Cabdiwali M Cali Gaas Waxaan Qabaa Inuu Somaliya Nabaddii Ku Soo Celin Karo. W/Q Eng Abdirashid Abdi Daad
Cabdiwali M Cali Gaas Waxaan Qabaa Inuu Somaliya Nabaddii Ku Soo Celin Karo
Eng Abdirashid Abdi Daad
Guurey@hotmail.com
Luulyo 28 2012
Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariista oo Dhan iska leh.
Akhristaha qaaya iyo qiimaha badanoow waxaa mudan inaan is waydiino horta Nabad la’aanta maxaa keena maxaase soo celin kara nabaddii…
Nabad La’aanta waxaa keena
• Markii la waayo kalsoonidii iyo is aaminkii bulshadaas ka dhaxaysay
• Markii la waayo xurmaddii iyo is ixtiraamkii bulshadaas ka dhaxaysay
• Markii la waayo turaanshihii iyo isu arxankii bulshadaas ka dhaxaysay
• Markii la waayo dulqaadkii iyo isu samirkii bulshadaas ka dhaxaysay
• Markii la waayo is maqalkii iyo kala danbayntii bulshadaas ka dhaxaysay…iwm.
Arimahaas markii bulsho laga waayo waxaa ka dhex dillaaca cudur, cudurkaas oo gayeeysiiya ama gaarsiiya in qof kastaa qofkuu ka xoog badan yahay maquuniyo oo xoriyadiisa udiido waxuuna isu bedelaa oo abuuraa kooxaysi iyo is gaashaan buursi ku salaysan sad bursi iyo anaa amiir anta amiir. Nabaddii iyo xasiloonidii umadaasi lahayd farahay ka baxdaa waxaana ku basbeela in alaale intii danyarta ahayd oo aan itaalka badan lahayn ee bulshadaas ka tirsanayd.
Nabad la’aantaasi Waxay dhaxal siisaa bulshadaas awood la’aan iyo itaal la’aan aanay bulshadaasi waxna qabsan karin cidna iska celin karin arintaasina waxay sababtaa in sharaftii, sumcaddii, karaamadii ay meesha ka baxdo bulshadaasi lahayd.
Waana waxa haysta maanta bulshadeenii Somaliyeed ee sharafta sumcada iyo karaamada lahayd oo cadowgeedu ka biqi jiray dadka kalana ku ixtiraami jireen. Waad aragteen maanta waxa baddeenii lagu hayo ee ah in khayraadkeedii layska daldalanayo, sun lagu daadinayo, qaybo lakala gadanayo, qaybo lagu soo faafayo, qaybihii xoogga laynooga haystay la doonayo in laynaga sharciyeeyo (NFD iyo Ogandenya). Wax awood ah oo aan ku diidi karnaana aanay jirin in qaarkeen qayl qayliyo oo aan cidina dhagaysan oo dhag jalaq loosiin, qaarkeenna isha ka mirigsiiyo.
Nabadda waxaa soo celin kara
• Markii la soo cesho kalsoonidii iyo is aaminkii bulshadaas ka dhaxaysay
• Markii la soo cesho xurmaddii iyo is ixtiraamkii bulshadaas ka dhaxaysay
• Markii la soo cesho turaanshihii iyo isu arxankii bulshadaas ka dhaxaysay
• Markii la soo cesho dulqaadkii iyo isu samirkii bulshadaas ka dhaxaysay
• Markii la soo cesho is maqalkii iyo kala danbayntii bulshadaas ka dhaxaysay…iwm.
Ruuxa aan isleeyahay oo filayo inuu soo celin karo nabadii waa Cabdiwali M Cali Gaas sababtoo ah waa ruux…
• Dareen iyo Damiir leh oo ka damqanaya foolxumada iyo sumcad xumada soo wajahday bulshada.
• Ixtiraam leh oo soo dhowaynaya dhammaan bulshada oo dhan isagoon ku kala soocayn jeebkooda iyo kooxday ka tirsan yihiin dhagaysanaya afkaartooda ku salaysan sidii xal lagu gaari lahaa.
• Dulqaad leh oo u dulqaadanaya dhammaan caqabadaha ka horyimaada.
• Naxariis iyo utirid leh oo ka naxaya dhammaan dhibaatada soo food saartay bulshadaas yar iyo wayn.
Hadaladiisii aan ka soo xigtay oo aan kusoo qoray maqaalkii ahaa la kulankii wax iga bedelay waxaa ka mid ahaa
• in aan hooyo danbe barooran oo aanay ka walwalin habeenkii masoo toosaysaa adiga iyo eheladaada oo wada dhan…
• in aan waalid danbe eegan dhashoodii oo hortooda lagu gawracayo
• in dhallinyaradu habeen iyo maalin meeshay doonaan ku cayaaraan iyagoon ka baqayn in la laayo
• in eheladu habeenkii farxad iyo kaftan ku caweeyaan iyagoon ka wel welayn in madfac ku habsado
• in aan la soo toosin subaxdii oo lagu waa bariisan maydad madaxyadii laga gooyey
• in aan cidina cid khasab kaga haysan hantidoodii iyagiina cidla jiifaan oo dayac iyo saxiir ka dhergaan
• in dhammaan bulshada Somaliyeed hesho Nabad ay u wada Siman yihiin Sharci ay u wada Siman yihiin wax barasho ay u wada Siman yihiin xoriyad ay u wada siman yihiin iyo inay baqdin la’aan mari karaan meeshay doonaan iyadoon cid is hortaagayso jirin ama ay ka cabsanayaan…
Wa Billaahi Tawfiiq
Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad
Email: Guurey@hotmail.com
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











[...] Visit site: Cabdiwali M Cali Gaas Waxaan Qabaa Inuu Somaliya Nabaddii Ku Soo Celin Karo. W/Q Eng Abdirashid Abdi… [...]
Madaxweynaha dawlada KMG Shariif Axmed, ayaa isaga oo ka faaiidaysanaya xiliga kala guurka iyo dhoohnaanta Raisawasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Gaas waxa uu sameeyey ama samaynayaa waxyaabo badan oo shaqadiisa ahayn, sharciguna u saamaxayn hadii ay jiri lahaayeen Baarlamaan shaqaynaya, ama madax kula xisaabtamaya 4.5 oo fahmaya shaqadooda iyo baratakoolka dawladnimo.
Madaxweynaha ayaa magcaabay wasiirka arimaha dibada, madaxweynaha ayaa magcaabay wasiirka beeraha, madaxweynaha ayaa magcaabay Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Soomaaliyeed, madaxweynaha ayaa magcaabay Maareeyaha dekeda Muqdisho, madaxweynaha ayaa dalacsiiyey Ciidamo ay isku wada Beel yihiin, madaxweynaha ayaa magcaabay gudiga wada hadalka, madaxweynaha ayaa magcaabay safiirada Koonfur Afrika iyo Suudaan, madaxweynaha ayaa u kala qaybinaya gobolka Hiiraan labo gobol, madaxweynaha ayaa magcaabay Taliyaasha ciidamada,madaxweynaha ayaa magcaabay agaasimaha Idaacada Muqdisho iyo telefishanka qaranka, madaxweynaha ayaa magcaabay Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe, Madaxweynaha ayaa magcaabay maamulka degmada Afgooye.
Maanta oo bisha tahay July 26,2012, madaxweyne Shariif waxa uu wareegto ka soo baxday xafiiskiisa uu degmo ugu magcaabay tuulo ay beeshiisu degto oo lagu qiyaasay in ay ku nool yihiin dad gaaraya 300 oo qof waana Gelinsoor oo u dhaxaysa magaalooyinka Gaalkacayo iyo Cadaado.
Gebagebadii sababta Madaxweyne Shariif iyo wasiirka arimaha gudaha Cabdsamad ay tuulooyinka uga dhigayaan degmooyin, ama gobolo jira ugu dhigayaan labo gobol waa siyaasadii Jabhadii USC ku guuldaraysteen sanadkii 1991. Waana Siyaasad cusub oo lagu raadinayo kuraas iyo sidii loo sii dheeraysan lahaa mooryaanimada.
tasi waxay natusinaysaa in shariif beeshiisa karaadinayo cod, dabcan cabdi walina waa la ogyahay toog toog maxado somaali baatiri
been badanaa ma ina gaas ayaa soomaaliya nabad ka keeni kara islaamo ayuu u dhiibayaa talada dalka haduba diana uga yertay london yahuuuuuuuuuuuu
A/rashiid waan ku salaamay oo waxaan kugu salaamay salaanta kor ku xusan. Walaalow haddii aan su’aal kaa waydiiyo ninkaan Gaas oo aad amaanaysid haduu yahay sida aad sheegayso oo uu ku sifoobay amaanta qoraalka aad ku sheegtay, Maxaa loogu eedeeyay lacagaha laga xaday dadka masaakiinta ah oo dhimanayay? Runtii waa wax lalayaabo dad islaam sheeganaya, oo diir naxa leh, oo masuuliyiin sheeganaya, oo hadana rajo kaqaba inay dadkaas u sii ahaadaan madax in lagu soo eedeeyo macaawino loogu soo dhiibay dad dhindhimanaya in ay hunguriyeeyaan.. waa arin cajaa’ib ah. Anigu waan akhriyay Reportkii ay sooqoreen kooxdii QM ee ay ku ee daynayeen dad badan oo uu kamidyahay Gaas runtiina qoraalkaas waxaad moodaa inuu run u dhwyahay.
Wabilaahi Tawfiiq
Qoraaga waxaan u arkaa nin ku jira ole ole iyo xayaysiin aan macno badan ku dhisnayn.
Maanta umadda somaliyeed uma baahna in asbuuciiba dhowr jeer qof loo xayaysiiyo.
Qoraaga hal su’aal ha iiga jawaabo
waxaad sheegtay in C/wali uu yahay shakhsi “Dareen iyo Damiir leh” oo ka damqanaya dhibka ummadda.
1. C/Wali sow maha ninka horboodaya in dalka laga hirgaliyo Dastuur ku sheeg ay ku qorantahay qodobka hoos ku qoran
“Xuduudaha/dhulka somaliya haddii uu ka dhasho khilaaf soohdimeed= haddii dowlad kale sheegato, waa in khilaafkaas lagu xaliyo wada hadal iyo xeerarka caalamiga ah.
Taariikhda ma ku aragtay ama maqashay ummad dastuurkeedi ku qoratay “dhulkeena haddii nalagu qabsado waxaan diyaar u nahay inaan wadahadal ka galno???
Ma ninka noocaas ah oo asagoo ilaahay aqoon dheeraad ah ku manaystay, ogolaaday in qodob noocaas ah ay u soo dhiibaan Ethiopia iyo Kenya (ileen waa iska cadahay in aan qof somali ahi qodobkaan dastuurka ku soo darin)…ma ninkaas ayaa u qalma in uu Somaliya hogaamiyo??
C/Wali iyo Sheikh Sharif waxay galeen khiyaano qaran waxayna mudan yihiin in maxkamad la soo taago, bal iska daa in ay somaliya mar kale hogaamiyaan. Laakiin C/Wali waxaan si gooni ah ugu eedaynayaa waa heerka aqooneed ee uu leeyahay iyo sida uusan Somaliya ugu hiilin markii ay u baahnayd, ileen kuwa kale inta badan wax aysan fahmin ayaa laga saxiixaaye.
Qoraaga waxaan ka sugayaa Jawaab cad oo ku saabsan qodobkaas aan ka hadlay, asagoo aan meelo kale isku qaadin.. bal ha isku dayo in uu difaaco wax aan la difaaci karin.
Waxaa mahad gaar ah u u jeedinayaa qoraaga maqaalka oo markii aan magaciisa arkay aan gartay runtii waxaan kugu raacsanahy maantay ninka ka ssari karo dhibaatada soomaliya waa nin ku sifoobay daacadnimo, wadaninimo, xalaalnimo, geesinimo, aqoon, waayo aragnimo iyo inuu leeyahay awood ballaran oo uu wax ku furfuri karo waa haddi loo baahdo, runtii cabdi wali gaas waa nin leh sifahaas oo dhan, mana jiro maanta qof soomali ah oo kula tartami karo sifooyinka kor ku xusan. waxaase jiro dad badan oo siyaasiyiin ah oo wax qaban kro laakiin intoodabadan horey ayaa loo soo tijaabiyey waana la xasuustaa meeshii uu baska uga banjaray oo uu cabdi wali shukaanta u qabtay runtiina waa muuqataa guushii uu gaarsiiyey soomaliya iyo mesha uu hayaanka dawladnimo ee soomaliya uu amrayo, sidaa daraadeed waan ku waafaqsanahay qoraaga in uu hoggaanka ummada soomaliyeed maanta u qabto, runtiina waxaan dhihi karaa abdi wali maanta soomali iyadaa ubaahan isaga. waxaa laga yaabaa in dadka qaarkiis ay is yiraahdaa qabyaalad ayuu ku taaageerayaa, maya runtii ee waa muuqataa wixii uu qabtay iyo ficilada uu muujiyey ayaa ka dhigayo maanta in uu yahay hoggaamiye aysan soomaliya maanta ka maarmin
War Meesha qabyaalada kala tag waryaa. ina adeerkaa baad anaga noo xayeysiineysaa
Dhalay ayaad lahaydeer cabdulahi ayaa wax qabankara kadar oodebi dhal Ina crashiid ayaa teraahde maye kan. Maantana waxad la shertime kan wax qorayow cabdiweli hadaan ilaahay ka baqayo somalina ay wada qertay mar maajo ayaa isku dhaamay waxa qorayso iyo uur kaaagu is malaha dadka somali ugu xukun jecel een cidna wax u ogolayn waa sadexdaa reerkay kasoo jeedaan gorayo haad noqotay danbe uma baahnin
Acww:waxaan dhamaan idinku salamayaa salaanta islamka Abdiriashid waxaan lee yahay somalidu qolo walibaa nin libaax ah ayay lee dahay qolo walibaa keeda ha xayaysiisato waxaan u lee yahay waa sidan.
Abdiwali ma ahan nin damiir leh sababtoo ah isagoo PM ah ayaa horitiisa dad masaakiin ah lagu dhacay cunatadii gaalada cad-cad u soo dhiibeen
2-Abdiwali isagoo awood buuxda u leh in uu jojiyo in shacab somaliyed aan addoonsi-lagu haysan ka aamusay isagoo is leh armaa weysaa booska PM(DADKAASI WAA DADKA XERYAHAH XAMAR KU JIRO EE LOO DIIDAY IN AY KA BAXAAN)
3-Abdiwali isagoo acedemic ah PM ah ayaa lagu sheegay in boonooyin uu siiyay asxaab(qabiilkiisa)MP la siyaasad ah iyo dadka
Abdiwali ma soo celin karaa nabaddii
Eng waxaan weydiinayaa nabada uu soo celiyay abdiwali maxay tahay mise AMISON ayaa ku qaldaysaa ciidanka dawladda?Waxaa cajib ah qoraagu wuxuu yiri in dadka ay u siman yihiin war illahay maan ka baqno oo qabiilka ka harno.Waxaa lagu haystaa in dad asxaab ah(qabiilkiisa)uu siiyay lacagtii qaranka(boonooyin been ah canshuur dhaaf wax loogu magacdaray)Ma laha inta aad sheegtay dadka degaankiisa iyo reerkiisa ayuu u yahay marka iyaga ha haystaan waana ceeb in qof aan soconayn sida uu ku yimidna aan ognahay la buunbuuniyo oo somalida laga iibiyo raali ahaada wixii musuqmaasuq iyo tuugnimo lagu sheegay hana dhaafaan Abdiwali ayaana ugu horeeya
CARMO BOY AAD BAAN KU SALAAMYAA SALAN KADIB WAA SIDAAD SHEEGTAHY WAXAAN KUGU DARAYAA WAXYAALO KALE OO AAN OGAHAY OO AH C/WALI GAAS
SIYAASI MAHAN WADANI MAHAN CODKAR MAHAN KARTINA MALEH WAXA UU XAQA ULEYAHAY IYO WAX KALENA MAKALA YAQAAN MEEL WAX USOCDAANA MAYAQAAN
WAXAAN LEYAHAY NIN KAAN GURIGIISA KUCELIYA THAMKS ALLAAH GUUL AMA GEERI
Nabad waxaa keenikara Soomali oo ku tashata wada qaadatana nabadda ee qof keligii ma keenikaro.
War nimanyahow waxaa iga su’aal Engineerkaan ma la hubaa inuu miyir qabo, hadde ma aqaan anigu ninkaan, laakiin waxaa iiga muuqata Jaahilnimo iyo daciifnimo aad u weyn heer loo qaadan karo inuu waalanayahay, xataa aqristayaasha kama xishoonayo, war qofku sidee bay wax ka yihiin? waa wax lala yaabo run ahaantii sida uu ninkan u dhaqmayo xataa haddii uu lacag qaatay!
Waxaan weydiinayaa ninkaan ku waashay Cabdi-Wali xataa ma fahmi kari la’dahay in ninkaan uu adigoo kale yahay dad ka fiicanna ay jiraan dad ka oo adigoo kale ahna ay jiraan, kana xishoodadka raba inay bogga wax ka aqristaan, kana jooji bogga qashinka aad maalin kasta ku soo qubayso.
Acww.
Ku: Qoraaga,
In ra’yiga aad qaadatay aadan ka baaraan degin xaqna aadan ku saleyn waxaa daliil u ah in waxa aad Cabdiwali ku sheegtay lidkeeda uu yahay. Cabdiwali waa Khaa’inul wadan, Waa naxariis laawe, waana qabyaaladeyste.
Wadanka sida uu u khiyaanay
• Wuxuu badeenna u saxiixay Haliday Finch iyo hey’ado kaleba
• Wuxuu dalka inay soo galaan oo waxay doonaana sameeyaan u saxiixay, Kenya, Ethopia, Sera lion, Jabuuti iwm
• Wuxuu xaday hantidii qaranka ( fiiri Raxanreeb.com)
• Wuxuu gobanimadii dalka gacanta u galiyay Mahiga
Naxariis darradiisa
• Markii shacabka madaafiicda lala dhacayay wuxuu yiri ha lagu sii wado ( Fiiri waraysigii laga qaaday waqtigii shirwenihii London)
• Xasuuqii Garsoor kamuusan damqan, mar la heshiiyay unbuu dib ka neefsaday, bal e, asagaaba inuu wax ka abaabulay lagu eedeeyaa
• Dagaalkii Kalshaale iyo Buuhoodle kamuusan damqan
• Dagaalkii Dhagtuur kamuusan damqan
• Shantii caruurta aheyd ee isku halka qoys ka dhimatay Jilib ee uu asagu dukheynta Kenya saxiixeeda lahaa ehelkoodii kamuusan xaq siin
Qabyaaladiisa
• Wax kastoo lagu aaminay jifadiisuu ugu roonaaday
• Dhakhaatiirtii Turkiga oo uu Garoowe iyo Boosaaso u wareejiyay iyadoo barakacayaashii Muqdisho ku soo faruurmay ay baahi badan u qabeen.
• Raashinkii barakacayaasha loogu talo galay oo uu si qarsoodi ah Dekada Boosaaso ugu leexiyay.
• Birihii bololka ahaa ee dekada Muqdisho oo uu marar badan isku dayay inuu Boosaaso u raro.
• Mahiga iyo Hay’adaha Caalamka oo uu ugu sheekeeyay in adeerkiis Faroole ay ka go’do talada Mudug, Sool, Sanaag, Bari, Iyo Togdheer, isagoo qarinaya maamullada sida Khaatumo, Raas Caseyr, iyo Galbeedka Puntland. Qarinayana inuu Faroole Garoowe kaliya madax ka yahay ee aysan talo ka go’in.
• Deeqdii waxbarasho ee Turkiga oo uu adeerkiis Faroole iyo jifadiisa oo qura gacanta u galiyay.
Source: Haad
Mr Abdirashid waxaan filayaa in u yahay waxa soomaalidu u taqaan ANNA WEYKAN sababta oo ah haddii aad maalin kasta ku soo celceliso XAYAYSIIS aan dadka la rabay in ay gataan diideen waxay su’aal galinaysaa CAAFIMAADKAAGA MASKAXEED. Qoraagu miyuusan ogayn in abdiwali yahay in in badan masuul ahaa (PM) oo ay dadka soomaaliyeed ka dharagsan yihiin WAXQABADKIISA IYO SIFOOYINKIISA SHIKHSIYADEED mise waxaad mooday in ay maskaxdooda ay waxka badalayan amaanta aad huwisay? Dadka soomaaliyeed masuuliyiin ku ka mid yahay PM abdiwali waxay ka sugayaan cadayn in uusan samayn eedaymaha ( corruption) ay u soo jeedisay MONITORING GROUP inta uusan noqon masuul markale ladoorto.
@yaabaane waa wax laga naxo ”dhulkayga baan gorgortan galinayaa.” Which means: my national territory is in dispute! waxay tilmaan cad ka bixinaysaa wadaninimada abdiwali rag u ka mid yahay heerka ay gaarsiinsan tahay, waxay dhinaca kale opposite ku tahay this article.
KU.Ninwadani ah.
Saaxiib marka hore adiga iyo Cabdiweli M.C.Gaas midkiina ma aqaani oo saan filayo idin ma arag.Laakiin waxaan kuu sheegayaa in la beeniyey arintii C.Wali lagu daray kuwa la yiri lacag bay xadeen.Sootuu ka sheekeeyey ma aha sidii ay lacagtu ku baxday.Waa lacagtii la yiri C.Weli baa wax ka og.Nin u hadlay wasaaradda Maaliyadda Xamar waa kii yiri anigoo la socda Ina farmaajo baa loo dhiibay labo jeer loo dhiibay min shan malyan.Shan malyan waxay soo gashay xisaabta dawladda Xamar.Shantii kale wali lama hayo.Saas waxaa sheegay ninkaan kor ku sheegay.C.Weli waana kii U.N.ka ku yiri igu soo cadeeya ciddii lacagta ii dhiibtay iyo markii la ii dhiibay.Ugu dambeyn wax ku cadeeya wali ama hayo.Tan kale waa dambi weeyn in aynuu ka sheekayno wax aynaan xaqiidadeeda hayn.
KU.Jaalle Yaabane.
Marka hore waa runtaa oo gor-gortan ma gali karo dhulka soomaaliyeed.Isla markaas haddii bishiiba kun jeer Kenya loo saxiixo dhulkeena waa wax kama jiraan.Hase ahaatee maanta waxaynuu ku jiraa (harag Sagaro say kuu qabsato baa loogu seexdaa).War maanta baqtigaa inoo banaan.Macnaha waa in aynuu eegnaa sikasta oo aynuu mar ku soo celinkarno QARNIMADII inaga luntay 21 ka hor.Waa in aynuu u dulqaadanaa wax yaalo badan oo an hadhoow diidi karno.Misna waa run oo dhulkeenu waxuu leeyahay cadaw badan.
Yaabane wuu yaaban yahay isagoo awalba yaabana buu haddana sii yaaban yahay Yaabane.
Yaabane waxuu ka yaabay soo yaab ma aha?Yaabane isagoo yaabanaa buu sii yaabay.
Waxuu Yaabana ka yaabay baa yaabkiisa ka sii yaab badan.
Yaabane oo yaaban hadduu yaaban yahay soo yaab ma aha?
Kaftan dhab ha moodin saaxiib.
@ Yaabane
@ Faysal
Horta yaabane iska yaabsanoow waayo waxaa la yidhi in meeli u cadahay meeli ka madow adiga waxaa kuu cad inaad Professor Abdiweli oo Allaha karaameeyee oo Soomaaliya naf iyo nolol aad loo dareemi kadho aysan isaga uga horeyn inaad wax ka sheegiisa adoo dano kale u socda aad naf ka doonatay oogoowna lagu fahan..kkk Waar soohdimaha iyo somaaliyada aad ka hadlayso sow tii 22sanno ay BAHALOGALEEN nogotay oo soohdin iska daaye badahaagii la haysto! soow maaha soomaaliya tan 1960kii ka hoos martay! waar war mooge somaliya iminkaa loo xaadh xaadhaya inay aduunka ku soo noqoto marka taasna waa in sida la yidhi OODO DHACAMEED SIDAY U KALA SAREEYAAN BAA LOO QAADAA Bal horta soomaaliya ha hesho Dawlad xaqeeda u raadin kadha. Sheekada aad leedhay soohdin baa gorgortan ah waxay iila muuqataa inaadan waxba fahami kadhin haddii layidhi xuduudaha dalka haddii dawladi sheegato dabcan waalaga yaabaa in dawladi sheegato waayo dalku 22sanno buu BAHALO GALEEN AHAA, oo waa sax in haddii helo dawlad in lala hadlo wixii dhulkayaga ku xad gudba haday fahami waayaana laysla AADO KHARIIDADII ADDUUNKA U DEGSANEYD taas oo cadaynaysaa dhulkeena aan lagu xadgudbi kadhin! Walaal xaqaaga waxaad u xarbin kadhaa markaad wax tahay! Somaliya waa kumeel gaar macneheedu yahay waa la hayste si kastaba marka bal eeg xaqiraadaadu inay le’egtahay sow Abdiweli maaha ninka u xarbinaya inuu soomaaliya ku soo cesho masraxeedii si ay xaqeedu ugu dagaalanto waar wax fahan ama weligaa adiga iyo kuwa kula midkaa oo sabab u ah markay adhkaan in soomaaliya nafi soo galayso oo Rag wadaniyad leh Sida ALLAHA KORYEELEE Professor Abdiweli jid falaan inay isku dayaan inay lugaha qabtaan si ay noogu sii hayaan burburkaas iyo baaba’aas si ay danohooda gaarkaa ugu fushadaan arrintiina waa laga dheregsan yahay ee wax iskula hadha oo dalka ka fuqa oo buhuu bahaa iyo wadanida beenta eed la wareegaysaan joojiya. Waa talo. waxaad kaloo fahantaa Professor abdiweliga aad dabo dhigatay waa ninkii u xarbinayey welina u xarbinaya in hawada soomaaliya isagoo wali aan xataa dawlad rasi ah noqon in la soo celiyo HAWADA SOOMAALIYA! Waa ninkii kula xisaabtamyey welina kula xisaabtama meesha lagu bixyey (billion ka Dolar oo sanad kasta lagu qaato magaca Soomaali aan wax muuqdana loo sameyn! Abdiweli waa nin markasta u heelan Soomaali xaqeeda inay hesho! Marka nin sidaas ah yaa adiga iyo wixii kula mida ee ujeeda kale Professor ka u dabo dhiga maqlaya! Maanagaaba nasiib leh aan ku aragno dawlad dhalatay, kumeelgaar laga baxay iyo Abdiweli oo hogaanka noo haya, Allaha noo kaso, Amiin
Kan la baxay FAYSAL waxaad u muuqataa qof aan si dheer u fekeray waayo dumarku waa kuwii ku dhalay oo adiga intaas ku soo le’ekeeyey inaad maanta tidhaa yaan wax lasiin waa tii soomaali tidhi CIIRTAADA DHAME BAA CAYDAADA YAQAAN! Halse aan kuugu daro ma ogthay 22kii sannoo eed raggiina badidi ku mashquulsaneydeen inaad dalka iyo dadka baab’isaan inay iyagu dhulka iyo dadkaba daryeelayeen oo la’aantood aad darbiyada xabkeysan lahayd. Hodhaa loo yidhi iska hadloo ina IGARE…kkk
waxaa lagu jiraa samini aakhir waxaad ku sheegteen qabyaaladiiste adinka eedeenaya madaxda naftiina kabilaaba oo iska daaya qabyaalada aad wax kujeclaaneysaan ama kunaceesaan hadalkiina waxaa laga dhadhansan qabyaalad
kuli iyo calaa xaal All in All ijiid aan kujiido xalmaaha anigu waxaan aamin sanahay nimankan wadanka hogaaminaya in labedelo iyadoo aan qabiil iyo laaluush toona la tix galinayn , MAXAN SAA ULEE YAHAY ? waxaa cadaatay nidaamka haatan jira inuu yahay mid ku ciyaaraya QARANIMADA dalka wixii ladoonana dhegta loogu soo sheego kuna fashil may inay dhahan ,NO , marka soomali hadal badaney No more 2 sharifs and gaas we need change, may be samatar or farmajo or
Horta Basra daaqaday kala baxday Yaabane iyo Faysal.
Ku.Shaahdoon.
Lama yaqaan si laguugu soo jawaabo, waayo lama wada fahmi karo waxa ad soo mal-maloogtay.
Saas darteed haddiiba adan qori aqoon luuqaday Hooyadaa kugu soo korisay yaa kaa raqiisan oo wax aysan ahayn ad ka sheegaysaa?
Dadka ad tir cidna wax uma ogola haddii lagu yiraahdo yay wax u diideen indhahaad kor u taageysaa.Tan kale adiga oo kale waxba looma ogolaan karo sababtoo ah waxba kuuma kala soocna.Hadalka ad tirina waxaad ka soo maqashay FADHI ku dirir iyo meel xun.Ugu dambeyn dadka adiga oo kale ah waa in loo taliyaa illaa ma tashan karaane.
hadii aan qaymayn kusameeyay qaraalada dadka 70% waxay qabaan c/wali wax lataaban karo oo uusameeyay in aysan jirin saaxiibkiisii booska kuwareejiyay waxaa cad in uusan aqoon ulahayn ina farmaajo khalad kii ugu waynaa ayuu galay markuu c/wali gaas ku gorgortamay
markii uu arkay in meesha uusan sii hayn karin ayuu geesahiisa eegay ninkaan ayaa raga wasiirada ahaa oo dhan macquul lanoqday laakiin wixii uu kafilayay iyo wax kudhaw lagama dhaxlin
KU.Real Maakhiri.
Haddii ad wax ka taqaanid diinta iyo dhaqanka Islaamka C.Weli ma ku cadaynkartaa waxa ad ku sheegtay?Waa la sheegahayey iyo waan u maleeyey Allaah (swt hortiisa lalama tagi karo.Maalinta kala baxa haddii ad taqaanid ma adigaa ka markhaatiya in uu Cabdiweli suubiyey xatooyada foosha xun ee ad ku sheegtay?War iska jira oo markhaatiga beenta ahu waa dambi khatara.
Ugu dambeyn adigu haddii ad tahay reer Maakhir waxaad ka mid tahay masakiinta shaxaada C..weli ee maxaad dantaada u aqoonsan weyday?Danahaga raaco oo hawshaadii lagugu ogaa ha ka tagin.Hana isku dayin in aad taabatid meel adan gaari karin Jaalle.
A/C
Waxaan maqli jiray, “Wan gawracan geedo kama waabto”. Hada ina Daad ma wuxuu rajo ka qabaa inuu dadka ku dirqiyo Axadkaan ina Gaas ah oo ay Soomaali oo dhan nacday? Cajiib!
Malaha Engineerku waa kan Cabdiwali ku wardinayee wax aannaan ogeyn baa jira. Tolow Engineerku sidaan kuma miyir qabee ma “Cilmigiisa” badanbaa dardaray? Mise Jin qooqanbaa ku jira? Qabyaaladu xitaa dadka sidaan uma wiiqdo ee malaha wax kalaa jira.
Wax kastoo jiraba, waxaan jeclaan lahaa in aan Engineerka kula taliyo hal arrin. Waa talo fiican haduu qaadanayo Inkastoo horay loo yiri, “Waano abuuris baa ka horraysay”. Waa sidaan taladu;
1, Telefoon ku wac Cabdiwali ama Warqad u qor (adigoo dhahaya)
” Cabdiwali ina adeeroow In badanbaan isku dayay in aan ku iibgeeyo oo aan soomaali kaa gado anigoo ammaan aadan laheyn dusha kaa saaraya. Mar kastoo aan soomaali ku dhexgeeyana wayba ku xajiimoodaan magacaaga, xitaa anigoo aanan xumaan geysan baa la I nacay markii la arkay anoo magacaaga wadwada. Ina adeer, had iyo goor markaan soomaali dhex tago waxaan waayaa hal wanaag oo aad leedahahay oo aan ku doodo, markaasaan dadka ku mashquuliyaa in aad tahay nin naxariis badan, nin soo dhaweyn badan iyo waxyaabo caynkaas ah oo ay bulshadu igu nacday ku celceliskooda. Iyagiina la isaga daba yimid oo falalkaad dadka hortooda ku sameysaybaa burburiyay.
Marka ina adeeroow badal hab-dhaqankaaga oo iska daa kilkilaha aad ruxaysid markaad ajnabi aragtid, oo jooji khaladaadka aad dalka iyo dadkaba ka galaysid. Ina adeeroow baro sida waxa xun MAYA loo dhaho. Ina adeeroow fiiri hareerahaaga waxa facaa jooga oo iyadoo aysan ciduna suuq geyn ay soomaali oo dhami u heelantahay. Ina adeeroow ku dayo dadka wanwanaagsan ee kaa cilmiga Iyo caqligaba badan. La tasho odayaasha. Waydii dadka siyaasada kaaga horreeyay iyo kuwo aad oga horreeysayba sida wax la yeelo. Ka baro iyaga sida hadalka loo toosiyo………iwm.”
Waani ninka adoo dhaartaadii xaf kasiinaya Ileen waa xaqe.
2, Hadii uu kaa qaato oo uu Hab-dhaqankiisa foosha xun wax ka badalo nin dheh. Markaas uma baahan doontid inaad suuq geysid sidii ri’ bukta. Adaa arki doona Soomaalidoo ka daba rabashrabash leh, oo uu Haad ugu horreeyo.
3, Hadii uu kaa diido oo uu qurunkiisa sii walaaqdo, adigu taada ilaasho oo soomaali godob ha ka galin inta aad qolof cidlaa ugu yeertid. Waaba hadii aysan soomaalidu mar hore kugu darin Recycle Bin-ka.
Waa talo culus! Anna waajibkaas wuu iga dhacay!
Jj
@ Haad
Haadoow waxaa layidhi nin somaaliyeed oo aad u dadaal badan baa is yidhi garabso walaalkiis soomaaliyeed markaasuu wuxuu ogaaday inuu doqon yahay oo asaga wuxuu ka gooyo maahee aan marna faa,iido keeneyn! Markaasuu intuu qoslay oo eegay buu yidhi ALLOW DOQONOOW DABKAA BA”OO…kkk
Doqon waligiis meel xeedho iyo fandhaal kala dhacay buu xin, xumeyn, cey, iyo xaasidnimo la taagan yahay ileyn caqligiisu shay kale ma fahmee..kkk Waxaan filayaa inaad si fiican ii fahantay! Walaal Abdiweli Gadniin uma baahna especially adiga iyo kuwa kugu caqligaa oo kor ku wada nacnac leh. Qoraagu kheyr Allah siiyo waa Somali Xalaala, Somaalinimadiisuna weyn tahay, garaadkiisa caqlina wanaagsan yahay Doqonimana ay ka dheer tahay, Abdiwelina garabkii xaqa ahaa oon xaqiraadba lahayn la dabo taagan! Haddii uu walaalkiis xaqa ugu hiiliyey ma hinaas baa idin laayey….kkk ka naxoow nafta waa!!
Nin haduu daaco shubtaayo,
oo doobi uu hadba tuuro,
Xikmadna aan lagu duugin,
oo hadal aan dawba ahayn,
iyo wasakhee un dadkaas,
caqligiisu dugaasho,
waa doqon aan waxba goyna
ma HALDOORKA ragguu,
Dadaalkiisa kadhaa??
oo ma nacas baa xikmad door ah,
iyo caqli daarada keena??
Wele weydin ku daalin,
Halyeygaas dadbadbaadshe
ee dalkii nabadeeyey,
ee doqon baan garaneyne,
isagaa lala duubtay,
ee Rabbigay darajeega,
Ha u daayo dalkeena!
,
xeradiina dangiiga,
talodii ka dayowday,
afkaas uun daldalaaya,
caqlina aan daaradda keenin,
Raggu waa nin dadaala,
hayaan reerka la doona
uu barwaaqo dakeeyo,
iyo mid uun daaco la jooga
xeradiina dangiiga,
talodii ka dayowday,
afkaas uun daldalaaya,
caqlina aan daaradda keenine
bal labadaas kala dooor!!!
Ilaahay waxan kamagan galnay inta cuqdada iyo xasdigu laharay. Inta qabilka iyo qurunku maskax maray;- eng axsanta qawlan run ayad sheegtay. C.w gaas waa shaqsi mudan kuna habon hoganka somaliyed, soona celin kara nabadii iyo midnimada somalia, hadanahay shacabka somaliyedna waxan markhati kanahay; damqashada iyo dareenka. Ixtiramka iyo qadarinta. Wadaninimada iyo hufnaanta.
Maamul wanaga iyo dacadnimad. Uu kusifoobay c.w gaas. Ilahayna inu usiyadiyo mahane inusan kanaqusin ayan ubaryayna
Ac Wr Wb
dhammaan akhriyaasha qiimaha badan aan hal suaal idin waydiiyo
sideedaba qofka bini aadamka ahi ikhtiyaar ma u leeyahay inuu afkaartiisa qof ku raaco ama uu taageero qof?
hadday jawaabtu haa tahay dib ugu noqda qoraalada aan qoray oo ku saabsan Cabdiwali dhammaan tood waa fikirkayga waxay kala ahaayeen…
lakulankii wax iga bedelay …. saddex arimood uu codkayga ku helay… talu ku socota shicibka somaliyeed iyo kan oo ah …. waxaan qabaa inuu ku soo celin karo…
dhammaantood waxaa kaaga muuqanaya inay wada yihiin fikirkayga iyo ikhtiyaarkayga anigoo raaciyey sababaha igu kallifay inaan fikirkayga ku taageero.
haddii uu qofku xaq u leeyahay inuu doorto ama fikir ku raaco ruux maxaa keenay in qaarkiin eedayn iyo aflagaadooyin usoo jeediyo qof afkaartiisa iyo codkiisa caddaystay ruuxuu ku raacay.
haddaba halkaa waxaa ka muuqanaya waa waxa waddankiinii u degi waayey…
qof qof kale wax u quura waa yaraatay inteena badani waxaan ku xamaysan nahay inaan ruuxa la amaanaa haddaanu reer keena ahayn inaan dhulka ku masaxno.
Intiina dastuurka ku dhaga go’an waxaad ogaataan in dastuurka dhabta ahi yahay midka aan loogu magac darin ku meel gaar oo aanu waxba ka bedeli karin shuruucda u deggan aduunka sida dawladda ku meel gaarka ahi go’aanaday qaataan uga shaqayn adduunka sharuucdiisa.
Waxaadna ogaataan in dastuurka saxa ah oo aan ahayn ku meel gaarka loo soo bandhigi doono shicibka oo ay u qaadi doonaan cod lagu ansixiyo.
Kuwiina ku xamaysan wax ka sheega aan innaba ixtiraamka wadan ee aflagaadada ah ay idiin tahay dhaxal idin sugaya maalinta qiyaami dad aad u fara badan oo akhriyey aflagaada diinaas ay aakhiro ka markhaanti kici doonaan.
Waxaad ogaataan in waddan dhan oo dadkiisii dhibaato farabadan ku socotay idiin baahan yahay idinkiina waxaad door bideen inaad far far ku taag shaqo ka dhigataan.
Talo iga hooya…….. Allah swtc wuxuu yiri
Malaha qaarkii waa Danbi
Wa Billaahi Tawfiiq
A/C
@ Faadumo
Faadumo soo maahan midaanu, Markale soo Fakaneysa?
Farriin horaan ku tilmaamay, Hadii aad wax Fahmeysid
Fiimeelku way I dhaleen oo, Ficiltankood ma awoodo
Farahayga oo aan ku fiiqiyo, Falfalxumaan uma quuro e,
Fasax baa tahay beello ee, Faruuryahaaga ha laabin
Foori oo ha ka daalin, illaa aad Fiiq kari waydo
Fax intaad noqonayso, Fadhigaan kuugu dadaaline.
Farbaase taagan walaal ee, Fiiro gaar ah u yeelo,
Furdugaan aad ammaantay, Faallo aan ka tilmaamo,
Faadumo waadan aqoone, Foolish weeye qofkaanu,
Fuurrax waa magaciisa, Fawdadu waa dhaqankiisa,
Fidnadu waa golihiisa, Faankuna waa camalkiisa,
Fal hadii lagu aadsho, Faraskiisu ma rooro oo,
Faylo gaabane weeye.
Farriin haduu gudbinaayana, Fasiix maahan codkiisu oo,
Faadumaaba ku dhaanta.
Fuluus hadii la ag keeno, Farahaa dhaqdhaqaaqa oo,
Fiidkiibuu la dusaa.
Faajeer weeye bakhayl ah oo, Fujaan shaaha ma quuro
Food haduu dul fariistana, Fuustooyinbuu ka cunaaye feerihiisa ka eeg,
Fighting hadii uu yimaadana, Fulay weeye cabsooda oo,
Fiirin maayo gadaashi
Fowfowle weeye is Faansha, Fiin haday ka agduushana,
Farandulleeya markiiba
Faruuryo geelle Mahiigiyo, Zanaawi oo Fuusto la mooduu,
Fuurrax Foolka tusaa,
Faraciisa Soomaaliyo, Faamilkiis ma yaqaan oo,
Foriegner buu u dhaqmaa
Falalkaas aan tilmaamay iyo Intaas oo Ficil yaab leh, Faraciis kama keenine,
Farenjigaa ku hanuunshay
Faadumoy waadan aqoone, Anaa kaaga fac weyne wuxu waa Fooqal Qashiin!
Jj
TO:WAAYEEL
Saaxiib dhibta idin haystaa waxaa ay tahay idinka un baa wax isu sheega,nin tuug ah ayaa wuxuu isku dayay in uu xaddo nin eegaya oo ku leh war miyaad waalan tahay dee waan ku arkaa sideed wax ku waddaa,markaa ayuu ku jiri ma waali ee waan soo wataa marka waxaa cad in aad waalan tihiin ama aad soo wadataan.Aanku weydiiyo wax ma khrisaa luqada English I mean?xagga danbe firii warbixinta wasiirkii hore maaliyada ee dawladaii Armaajo,wuxuu lee yahay lacagata waxaa ay inoo timid iyadoo baahin aad u badan jirtay daymo na ay jiree loomana helin waqti central bank la dhigo,balse Armaajo waxaa ay ahayd cadaymo in uu ka keeno sida ay ku baxday sidoo kale sheekh shariif ayaa isana sheegay sidaa maxaa ay ku kala duwan yihiin iyagoo dhan?waxaan qabaa in ay isku mid yihiin waliba haddi damiir wadanimo jiro in ay is casilaan ayay ahay,ta kale Gaas ciidanka mushaar ma siin muddo 1o billood ah raggaii ka horeeyay halkay ka keeneen lacagtaa?dilka shacabka aad ayuu u batay qabyaaladana waa badatay sidee ku dhacaday arintaa?Dadka waxna waa wada qoraan waxna waa wadd akhiyaan maanta somali cidkastaa wax ay tahay iyo halka ay somali ka gashay 21 sanno oo dhib ah waa la is bartay Gaas iyo inta la ehelka ah waxaa la idiin arkaa dad waalan oo siyaasad ku waashay haddana aan waxba soo kordhin karin illaa aad gaarteen in aad ka carootaan nalalka solar ku shaqeeya,illaa aad qabqabsigiinii ay gaaladii ankee ay ka argagaxaday waxaa iga talo ah bal inay aad ka miyir sanaysaan in aad meel fariistan haddii kale weelkiina wuu buuxsamay suunkana waa in aad xiraan si aah hawada sare ugu nasataan kkkkk
@ haad,
Alaylehe caawaad cadaysatay inaad nin fudud oo been ku sifoobay tahay oo weliba cudad nafsi ku nagaatay…..bisinka Allow ku caafi!!
Haadoow heedhe haadoow,
sida haadka lalaayoow,
Waxba aan hubsanaynoo,
beenta haybada moodoow,
xaqiraad haamo ka buuxshoow,
dabadeed ku hadaaqoow,
Hadalkaagu bilaash,
oo Bilaahi bilaash,
oo caqli baa’ikha weeye
oo maskax beeshay wanaaga,
oo la basaastay xumaato,
iyo qalbi xaasid ka buuxo
buu ka soo burqadaaye
bal DABIIBKA la beegso,
oo buksiino la raadi.
Midna aan kuuba bidhaansho,
Halyeygaas barkaysan,
ee badbaadshay dalkeena,
beentaad baafisay heede,
adigaa la basaasay,
oo baabe’eedu ku haystaaye,
Isagu kaaba dul bood,
oo dunnidaa u riyaaqday,
oo dadkeenaa u raxleeyey,
ee doqon aan waxba goynoow,
Dacar qooshte rageedoow,
Maskaxdiisu duloowday,
Doctorkaas dad badbaadshe,
Nin damiir sare weeye,
Diirnaxiisa la yaabo
oo ummaddiis u dadaalee,
maskaxdaada dawee!!
ama halkaas dacar qoosh,
iyo ducufaa rag u liita,
hadalkiis la diglee……kkkk
Prof: Abdiwali Gaas waa madaxaweyne qaran. waa nin u qalma in uu hogaamiyo dalkeena hooyo waa nin ka damqanaya dhibaatada somalida oo dhan meel kasta ay aduunka daafihiisa ka jogaanba. waa nin aqoon iyo cilmi iyo garasho uu Alle siiyay, Mashaa allah Allow dhowr wadaniga dhabta.
waxaan aad ugu qoslay sida ay gabadha FAADUMO ula hadashay HAAD waryaa balo ku qaadaye gabadha waa kaa garaad sareysaaye ha la kaftamin hana ka hadlin mar danbe meel ay ka dhawdahay…war ileen anagaa balo aragnay wali tanoo kale ma arag….FAADUMO nocaa iyo wixii la midah dhagaha ka raac…….
Ma Abdiwale miya nabad so cilinayo Nabade Haal gado. nnkan xanunsa o kaniniga dadka depressionka gato maxu nabad kaog yahay?
Viva Abdiweli waana taagereynaa, ma labada jeeble shariif biijo iyo sakiin baa dhaama? waa maya.
A/C
@ Faadumo
Fiimeelku way I dhaleen oo, Ficiltankood ma awoodo
Farahoo aan ku fiiqiyo, Falfalxumaan uma quuro e,
Fasax baa tahay beello ee, Faruuryahaaga ha laabin
Foori oo ha ka daalin, illaa aad Fiiq kari waydo
Fax intaad noqonayso, Fadhigaan kuugu dadaaline. (“-”)….kkkk
Jj
@haad,
waa good hadaad dumarka ixtiraam siineyso laakiin weli ma aaminasani waayo qofku markuu yahay qof ixtiraam ku sifoobay xaqiir maaha biniaadamkana cay iyo aflagaado umlama fadhiisto xataa hadduu xumaan arko wuu xaqsooraa oo wuxuu yidhaa Hebel taas buu ku xun yahay taasna waa ku fiican yahay marka talo THINK BEFORE YOU SAY! good luck.
A/C
@ Faadumo
Allahu Akbar!
In la is Aaminsanaadiyo, In la is Aamini waayo, maxaa Aagaba keenay?
Adigaa Idmaneey, Aabiga iigu bilaabay, Iminkana adigaa aniga eedda I saarin!
Aflagaado ma sheegin, Idman aan ola jeedee, Oraahaheygii bal eeg!
Ammaanta uu ina Daad, Ina Gaas ku asqeeyay unbaan ood iska saaray, ileen waa iidheh cidlaaye
Asagoon Engineerku, Afkaba aan kala qaadin, Adigaa igu boodoo Afarrey igu boobay!
Anna waan kari waayay, inan inaan u jawaabee, isagaan la dul fuulay!
Aabi miyaanay aheyn, Adigoon lagu Aabyin, inaad Eebada tuurto?
Af miyuusan ku oollin, ninkii Aagaba keenay, Ina Gaas uu ku difaaco?
Adigoon Aflagaadiyo Afarrey igu Oomin, Aaraah maad la imaatid?
All in All ka ag leexo Afkaarahaan is khilaafsan ee, Aniyo Gaas u dhexeeya,
Ama anaa u dul qaadane, Afarreyda cabeyso oo, Eebadaada ha xoorin,
Adiga kii kula roon, Idmaneey ku hagaag, Adigoon is Asqeynin!
By the way, I can interchangebly use these three names; Faadumo, Basra, and Idman. Right?
Jj
@Haad,
Waaaw no my dear your deadly wrong!! didn’t I say:
Haadoow
Heedhe haadoow
sida haadka lalaayoow,
waxba aan hubsaneynoo,
Hagardaamo la joogoow,
beenta haama ka buuxshoow,
bal hortaada bal eeg,
oo hubsiino ku toos, ok
Tankale arrintu maanta waa noo guul oo illahay soomaliya KMG waa ka saaray heede marka arrintu waa ka naxaooow nafta waa…..kkkkk, Ninkii aad wax ka sheegeysay waa kaa Illaahay guuleeyey maanta ogowna haduusan qof wanaagsan ahaynEebe ma guuleeyeen ee waxaan ku leenahay GIVE Up Enough is Enough Somaliya needs (WADDANI) Like GAAS!
Faadmo iyo Haad-mo arkee
dadka kale haatuq miyaa
ma hal aan jirin baa
miyeysan wax hiigsan karayn
ama aysan hiinsi lahayn
ama aysan hubsiino aqoon