Beledweyne: Ciidamada Ethiopianka oo Maanta Dad Rayid ah Xasuuqay
Beledweyne (RBC) Ciidamada Ethipianka ee ku sugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maanta markale fal xasuuq ah ka geystay magaaladaasi kadib markii ay si arxan darro ah u dileen illaa shan ruux isku goob iyagoo rasaas ay fureena ku dhaawacay 10 kale.
Xasuuqa ay geysteen maanta ciidamada Ethiopianka ayaa ka dambeeyay kadib markii saaka aroortii hore labo qarax oo miino loo adeegsaday lala beegsaday baabuur kolonyo ah oo ay wateen Ethiopianka kuwaasoo marayey xaafadaha bariga Beledweyne, halkaasoo hal baabuur uu kaga burburay Ethiopianka.
Goob joogayaal ayaa Raxanreeb u sheegay in qaraxyada saaka kadib ciidamada Ethiopianka ay bilaabeen inay dad ka qabqabtaan xaafadaha bariga Beledweyne, waxaana dadka ay qabanayeen ahaayeen dhalinyaro iyo wixii rag ah ee ay arkaan kuwaasoo ay ula dhaqaaqeen xerada ay degan yihiin oo magaalada ka baxsan halkaasoo markii dambe ay ku toogteen dadkii ay qabteen oo shan ruux ahaa.
Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan, duqa degmada iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan oo dhamaantood galabta ka hadlay dhacdada ayaa xaqiijiyey in askarta Ethiopianka ay xasuuqeen dad rayid ah oo qabqabteen iyagoon wax maxkamad ah geynin.
Sidoo kale odayaasha Beledweyne oo iyaguna galabta ka hadlay dhacdada ayaa si kulul u cambaareeyay xasuuqa Ethiopianka ka geysteen Beledweyne, waxayna maamulka gobolka Hiiraan iyo dawlada KMG ah ka dalbadeen inay jawaab ka keenaan saraakiisha Ethiopianka dilka maanta ka dhacay Beledweyne.
Dadka ay dileen Ethiopianka waxaa ku jira dhalinyaro saaka ay kala bexeen guryahooda xilli ay hurdayeen iyagoo ku eedeeyay inay wax ka ogaayeen miinooyinka saaka kula qarxay bariga Beledweyne, sida ay Raxanreeb u sheegtay haweeney eedo u ah mid ka mid ah dhalinyarada ay maanta dileen ciidamada Ethiopia.
Saraakiisha Ethiopianka loogama baran inay ka hadlaan tacadiyada ay geystaan iyo eedaha loo jeediyo, mana leh afhayeen lala xiriiro.
RBC Radio











Inalilahi wa ina ihayhi rajacun ilahow unaxariso in tiiku dhimatay oo aydhishay yahuudu wa in aykabaxan wadanaka galo galadi uguxiumayen weye
Let them kill
Im puré somalian and im Happy to heard that
Awaalba somali waay isdiilayeen so let the our ethiopian millitery kill those al shabaab
Or even suspect u let the kuufar been in Somalia
Kii Yahuud dishey , kii mooryaan dishey, kii Alqaacidda dishey, kii baahi lagu diley iyo dhamaanba muslimiinta Alla ha u naxriisto.
QABIIL IYO QARAN ISMARAACAAN SOOMALI MID DOORO AMA AMXAARKA HA ISKA KAADILO
walee xabashiyeey in aan taas la’iskaga haraynion intay rabtaba haqaadatee.