Boqor Buur-madaw: “Afarta bilood iyo dheeraadka aan xidhnaa wax ii kordhay mooyee wax iga dhacay ma jiro”
Hargeysa(RBC):- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo ka tirsan Madaxda Dhaqanka ee Beelaha Somaliland, ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay muddo afar bilood iyo maalmo ah oo uu xidhnaa sidii loola dhaqmay, xaaladda caafimaadkiisa iyo sida uu u arko cafis la sheegay in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo u fidiyey oo xalay lagu soo daayey.
Qaar ka tirsan Warbaahinta Somaliland ayaa Boqor Cismaan Buur-madaw ku booqtay maanta guriga uu deggan yahay ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxay wax ka weydiiyeen xaaladdiisa, caafimaad sida ay tahay, sida uu xadhiggiisii, cafiska la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo u fidiyey ee lagu soo daayey iyo tallaabooyinka hadda u qorshaysan.
“Aad iyo aad buu u fiican yahay caafimaadkaygu, wax ii kordhay mooyaane waxba igama dhicin, run ahaantiina waxaan odhan karaa caafimaadkaygu wuu ku sii siyaaday afar bilood iyo waxoogaa (maalmo) aan xidhnaa, caafimaadkaygana waad ka aragtaa oo aad iyo aad baan u fiicanahay.” Sidaa ayuu yiri Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw.
Buur-madaw waxa uu sheegay inuusan maanta ka hadlaynin wax la xidhiidha dhinacyada siyaasadda ee la xidhiidha xadhiggiisa, waxaanu yiri; “Ma doonayo inaan arrimaha xadhiggayga ka hadlo, dibbaan u dhigan doonaan markaan la tashado raggayga iyo dadkayga reer Somaliland, maanta intaa waxaan ahayn oo aan odhanayaa ma jirto, warkaygana waxaan u dhiganayaa markaan nasto.”
Boqor Cismaan Buur-madaw, waxa uu u mahad-celiyey Madaxda dhaqanka Somaliland, Hay’adaha iyo Ururrada Xuquuqda Aadanaha u dooda, Warbaahinta iyo qaybaha bulshada reer Somaliland iyo Soomaaliyeed ee ka xumaaday, ka hadlay ee cambaareeyey xadhiggiisa.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw, ayey Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ee magaalada Hargeysa 8-dii bishan aynu ku jirno ee Luulyo ku xukuntay hal sano oo xadhig ah, ka dib markii horraantii bishii Maarso ee sannadkan 2012-ka ciidammada ammaanku ka qabteen garoonka diyaaradaha Hargeysa oo uu ka soo degay, iyada oo Xukuumaddu ku eedaysay inuu aflagaaddeeyey Madaxweynaha Somaliland, isla markaana isku dayey inuu bulshada kiciyo.
Hase-yeeshee, inkasta oo kiisas kala duwan oo Xeer-ilaalinta guud ee Somaliland Maxkamadda horkeentay ay bureen oo lagu guulaysan-waayey, haddana markii dambe waxa Maxkamadda Xukuumaddu culays ku saartay in go’aan xadhig ah laga gaadho dacwadda Boqor Buur-madaw, taasoo Xukunkeeda ridday 8-dii Luulyo 2012. Waxaana markaa ka dib loo wareejiyey Xabsiga degmada Mandheera ee gobolka Saaxil, halka uu inta hore ku xidhnaa Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo ah xarunta maamulka Somaliland.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw, ayaa intii aan la xidhin si kulul u dhalliili jiray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana waxa xadhiggiisa hore loogu macneeyey mid siyaasadeed oo lagu baraq-jabinayo. Inkasta oo ay dadweynaha reer Somaliland intooda badani dhawrayeen sida uu marka la soo daayo u hadle, haddana waxa uu maanta hadalkiisa ka muujiyey taxaddir badan, balse waxa isha lagu hayaa warkiisa uu sheegay inuu dib u dhigtay iyo waxa uu kaga hadli doono haddii Illaahay yiraahdo.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.















noloow caaqil oo somali raadih ishaa alaah