Caaqil Maxamed Aadan: Xuduudaha Soomaaliya Waa Lama Taabtaan
Muqdisho (RBC Radio) Caaqil Maxamed Aadan Cali Cabdulaahi oo ka mid ah wax garadka ku shiraya magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay jiraan qodobo badan oo kuy qoran dastuurka oo wax u dhibaya dalka iyo diinta.
Wuxuu sheegay in odoyaasha dhaqanlka Soomaaliyeed qodobada ay sida aadka ah kaga soo horjeedaan ay ka mitahay qodobka todobaad faqradiisa saddexaad oo ku saabsan xuduudaha Soomaaliya.
Caaqil Maxamed Wuxuu sheegay in xuduudaha Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah islamarkaana ay aqoonsan yihiin xuduudihii jiray 1960.isaga oo tilmaamay in odayaasha ay isku afgarteen in si deg deg ah Dastuurka looga saaro qodobkaasi.
Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa qaarkood waxay si aad ah kaga soo horjeedaan qaar ka mid ah qodobada ku qoran dastuurka oo ay sheegeen in ay halis ku yihiin Dalka iyo Diinta intaba.
12-bishaan ayaa waxaa lagu balan sanaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka lagu ansixinayo Dastuurka cucub waxaana shirkaasi ku yimid dib u dhac ka dib markii odoyaasha qaarkood waqtigii loogu talagalay ay ku soo xuli waayeen Ergada ansixinta dastuurka.
Xukuumada Soomaaliya waxay haatan sheegtay in shirk ansixinta dastuurka uu dhici doono 21-bishaan July isla markaana odoyaasha dhaqanka maalmaha dhow ay soo dhameestiri doonaan ergada ansixinta Dastuurka.
RBC Radio
xafiiska Wararka Muqdisho











