Cabdiwali M Cali Gaas Saddex Arimood Uu Codkayga Ku Helay W/Q Eng Abdirashid Abdi Daad
Cabdiwali M Cali Gaas Saddex Arimood Uu Codkayga Ku Helay
Eng Abdirashid Abdi Daad
Guurey@hotmail.com
Luulyo 15 2012
Waxaan Ku Bilaabayaa Magaca Allah Ee Naxariis Oo Dhan Iska Leh
Mudanayaal iyo Marwooyin Waxaan idinku Salaamayaa Dhammaantiin Salaanta Islaamka
Asalaamu Calaykum Waraxmatu Allahi Wa Barakaatuhu.
Akhritayaasha qiimaha iyo qaayaha lahoow, maanta waxaan idiin soo gudbinayaa saddex arimood oo Cabdiwali M Cali Gaas ku hantiyey codkayga. Waxaad ogaataan in Rabbigeena Qaadirka ahi ku abuuray ruux kasta garasho uu ku kala garto wanaaga iyo xumaha, wax kasta oo qofku samaynayo oo ah wax qabasho ama burburin waxaad ogaataan inuu u samayo ulakac, xumaan iyo wanaag kay tahayba. Marka garashadaas Rabbi aniga isiiyey ayaa igaran siisay inaan sadexdaan arimood oo uu Cabdiwali Leeyahay ku siiyo codkayga.
1) Dareemida iyo ka damqashada
Akhristaha qiimaha iyo qaayaha badanow. Rabbigeen markuu tilmaamayo kuwa wanaagsan waxuu ku tilmaama kuwa garanaya wanaagga oo dareemaya wanaagaas wanaagnimadiisa. Markay samaynayaan wanaagga qalbigooda ayaa jeclaysta wanaagaas markaas ayeey qabtaan iyagoo ku faraxsan kamana daalaan samaynta wanaaggaas. Markii ay arkaan xumaan waxaa damqada damiirkooda markaas ayeey dhib ku noqotaa inay sameeyaan xumaan iyagoo ka damqanaya dhibta xumaantaasi keentay ama ay keeni karto oo ku dhacaysa naftooda iyo nafaha noolaha kalaba. Toloow Cabdiwali xaggee ka soo galayaa arintaan…!
Akhristoow waxaan xuuraamiyey lakulankii aan la kulmay Cabdiwali ka bacdi bal inaan wax kasii ogaado Cabdiwali Gaas, waxaan ogaaday inuu Cabdiwali dad aad u badan oo dhibanaa uu isku dayey inuu dhibahaas intii karaankiisa ahaa wax ka qabto isagoo isticmaalayey jeebkiisa, dadka uu garanayey oo uu xiriirka lalahaa oo wax ka qaban karayey dhibahaas…iwm. Waxaa kaloo xusid mudan meel kasta oo dagaal ka dhaco oo dawladdu qabsato waxuu ahaa shaqsiga ugu horeeya oo taga sida baladwayne, baydhabo, balcad…iwm. Markaan waydiiyey dad siyaasadda u dhuun daloolay waxay ii sheegeen inuu u aaday soo ogaanshaha dhibta meeshaas ka dhacday saamaynta ay ku yeelatay bulshadaas iyo inuu soo ogaado rabitaanka bulshada meeshaas ku dhaqan.
Allah swtc ayaa markhaanti gashaday inaanan been abuuranayn inkastoo manta Somalidu xushmayn magaca Rabbi qofkii cuskadana aanay rumaysan.
2) Ixtiraamka iyo tixgelinta
Akhristaha qiimaha iyo qaayaha badanoow waxaan indhahayga ku arkay ruux madax ah oo waliba Somali ah oo qofkii u yimaada aan kala jeclayn hantida uu haysto, dharkuu xiran yahay, sida uu egyahay, qabiilka uu yahay iyo dariiqada uu haysto dhammaantoodna soo dhowayn ixtiraam ku salaysan ku qaabilay. Waxii dadkaasi ay usocdeen hadday aragti iyo fikir ay ahaan lahayd hadday wax doon ahaan lahayd u tixgelinaya oo aan qaylo kala hortagayn… Ruuxaasi waa Cabdiwali Gaas…
Allah swtc ayaa markhaanti ii ah inaanan been abuuranayn inkastoo maanta somalidu aanay Allah magaciisa xushmayn oo aanay rumaysan qofkii cuskada.
3) Dulqaadashada iyo Qancinta
Akhristaha qiimaha iyo qaayaha badanoow waxaan arkay ruux madax ah oo Somali ah oo ruux kale ku qaylinayo oo u dulqaadanaya iskuna dayaya inuu qanciyo qofkaasi murmayey oo qaylinayey… Ruuxaasi waa Cabdiwali Gaas.
Waxaan dhammaanteen wada ognahay markii aan yara jalleecno xagga madaxda in soo gelitaankii ciidamada Kenya markii hore laysku wada raacay oo markii mid kamid ahi oo waliba qaabilsanaa shaqadaas ku sheegay inay ku soo galeen si sharci ah in kii kale oo madaxda ahaa arintaas halgaad ku dhuftay isagoo taladeeda hore wax ku lahaa. Arintaas fadeexadda ah waxaan wada ognahay inuu dulqaad ka sameeyey ka bacdina iyadoo gacmaha lays wada haysto wada jir loogu dhawaaqay inay kusoo galeen si sharci ah oo dawladdu ogtahay.
Waxaan kaloo wada ognahay in lagu heshiiyey arintaan tubta nabadda in 18 kii gobol lagu saleeyo maamul goboleedyada oo dhammaan madaxda sare wada saxiixeen. Iyadoo xaajadaas laysku ogaa in Madaxa Sare uu soo saaray isagoo isticmaalaya xafiiska Cabdiwali inuu maamul u aqbalay khaatumo, iyagoo khaatumo 18 kii gobol ka yeelanaya gobol buuxa ahaan Sool, waxaa intaa sii dheer in labada meelood ee Puntland iyo khaatumo oo arintaas ku muransan Cabdiwali ka soo jeedo eedna uga imanayso diidmada iyo ogolaanshaha labadaba. Waxaa kaloo intaa sii dheeraa in maamulada sida xubin iyo xeeb, hiiraan lagu diiday oo lagu xujeeyey inaysan buuxin shuruuddii ahayd 2 gobol iyo ka badan, halkaasna uga keeni karto eedayn kale. Arintaas qallooca ah oo dadka qaarkiis yiraahdaan waa isku dhufasho iyo iska horkeen ulakac loo sameeyey waxaad ogtihiin inuu dulqaad badan ka sameeyey iskuna dayey inuu wada qanciyo dhammaantood.
Waxaan kaloo wada ognahay arintii qaraxii lala beegsaday Cabdiwali Gaas oo baaritaankii iyo ka runsheegiddii isdaba marin badan yeeshay uu dulqaad badan ka sameeyey.
Waxaan kaloo wada ognahay arintii ku saabsanayd biya gelinta Somaliland, arintaas oo dakhligii ku bixi lahaa Cabdiwali u saxiixay isagoo u danaynayey bulshadaas biyo gelinta ubaahnayd iyadoo madaxda Somaliland mucaarad iyo muxaafadba ay afar iyo labaatanka saac eed dusha uga tuurayeen…
Gabagabadii
Akhrisataha qiimaha iyo qaayaha badanoow waxaan ogahay maanta in Somalidu u haabahan tahay Ruux…
- Damiir leh oo dareemaya oo ka damqanaya dhibaatada, sumcad xumada, sharaf dhaca, dullinimada, xaquuq la’aanta, arxan darada haysata oo ku baahday bulshadii karaamada lahayd ee Somaliyeed.
- Ixtiraam iyo tixgelin leh oo qadarinaya fikirka iyo dareenka, dhagyaysanayana dhawaqa iyo sawaxanka calaacalka ah ee ka yeeraya bulshadaas hooggu ku habsaday.
- Dulqaad leh oo u dulqaadanaya bulshadaas beenta iyo khayaamadu dilootay eedaha ka soo yeeraya iyo rumaysi la’aanta ay ku hayaan inta uu ka tusayo inuu ka badelan yahay kuwii khaaimiinta ahaa oo uu yahay ruuxii ay rabeen oo ay jeelanaayeen ee daacadda ahaa.
Saddexdaas arimoodna waxaa leh oo aan been ahayn oo codkaygii ku helay…. Cabdiwali M Cali Gaas
Akhrisatayaasha qaarkoodoow Sidii caadada ahayd ruux magaca Rabbi kuu maray waxaad dhahdaan waa beentiis oo ha qiimayn magaca Allah …
Sidii Caadada ahayd qofkii ruux uu wanaag ku arkay farta kuugu fiiqay waxaad dhahdaa waa isku Qabiil oo waxuu ku raacay tol ahaan. Illayn waa waxa ina dilooday oo aan qofna qof kale u ogolayn inuu xaqiiq run ah oo wanaag ah ka sheego…
Wa Billaahi Tawfiiq
Eng Abdirashid Abdi Daad
Guurey@hotmail.com
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











[...] Visit link: Cabdiwali M Cali Gaas Saddex Arimood Uu Codkayga Ku Helay W/Q Eng Abdirashid Abdi Daad [...]
good news thanks
OK WAAN GARANAY HADDII AAD TIHIIN REER PUNTLAND QOFKII AAN AHAYN REER BARI WAXAAAD TIRAAHDAAN AQOONMALEH WAA MOORYAAN MARKA SIDEE KUWIINA NOOGU FAANINAYSAAN IDINKOO SIYAASIGEENA, ODAGEENA,WADAADKEENA KUTILMAAYO MOORYAAN ========
DABADHILIF REER BARI AYAAD ATAHAY NINKA QORAALKA QOROOW
waxaan salaamaya engineerka
been kumaad sheegin in arimaas aad sharaxday cabdiwali gaas yahay waa shaqsi daacada naxariis badan dulqaad badan ixtiraam badan.
madaxwayne loo baahanyahay weeye hadii somali qarankii soo noqdo doonayso
Inkastoo qoraagu ilahay markhaati gashaday oo ay tixgalin teeda leedahay hadana inbadan baa liqi kari waayay oo Waliba sida caadigaa puntlander baan ahay maxaad kafilan kartaa ninka koofur degen ama ninka Gedo degen
W/wali wanaagiisa sheegtay lakin xumaano badan uu sameeyay miyaysan xusid mudnayn
Tusaale waayii ladoortay socodka uu kusoo maray ilaa garoowe ilaa gaalkacyo xataa abaaray iyo tuula kasta qabiilkiisa wuu qaabilayay gaalkacyo markuu soo gaaray israac buu fariistay in cido kale degen yihiin gaalkacyo maba uu is dareensin marka sidii madaxda puntland buu u dhaqmay uumadhaqmin sidii nin somali oo dhan horboodaya ilahay amarkii dhibkii gaalkacyo kadhacayna hade waxaaba lagu naanaysay ayax tag eelna reeb oo waxbuu ka ogaa,, intaad sheegtay oo wanaaga boowe wanaagaas danbaa dabayaal ee maku dooranaaa????
Midna way jirtaa oo dulqaad badan buu kasameeyay siyaasadiisa balse hade anoo laqabiila baa itaas oo qalada uu sameeyay arkee wiilka xamar fadhiya imisuu u hayaa??
walaahi ninkaan runuu sheegay cabdiwali nin fiican waaye oo naxariis badan beenmaaha taas codkayga marhoraan gudbistay ani.
DAADIR waxaan umalaynaa maad akhriyin qoraalka oo dhan magacee lee aragtay dagaalkii horay ka bilowday meeesha udanabysa qoraalka fiiribo. rashka waxuu sheegaay waaye.
Adeer, Waxaas intaa iska daysid, Maad iska tiraahdid isku qabiil baa nahay????
Adeer meeshaan dadkii dooran lahaa ma joogi, ninkan aad mooddo inuu Dhiig galay, ee indhaha taagan xayeysiintiisa nagala har, midkiina ugu doqonsan ayaad waligiin ba ku sheegtaan ninka dadka ugu wanaagsane, ma ninkan dawada ku socda ee maan & maxkax midna aan ahayn ayaad dulqaad ku sheegtay? Dulqaadka dawado keentay yaa ka muuqda ee mid kale ma jiro, nin subax walba Farmashi ka soo Quraacanaya, maxaa laga doortaa? War dadkan qabyaaladdu madax martay yaa yac naga dhaah! Aniga waxaa iila yaabban badan nin waalan qawmka wax u dhiibanaya!
Dr Gaas waa geesi wayo live baan u daawanay maalintii la qarxiyey, isagu mu dhaqaaqin labadii risalwasaare ku xigeen way carareen,ilaa hada ninkaa waxaan somalimo ahayn oo lagu hayo majiraan waa ilaahay uga baryayaa inuu xifdiyo……
ORAAH SOOMAALIYEED BAA ORANAYSEY ADDUUNYADA NIN-NOOLOW MAXAA ARAGTI KUU LAABAN, WAXAA KALOO JIRA MAAH-MAAH SOOMAALI AH OO ORANAYSA WAX NIN KAXISHOODO AYAA NIN KU FAANAA AMA WAXAAD CEEBTA U TAQAAN AYAAN DADBAY CAMALKIISA IYO TUF QABAA TAKARAYSAN IYO KUWO KALOO BADAN. TAAS WAXAAN ULA JEEDAA NIMANKA WAX KA QORAY FIGRADDA QORAAGA KA HADLAY FIKIRKIISA IYO ARAGTIDIISA KU AADAN CIDDA UU CODKIISA SIINLAHAA EE KU HABBOONSINADIIF AH IYO SIDA AY UGA HADLEEN AMA JAWAABAHA AY KA BIXIYEEN IYAGOO KA HADLAY WAXAAN MEESHA OOL AMA LAGA HADLAYN, NINBA MEESHA BUGTAA ISAGAY BEL-BESHAA. WAXAY YIRAAHDEEN MOORYAAN AYAA NALAGU SHEEGAA. WAXAAN IDIN WAYDIINAYAA HADDII WAXAAD TIHIIN LAYDINKU SHEEGO MIYAALAYDIN CAAYEY MISE WAXBAA LAYDIIN SHEEGAY. WAXAA FIICNAANLAHAYD IN AAD ISKA SAXDAAN CEEBTA IYO WAXA AAD DIIDAN TIHIIN LAAKIIN MA’AHAYN AAD KA QAYLISAAN WAXAAD TIHIIN BALSE AAD QALADKIINNA SAXDAAN IYO WAXA LAYDINKU SHEEGAYO AMA LAYDINKU CAAYAYO.
Kkkkk wuxuyiri qoraqo cabdiwali wanin damirleh nin ka saxixay in bada somaliya kenya iyo etopiya siyo nin ka damir malahan ilahay nogamadhiga madax aan tagerno qofka somaliya wax uqbanay sida farmajo kale waxan ahay rer puntland mantagerayo gaas farole iyo kuw badan oojalw an tagerno danta somaliya
c/walina cidina dooranmayso.sababo dhowr ah owgeed 1)taageero mugadishu kumalahan ,waana mugadishu meesha waxlaga hago 2)ninfaroole gadaal kataaganyahay oo qabiil dishy cidnana marabto 3) tariikhda gobol ahaan uu ka soojeedo marka gadaal looraaco waxaa kuu soobaxaya baal madow.. waana sababta uguwayn oo halkaa dhigtay,,,iyo kuwokale……
Anigu C/wali shakhsiyan uma aqaan, shakhsi ahaana wax uga sheegi maayo, laakiin waxaan ku qiimaynayaa ilaa hadda wixii aan ka arkay, sida uu u hadlo, sida dowladiisu u shaqayso iyo sida uu u matalo somaliya mark la joogo shirarka caalamiga ah.
1. waxaan dhihi karaa waa dadaalay ilaa xad marka loo eego duruufaha jira iyo dadka shaqadu/siyaasaddu ku qasabtay in uu la shaqeeyo.
laakiin waxaan aad ugu dhaliilayaa sida uusan somalida cadkeeda ugu dhicin marka la isugu yimaado shirarka caalamiga. Nimankan la magacbaxay saxiixayaasha, waa asaga qofka kaliya oo aqoonta leh, awoodana inuu ka difaaco wixii aan somaliya ku haboonayn oo Ethiopia iyo Kenya mar walba ku soo dhexdarsadaan go’aanada ka soo baxa shir walba.
Tusaale ahaan
1. Shirkii Road mapka lagu bilaabay ee Muqdisho ka dhacay waxaa lagu soo daray qodobkii ku saabsanaa Badda somaliya in cabir cusub loo sameeyo, qodobkaas oo aan ku saabsanayn wixii laga hadlayaay. Ra’iisul wasaarihii wadanka oo ah ninka kaliya ee luuqadda Englishka si fiican u fahmaya marka loo eego kuwa kale ee meesha joogay, waa awoodi waayay in uu yiraahdo “war qodobkan yaa wata” ? meesha halaga tiro, haddii kale ma saxiixayno.. kuwa kalan fahamsiiyo.
Waxaa ka sii daran, wuxuu leeyahay dabeecad ah in uu inkiro wax iska cad. Markii arintaas wax laga waydiiyay wuxuu ku jawaabay “anigu ma arag qodob ka hadlaya in Badda somaliya la cabiro”
waxaad moodaa in si taxadar la’aan ku jirto uu uga hadlo ama isaga indho tiro arimo muhiim ah.
2. Shirkii London, dadkii somalida matalayay waxaa la rabay in ay ku doodaan in war murtiyeedkii soo baxay lagu bilaabo ” Midnimida,bad iy barri iyo madaxbanaanida wadanka somaliya waa muqadas waana taageersananhay”.. maadama mowqifka UN uu saas yahay.. xoghayihii guudna uu meesha joogay, ma jirto dowlad qura oo ka hor imaan kartay dalabkaas… waayo meeshaas oo kale dowlad kale kama soo horjeesan karto arin si sharciyan ah u cad. waxaa halkaas ku dhamaan lahaa damacyo badan ee weerarka lagu hayo in la boobo dhulka iyo kheyraadka wadanka ama lakala qaybiyo. Taasi ma dhicin, ee waxaa dhacday in qodob kale oo ku saabsanaa in Badda somaliya la cabiro war murtiyeedka lagu soo daro. C/wali afkiisa ayuu ku cadeeyay mar la wareestay in dadk ajnabiga ah ay mar walba qodobkaas meesha soo galiyaan…laakiin ma uusan sheegin sababta ay uu u dhihi waayay qodobkaan waa in meesha laga saaraa!!!!!
3. Shirkii Ka dhacay Talyaaniga, wasiirkii arimaha dibadda Talyaaniga ayaa ku dooday in ay lagama maarmaan tahay in Dastuurka somaliya lagu cadeeyo in lagu dhaqmi karo diinta Masiixiga. C/wali meesha waa fadhiyay hadalkaas kama hadlin, waa iska indha tiray. Ilaahay wuxuu qadaray in nin ka mid ahaa wasiirada Puntlaand ka socday uu arintaas si wanaagsan uga hadlay ugana soo horjeestay.
ileen Dareenka wadanimo iyo geesinimada waa wax loo dhasho ee ma aha mid ku timaada darajada aad hayso. Ninkaas wasiirka dowlad goboleedka matalayay ayaa meel uga soo haray wasiirkii Talyaaniga iyo fikirkiisii qaloocnaa.
Marka ninka Somaliya afkiisa kaliya ku difaaci waayay,muxuu kaloo soo kordhin karaa.
ogow madxnimo ma aha in jaakad iyo Tie lasoo xirto oo shirarka la iska soo fariisto..qoraal yar oo diyaarsana meesha laga akhriyo…waa in aad ogtahay kuwa cadowgaaga iyo shirqoolada la maleegayo, kuna tala gashaa in aad iska dhicisid.
markaan soo koobo, aniga qiimayntayda, C/Wali waa ugu roonyahay dadka hadda siyaasadda somaliya horboodaya, laakiin uma qalmo in uu madaxwayne somaliya ka noqdo, laakiin wuxuu ku haboonyahay wasiir la xiriira dhaqaalaha/Ganacsiga halkaas maadama aqoon dheer uu uleeyahay dhincaas,
Arimaha Engineerku ka hadlay waa sifooyin loo baahanyahay, laakiin ma aha kuwii u muhiimsnaa ee laga rabay madaxwaynaha mustaqbalka.
kkkkkkk maan dad waa mudacya caradod . War hayna kala sar sarina bari iyo koonfurba waa somali uune .qabyalada kasara fadlan
waxaa umahad celinyaa allah oo isagu koon kaan iska leh waxaan leeyahy waxkastoo aadamigu qabanayo waxa uu kadhaxlaa waa khibrad waxaadna no soo gudbisay fikir salaamima oo wangsan waxaan kuleenahay hadaanu nahay bulshada somaliyeed ilahay ajar iyo abala haka siiyo waxaana aminsanahay hadii qofkaas oo kale ladoorto
Abdrashiid Daad runbaad sheegtay Cabdiweli gaas waa nin nasiib badan ka nasiib badan ra isal wasaarayaashii somalia haduu kuguulaysto processkan qariirada nabada surely he put some facts of history to rest doorashadiisa waa ninkasta damaciisa siyaasadeed meesha waa lays wada keenay 30 musharax ( a failed state with 30 self proclaimed states and 30 presidential condidates ) where are heading we somalis may GOD bless our nation and bless us too .
Daad walaal intii hore waxaan moodayay inaad aqoon dadka u qoraysid laakiin qofku markuu daacad yahay doqon baa la moodaa horta waxa aad ninkaan ku ammaantay waa wax adiga kuu gaar ah kugumana haysto laakiin qiro inaad u tahay (Campaigner ) nin u shaqeeya ninkaas oo u ololeyniya.
Waayo sidaad wax inooga gadayso waa si cajiib anigaa markii khaldamay mooyee, hasa yeeshee ama codkaaga sii ama u diid, Cabdi-wali ninkii doorta iyo ninkii Farmaajo doorta labadaba waa laba qof dadka iyo dalkaba lug goyniya, waxaadna moodaa inay labada ninba Ameerica isaga soo raaceen inay isku kas yihiin, laakiin Cabdi-wali is little bit is Aggressive, marka hakaaga ka wad walaal, hadda waan ku fahmay xor baadna u thay sida ay kula noqotay, laakiin waa waxaad u bareertay.
waxaan mucjisa sida qoraagani u yaqaan somalidu siday ufekeraan inta udanbaysa qoraalkiisa ayuu kusheegay waxay orandoonaan taasina waxay ii cadaysay inuuyahay ninn run sheegaya.
3 arimood u kutilmaamay halqofoo beeniyey kuma jiro intooda badana waxay jafayaan waxaan qoraalkuba ahayn.
waryaaraheen somali dhegayareey qofku maanu fekerkiisa xor u ahayn sheegi karin ciduu codkiisa siiyey iyo sababtuu kusiiyey codkiisa.
Engineerku codkiisa inuu siiyey Abdiwali iyo sababtuu kusiiyey buu soo bandhigay waa maxay waxaanaad qoraysaan oo xaasidnimada.
Engineer waa runtaa Abdiwali waa naxariis badan yahay dulqaadna leeyahay waana nin aqoonleh oo u qalma Madaxwayne.
ACWW:Anigu anigoo ixtiraam badan u yahay faradaha ragga taageray A/WALI waxaan ku qanacsanahay in ay ku taageereen qabiil,waana la qaadan lahayne dadka qabiilka ku taageeray sida nin ka mid ah ragga halkan wax ku qorey uu sheegay ciladda ugu weyn ee reer Puntalnd waa in koodu yahay cir alle ka keen.Abdiwali ma doorteen sababtoo ah waa ninkii ku qancay in baarlamaankii somaliya uu noqdo mid aan micno lahay sida ku cad Kamba accord.Waa ninka ciddiisa telephone u wada diray waa ninka aaminsan somaliya in ay tahay Puntaland iyo wax aan jirin inta kale,waa ninka woodi la in uu mushaarooyin bixiyo,waa ninka USA iyo UNPOS uga warama cidii dalka dhibka loohu sii hayn lahaa,waa ninka aan ka hadlin xasuuqa logu hayo shacabka somaliyeed ee maalin kastaa diyaraha lagu duqeeyo.Maxaan idinku raacaa oo aan idinkula dooranaa A/WALI?haddad idinku tihiin la beel qaranka ayaa ka weyn beel ahaansho MANA QABO INUU MUDAN YAHAY IN LA DOORTO.Ta caafimadka ee ragga qaar ka hadleen waxasi waa war cayaal illahay ha caafiyo hadduu xanuunsan yahay siyaasiyiinta puntland iyo reer puntland waxaa ku heshiiseen islana garateen koonfurta in ay qasnaato waana la garatay arintaas waadna mahadsan tihiin somalinimadiina waan ogayn
c/wali meeha lagadooranayo,aaway dadkii caadigaahaa ee caafimaadka qabay, halagaa maqlo badanaa, c/wali xataa nin isbaaro utaal oo kuqabiil ah dooran maayo,faankaa kadaran daran waxaa l;ayiri waa DR.waxaa layiri faroolana waa engeer, c/yusuf jeneraal ayuu ahaa, isbaaraleedoo dhan waxay isugu jiraan DR iyo PROF bisadaha kunool jayga growe ayakuna waa kalkaalisooyin
wuu mahadsanyahay qoraagu waa sax dhamaan thank you
soomaaaliyay ani waxaan idin ku la talin lahaaa ilaahay ka baqa oo ka fakara mustaqbalkiina qabiil walee meel idin gayn mayo asaagiin asagaaa idinka reebay ee hadaaad hadlaysaana u hadla si guud ha hadlina qabiil hadaaad wax dooranaysaaana wax ku doorta karti iyo aqoon cabdile ani aqoon uma lihi lkn waxaaan ku qaymaynayaaa shaqada uu qabtay waqtiga adag hadii uu soomaaliya ku meel ka saarana taaariikhdaa xusi doonta doorashada qofkasta ololihiisa ayay ku xiran tahay tankale qofka sharaftiisa waxba laga sheego dadka caytamaya oo hada qabiilka sheegaya adeerayaaal waxaaas laga tagyay ee dib hanoo celina ee horay u socda
Asc wr wb? Ninka Cirka labaxayoow, walaalow su’al aan kuweydiyo, waxaad tiri Abdiweli Gaas iyo Farmajo ninki doorto dalku lugooynaya. Bal yaa iyaga kafiican oo aad noo heysaa? Mise maxaad kunacday labadooda. Aniga waxan aaminsanahay labadan nin iyo sharif inta eey siyaasada so galeen ayeey somalia rajo yeelatay. Cid walbo hadii aan wax kasheegno yaa na hogaaminaayo?
Kuwa meesha ku wada nac nac leh oo nin aysan habeen meel uu maro gaadhi karin bay waka sheegayaan, markaad abdiweli wax ka sheegtaan wax kaad ka dhigan tihiin BISADII IN THE DILIBKA SAQAFKA LOOGA SOO LULAY TIDHI ku booday oo gaadhi wayday oo hadana ku booday oo gaadhi wayday markaasay madhkii seddexaad tidhi UF waxaa uraya waa hilikaas….. waar nacasyayohow la imaada wax tarka Professor Abdiweli markaas wax ka sheega. Waa ayaan darro in Somalida qaarkeed markay arkaan qof wanaagsan ay bilaabaan inay caalaqaan ileyn waa maseyrsan yihiine…kkkk
Saxiib waad mahadsantahay waana nin uqalma aqoona leh ,waa run dulqaadka aad sheegtay.waxaadse ku qaldantahay in aad umada soomaaliyeed meel uga dhacdid oo aad u gaftay oo aad tiri ilaahay iyo dhaartiisi ma aaminaan adigoo shaqsi soomali ah ka haflaya hadana soomaali iyo caqiidadeedii u gafaya waa in aad raaligelin kabixisaa.
Qoraagu aad ayuu u mahdsanyahay mana jiraan wax aad khalday walow c/wali leeyahay dhalil hadana waa shaqsiga kali ah ee inta isa soo sharaxday ilaa hada u rikoorka fiican dadka ku doodaya qabiilkana adeerayaalow dulqaata inta shacabku cagihiisa isku taagayo waayo waad argteen intii aan muqdisho ka maqnayn puntland ahaan waxad ahaydeen rajo beel markaan tagnayna waad u jeedaan yaan la isxaqirin
DAADIR sxb cuqdada iska saar calooshana fiyoowe aniga waxaan ku dhashay muqdisho malin cad ayaan la iga soo raacdeyay kuwaan odaayasha dhaqanka beelahaas aad ka shekaynayso sheganaya maaha dad hada dhashay wayjoogeen qarkood la yaqaan oo dagan guryo bililiqoah marka qof walba waxuu yahay waa la yaqaan aan iska hilmaamno waxii hore oo aan hada danteena ka shaqanayno iyo sidii somali loo yagleeli lahaa mahadsanid
GAAS waa halyay waxii u qabtana somali oo dhan way u ogtahay waan ku doranaynaa MR GAAS
kkkkkkkkk daadir mooryaan inaa tahay adigaa is cadeeyey ,c/weli reer bari maaha sxb.
Muddane Gaas Jidki R/W hi Xilka ku Wareejiyay U Maray Waa ka Leexday oo Dawladi ka Horaysay Ma usan Cambaarayn oo Wax Qabad La,aan Kuma Tilmaamin ee Wada Shaqayn buu La, Yimi.
Waxaan U Malaynayaa In Uu Reer Bari Yahay Cabdi Weli Ama Wax U Galeen Qaab Dhaqameedkiisa Siyasaadeed Wuxuu Aad Ugu Dhow yahay Reer Bari. Hadalka Qayaxan Goortuu Tuurayo Se Waa Reer Mudug.
KU:weyrah
Walaal waa weydiin wanaagsan, laakiiin walaalow aniga labo nin baan dhaliilay adiguse waxaad joogtaa yaa ka fiican?! marka sideen kugu jawaabaa, ummad dhan haddaad leedahay labadaas nin yaa ka fiican? waxaase ka roonaan lahayd anigana inaa ka jawaabo ay ii fududaan lahayd haddaad i weydiiso maxaad ku dhaliilaysaan nimankaas? runtiina waxaan kuu fahmay inaad tahay saaxiibkay Daad oo is qarinaya, hadalkaagana wuxuu u egyahay “Horta Qabo Siyaadoo, Car Nin Kale Ku Soo Dara!
Ina-adeer nimankan aad ka hadlayso waa ragga dulmi kasta lagu sharciyeeystay oo aan xataa hal eray oo ay leeyihin waligiis aan la maqal waxay yeelaan ma ahee, waan ognahay oo talo faraha uguma jirto siyaasiyiinteena laakiin bal adiga wax ha lagaa maqlo oo tuugada Beesha Caalamka la baxday ha kaa diidaan, laakin Marykankaan ka imid iyagaan ilmo ader nahay oo kale haddi aad inoola dhaqanto… balse adigu hal su’aal baan ku weydiinee kuna dhihi maayo yaa ka xunee, waxaad ii sheegta hal shay oo wanaag ah oo aan maanta ogaado haddii uu iga maqanyahay oo ay sameeyeen, oo aan ahayn inay wax kasta yiraahdeen waa sax….ilaa Farmaajo miskiin la yiri iska tag oo uu yiri “HAYE” oo markii uu talad si fulaynimo ah isaga dhiibay hadana ka daba qayshay.
Asc Wr Wb akhristayaasha Qadarinta mudan ee aragtiyada ka dhiibtay
Sidaad ogtihiin kulligiin ama qaarkiin waxaan soo gudbiyey qoraalo badan oo aan kaga hadlayey qaybo qoraaladaas ka mid dhibta Somaliya ku habsatay iyo waxii sababay. waxaan qoraalada qaybo ka mid gundhig uga dhigay in Somalida ilaa dhowr Qarni isku dir ku salaysan kala qaybin lagu waday.
Ilaa ay gaartay in kalsoonidii isku xirnaashihii ka dhaxeeyey dhammaan qabaailka Somaliya dhuntay oo nacayb iyo colaadi bedeshay iyo wax isu quuriwaa.
Waxaad eegtaan afkaaraha kala duwan ee aad soo gudbiseen dhammaan dib ugu noqda oo akhriya idinkoon xanaaq iyo xajiin isku kicin adigoo dhibsanaya ammaanta loo soo jeediyey Cabdiwali ama eedaynta iyo aflagaada loo soo jeediyey.
Waxaa kuu soo baxaya sababta aynaan dhibtaan guud ee inagu habsatay iskaga qaadi karin.
qofkastaa waxuu ku dadaalayaa inuu madaxa cag kasaaro qofkaan ahayn jifada uu ka soo jeedo ammaana uma ogola, qofkastaa waxuu ku daalayaa inuu ammaano oo difaaco kan jifadiisa ah. wax kale oo aan eegnaa ama xeerinaa haba yaraatee majirto.
Waxaan halkaan kusoo gudbiyey dhammaan musharaxiinta ruuxa aan anigu shaqsi ahaan codkayga siiyey iyo sababta aan ku siiyey. illayn ruux hebel ayaan codkayga siiyey oo aan sabataad usiisay jirine wax lala shirtago maaha. waxaan filayaa shaqsi ahaan inaan garashadayda iyo taageeridda xor u ahay oo aan xaq u leeyahay.
dhammaantiin wax sifiican u akhriyey oo kal iyo laab ah idin kuma jiro sababtoo ah waxaan ulkac ugu daray magaalada Baydhabo in Cabdiwali tegey anigoo islahaa bal in ay arkaan inta akhrida oo afkaarta ka dhiibata hal qof oo arinta baydhabo beeniyey inuu tagay idinkuma jiro.
Taasina waxay tilmaamaysaa inaydaan kala jeclayn qoraalku dulucidiisa ee aad markaad Magac Aragteen Go’aan gaarteen intaydaanba akhrin.
Akhristayaasha Xushmudda mudanoow sharafteenii qaranimo dhimatay teenii dadnimo dhimatay kalsoonidii iyo is jacaylkii sharafta lahaa inaga dhaxeeyey dhimatay muuqa aan uga egnahay awoowa yaasheen iyo ayeeya yaasheen baa inagu haray wax kale oo inoo raacaa ma jirto.
inaad tiraahdo qofka Dulli baad tahay iyo inaad tiraahdo intaas ayaa kuu dhiman ee samee wanaag waad gaarine waxaan door bidnaa inaan niraahno Dulli baad tahay.
ugu danbayn inta tiri waad u ololaynaysaa waxaan cinwaanka ku aragteen inaan codkaygii shaqsi ahaaneed iyo kalsoonidaydii siiyey Cabdiwali.
Waxaad marka i tiraahdaan Ikhtiyaar ma lihid oo inaad qof aragti ku raacdid xaq uma lihid.
waxaad ogaataan inaan cidi inoo maqnaayn ceelna inoo qodnayn Somaliyeey
Somaliyey ninka wax idiin qabta taageera oo codkiina siiya anugu inaan qabiil ku dhaqmin waxa idiin cadaynaysa waxan ka imid puntland gaar ahaan gobolka mudug wili 1jirgaan oo biyo ah ma ugeeyay mase ugu deeqay 1mashaariic waa maya somaliland ayaan biyo galin ugu deeqay muqdishana waan habeeyay maxa iga rabtan ka badan
Tuugga lacagtan xaday muxuu mudan yahay in la doorto:
The prime Minister Abdiweli Ali Gaas
Monitoring group report provided evidence how the Prime Minister regularly sends letters to custom authorities requesting tax exemptions for companies or individual that he claims provide service to TFG. The report also alleges that Prime Minister Abdiweli and former Prime Minister Farmaajo administration received $15 million from UAE government but the PM denies receiving the money from UAE government and alleges Farmaajo’s government misappropriated $3.5 million of the $10 million received from UAE.
The report further alleges that another million from the Government of South Sudan is unaccounted and the Prime Minister’s office took its cut. The report alleges that “In early 2012, South Sudan donated, through Price Waterhouse Coopers, US$1 million to support TFG reconciliation efforts in Somalia’s newly liberated areas. A senior TFG official confirmed to the SEMG that the TFG did indeed receive the US$1 million from South Sudan.59 According to internal TFG documents obtained by the SEMG, the PM instructed the Finance Ministry to disburse the funds directly to individual government officials, MPs and political figures, including US$121,700 to his own office. No further information is available as to what these individuals did with the money, or whether any of these funds were in fact spent on reconciliation efforts.”
The report alleges that the three top in the cockpit of the TFG leadership, that is the president, the speaker and PM are said to have misappropriated almost 30 percent of the TFG revenues.
areey ina gaas waan naqaan waxan faroole ahayna kuma naqaane gees nooga leexi
@Soo Jeede,
Mr. Sleepless guy, respect our dear Prime Minister, would you? Also get through to your unstable head that if one stole any money from our country is you and your uncles not the most reliable and productive MAN in the history of TFG Professor Abdiweli Mohamed Ali Gaas!
sxb ninka maqalka qorow caloshiiis la ciyaaraa tahay, raxanreeb 0 dhibcod
@dadkiisa iyo dalkiisa nebcoow
Bal horta afsoomaaliga si fiican u qor si loo fahmo waxaad qodhay! Tan kale waxay u muuqataa mid dal iyo dadba aan wax ugu ool aan ka ahayn dhibaateyn waayo dadka dalka wax ugu yaal sida professor Abdiweli baadan wax ka sheegteen qoraagana afkaaga qurunkaa anagaa ka xaal siinay waana sax wanaaga uu cabdiweli ka sheegay oo dhan mucaarad aan wanaag rabin oo ku mintidadya in somalia dhibato uun ku sii jidho qofkii ay u arkaan inuu Somalia wax ugu yaalana mucaaradaya sida kuwa kor wax ku xarxariiqay insha Allaah waa laga guuleysan!
@idman
macaradadu kala fiican qaarbaan xoola ah waa kuwa faroole ku tilmaamay mucarad doqona baa jira lol
@daad waxaan kugu sheego garanmaayo inaan ku dhaho oo qiro qiimaha iyo garashada eebe ku siiyey maahee waa runtaa cabdiwali waa nin doonaya in somaliya dib uhesho qaranimadii dhuntay
Waa arint la yaab waxaa uu qoray ninkaan. waxaan kuu soo jeedinayaa in ninkan aad dhaqtar u geeyso
ood ka daawayso cudurka maskada uu kaqabo.ILaahay ha caafiyo.
Waa nin xaanuunsan oo xil am qaban karo Ilaahay Ha caafiyo. Cudurada Maskaxda qof qaba maasuuliyad ma qaadi karo.
@dalhaye( mIse dal dunshe)
Xaqiiqaddii waa adiga ninka dhakhtarka u baahan mar hadaadan hayn wax wanaaga oo Professor Abdi weli uu leeyahay inaad qirto!..kkk sheegida wanaaga abdiweli meel adiga oo cuqdadi ku dishay iyo qabiil neceyb meeli kaaga dhinmimeyso waayo soomaali waxay tiraa nin carro kugu daadshay waxba kuuma dhiminy caloodhiisuu ku tusay mwarka caloosha nadiifi waayo aakhiro iyo aduunba waad cadaamin hadaadan sameyn.
Basra, Thanks your comments. According his illness he can’t take care his own family forgets to run a public office. The symptoms are clear NOW…. may Allah give him health and strength
cabdiweli .sheekh shariif, shariif xasan waa qashin soomaali waxan hada jooga meel magaadhsiinayaan ,cabdiweli isaga inuu qof caadi ah yahayba shaki baa igaga jira ,sheekh shariif isagu waa low class waayo shalay wadaad buu iska dhigayey ,gadhna wuu labaxay,wuu xiiray gadhkii dumarkii gaaladana wuu dhunkanayaa ,dhaqankiisa ayaa idinkaga filan waa eber si khaladna wuu u yimid kursiga runta hadii larabo weeye .cumar geele ayaa kusoo tuuray meesha .shariif xasan waa nin khaain ah munaafaq ah tuug ah ,wadanka hadii uu helayo wuu xaraashi lahaa ….dadka waxan in laga qabto waa waajib ,,dad haybad aqoon dadnimo ,karaamo dhaqaale intaba isku darsaday ayaa buuxa oo boqolaal gaaraya …shariif madaxweyne uma qalmo biyatooni ayaan ka dhigi lahaa hadaan qiimeeyo …..wuu ina ceebeeyey,baryo tuugsi ,safar badan ,iska dabawareeg, qabiil .waxaasoo oo dhan baa isku biirsaday..
cabdiwelina maba miyir qabo ninkii u haysoowna yeelkaa