan hirgelidoonin hawsha xisbiyada badan iyo doorashooyinka Dawladaha hoose haddii aan la helin hoggaan lagu kalsoonyahay maadaama madaxda hadda hawsha loo diray aanay ehel u ahayn.
Wa billaahi tawfiiq
- Beesha CaJi li braahiil (Magacyada saxiixayaasha Baaqan)
- Nabadoon Cali Cumar Guure
- ,, ,, Yuusuf Faarax Maxamuud
- ,, ,, Xirsi waaberi Xaaji nuux
- ,, ,, Cali Cumar Guure
- ,, ,, Xasan huruuse Guuleed
- ,, ,, mahad askar maxamd
- ,, ,, Maxamad AW-Aadam Yuusuf
- ,, ,, Aadam cali saalax
- ,, ,, Mxamad Aadam muuse
- ,, ,, Xasan Axmad muuse
- ,, ,, Maxamad Xuseen Maxamuud
- ,, ,, C/laahi Shire Maxamad
- ,, ,, Axmad Xasan Maxamuud
- ,, ,, Jaamac Jibriil muuse
- ,, ,, Cabdi faarax Maxamuud
- ,, ,, Khaliif huruuse Yuusuf
- ,, ,, Bashiir ciise Irbad
- ,, ,, Ismaaciil Sheekh cabdisalaam
- ,, ,, Axmad C/laahi Xaaji Cumar
- ,, ,, Axmad xaaji Maxamuud Axmad.
- Ganacsade Maxamd huruuse yuusuf
- ,, ,, Cismaan Shure Maxamad
- Ganacsade Yaasiin Cartan Maxamad
- ,, ,, Cali Mire cartan
- ,, ,, Maxamda siciid Dable
- ,, ,, Maxamad Mire waaberi
- ,, ,, C/laahib cabdi saalax
- ,, ,, C/risaaq salad Cabdi
- ,, ,, Cumar Jaamac Jiriido
- ,, ,, Maxamuud Bile cabdi
- . Maxamuud Mire waaberi
- ,, ,, C/salaam Naxar maxamad
- ,, ,, Sahal Maxamd Axmad
- ,, ,, Axmad Cismaan Irbad
- ,, ,, bAxmad Maxamad Maxamuud
- ,, ,, Naalaye Aadam yuusuf
- Aqoon yuahan Dr C/qaadir Shire Maxamad
- ,, ,, ,, Maxamuud Yaasiin Cartan
- ,, ,, ,, Liibaan Faarax Xasan
- ,, ,, ,, Maxamuud Cabdi Beeldaaje
- ,, ,, ,, Axmad Cali Cumar Guure
- ,, ,, ,, C/qaadi Barre Daalib
- ,, ,, ,, Mahdi Cabdi kaatun
- ,, ,, ,, Salad Siciid Cartan
- ,, ,, ,, C/kariim Farax Ismaaciil
- ,, ,, ,, Maxamad yuusuf Beeldaaje
- ,,, ,, ,, Siciid Abshir maxamad
- ,, ,, ,, Axmad Maxamad Huruuse
- ,, ,, ,, Maxamad Maxamuud Idiris
- ,, ,, ,, Maxamd cabdi Cismaan firdhiye
- ,, ,,, ,, yuusuf Cali Samatar
- Haweenka Marwo Khadiijo cismaan Fidhiye
- Sareedo Jaamac cadde
- Mahado Cabdi maxamad
- Buuxo Maxamuud Cumar
- Murwo Xareed Ilbir
- Raxmo yuusuf Cali











Puntland ha noolaato, =========== oo dhan ha noolaadaan, ============= oo dhan (intaan kaba qaadka aheyn) ha noolaadaan, Insha’Allah inagey guushu nagu danbeen doontaa Cadowgeena ha jabo. Aamiin Aamiin Aamiin. …
waxan tageersanahay baqa aysoo jeediyeen dhamaan dadka meesha ku qoran waana waxa laga xumaado waxa ay odyaashu arkeen oo anay arag dhalin yaradu
aad ayaan u taageer sanahay baaqaa ka soo baxay beeshaa dagmooyinkaa xaqooda cidkaqaadan karta majirto balse ninkaa faroole ladhahaayo isbitaalka waalida halageeyo ayaan dhihilahaa