Cali Dheere: Howlgalada Muqdisho Ma Jirto Cid Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Qabtay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadleen howlgalada balaaran oo ay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo ka hadlay howlagalladaasi ayaa waxa uu sheegay in howlagaladaasi dadka lagu qabtay ay yihiin dad Soomaaliyeed oo muslimiin ah.

Wuxuu meesha ka saaray Afhayeenka kooxda Al-Shabaab ee dowlada ka soo horjeeda in dadka la qab qabtay ay ku jiraan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ama dad xiriir la len.

Sheekh Cali Dheere ayaa waxa uu ayaa wuxuu sheegay in ciidamada dowlada aysan dadka ula eegin caruur iyo waliba ciroole isla markaana ay gabi ahaanba qab qabteen dad badan, oo uu sida uu sheegay laga leeyahay dano gaar ah.

“Dadkaas xabsiyo ay u sameysteen ayey ku gurayaan oo ay ugu talo galeen inay uga beec mushtaraan, maantana ay marayso inay dhammaantood beec ay yihiin oo ay u dhexeeyaan $ 50 ilaa $ 2,000” ayuu yiri Cali dheere.

Dhinaca kale Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere waxa uu soo hadal qaaday shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyey Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga, waxa uuna sheegay in shirkaasi uu ahaa mid makri lagu maleegayey sida uu hadalka u dhigay.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Cali Dheere: Howlgalada Muqdisho Ma Jirto Cid Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Qabtay”

  1. Ali Soomali says:

    Beenlow ka tirsan Alshaydaan yaa kaa rumeysanayaa waxaad ku doodeysid? hadda ayaan ogaaney in 8kun la soo qabtay ugu yaraan kala bar ay ahaayee Alshaydaan.

Leave a Reply