Ciyaaraha Olombikada Adduunka Oo Maanta Ka Furmaya London
London (RBC) Waxa goordhow magaalada London ee dalka boqortooyada UK, si rasmi ah uga furmi doona ciyaaraha caalamiga ee Olombikada Adduunka oo afartii sanno mar la qabto.
Waa markii seddaxaad ee lagu qabto ciyaarahan magaalada London, waxa ka qeybgalaya ilaa 10,000 oo ciyaartooy kuwaas oo ka socda 204-wadan, sida lee yihiin qaban qaabiyaasha dhacdan weyn ee addduunka oo dhan in dhaha ay ku hayan.
London toddobo sanno ayey diyaar-garow xooggan ay ugu jirtay, qabsoomida ciyaarahan, wax yaabaha sannadkan sida weyn ay mudnaanta u siisay waxa ka mid ah arrinta ammaanka.
In ka badan 80,000 oo qof ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan furitaanka ciyaarahan oo ay ku jiraan boqorada UK Quen, iyo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka ee Mitt Romney.
Ra’iisal wasaaraha UK David Cameron, oo shaley booqday tuulada ciyaaraha olombikada bariga London ayaa sheegay in dowladiisa ay ku bixisay martigalinta ciyaarahan ku dhawaad £9-bilyan.
Waxa uu yiri ” Sharaf weyn ayey u tahay in London ay ka dhacaan ciyaarihii 30-aad ee Olombikada adduunka, oo markii hore ka soo bilowday dalka Greece caasimadiisa Athens.
Soomaaliya yaa u matalaya ciyaaraha olombikada adduunka 2012
Soomaaliya waxa cayaaraha olombiga uga qeybgalaya laba cayaartooy oo kaliya kuwaasi oo kala ah Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed oo labaduba Muqdisho katagay.
Maxamed Xasan waxa uu ordi doonaa tartanka 1500m iyo 5000m, halka Samsam Maxamed ay iyana ordi doonto 800m iyo 1500m.
Sidoo kale Soomaaliya, wax yaabaha sannadkan u sii dheer waxa ka mid ah, waxa ay ka qeybgashay tartan xagga gabayada, waxana ay ka mid noqotay 17-wadan oo gabayo ka akhrin doona furitaanka ciyaarahan, waxan Soomaaliya gabay ku saabsan ka jeedin doonoa Abwaanka Cabdulaahi Bootaan Xasan.]
Sidoo kale, waxa Soomaaliya maanta calanka qaadi doonaa Orod-yahan caanka ee ah Cabdi Bile Cabdi oo ka mid ah ciyaartoyda magacaga weyn ku leh Somaaliya, xagga oradka ee ku sugan London.
Arrinta kale, ciyaaraha sannadkan ay wataan.
Waxa jira ciyaartoyd badan oo iyagoo sooman ka qeybgali doona ciyaaraha kala duwan ee ka dhacay London ee Olombikada adduunka, labo ciyaartoy oo ka socda dalka Morocco oo ka tirsan xulka kubadda cagta ayaa sheegay in ay soomi doonaan.
Macallinka kooxda Pim Verbeek ayaa sheegay in labadan ciyaartoyd ay wali sooman yihiin ayna ka qeyb gali doonaan ciyaaraha sannadkan.
Guud ahaan sagaal ciyaartoy oo ka socda dalka Morocco, ayaa la soo sheegayaa in dhamaan ay sooman yihiin kana qeybgali doonaan ciyaarahan
Tabbobaraha kooxda isku tagga imaaradka carabta, ayaa shaaciyay in ciyaartoydiisa aysan soomi doonin sidoo kale maxkamadda sare ee dalka Masar waxa ay iyana amartay in ciyaartoyda Masar aysan soomin.
RBC Radio
————————-
Xafiiska Wararka London












[...] Read the original post: Ciyaaraha Olombikada Adduunka Maanta Ka Furmaya London [...]
waxaan u rajeeynayaa 2da ciyaar yahan ee soomaaliyeed in ay guul soo hoyi doonaan inshaa alaah
waan u hambayeeynaa dhamaan cayaartoyda soomaaliyeed waxaan u rajeynayaa guul inay soo hoyaan
waxaaan u rajaynayaa ciyaartoyda somaaliyeed guuul, waxaaana kula talin lahaaa iyaga iyo ciyaaartoyda kale ee metelaya dawladah muslimka ah in ay soomaaaan,ilaaaah raaali geliya hana raaali gelinina ciyaaaaro aaan aaakhiro waxba kuu tarayn
Labadaba Ciyaartooy meesha la geeyey si xaq ah looma xullin. Soomaalina ma’ matalaan illaa si xaq ah loo xullo dadka is reeb eeb kadib balse Tarsan wuxuu soo xullay marabno
waa mahad saan tihiin soomaliyaay waaba iskudaydan in aad ciyaartaa waa mahad illahay