Ciidamo British Ah Oo Lagu Arkay Afgooye


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

London (RBC) Warbixin uu qoray wargeyska The Times ee ka soo baxa dalka UK, waxa magaalada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose lagu arkay ciidamo British ah, halkaas ku sugan, kuwaas oo gacan siinaya ciidamada midowga Africa ee AMISOM ee Soomaaliya.

Wargeyska ma sheegin tirada ciidamada, laakin waxa uu soo sawiray ciidamada oo la hadlaya shacabka ku nool magaalada, oo dhawaan laga qabsaday Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa la arkayay iyagoo ay la taagan yihiin carruur ku dhaqan magaalada, kuwaas oo ay la sheekeesanayaan, isla markaana la qoslaya.

Wargeyska ayaa sheegay in ciidamada ay garab siinaan ciidanka AMISOM, iyo kuwa dowladda oo halkaas ku sugan.

Wargeyska sidoo kale ma soo xigan wax dowladda KMG ah oo ka hadlay ciidamada Britain ee ku sugan Afgooye iyo xiliga ay yimaadeen toona.

Labo bil ka hor ayaa ciidanka dowladda oo gacan ka helaya ciidanka AMISOM waxa ay qabsadeen magaalada Afgooye iyo deegano kale oo ku dhow caasimada,halkaas oo ay ka arrimin jireen Al-Shabaab.

Waxa horrey u soo baxay warar sheegaya in magaalada Muqdisho, ay ku sugan yihiin saraakiil ka tirsan hey’adda CIA-da ee dalka Mareekanka, kuwaasoo xitaa xabsi qarsoodi ah ka dhistay magaalada, gaar ahaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Haddii warkan uu soo qoray maanta oo khamiis ah wargeyska The Times ee dalka UK, waxa xaqiiqo noqoneysa in dowladaha reer galbeedka kuwa ugu tunka weyn, in ay gallaan galan ku lee yihiin arrimaha Soomaaliya.

RBC Radio

———————–

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Share

Tags:

7 Responses for “Ciidamo British Ah Oo Lagu Arkay Afgooye”

  1. rashid says:

    MAAMULKA RAXAN REEB MAXAA IDINKU DHACAY MAXAAD USOO DAABICIWEEYDEEN IN GOBOLKA HIIRAAN LAGA DHIGAY LABO GOBOL. WAREEGTO KASOO BAXDAY XAFIISKA MADAXWEYNAHA SHEEQ SHARIIF AYAA LAGU CADEEYAY IN GOBOLKA HIIRAAN LAGA DHIGAY LABO GOBOL. OO KALA AH GOBOLKA HIIRAAN IYO SHABEELADA SARE. MAGACA FEDERALKA AAY QAADANAYAANA UU NOQDO MAAMUL GOBOLEEDKA HIIRAAN STATE. MARKA RAXAN REEB HIIRAAN ONLINE XITAA WEEY SOO QORTAY WHY USOO QORI LA DIHIN MISE CADOWGA GOBOLKA HIIRAAN AYAA TIHIIN

  2. Ismahan says:

    Kkkkkkk adunyada nin nolow maxa aragtikulaban waxan rajaynan dowlad dadka iyo dadkaba wax uqabata lkn kuwa dowlda ugu sareya ayanba waxak ogen xaldad wadankena waxan umalnya in ayrban in ana gumaystan lkn in ay jirin cid somaliya dowlad urabta maraykan xabsi ayey kasamaysten ayraborka yey ku xirxirayan runta hadanan kagaban waxay xirxiridonan alshabab ma ahan lkn wa qofkasta oo ka xumada xalada somaliya aqonyahan dhalinyo oday iyo hooyo kasta oka gilgilata xalda somaliya adban uga xumahy sida ay udhaqmayan madaxda dowlada lkn sas kuma dhamnayso umada somali guul ayan inoo rajaynay dhaman umadasomaliya ilove and ihope one day we hve peace fully cntry

  3. cadaani says:

    ALOW WADANKA XORIYADISII USOO CELI

  4. FARATELO says:

    ASCaleykum Wax nagu cusub maahan in ciidan cadaan ah iyo kuwo madoow ah aay joogaan geyiga Jamhuuriyadaa Somaaliya, waabilow intaan yartaa oo lagu tusey waa horudhac ciidankaas xoogiisa waxaa lakeenaya 20 agoosto wadankuna wuxuu ku jirey gumaysi cadayntiina waad aragtaan maxeey is dhaamaan gaalo madoow iyo gaalo cadaan afrikaanka wadanka waa lagu qabsadey hadana waa lagala wareegayaa taas ogaada shacabka somaaliyeed dadkii dhiiga lahaa waa lala laayey qaarna waxeey ku lugo xiran yihiin qurbaha kuwo cayr la siiyo kuwo maskaxda laga burburiyey ayeey noqdeen. Diinta muslimka in wadamada muslimkaa lagu xukumo maxaa diidaya ma’isweydiiseen su’aashaas suxaanallaah muslimka waxaa lanacsiiyey diintoodii markaasaa waxeey xayeysiinayaan waxaan diinta muslimkaa qabin waa aakhiro samaan qofkii caqli leh wa garan karaa.Alloow dal nabad iyo dad caafimaad qaba sc.

  5. caamiruu says:

    Waan ku faraxsanahay in Hiiraan laba gobol loo qaybiyay waayo waa gobol weyn oo waligiis la qaybin.
    Waxaanse la yaabay maxaa dana oo oo ugu jira dadkam reer hiiraan iyagaa og. good luck

  6. [...] ayuu sheegay in ay jiraan “koox tababarayaal ah oo ka socda Ingiriiska oo ku sugan Muqdisho. AKHRI CIIDAMO LAGU ARKAY AFGOOYE Wargeyska The Time oo daabacay sawirada ciidamada [...]

  7. [...] Wasiirka gaashaanshiga oo la weydiiyey sawirada laga soo qaaday Afgooye ee muujinaya askar hubeysan oo Ingiriis ah oo carruur Soomaaliyeed kula hadleysa magaalada Afgooye ayuu sheegay in ay jiraan “koox tababarayaal ah oo ka socda Ingiriiska oo ku sugan Muqdisho. AKHRI CIIDAMO LAGU ARKAY AFGOOYE [...]

Leave a Reply